Connect with us

Warka Ciyaaraha

Xog Cusub: Kooxaha Premier League Oo Sanadkaan Lasoo Baxeen Awood Dheeri Ah.

Waxaa sanadkaan awoodooda lasoo baxay kooxaha ka dhisan horyaalka premier league marka laga hadlo koobka ay ka qeyb gelayaan ee champions league iyo Europe League kuwaas oo guulo kasoo hoyiyeen.

Kooxaha premier Leageu ayaa talaabo u qaaday in ay dhamaantood isugu yimaadaan Final-dada tartamada yurub ee xilli ciyaareedkan kadib kulamadii lugta 1-aad ee la ciyaaray Semi-final-ka.

Kooxda Man City ayaa PSG ku soo garaacday Garoonkeeda waxana ay haatanab hal lug la gashay Final-ka champions League markii ugu horaysay taariikhdooda iyaga oo ugu cad-cad in ay gaadhaan final-ka tartanka.

Wararka Maanta :   Dhaqaale cusub oo DF la siinayo oo la ansixiyey

Dhanka kale kooxda chelsea ayaa bar-baro Real Madrid kula soo gashay iyaga oo soo dhaliyay gool marti ah oo muhiim ah kaas oo go’aamin kara in ay chelsea iska xaadiriso Final-ka tartanka markii ugu horaysay tan ilaa 2012 markaas oo ay ku guulaysteen koobka.

Hadii aan ka hadalno Europa League kooxaha Man United iyo Arsenal ayaa ugu cad-cad in ay iska xaadiriyaan Finalka Tartanka iyaga oo iska xaadirin kara tartanka sidii ay laba kooxood oo premier League ah isugu arkeen final-ka sidii sanadkii 2019 markaas oo ay wada ciyaareen Arsenal iyo Chelsea.

Wararka Maanta :   Falanqeynta Kulanka Real Madrid Vs Liverpool Ee UEFA Champions League...

Man United ayaa guul weyn oo 6-2 ah ka gaadhay kooxda Roma waxana ay haatanba hubtaa in ay gaadhay final-ka tartanka Europa League marka loo eego in aan la filayn in ay Roma dhaliso 4 gool kulanka lugta 2-aad.

Dhanka kale Arsenal ayaa guuldaro 2-1 ah kala kulantay kooxda Vilarreal laakiin Gunners ayaa dhalisay gool muhiim ah oo marti ah maadama ay kulanka lugta 2-aad kaliya u baahanyihiin guul 1/0 ah si ay isaga xaadiriyaan finalka tartanka Europa League.

Wararka Maanta :   Dowladda Maraykanka oo Ergay cusub usoo magacaabatay geeska Afrika

Ugu dambeyn waxaa la arki doonaa mesha ay gaari doonaan maadama ay dhiman lugo kale oo ay macquul tahay in soo Laabasho lagu sameeyo

 

Wararka Ciyaaraha!

Warka Ciyaaraha

Kylian Mbappe Oo Si Maldahan U Sheegay In Shaki Laga Qabo Mustaqbalka Paris…

Weeraryahanka Paris Saint-Germain Kylian Mbappe ayaa shidaal kusii daray sheekada ku hareeraysan mustaqbalkiisa isagoo sheegay inuusan garanaynin meesha u fiican “isaga”.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa qandaraas kula jira Parc des Princes 12 bilood oo kale, laakiin wadahadalada ku saabsan kordhinta ayaan wali horseed u noqonin xal wanaagsan.

Real Madrid iyo Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u yihiin inay u dhaqaaqaan Mbappe haddii uu go’aansado inuu mustaqbalkiisa ciyaareed ku horumariyo meel kale, weeraryahankuna wuxuu qirtay inuusan weli hubin halka ugu habboon ee uu ku wajahan yahay.

Wararka Maanta :   Wax ka ogoow 10 xidig oo ku fashilmeen kooxda manchester united...

Isaga oo la hadlaya wariyaasha, 22 jirkan ayaa yidhi: “Waxaan u baahanahay in aan qaato go’aanka saxda ah, ee adag, oo aan naftayda siiyo fursada ugu fiican ee aan si fiican go’aan ugu gaadho.

“Waxaan joogaa meel aan ku faraxsanahay, waxaan dareemayaa wanaag. Laakiin ma tahay meesha ugu fiican aniga? Wali jawaab uma hayo.”

In kasta oo calaamatu su’aal saaran tahay mustaqbalkiisa, madaxweynaha PSG Nasser Al-Khelaifi ayaa dhawaan caddeeyay in Mbappe “waligiis” aysan kooxdu iibin doonin , isla markaana aysan u oggolaan doonin inuu uga tago si xor ah.

Wararka Maanta :   Kooxaha Chelsea Iyo PSG Oo Guulo Gaaray Lugta Hore Ee Wareega 8aad...

Wararka Ciyaaraha!

Continue Reading

Warka Ciyaaraha

Xilliga Barcelona Ay Dhameystiri Doonto Heshiiska Memphis Depay Oo La…

Kooxda Barcelona ayaa kalsooni ku qabto inay dhameystirto heshiiska xidiga kooxda Lyon Memphis Depay isbuuca soo aadan kaas oo ah mid xor ah waxaana uu aad ugu dhow inuu aado kooxda ku dheesho garoonka Camp Nou sida laga soo xigtay Mundo Deportivo.

