Connect with us

Wararka Somali

Xog: Isbaheysiga mucaaradka SOMALILAND oo wajahaya culeys hor leh + Sa…

Wararka Maanta

Hargeysa (Wararka Maanta) – Isbaheysiga Xisbiyada mucaaridka Somaliland ee horaanta bishii hore lagu dhawaaqay ayaa xiligan wajahaya culeys hor leh, oo fashilin kara qorshihii uu mucaaridka ka lahaa isbaheysigaas, sida ay ogaatay Wararka Maanta.

Xubno sarre oo ka tirsan xisbiyada Waddani iyo Ucid oo la hadlay Wararka Maanta ayaa sheegay in Isbaheysiga mucaaridka uu wajahayo culeys hor leh, midaasi oo uu ka dambeeyo madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi.

“Isbaheysigii mucaaridka wejigiisi koowaad ee hoggaanka golaha deegaanka waa hirgelay, laakiin wajigii labaad ee guddoonka Wakiiladda ayaa fashil ku dhow, waxa soo fara-geliyay madaxweynaha oo isagu dabada ku wata wasiirkiisi hore, wuxuuna ku fan-gareynayaa lacagtii dowladda,” ayuu yiri mid kamid xubnaha mucaaridka ah ee la hadlay Wararka Maanta.

Wararka Maanta :   Dib u dhac ku yimid doorashada Aqalka sare iyo Beesha Caalamka oo shur...

Sidoo kale waxay sheegen in madaxweynaha uu lacag badan ku kala fur-furay xildhibaanadii labada xisbi ee ayagu qeybta ka ahaa isbaheysigii mucaaridka, taasi oo meesha ka saareysa in xisbiyada Waddani iyo Ucid ay ka aqlabiyad bataan xisbiga Kulmiye.

Madaxweynaha Somaliland ayaa waxa uu guddoomiyaha golaha wakiilada oo ah Golaha keliya ee la horgeeyo inta badan heshiisyada xukuumadda la rabaa Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda, Yaasiin Faratoon, oo asagu kal hore iska casilay xilkii uu ka hayay xukuumadda Muuse Biixi.

Wararka Maanta :   Howl-gal culus oo laga fuliyey xaafado ku dhow Villa Soomaaliya + Ujee...

Yaasiin Faratoon oo saaxiib dhow yihiin Muuse Biixi ayaa xiligan haysta codka inta badan xildhibaanada Golaha, ka gadaal markii ay xukuumadda kharash badan ku kala fur-furtay isbaheysiga mucaaridka, inkasta oo la ogeyn halka ay arrintaan ku biyo shuban doonto.

Wararka Maanta

Wararka Somali

Wada-hadal guuldareystay oo Xalay Zoom-ka ku dhex maray Rooble & Maamu…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa  xalay wada hadalo khadka Zoom-ka ka yeeshay xaaladihii ugu dambeeyey doorashada Soomaaliya.

Wada-hadalka Rooble iyo Maamul Goboleedyada ayaa dood dheer ka yeeshay sidii loo dardar gelin lahaa doorashooyinka, Arrinta Somaliland, , Hirgelinta soo  jeedinta Guddiga dib u heshiisiinta Gedo iyo xalinta caqabadaha weli ka jira doorashada.

Sida ay xogta sheegeysa wada-hadalka Xalay ayaa kusoo dhamaaday fashil, mana jirto wax natiijo ah oo laga gaaray qodobadii laga wada-hadlay.

Wararka Maanta :   Dab khasaaro nafeed gaystay oo ka kacay xaafad ka tirsan Hargaysa

Dhinacyada ayaa ku kala aragti duwanaaday arrinta Somaliland,  waxaana soo ifbaxay in madaxda Maamul Goboleedyada ay dhexooda kala taageerayaan labada garab ee Siyaasiyiinta Somaliland kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

Kulanka Xalay ayaa kusoo aadayo xilli Dib u dhac uu ku yimid Doorashada Senatarada Aqalka Sare BFS oo waqti ahaan loo asteeyay 25-ka July 2021 oo maanta ku began in ay lagu qabto Magaalooyinka Muqdisho, Jowhar, Dhuusamareeb, Garoowe, Baydhabo iyo Kismaayo.

Wararka Maanta :   Doorashadii aqalka sare oo ay mar kale ku timid dib u dhac

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ayaa dhawaan xoojiyay habraaca lagu hagayo Doorashada Aqalka Sare, Golaha Shacabka & tan Madaxweynaha balse dib u dhaca jira uu sababi karo in uu isbadal ku yimaado jadwalka.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada oo soo bandhigay sharuudaha…

Wararka Maanta

Axad, Luulyo, 25, 2021 (Wararka-Maanta) – Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka, ayaa soo saaray sharuudaha cabashooyinka aqalka sare, xilli maanta lagu wado in la shaaciyo guddiyada doorashooyinka iyo musharraxiinta aqalka sare.Guddiga ayaa sheegay in ay cabashada soo gudbin karaan, musharrax kaste oo buuxiyay sharuudaha, xildhibaanada dowlad goboleedyada iyo ergada dooranaysa wakiillada Soomaliland.

