Connect with us

Wararka Somali

Waxa laga filan karo kulanka golaha shacabka ee maanta iyo wararkii ugu dambeeyey…

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa la filayaa inay maanta kulmaan ayada oo uu hor-iman doono madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo, oo hadal u jeedin doona.

Farmaajo ayaa la filayaa inuu xildhibaanada ka codsado inay ka laabtaan muddo kororsiga, islamarkaana ay taageeraan heshiiska 17-ka September, si la isugu dayo in dalka uu doorasho galo, ayada oo dib loo furayo wada-hadalladii ku aadanaa dhameystirka heshiiskaas.

Hase yeeshee, kulanka maanta ayaa waxaa hareeyey hubanti la’aan iyo cabsi xooggan oo ku aadan in guddoomiyaha baarlamanka uu qaato go’aan qalalaalse kale dalka u horseedaya, isaga oo la shaqeynaya Farmaajo, si la mid ah go’aankii 12-ka April ee muddo kororsiga.

Cabsida ugu xooggan ayaa waxay ka jirtaa in la isku dayo in xilka laga qaado ra’iisul wasaare Rooble, laguna adkeysto muddo kororsiga. Inkasta oo Mursal uu si shaacsan u beeniyey arrintan, haddana guuxa la xiriira ayaa weli ka dhex-jira xildhibaanada, waxaana socda hadal hayn badan.

Wararka Maanta :   Daawo: Somaliland oo soo bandhigtay saraakiil ‘kasoo goostay’ Danab iyo Gorgor

Waxaa suurta-gal ah in kulanka maanta uu ku ekaado hadal jeedinta Farmaajo oo kaliya, laguna kala tago, balse dib loogu ballamo kulan kale oo lagu eegayo arrinta doorashada.

Wax kasta oo ay ahaataba, isku day kasta oo al xiriira ku adkeysashada muddo kororsiga iyo xilka ka qaadista Rooble, ayaa dadka siyaasadda fallanqeeya waxay u arkaan is-miidaamin siyaasadeed, oo si buuxda usoo afjari doonta mustaqbalka siyaasadeed ee Farmaajo iyo Mursal.

Waa tan koowaadee, Farmaajo hadda ma haysto awood ciidan oo uu xukunka kusii joogo kadib markii ciidamada militariga ay laba u kala jabeen oo qaarkood ay diideen xukun dheereysiga, sidoo kalena dhammaan siyaasiyiinta Hawiye, oo ay ku jiraan Rooble, Guudlaawe iyo Qoor Qoor ay diideen muddo kororsiga.

Waa tan labaadee, waxay soo afjari doontaa dulqaadka yar ee Farmaajo ugu haray dalalka beesha caalamka qaarkood, kuna qasbi doontaa inay qaataan go’aan looga wareejinayo maamulka doorashada dalka, looguna aqoonsanayo qaswade, laga go’doomiyo caalamka intiisa kale.

Haddii arrinta muddo kororsiga ama xil ka qaadista Rooble aysan labadaba dhicin, waxaa suurta-gal ah in baarlamanku laalo muddo kororsiga, laguna laabto wada-hadallo cusub, kadibna sidii lagu yaqaan Farmaajo uu mar kale ciyaaro siyaasad kale oo ila-meereyso ah.

Dhinaca kale, inta badan xildhibaanadii horey uga shaqeeyey muddo kororsiga oo ku dhowaa 60 ayaa badankood ka cararay Muqdisho oo dibadaha aaday markii ay soo galeen ciidanka diidan muddo kororsiga, ayaga oo ka cabsanaya in loo beegsado qaladkii iyo sharci-darradii ay sameeyeen ee xiisadda siyaasadeed gelisay dalka, waxaana suurta-gal ah in kooram la’aan ay ku dhacdo kulanka.

Si kastaba, Mursal oo marar badan qabtay kulamo sharci-darro ah, sharciya badanno saxiixay ayada oo aanu kooramka buuxin, sida kulankii muddo kororsiga oo ay joogeen kaliya 56 xildhibaan, ayaa mar kale la filayaa inuu kulanka qabto isaga oo sharci-darro ah.

Wararka Maanta :   38 qof oo COVID-19 ugu geeriyooday Degmada Caabudwaaq

Wararka Maanta!

Wararka Somali

Bankiga Dhexe Somaliya oo Liisanka Mobile Money guddoonsiiyay…

Bankiga Dhexe ee Somaliya ayaa maanta Shirkadda Isgaarsiinta Somtel guddoonsiyay ruqsadda adeegga lacagaha teleefanada leeskugu diro ee Mobile Money Licence.

Ruqsadan ayaa ahmiyad u leh sharciyaynta shirkadaha bixiya adeegan, xasilinta hab-maaliyadeedka dalka, ilaalinta hantida macaamiisha iyo tan shirkadaha gaarka loo lee yahay.

Adeegga lacagaha teleefanada ee Somtel bixiso (e-dahab) ayaa sanadihii ugu dambeeyay si weyn looga icticmalayay dalka.

