Connect with us

Wararka Somali

Xog: Laba qodob oo sababay inay dowladda Kenya joojiso duulimaadyada Soomaaliya -…

Muqdisho (Wararka Maanta) – Dowladda Kenya ayaa shalay soo saartay go’aan ay ku joojineyso duulimaadyada ka yimaada Soomaaliya, marka laga reebo duulimaadyada caafimaadka iyo kuwa gargaarka bani’aadannimo. 

Si rasmi ah looma shaacin sababta go’aanka, hase yeeshee waxaa la sheegay in joojinta ay jiri doonto muddo saddex bilood ah, waxeyna ku soo aaday saacdo kadib markii ay Soomaaliya sheegtay in aysan fasaxin qaadka ka iman jiray dalka Kenya. 

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in Kenya u joojisay laba arrin oo kala ah. 

1- In dowladda Soomaaliya aysan fasaxin qaadka ka yimaada dalka Kenya oo sanadkii malaayin lacag ay ka hesho dowladda Kenya. Wararku waxay sheegayaan in nin la dhashay Madaxweyne Farmaajo oo lagu magacaabo Xasan Farmaajo iyo Cali Yare Cali ay dalka keenaan qaadka Itoobiya dartoodna loo joojiyay kan Kenya.

Wararka Maanta :   Xog: Farmaajo oo eedda muddo kororsiga dusha u saaray guddoomiye Mursal - WararkaMaanta

Qaadka Kenya ayaa markii hore u xirnaa ganacsato Soomaali ah, hase yeeshee maadaama aan laga wareejin karin la joojiyey gebigiisa si mashruuc kale oo dhanka Itoobiya ah loogu furo Xasan Farmaajo iyo Cali Yare, kaasi oo ay malaayiin dollar hadda ka sameeyaan. 

2- Warqad ay dowladda Soomaaliya u dirtay Midowga Afrika, taasoo lagu dalbaday in la badalo ergaygii dhawaan loo soo magacaabay Soomaaliya oo ah madaxweynihii hore ee Kenya John Mahama, waxaana warqadda ku qornaa inuu daganyahay Kenya islamarkaana uu ganacsi ku leeyahay. 

Arrintaas ayaa loo arkaa in wali muujineyso in Soomaaliya ay wali ku taagantahay dagaalka siyaasadeed ee dalka Kenya, islamarkaana soo-celinta xiriirka uu muuqdo mid ku kooban kaliya oraah, oo aan ficil laga muujin.

Wararka Maanta :   Dibad-bax lagu dalbanayo soo celinta askartii loo qaaday Eritrea oo ka...

Waxaa la filayaa in dowladda Qatar markale soo kala dhaxgasho labada dal oo ay markii hore ka shaqeysay inay soo celiso xariirkooda.

Wararka Maanta!

Wararka Somali

Bankiga Dhexe Somaliya oo Liisanka Mobile Money guddoonsiiyay…

Bankiga Dhexe ee Somaliya ayaa maanta Shirkadda Isgaarsiinta Somtel guddoonsiyay ruqsadda adeegga lacagaha teleefanada leeskugu diro ee Mobile Money Licence.

Ruqsadan ayaa ahmiyad u leh sharciyaynta shirkadaha bixiya adeegan, xasilinta hab-maaliyadeedka dalka, ilaalinta hantida macaamiisha iyo tan shirkadaha gaarka loo lee yahay.

Adeegga lacagaha teleefanada ee Somtel bixiso (e-dahab) ayaa sanadihii ugu dambeeyay si weyn looga icticmalayay dalka.

Masuuliyiin uu ugu sareeyay Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha Somaliya, Khaliif Cabdi Cumar ayaa ka qaybgalay munaasabadda Somtel lagu guddoonsiyay ruqsadan oo lagu qabtay Hotel Decale ee Magaalada Muqdisho.

Wararka Maanta :   Sacuudiga oo shaacisay tirada sanadkaan xajinaysa iyo sharuudaha laga rabo

Wasiirka Ganacsiga oo munaasabadda ka hadlay ayaa marka hore bogaadiyay shirkadda la guddoonsiyay ruqsadan, oo buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa.