Guddiga xallinta khilaafaadka waxay sidoo kale sharuud maaliyaddeed oo dhan $3,000, ku xireen cid kaste oo doonaysa in ay cabasho usoo gudbiso.

Wararka Maanta :   Howl-gal culus oo laga fuliyey xaafado ku dhow Villa Soomaaliya + Ujee...

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Dib u dhac ku yimid doorashada Aqalka sare iyo Beesha Caalamka oo shur…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Waxaa mar kale dib u dhac ku yimid markii saddexaad doorashada Aqalka Sare oo Guddiga Doorashada heer federaal uu shaaciyey inay bilaaban doonto 25-ka July, 2021 oo ku beegan Maanta.

Dib u dhacan ayaa la sheegay inuu ka yimid diyaar garow la’aan iyo cagajiidka Maamul Goboleeyada, waxaana ugu dhow Maamulka Jubbaland oo howsha Doorashada Aqalka Sare ay uga harsan tahay inuu Madaxweynaha maamulkaasi liiska Musharixiinta u gudbiyo Guddiga Doorashooyinka Jubbaland.

Wararka Maanta :   Mareykanka oo go'aan ka gaaray sharci ay si weyn uga war sugayeen Soom...

Ilaa iyo hadda a jirto Liiska Musharixiin oo la hayo, waxaana sidoo kale fasax ku maqan Baarlamaanka Galmudug oo aan isu imaaneynin ka hor 1-da Ogost, mana muuqdo olole doorasho oo socda.

Arrintan waxay mugdi kale sii gelineysaa Doorashada Dadban ee Federaalka oo muddo dheer dib u dhacday, welina u muuqata mid jiitameysa.

Beesha Caalamka ayaa la sheegay inay shuruud ka dhigtay qabashada Doorashada Aqalka Sare si ay u bixiso dhaqaalaha doorashada, laakiin maamul Goboleedyada iyo Gudiyadooda ayaa doonaya in dhaqaale lagu siiyo Doorashada Aqalka Sare, taasoo beesha caalamka ay diidan tahay.

Wararka Maanta :   Wasiir Saajin "30 kii sano ee Soomaaliya jirtay Awdal baa ugu liidatay"

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal (FEIT), iyo xubno la socda ayaa Shalay Magaalada Kismaayo u tegay dardar-galinta qabsoomidda doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Maraykanka oo difaacay duqeymihii uu fuliyay Soomaaliya todobaadkii hore

Wararka Maanta

Axad, Luulyo, 25, 2021 (Wararka-Maanta) – Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in duqeymaha mareykanka ee lagu bartilmaameedsanayo Al-Shabaab ay xoojinayaan weerarada ka dhanka ah kooxda argagixisada ee xiriirka la leh Al-Qaacida.Hadalkaan ayaa u muuqday mid wasaaradda gaashaadhigga Maraykanka kaga jawaabayso qoraal kasoo baxay xildhibaan Ilhan Omar oo su’aallo ka keentay duqeymihii ugu dambeeyay ee Galmudug.

“Dhawaan waxa dhacay waxa weeye ciidamada aan iskaashiga leenahay ayaa kordhiyay howlgalladooda, waxayna dib u riixayeen Al-Shabaab,” ayuu Austin u sheegay wariyeyaasha isaga la safraya ee ku sugan saldhigga ciiddamada cirka ee Alaska.

Wararka Maanta :   Farmaajo oo ka hadlay guusha Abiy ee doorashada Itoobiya - Radio...

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa Al-Shabaab ku bartilmaameedsaday labo duqeyn oo dhacday 20-kii July iyo 23-kii July, ka dib muddo ku dhow lix bilood oo hakad uu soo galay markii uu talada la wareegay Madaxweyne Joe Biden.

Milatariga Soomaaliya ayaa loollan adag oo dhanka dhulka ah la galay Al-Shabaabkii ku sugnaa maamulka Galmudug, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday labada duqeyn oo diyaaradaha Mareykanka ay fuliyeen.

Milatariga Mareykanka ayaa fuliyay 63 weerar oo cirka ah oo ka dhan ah Al-shabaab sanadkii 2019 iyo 53 duqeyn ah oo sanadkii hore ah.

Wararka Maanta :   Xaafadda Daarusalaam ee Muqdisho oo si weyn looga ciiday...

Saraakiisha Mareykanka ayaa sharraxaad ka bixiyay gaabiska ku yimid duqeymaha iyagoo u cuskanaya dib u eegis maamulka Biden uu ku sameeyay siyaasadda duulimaadka militariga.

Dowladda Soomaaliya ayaa aad uga walaacsanayd duqeymo la’aanta taasoo kooxda Alshabaab u ogolaatay inay ka soo baxaan dhuumashada.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Wararkii ugu dambeeyey Kismaayo iyo Axmed Madoobe oo magacaabayo liisk…

Wararka Maanta

Kismaayo (Wararka Maanta) – Baarlamaanka Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo ku began 25-ka July 2021 dooranaya Senatarada Aqalka Sare BFS sida uu shaaciyay Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dowlad-Goboleedkaas & Guddiga kale ee Baarlamaankaas uu magacaabay.

