Connect with us

Wararka Somali

Wasiir ka tirsan DF oo sabab yaab leh u dalbatay baaritaan lagu sameeyo…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay doorashada golaha deegaanka iyo wakiilada Somaliland ee dhacay 31-kii May, kuwaas oo shalay lasoo geba-gebeeyey shaacinta natiijooyinkooda.

Wasiirka haweenka ee xukuumadda Soomaaliya Xaniifa Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa sheegtay in la baarayo sababta 82 kursi oo Baarlamanka Somaliland loo tartamay hal dumar ah looga waayay, sidoo kale 221 kursi oo golayaasha deegaanka ah ay haweenka uga heleyn keliya saddex xildhibaan deegaan oo kaliya.

Wararka Maanta :   CC Shakuur: Hal-hayskii Farmaajo ee 'damac shisheeye' iyo horumarka de...

“Wasaaradda Haweenka, waxay si dhow ula socotay doorashadii qof iyo codka aheyd ee ka qabsoontay Somaliland 31 bishii May, taas oo ku dhacday jawi nabad geliyo ah, Murashaxiinta golaha baarlamaanka Somaliland, waxaa kamid ahaa gabdho lahaa hami siyaasadeed oo doonayay in ay kamid noqdaan golaha wakiilada oo ka kooban 82 kursi, nasiib daro dhammaan kuraasta waxaa ku guuleystay rag oo qof dumar ah kuma soo bixin tartanka ayaa lagu yiri,” ayey wasiirka ku tiri qoraal ay soo saartay.

Wararka Maanta :   Sanbaloolshe oo sharaxay sida Farmaajo uga shaqeeyey khilaafka ka dhex...

Sidoo kale qoraal ay si gaar ah usoo dhigtay barteeda shaqsiga ee facebook ayey qeexid cusub ugu sameysay doorashada ayada oo tiri “Doorashada qof iyo codka ah ee Somaliland, 82 kursi oo Barlamanka loo tartamay hal dumar ah kama soo bixin  . Sidoo kale 221kursi oo golayaasha deegaanka ah haweenku keliya waxay heleen sadex  xildhiban deegaan.”

Ugu dambeyn Wasaaradda Haweenka Xuquuqda Aadanaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqday in arrintaas baaritaan lagu sameeyo sababta ay ku dhacday in xitaa hal qof oo dumar ah ku guuleysanin in ay kamid noqoto baarlamaanka Somaliland oo ka kooban 82 xildhibaan.

Wararka Maanta :   Banaanbax Maalintii labaad Muqdisho ka dhigayaan Waalidiinta Caruurtooda ka...

Doorashada ka dhacday deegaanada Soomaaliland ayaa waxaa ku tartamay xisbiyada Kulmiye, UCID iyo Wadani, iyadoona doorashada sanadkaan ku jirin wax haweyn ah, waxaana durba dhaliilay siyaasiyiin iyo xukuumadda Soomaaliya.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay madaxda Soomaaliland oo ku aadan arinta ay ka dhalatay hadal haynta badan.

Wararka Maanta!

Wararka Somali

CC Shakuur: Hal-hayskii Farmaajo ee ‘damac shisheeye’ iyo horumarka de…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ah Midowga Musharaxiinta Mucaaridka ayaa ka hadlay dekedda Berbera oo dib u habeyn ballaaran lagu sameeyay, isagoona ku naqdiyey Farmaajo inuu kasoo horjeesto horumarka Somaliland.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegay in horumarka laga sameeyay dekedda Berbera uu kal hore isku dayey inuu is hortaago madxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Farmaajo.

“Farmaajo iyo xukuumaddiisaba waxay ka hor yimaadeen ballaarinta Dekadda Berbera, iyagoo halhayskoodu ahaa waa damac shisheeye,” ayuu ku yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Wararka Maanta :   Sanbaloolshe oo sharaxay sida Farmaajo uga shaqeeyey khilaafka ka dhex...

Sidoo kale waxa uu dowladda waqtigeeda uu dhamaaday ee uu hogaanka u hayo Farmaajo ku dhaliilay in Qaadka looga soo dhoofiyo Itoobiya ku bedelato Kalluun, xili ay dowladda Itoobiya ku howlan tahay ka faa’iideysiga kheyraadkeena.

“Mowqifkeennu maalinkaa wuxuu ahaa horumarinta kaabe dhaqaale ee Soomaali leedahay in uusan dowlad Soomaaliyeed dhib ku ahayn.”

“Wasiirradii Itoobiya ayaa daahfurkii ballaarinta Dekadda Berbera u jooga, Farmaajo iyo xukuumaddiisana waxay la gole yimaadeen; qaad ayaan kalluun ku beddelannay,” ayuu ugu dambeyntii ku yiri qoraalkiisa.

