Connect with us

Wararka Somali

Xog: Xiisad horseedi karta iska hor-imaad oo ka taagan xarunta gobolka Banaadir -…

Muqdisho (Wararka Maanta) – Waxaa sii xoogesatay xiisad iyo is faham waa muddo dheer u dhaxeeya ciidan ka titsan booliska Soomaaliya oo ilaalo ka haya xarunta dowladda Hoose ee Xamar iyo ciidanka ilaalada u ah guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho. 

Ilo-wareedyo ka tirsan xafiiska guddoomiyaha iyo ciidanka booliska ee ku sugan xarunta gobalka ayaa Wararka Maanta u sheegay in todobaad ka hor ay dhacday halis weyn kadib markii ay is qabteen labada ciidan, taas oo sababi gaartay in xarunta lagu dagaalamo. 

Ciidanka la socda duqa magaalada oo ah kuwa aad u hubeysan ayaa u badan kuwa xigtidiisa ah oo ah maleeshiyadii uu haysan jiray markii uu ahaa hoggaamiye kooxeedka, waxaana la sheegay in ay dhowr jeer u hanjabeen ciidanka booliska ee halkaasi ku sugan. 

Labadaan ciidan ayaa isku qabtay marar badan hab maamulka amniga xarunta oo aan saldhigan tan iyo markii la dilay duqii hore ee saraakiil kale.

Wararka Maanta :   Xasan Sheekh oo markale digniin kasoo saaray arrimaha ciidamada - Wararka Maanta

Cumar Filish ayaa kadib dilkii Allaha u naxariistee Injineer Yariisow ka aamin baxay ciidamada dowladda, wuxuuna wataa ciidan awood badan oo kasoo jeeda beesha Daa’uud ee uu ka dhashay halka ciidankii booliska ay iyagana weli joogaan xarunta.

Ciidamada Filish oo inta badan shaki qaba ayaa la sheegay inay marar badan ku amar taagleeyeen ama si aan wanaagsaneyn ula dhaqmeyn ciidamada booliska, taasi oo ah sababta mar kasta dhalisa xiisadda.

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in ilaa hadda aysan jirin cid arrintaan wax ka qabatay islamarkaana ay keeni karto in goobtaasi lagu dagaalamo.

Wararka Maanta :   Man United oo ku dhawaaqday in milkiilaha iska leh Glazer uu iibin...

Wararka Maanta!

Wararka Somali

Bankiga Dhexe Somaliya oo Liisanka Mobile Money guddoonsiiyay…

Bankiga Dhexe ee Somaliya ayaa maanta Shirkadda Isgaarsiinta Somtel guddoonsiyay ruqsadda adeegga lacagaha teleefanada leeskugu diro ee Mobile Money Licence.

Ruqsadan ayaa ahmiyad u leh sharciyaynta shirkadaha bixiya adeegan, xasilinta hab-maaliyadeedka dalka, ilaalinta hantida macaamiisha iyo tan shirkadaha gaarka loo lee yahay.

Adeegga lacagaha teleefanada ee Somtel bixiso (e-dahab) ayaa sanadihii ugu dambeeyay si weyn looga icticmalayay dalka.

Masuuliyiin uu ugu sareeyay Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha Somaliya, Khaliif Cabdi Cumar ayaa ka qaybgalay munaasabadda Somtel lagu guddoonsiyay ruqsadan oo lagu qabtay Hotel Decale ee Magaalada Muqdisho.

Wararka Maanta :   Xisbiga Kulmiye oo isu soo baxyo ka sameeyay gobolada iyo degmooyinka Somaliland...

Wasiirka Ganacsiga oo munaasabadda ka hadlay ayaa marka hore bogaadiyay shirkadda la guddoonsiyay ruqsadan, oo buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa.

Wasiirka ayaa tilmaamay inay tani meesha ka saareyso nuglaanshaha adeegga maaliyadeed ee dalka, maalgelinta argagixisada, lacagaha la dhaqo iyo halista ku aaddan lacagaha aan nidaamsanayn.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in adeegani uu fududeeyo ganacsiyada yar yar, oo sida uu sheegay lafdhabar u ah dhaqaalaha bulshada Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa Liisanka adeegga e-dahab guddoonsiiyay Maareeyaha Guud ee Dahabshiil Group, Xasan Cabdi Cawad.