Masuuliyiin uu ugu sareeyay Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha Somaliya, Khaliif Cabdi Cumar ayaa ka qaybgalay munaasabadda Somtel lagu guddoonsiyay ruqsadan oo lagu qabtay Hotel Decale ee Magaalada Muqdisho.

Wararka Maanta :   Saciid Deni oo Muqdisho soo gaaray + Halka uu degay iyo cidda sugeysa amnigiisa

Wasiirka Ganacsiga oo munaasabadda ka hadlay ayaa marka hore bogaadiyay shirkadda la guddoonsiyay ruqsadan, oo buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa.

Wasiirka ayaa tilmaamay inay tani meesha ka saareyso nuglaanshaha adeegga maaliyadeed ee dalka, maalgelinta argagixisada, lacagaha la dhaqo iyo halista ku aaddan lacagaha aan nidaamsanayn.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in adeegani uu fududeeyo ganacsiyada yar yar, oo sida uu sheegay lafdhabar u ah dhaqaalaha bulshada Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa Liisanka adeegga e-dahab guddoonsiiyay Maareeyaha Guud ee Dahabshiil Group, Xasan Cabdi Cawad.

Wararka Maanta :   Ciidamo ka amar qaata Cali Guudlaawe iyo Shataqeey oo dacwad laga gudbiyey - WararkaMaanta

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa sheegay in Somtel ay noqonayso shirkaddii labaad oo hesho aqoonsigan caalamiga ah ee hannaanka maaliyadeed ee dalka.

27-kii bishii February ee sanadkan ayay ahayd markii ugu horeysay oo Baanka Dhexe uu bixiyo ruqsadda adeegga lacagaha teleefanada ee loo yaqaano Mobile Money Licence, oo xilligaa la guddoonsiiyay Hormuud Telecom.

Nagala soo xiriir Wararka Maanta

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Militeriga Soomaaliya oo ka hor-tegay qorshe ay damacsanaayeen…

Muqdisho (Wararka Maanta)- Faahfaahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ciidanka xoogga dalka iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ku dhex-maray duleedka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaalkii maanta oo si gaar ah uga dhacay tuulooyinka Busleey iyo Buulo-Aluundi ayaa waxaa qaaday ciidamada dowladda, kadib markii ay ka war-heleen weerar abaabulan oo uga soo wajahnaa dhanka Al-Shabaab.

Saraakiishii hoggaamineysay howlgalkaas ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay Al-Shabaab uga dileen 7-dagaalame, sidoo kale ay ku dhaawaceen tiro kale.

Wararka Maanta :   Saciid Deni oo Muqdisho soo gaaray + Halka uu degay iyo cidda sugeysa amnigiisa

Guutada 14-ka October militeriga Soomaaliya ayaa fulisay howgalkan lagu dilay dagalamayaasha ka tirsanaa Al-Shabaab.

Inta badan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerarro gaadmo ah ku qaada saldhigyada ay ciidamada militeriga Soomaaliya ku leeyihiin gobolka Shabeellada Hoose, waxaana aad u yar weerarrada laga hor-tago oo ay soo abaabusho kooxdu.

Hase yeeshee ciidamda dowladda ayaa la sheegay inay maanta ka war heleen weerar culus oo kooxdu ay la damacsaneed fariisimo ay militeriga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wararka Maanta :   Maamulka golaha shacabka oo qiray in Mursal uu Sabtigii ciidan badan keenay xarunta

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo magacaabay guddi soo baara xaaladda…

Sabti, Juun, 12, 2021 (Wararka-Maanta) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo baara cabashada waalidiin Soomaaliyeed oo sheegay in aysan war iyo wacaal ka helin carruurtoodii oo ay sheegeen in tababar loogu diray dalka Eritrea.Guddigan oo ka kooban shan xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah wasiirka gaashaandhigga, Xasan Xuseen Xaaji, waxaana xubno ka ah taliyaha ciiddanka xogga dalka iyo safiirka Ethiopia ee Soomaaliya.

Magacaacidda guddigan ayaa ka dhalatay qeylo dhaan soo laalaabatay oo ka timid waalidiin Soomaaliyeed oo ka cabanayay in carruurtooda laga qeyb galiyay dagaaladii ka dhacay Ethiopia.

Wararka Maanta :   Dacwaddii ay DF kusoo oogtay Matt Bryden iyo ajaaniibta kale oo la...

Maalintii khamiistii, maamulka Puntland ayaa soo bandhigay shan dhalinyaro ah oo sheegay in ay kasoo baxsadeen Eritrea, kuwaas oo sheegay in dhalinyaradii tababarka loo qaaday qaar la dilay.

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Ra’iisal Wasaare Rooble oo magacaabay guddi baara cabashada…

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi baara cabashada waalidiinta Soomaaliyeed ee sheegay inaanay ka war hayn ubadkoodii tababarka loogu qaaday dalka Eritrea.

Guddigan oo shan xubnood ka kooban ayaa waxaa gudoomiye looga dhigay Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji.

Nagala soo xiriir Wararka Maanta

Wararka Maanta!

Wararka Maanta :   Warbixin: Waa sidee caawa xaaladda Muqdisho? - Wararka Maanta
Continue Reading

Wararka Isbuuca