Wararka Maanta :   Faahfaahin kasoo baxeysa qarax miino oo Maanta ka dhacay degmada Balcad

Hadalkaan ayaa imanaya xili maanta xariga laga jaray dib u ballaarin lagu sameeyay dekedda Berbera ee Somaliland oo ay gacanta ku hayso shirkada DP World, oo ay heshiiskeeda kasoo horjeesatay dowladda federaalka.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Daawo: Beesha Sheekh Cali Dheere oo ka hor-timid natiijada baaritaanka…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Qaar kamid ah odayaasha beesha Saruur oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay baaritaan laga soo saaray dilkii magaalada Gaalkacyo loogu geystay Sheekh Cali Dheere oo kamid ahaa mas’uuliyiinta samafalka ka shaqeeya ee gobolka Mudug.

Waxay sheegen in marnaba aysan fileyn qaabka shalay loo shaaciyey natiijada dilka Sheekh, ayada oo guddiga loo xilsaaray baarista dilkaas ay shaaciyeen dad ay ku sheegen inay ku cadaatay dilka Sheekh Cali Dheere, halka ay dalbadeen in mas’uuliyiin ka tirsan gobolka Mudug iyo maamulkaas sharciga lala tiigsado.

Wararka Maanta :   Sawirro: PUNTLAND oo duulimaadyada caalamiga ah u fasaxday garoonka...

Odayaasha ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay arrintaas, oo ay sheegen in dad gaar ah lagu bartilmaameedsaday, islamarkaana ah gef, sida ay hadalka u dhigeen.

“Waxyaabo faro badan ayaa soo if-baxayay dhimashada Sheekha ka bacdi, waxaa xeerinayna wax badan, aamusnaantada aan aamusanahay kama turjumeyn dad aan fahmi kareyn waxa ku dhacaya laakiin waxaanu fiirineyn dhaawaca iyo xanuunka ay leedahay geerida,” ayuu yiri mid kamid ah Odayaasha la hadlay warbaahinta.

Wararka Maanta :   Faahfaahin kasoo baxeysa qarax miino oo Maanta ka dhacay degmada Balcad

“Shir jaraa’id ayey qabteen dadna wey magacaabeen, oo shaqsiyaad ayey target-gareeyen, waxaan rabnaa in aan meesha ka cadeyno oo aan u sheegno walaalaheen anagu waxaa nahay dadka Mudug dega, waxaana ka samirnay wax aan xaq u laheyn, markaa waxaa maanta na xanuujiyanaya anaga oo Mudug degan inay walaalaheen target-gareynayaan dad shaqo u tagay.”

Odayaasha beesha Saruur ee maanta warbaahinta la hadlay ayaa sidoo kale waxay si kulul uga hadleen tabasho ay ka qabaan beesha Sacad, oo ay isku hayaan arrimo dhowr ah oo ka taagan Gaalkacyo.

Wararka Maanta :   Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay Itoobiya - Wararka Maanta: Somali...

Hoos ka daawo muuqaalka

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Sawirro: Dekedda Berbera oo dib u habeyn ballaaran lagu sameeyay – Max…

Wararka Maanta

Berbera (Wararka Maanta) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xariga ka jaray mashruuc ballaaran oo dib u dhis iyo casriyeyn loogu sameeyey marsada caalamiga ah ee Berbera, taasi oo baaxaddeedii hore loogu kordhiyey 400 (Afar boqol).

Munaasibadda xarig ka jarista marsada Berbera ayaa waxaa ka qayb-galay wafuud caalami ah oo ay kamid yihiin wafdi Imaaraatiyiin ah oo uu hoggaaminayo maamulaha guud, ahna guddoomiyaha shirkadda DP World, Wafdi ballaadhan oo ka socda dalka Itoobiya oo uu hoggaaminayo wasiirka maaliyadda oo ay wehlinayso wasiirka gaadiidka iyo madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida.

Wararka Maanta :   Sawirro: PUNTLAND oo duulimaadyada caalamiga ah u fasaxday garoonka...

Sidoo kale waxaa wafdiga qeybta ka ahaa munaasibadaas kamid ahaa wafuud uu hoggaaminayo ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Guinea Bissau, Mudane Baciro Dja, wafdi ka socda dalka Kenya, Safiirrada Somaliland u fadhiya dalalka deriska iyo Taiwan, diblumaasiyiin caalami ah.

Maxaa lagu kordhiyay;

  • Waxaana ay markiiba xammili kartaa 500 oo koonteynaro cabbirkoodu yahay TEU.
  • Waxaa lagu soo kordhiyey 8 wiish oo kuwa gashaaman ah.
  • Qorshuhu wuxuu yahay in la gaadhsiiyo illaa 2 milyan oo TEU
  • Waxaa lagaa dhigayaa goob uu ku soo hirto ganacsiga geeska Afrika.
  • Waaa lagu dhawaaqay wejigii labaad ee dekedda Berbera.
  • Deked cusub ayaa iyana diyaar ahaan doonta saddexda sano ee soo socota oo la dhisi doono.
Wararka Maanta :   Booliiska dalka Kenya oo gacanta ku dhigay nin ku eedeysan afduubka...

Heshiiska DP World ee dekedda Berbera ee ay la gashay Somaliland ayaa wuxuu soo bilaabmay 2016-kii, ayada oo golaha wakiiladda Somaliland ay ansixiyeen 9-kii bishii Agoosto ee isla sanadkaas, taasi oo is-qab-qabsi gaaray gacan ka hadal uu ka dhacay fadhigii lagu ansixinayay ee baarlamaanka Somaliland.