Wadahadalka u dhexeeya kooxda reer Spain ee barcelona iyo weeraryahanka reer Holland iyo Kooxda Olympic Lyon ayaa marayaan meel xasaasi ah iyadoo lasoo gebagabeyn doono dhawaan kaas oo qandaraaskiisa kooxda Lyon uu ku egyahay dhamaadka bishaan.

Wararka Maanta :   Dhaqaale cusub oo DF la siinayo oo la ansixiyey

Barca ayaa ka walwalsan heshiiska ciyaaryahankan oo tartan kala kulmeyso kooxda reer talyaani ee juventus si kastaba ha noqotee barcelona ayaa ka warqabto in dhawaan laga dulqaaday xidigii qadka dhexe ee isna holland u dhashay ee
Gini Wijnaldum kaas oo ku biiray Paris Saint-Germain.

Wararka Ciyaaraha!

Continue Reading

Warka Ciyaaraha

Waa Kuma Xidiga Uu Jurgen Klopp Ka Dhigi Doono Kabtanka Afaraad Ee Reds.

Weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah ayaa laga dhigi doonaa kabtanka Afaraad ee kooxda kooxda Liverpool kadib bixitaankii Wijnaldum Kooxda ayaa markii hore u heysatay afara kabtan oo kala ahaa Virgil van Dijk, Jordan Henderson, James Milner, iyo Georginio Wijnaldum

Ka dib bixitaankii Georginio Wijnaldum, Liverpool echo waxay sheegtay in Mohamed Salah loo magacaabi karo bedelka qadka dhexe ee Holland Diidmada Georginio Wijnladum ee ah in uu heshiis cusub u saxiixato Liverpool ayaa ku noqotay wax laga naxo inta badan taageerayaasha kooxda.

Wararka Maanta :   Waxaan Doonayaa Inaan Sii Wato Ronald Araujo Oo Ka Hadlay Mutaqbalkiisa Iyo...

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa haatan raadin doona ciyaaryahan buuxiya doorkii kabtanimada Weeraryahanka reer Masar Mohamed Salah ayaa muujiyay rabitaankiisa ah inuu kabtan u noqdo kooxda waqtiyadii hore.

28 jirka ayaa si la yaab leh u ahaa ciyaaryahanka ugu fiican Liverpool tan iyo markii uu kooxda kaga soo biiray AS Roma sanadkii 2017 Waxa uu dhaliyay 125 gool 203 kulan oo uu u saftay kooxda Reds Salah ayaa qeyb kasoo ciyaaray guushii Liverpool ee Champions League xilli ciyaareedkii 2018-19 iyo guushoodii ay ku hanteen koobkii ugu horeeyay ee Premier League xilli ciyaareedkii hore.

Wararka Maanta :   Dhaqaale cusub oo DF la siinayo oo la ansixiyey

Wararka Ciyaaraha!

Continue Reading

Warka Ciyaaraha

Liiska: Magacyada Sagaal Ciyaartooy Oo Liverpool Iibineyso Xagaagan Suuqa…

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp iyo khabiirka suuqa kala iibsiga Michael Edwards ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u yihiin inay iibiyaan ilaa iyo sagaal ciyaartoy oo Reds ah.

Labada nin ayaa qorsheynaya inay lacag u uruuriyaan xidigo cusub waxana ay doonayaan lacag dhan 60 milyan oo ginni, si ay suuqa uga soo adeegtaan

Liverpool ayaa durbaba ku bilaabatay suuqa kala iibsiga, iyadoo la soo saxiixatay daafaca aadka loo qiimeeyo ee reer France Ibrahima Konate oo ay kala soo wareegeen kooxda RB Leipzig.

Wararka Maanta :   Xog: 6 qodob oo xasaasi ah oo ay dalbanayaan Deni iyo Axmed Madoobe si uu shirka u furmo

Sida laga soo xigtay The Athletic, ilaa sagaal ciyaartoy ayaa ka tagi kara Liverpool xagaagan iyagoo qeyb ka ah dib u habeyn ballaaran.

Waxaa jira ciyaartoy badan oo ku qoran buugaagta Liverpool kuwaas oo aan ku sii jirin qorshaha Klopp isla markaana aan helin waqti ciyaareed joogto ah.

Iyo sagaalka ciyaartoy ee ku jira liiska ayaa kala ah Harry Wilson, Divock Origi, Marko Grujic, Xherdan Shaqiri, Liam Millar, Taiwo Awoniyi, Loris Karius, Sheyi Ojo, iyo Ben Woodburn.

Wararka Maanta :   Halyeeyga Manchester City Sergio Aguero oo ka hadlay joogitaanta...

Klopp ayaa lagu soo waramayaa inuu rumeysan yahay in Reds ay ku soo ceshan karto 60 milyan ginni iyadoo la iibinayo sagaalka xiddig, taasoo loo weecin karo saxiix cusub.

Xiddigaha diirada u saaran Liverpool waxaa ka mid ah Youri Tielemans iyo Lorenzo Pellegrini, kuwaas oo loo aaneynayo bedelka bedelka Georginio Wijnaldum, kaasoo si rasmi ah ugu biiray Paris Saint-Germain khamiistii.

Xiddiga reer Holland ayaa qandaraaskiisa Liverpool wuxuu dhacay bishaan isagoo diiday fursad uu kula saxiixan lahaa heshiisyo cusub.

Wararka Maanta :   Xanta Suuqa kala iibsiga: Kuwa laga qoray Konate, Messi, Cristiano Ronaldo, King,...

Wararka Ciyaaraha!

Continue Reading

Wararka Isbuuca