Wasiirka ayaa tilmaamay inay tani meesha ka saareyso nuglaanshaha adeegga maaliyadeed ee dalka, maalgelinta argagixisada, lacagaha la dhaqo iyo halista ku aaddan lacagaha aan nidaamsanayn.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in adeegani uu fududeeyo ganacsiyada yar yar, oo sida uu sheegay lafdhabar u ah dhaqaalaha bulshada Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa Liisanka adeegga e-dahab guddoonsiiyay Maareeyaha Guud ee Dahabshiil Group, Xasan Cabdi Cawad.

Wararka Maanta :   Dilalka ganacsatada ka soo cusboonaaday xuduudda Somaliya iyo Kenya

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa sheegay in Somtel ay noqonayso shirkaddii labaad oo hesho aqoonsigan caalamiga ah ee hannaanka maaliyadeed ee dalka.

27-kii bishii February ee sanadkan ayay ahayd markii ugu horeysay oo Baanka Dhexe uu bixiyo ruqsadda adeegga lacagaha teleefanada ee loo yaqaano Mobile Money Licence, oo xilligaa la guddoonsiiyay Hormuud Telecom.

Nagala soo xiriir Wararka Maanta

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Militeriga Soomaaliya oo ka hor-tegay qorshe ay damacsanaayeen…

Muqdisho (Wararka Maanta)- Faahfaahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ciidanka xoogga dalka iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ku dhex-maray duleedka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaalkii maanta oo si gaar ah uga dhacay tuulooyinka Busleey iyo Buulo-Aluundi ayaa waxaa qaaday ciidamada dowladda, kadib markii ay ka war-heleen weerar abaabulan oo uga soo wajahnaa dhanka Al-Shabaab.

Saraakiishii hoggaamineysay howlgalkaas ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay Al-Shabaab uga dileen 7-dagaalame, sidoo kale ay ku dhaawaceen tiro kale.

Wararka Maanta :   Maxay yihiin ciidamada ay QATAR u tababareyso DF?

Guutada 14-ka October militeriga Soomaaliya ayaa fulisay howgalkan lagu dilay dagalamayaasha ka tirsanaa Al-Shabaab.

Inta badan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerarro gaadmo ah ku qaada saldhigyada ay ciidamada militeriga Soomaaliya ku leeyihiin gobolka Shabeellada Hoose, waxaana aad u yar weerarrada laga hor-tago oo ay soo abaabusho kooxdu.

Hase yeeshee ciidamda dowladda ayaa la sheegay inay maanta ka war heleen weerar culus oo kooxdu ay la damacsaneed fariisimo ay militeriga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wararka Maanta :   R/W Rooble: Kaalin nooce ah ayuu ka qaadan karaa xiisada dhalinyarada la...

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo magacaabay guddi soo baara xaaladda…

Sabti, Juun, 12, 2021 (Wararka-Maanta) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo baara cabashada waalidiin Soomaaliyeed oo sheegay in aysan war iyo wacaal ka helin carruurtoodii oo ay sheegeen in tababar loogu diray dalka Eritrea.Guddigan oo ka kooban shan xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah wasiirka gaashaandhigga, Xasan Xuseen Xaaji, waxaana xubno ka ah taliyaha ciiddanka xogga dalka iyo safiirka Ethiopia ee Soomaaliya.

Magacaacidda guddigan ayaa ka dhalatay qeylo dhaan soo laalaabatay oo ka timid waalidiin Soomaaliyeed oo ka cabanayay in carruurtooda laga qeyb galiyay dagaaladii ka dhacay Ethiopia.

Wararka Maanta :   QM, Midowga Yurub, IGAD iyo AU farriin cad u diray DF iyo dowlad goboleedyada - WararkaMaanta

Maalintii khamiistii, maamulka Puntland ayaa soo bandhigay shan dhalinyaro ah oo sheegay in ay kasoo baxsadeen Eritrea, kuwaas oo sheegay in dhalinyaradii tababarka loo qaaday qaar la dilay.

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Ra’iisal Wasaare Rooble oo magacaabay guddi baara cabashada…

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi baara cabashada waalidiinta Soomaaliyeed ee sheegay inaanay ka war hayn ubadkoodii tababarka loogu qaaday dalka Eritrea.

Guddigan oo shan xubnood ka kooban ayaa waxaa gudoomiye looga dhigay Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji.

Nagala soo xiriir Wararka Maanta

Wararka Maanta!

Wararka Maanta :   Siyaasiyiinta beesha Gedo oo ka horyimid qodobada Gedo ee heshiiska...
Continue Reading

Wararka Isbuuca