Connect with us

Wararka Somali

Xog: Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo Rooble la wadaagay arrin aysan ku…

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Wararka Maanta u sheegay in Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u gudbiyeen cabasho ay ka qabaan sida ay baarista u sameeyeen guddigii heerka wasiir ee loo saaray kala saarista xubnaha guddiga doorashooyinka ee cabashada laga qabo. 

Labadaan Madaxweyne oo sidoo kale Murashaxiin ah ayaa qoraalka ay u gudbiyeen Maxamed Xuseen Rooble waxay kaga aragti dhawaayeen hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, kaasi oo ahaa in guddiga ay wali ku jiraan xubno ka tirsan ciidanka NISA iyo taageerayaasha Farmaajo. 

Sidoo kale xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in ay cabasho ka ahaayeen in liiska guddiga oo ay ku wareejiyeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble la faafiyay iyadoo aysan ballantu sidaas aheyn. 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aan wax wadatashi ah laga yeelan qaabka baarista islamarkaana aan lala wadaagin natiijada ka hor inta aan la shaacin, iyagoo qoraalkooda ku dalbaday in dib u eegis markale la sameeyo si loo helo doorasho aan boob aheyn. 

Wararka Maanta :   Sawiro: Qorsho cusub oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab oo lasoo bandhigay - WararkaMaanta

Shaacinta liiska ayaa loo arkaa qorshe looga hortagayo in gadaal laga faro-geliyo liiska, ayada oo la tuhmayo inay ka dambeyso Villa Somalia, si mucaaradka looga dhigo kuwa cabasho joogto ah wada.

Shariif iyo Xasan Sheekh iyo Murashaxiin kale oo ka tirsan Midowga Murashaxiinta ayaa wali ka hadlin arrintaan waxaana la sheegay in qaarkood ay si hoose u gudbiyeen cabashadooda. 

Sababta aysan Xasan iyo Shariif si shaacsan uga hadal arrintan ayaa lagu sheegay inaysan dooneyn inay culeys siyaasadeed saaraan Rooble, oo ay u arkaan nin wax badan ka qabtay arrimihii la isku hayey, balse ay rabaan in wax walba hab hoose lagu xaliyo.

Wararka Maanta :   Madax goboleedyada dalka oo ‘is-afgarad gaaray’ iyo wararkii ugu dambeeyey

Wararka Maanta!

Wararka Somali

Gen. Biixi oo sheegay xilliga dalka lagu soo celin doono dhalinyarada …

Muqdisho (Wararka Maanta) – Taliyaha ciidanka dhulka ee militeriga Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo wax laga weydiiyey arrinta dhalinyarada tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ee warkooda lala’yahay ayaa sheegay in dhalinyaradaas iyo kuwo tababar u jira dalal kale oo caalamka ah dib loo soo celin doono markii ay soo dhameystaan tababarrada u socda.

Taliyaha oo u waramay Radio Muqdisho ayaa ka meermeeray inuu si toos ah uga warbixiyo dhalinyarada la weysan yahay ee dowladdu u qaaday dalka Eritrea, balse waxa uu si adag u beeniyey in ciidan Soomaaliyeed oo tababar ku maqan ay ka dagaalameen dal kale.

Wararka Maanta :   Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay socdaan dadaalo lagusoo celinayo...

“Xaqiiqadu waxay tahay ciidan uu dal tababar u dirsaday, wadan kale dagaal ma geli karo, boqolaal kun oo ciidan ayuu leeyahay dalka Eritrea, marka waxaba ugama baahna ciidan dal kale, cid u ogolaaneysana maba jirto, marka waa been, mana dhici karto in ciidankeenii uu dagaal galay,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Sidoo kale waxa uu sheegay Taliye Biixi in dowladdu ay soo celin doonto ciidamada tababarrada uga maqan dalka markii ay dhameystaan tababarkooda, isagoo waalidiinta Soomaaliyeed ugu baaqay inay is dejiyaan oo aysan rumeysan wararka suuqa ku jira.

Wararka Maanta :   Sawiro: Qorsho cusub oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab oo lasoo bandhigay - WararkaMaanta

Maalmihii la soo dhaafay waxaa cirka isku shareertay cabashada waalidiinta Soomaaliyeed ee carruurtooda tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo war iyo wacaal toona laga waayey, dowladuna ay dhagaha ka fureysatay in jawaab waafi ah ay ka bixiso nolosha ama geerida dhalinyaradaas.