Wararka Maanta :   Daawo: Gabar lagu la'aa Muqdisho oo meydkeeda laga dhex helay digsi weyn -...

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa sheegay in Somtel ay noqonayso shirkaddii labaad oo hesho aqoonsigan caalamiga ah ee hannaanka maaliyadeed ee dalka.

27-kii bishii February ee sanadkan ayay ahayd markii ugu horeysay oo Baanka Dhexe uu bixiyo ruqsadda adeegga lacagaha teleefanada ee loo yaqaano Mobile Money Licence, oo xilligaa la guddoonsiiyay Hormuud Telecom.

Nagala soo xiriir Wararka Maanta

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Militeriga Soomaaliya oo ka hor-tegay qorshe ay damacsanaayeen…

Muqdisho (Wararka Maanta)- Faahfaahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ciidanka xoogga dalka iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ku dhex-maray duleedka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaalkii maanta oo si gaar ah uga dhacay tuulooyinka Busleey iyo Buulo-Aluundi ayaa waxaa qaaday ciidamada dowladda, kadib markii ay ka war-heleen weerar abaabulan oo uga soo wajahnaa dhanka Al-Shabaab.

Saraakiishii hoggaamineysay howlgalkaas ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay Al-Shabaab uga dileen 7-dagaalame, sidoo kale ay ku dhaawaceen tiro kale.

Wararka Maanta :   DF oo soo saartay go'aan lagu joojinayo in Kenya ay duqeyn dambe ka fuliso...

Guutada 14-ka October militeriga Soomaaliya ayaa fulisay howgalkan lagu dilay dagalamayaasha ka tirsanaa Al-Shabaab.

Inta badan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerarro gaadmo ah ku qaada saldhigyada ay ciidamada militeriga Soomaaliya ku leeyihiin gobolka Shabeellada Hoose, waxaana aad u yar weerarrada laga hor-tago oo ay soo abaabusho kooxdu.

Hase yeeshee ciidamda dowladda ayaa la sheegay inay maanta ka war heleen weerar culus oo kooxdu ay la damacsaneed fariisimo ay militeriga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wararka Maanta :   Taliska ciidamada oo amray in xuquuqdooda loo dalbo saraakiil sare + Magacyadooda...

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo magacaabay guddi soo baara xaaladda…

Sabti, Juun, 12, 2021 (Wararka-Maanta) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo baara cabashada waalidiin Soomaaliyeed oo sheegay in aysan war iyo wacaal ka helin carruurtoodii oo ay sheegeen in tababar loogu diray dalka Eritrea.Guddigan oo ka kooban shan xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah wasiirka gaashaandhigga, Xasan Xuseen Xaaji, waxaana xubno ka ah taliyaha ciiddanka xogga dalka iyo safiirka Ethiopia ee Soomaaliya.

Magacaacidda guddigan ayaa ka dhalatay qeylo dhaan soo laalaabatay oo ka timid waalidiin Soomaaliyeed oo ka cabanayay in carruurtooda laga qeyb galiyay dagaaladii ka dhacay Ethiopia.

Wararka Maanta :   DF oo soo saartay go'aan lagu joojinayo in Kenya ay duqeyn dambe ka fuliso...

Maalintii khamiistii, maamulka Puntland ayaa soo bandhigay shan dhalinyaro ah oo sheegay in ay kasoo baxsadeen Eritrea, kuwaas oo sheegay in dhalinyaradii tababarka loo qaaday qaar la dilay.

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Ra’iisal Wasaare Rooble oo magacaabay guddi baara cabashada…

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi baara cabashada waalidiinta Soomaaliyeed ee sheegay inaanay ka war hayn ubadkoodii tababarka loogu qaaday dalka Eritrea.

Guddigan oo shan xubnood ka kooban ayaa waxaa gudoomiye looga dhigay Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji.

Nagala soo xiriir Wararka Maanta

Wararka Maanta!

Wararka Maanta :   Maxkamadda ciidamada oo go'aan kasoo saartay dilkii marxuum Dhagajuun - Caasimada...
Continue Reading

Wararka Isbuuca