Magaalada Kismaayo xarunta KMG ah ee DG Jubbaland waxaa ka socda diyaargarowga doorashada 8-da Senatar ee Dowlad-Goboleedkaas ku metalaya Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka.

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa Shalay gaaray Kismaayo si ay goobjoog uga noqdaan doorashada Maanta lagu wado in ay dhacdo.

Wararka Maanta :   Sawirro: Beesha caalamka oo aqbashay codsi uu R/W Rooble hordhigay maa...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu soo saaro liiska Musharixiinta doonaya inay u tartamaan Xildhibaannada Aqalka Sare.

Axmed Madoobe ayaa Maanta waxaa uu la kulmayaa Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo uu horkacayo Guddoomiyaha Guddiga, kuwaas oo shalay gaaray Kismaayo si ay Axmed Madoobe kala wareegaan liiska Musharixiinta Aqalka Sare qeybta Jubbaland.

Sidoo kale Xubnaha Guddiga doorashooyinka ee Heer Federaal ayaa waxaa ay la kulmi doonaan musharixiinta Aqalka Sare ee loo soo gudbiyo si ay ugala hadlaan qabsoomida doorashada Aqalka Sare.

Ammaanka Magaalo Xeebeedka Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, waddooyinka waxaa la dhigay Ciidamo dheeraad ah oo ah Nabadsugidda, Booliiska iyo askar ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Wararka Maanta :   Galmudug iyo Puntland oo ka hadlay dad shacab ah oo isku qoys ah oo lagu...

Jubbaland haddii ay ku guuleysato qabsoomidda Doorashada 8-da kursi ee Aqalka sare waxa ay noqoneysaa Dowlad-Goboleedkii ugu horeeyay ee soo gudbiya Senatarada ku metalaya Federaalka 2021.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Daawo: Cumar Filish oo faah-faahin ka bixiyey isku dayo la doonayey in…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish oo shalay ka qeyb galay kulan duco ah oo xarunta dowladda hoose ee Xamar loogu sameeyey mas’uuliyiintii laba sano ka hor, 24-kii July 2019-kii lagu qarxiyey xaruntaas, ayaa sheegay in xilligaas kadib la qabtay dad kale oo doonayey inay isaga isku qarxiyaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in markii uu yimid xafiiska, si looga badbaado dhibaatadii hore oo kale shaqaalaha dhan la marsiiyey baaritaan, taas oo sida uu sheegay uu kala kulmay dhaleeceyn badan, balse uu ku adkeystay.

Wararka Maanta :   Xoogaga Al-Shabaab oo billaabay inay isu soo dhiibaan Galmudug - Caasi...

“Markii la isoo magacaabay, balse aana weli xafiiska fariisan waxaa la ii sheegay in la qabtay dad kale oo loo qorsheeyey inay isku key qarxiyaan, kadib markii aan xafiiska imid dad kale ayaa la qabtay, hey’adaha ammaanka iyo garsoorka ayaana kiiskooda u deynay, dadkeenii waxaa laayey cadaw, welina waa sii wataan howshooda, waxaa la sheegaa in qofkii is qarxiyey uu ka mid ahaa maamulka gobolka, weliba agaasimayaashii xiligaas uu ka tirsanaa,” ayuu yiri Cumar Filish.

Sidoo kale Guddoomiye Cumar ayaa sheegay inay ku dadaaleen in dadka inta hartay cadawga laga badbaadiyo, isla markaana ay dib u diiwaan geliyeen shaqaalaha maamulka.

Wararka Maanta :   Caruur walaalo ah oo ku geeriyootay dab ka kacay Hargeysa - Caasimada ...

“Intii dhimatay Allaha u naxariisto waxaan ku dadaalnay, inta nool dadka sidii aan u ceymin laheyn, waxaan qaadanay go’aan ah dhamaan shaqaalaha gobolka Banaadir in dib loo diiwaan geliyo oo qof macluumaadkiisa oo dhan la soo ogaado, kadibna damaanad loo sameeyo oo bal qofka la aqoonsado,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish waxa uu sheegay in diidmo iyo dhaleeceyn badan uu kala kulmay in baaritaan heerkaas ah lagu sameeyo shaqaalaha, “Maanta qof kasta oo ka mid ah shaqaalaha gobolka Banaadir macluumaadkiisa dowladda heysa.” Ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay intii uu xafiiska joogay inuu soo iibiyey qalab iskaan ah oo aad u baara dadka soo gelaaya xarunta dowladda hoose ee Xamar, sidoo kalena uu sameynay ciidamo nabad sugid ah oo dadka ku dhex jira, kuwaas oo aan la wada aqoon, dad badana soo qabtay, sida uu sheegay.

Wararka Maanta :   Mareykanka oo go'aan ka gaaray sharci ay si weyn uga war sugayeen Soom...

Hoos ka daawo

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Isbuuca