Hadal heynta iyo baadigoobka dhalinyaradaas ayaa soo cusboonaatay todobaadkii hore markii hey’adda xuquuqda aadanaha u qaabilsan Qaramada Midoobey ay soo saartay warbixin sheegeysa in ciidan Soomaaliyeed oo laga keenay dalka Eritrea ay ka dagaalameen gobolka Tigray ee waqooyga dalka Itoobiya.

Wararka Maanta :   Mareykanka oo war kasoo saaray rabshadihii Muqdisho, jeediyey hanjabaad culus -...

Hoos ka dhageyso wareysiga


Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Somaliland iyo Taiwan oo kala saxeexday heshiis caafimaad

Arbaco, Juun, 16, 2021 (Wararka-Maanta)- Somaliland iyo Taiwan ayaa kala sexeexday heshiis caafimaad oo dib loogu casriyaynayo isbitaalka guud ee  Hargeysa, isla markana lagu keenayo dhakhatiir Taiwanese ah.Warbixin laga soo saaray heshiiska ayaa lagu yidhi” Heshiiskan waxa si weyn loogu casriyeyn doonaa Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, Sidoo kale waxa Cisbitaalka ka hawl-gali doona dhakhaatiir waaweyn oo dalka Taiwan ka socda oo si rasmi ah uga shaqayn doona Cisbitaalka”.

Labada dhinac ayaa sidookale kala sexeexday in Taiwan ay tababarto boqolaal howl wadeeno caafimaad ah isla markaana maal galiso dhismayaal cusub oo lagu kordhindoono isbitaalka wayn.

Wararka Maanta :   Sawiro: Qorsho cusub oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab oo lasoo bandhigay - WararkaMaanta

Waxa kale oo lagu heshiiyay in Taiwan ay ka shaqayso horumarinta caafimaadka guud ee Somaliland.

Wajiga koobaad ee heshiiska ayaa socon doona mudo 5 sano ah kadibna dib u cusboonaysiin ayaa lagu samayn doona.

Dhinaca Somaliland waxa heshiiska u saxeexay wasiir ku xigeenka Arrimaha dibada Libaan Yusuf Cisman dhinaca Taiwan na wasiirka arrimaha dibada Joseph Wu.

Abdilahi Abdi Rahman,

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Turkiga oo farriin usoo direy dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed – Caa…

Ankara (Wararka Maanta) – Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareeysay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu weeraray Xerada Tababarka Janeral dhega-badan ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac badan.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay inay aad uga xun tahay dowladda qaraxaas, oo ay ku naf waayeen ku dhawaad 20 ruux oo u badna dhalinyaro.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkii foosha xumaa ee argagixiso ee lagu bartilmaameedsaday ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed, waxaana tacsi tacsi tiiraanyo leh u direeynaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaan u rajeynaynaa in  Alle u naxariisto kuwii ku naf waayey weerarka,” ayaa lagu yiri qoraalkaas.

Wararka Maanta :   Daawo: Xildhibaanadii laga mamnuucay kalfadhigga BF oo go’aan gaaray

Qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay inay dowladdooda sii wadi doonto garab istaagooda ku aadan dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka qaraar kula jira argagixisada Al-Shabaab.

Qaraxa oo ahaa nooca is-miidaaminta oo shalay ka dhacay xerada ciidamada General Dhaga Badan oo ku taalla Ex Warshaddii hore ee Nac-Naca ee degmada Wadajir.

Qaraxa ayaa waxaa fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, kaas oo beegsaday dhalinyaro loo qorayey ciidanimo, si loogu tababaro gudaha xeradaasi.

Wararka Maanta :   Ciidamada Danab oo gaari qarax siday ku gubay gobolka Shabeelaha Hoose

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay afaafka hore ee xerada, xilli ay saf ku jireen askarta cusub oo loo diyaarinayey ka mid noqoashada ciidamada Gorgor.

Sidoo kale qofka is qarxiyey ayaa la sheegay inuu iska soo dhigay dhalinyarada dooneysa inay qortaan ciidanimada, isla-markaana uu is qarxiyey, marka uu soo galay safka.

Dadka ay qaraxa shalay waxyeeladu kasoo gaartay ayaa ahaa dhalinyaro safaf ugu jiray inay qortaan ciidanimada oo ku sugnaa gudaha xeradaas.

Wararka Maanta :   Shirkii u dhexeeyey DF iyo dowlad goboleedyada oo maanta dib u billowday

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Isbuuca