Wararka Maanta Wararka Maanta Wararka Maanta Wararka Maanta Wararka MaantaWararka Maanta

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Ethiopia oo war kasoo saartay ‘in duqeyn cirka ah ku dishay’ 43 qof oo…

Wararka Maanta

Addis Ababa (Wararka Maanta) – Millateriga Ethiopia ayaa iska fogeeyay inay duqeyn cirka ah ku dileen dad shacab ah oo ku sugnaa suuq ku yaala gobolka Tigray, kuwaasi oo ay ku sheegeen inay ahaayeen dagaalyahano mucaarid ah oo lagu raad-joogay.

Afhayeenka ciidamada difaaca Qaranka Ethiopia, Colonel Getnet Adane oo la hadlay wakaalada Reuters ayaa sheegay “inaysan waxba ka jirin in dad gaaraya afartameeyo qof oo shacab ah ay duqeyn ku dileen,” balse ay ahaayeen dagaalyahano xirnaa dhar shacab.

Wararka Maanta :   Xasan Sheekh Maxamuud "Dhalinyaradii loo qaaday Eretariya madaxda talada...

Duqeynta ay fuliyeen ciidamada Ethiopia oo lagu dilay ugu yaraan 43 qof, ayaa waxa uu hogaanka Millateriga Ethiopia ku doodayaa in duqeyntaas lala beegsaday xoogaga kasoo horjeeda xukuumadda, kuwaasi oo xiligaas ku sugnaa suuq mashquul abdan oo ku yaala magaalada galbeedka ku taal ee Mekelle.

Afhayeenka milatariga wuxuu sheegay in dagaalyahannadu aysan ku sugnayn gudaha suuqa, laakiin ay isugu yimaadeen magaalada si ay u xusaan sanad-guuradii ka soo wareegtay markii la qarxiyay magaalo kale oo ka tirsan Tigray, Hawzen, 1988, kaasi oo ay geysteen hoggaamiyeyaasha shuuciga ee xilligaas xukumayay Ethiopia, waxaa ku dhintay boqolaal dad ah waxaana si weyn looga xusaa Tigray

Wararka Maanta :   Maxay DF ka tiri dib u dhaca booqashada wasiirka arrimaha dibadda Turk...

Sidoo kale Afhayeenka ciidamada difaaca Qaranka ayaa ku tilmaamay dacaayado been abuur ah oo ay baahisay TPLF in caruur ku dhaawacantay weerarka ay fuliyeen ciidamadooda, hase yeeshe waxaa la rumeysan yahay in weerarkaas ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah iyo caruur, maadama ay saxmad badan ka jirtay suuqa uu ka dhacay.

Weerarada Ethiopia ee aan kala sooca laheyn ayaa waxaa si weyn u cambaareeyey dalalka Mareykanka iyo Midowga Yurub, halka ay Qaramada Midoobay walaac ka muujisay weeraradaas.

Wararka Maanta :   Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ugu...

Millateriga Ethiopia ayaa tan iyo bishii November la dagaalamayay xoogag daacada u ah xisbiga Tigray ee People’s Liberation Front (TPLF), oo ahaa xisbigii hore u xukumi jiray gobolka, kuwaasi oo sababay barakaca dad ka badan labo milyan oo qof, ayada oo ay ku la’deen tiro kale oo dad ah.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo Muqdisho ku qaabilay Wafdi ka socday…

Wararka Maanta

Khamiis, Juun, 24, 2021 (Wararka-Maanta) – Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta Xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL.Kulanka dhexmaray Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed iyo xubnaha ka socday Booliiska Caalamiga ah ayaa looga hadlay sidii aay isaga kaashan lahayeen howlaha horumarinta Booliiska iyo kor u qaadista tababarada ciidamada Booliiska Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale waxyaabaha kulanka looga hadlay ka mid ahaa wada shaqeyn heer caalami ah oo dhexmarta Booliiska Soomaaliya iyo Booliiska INTERPOL.

Wararka Maanta :   Doorashadii ka dhici lahayd degaanka Soomaalida oo dib loo dhigay

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo bah wadaag la ah ciidanka Booliiska, G/sare Maxamed Aadan Koofi waxaana labada dhinac aay isla meel dhigeen iney dhexmarto wada shaqeyn buuxda.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Bangiga dhexe ee Soomaaliya oo go’aan kasoo saaray lacagta kontonka dollar …

Wararka Maanta

Khamiis, Juun, 24, 2021 (Wararka-Maanta) – Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay in la qaadan karo lacagta kontonka dollarka, taasoo bilihii ugu dambeeyay laga diidanaa suuqyada sarifka iyo bangiyada kuyaala Soomaaliya.Masuuliyiinta bangiga oo shir la qaatay madaxda bangiyada gaarka loo leeyahay, xawaaladaha iyo shirkaddaha bixiya adeegga lacagaha moobaylka ayaa sheegay diidmada lacagtaas, in ay ka dhalatay been abuur ku saabsan in suuqyada lasoo galiyay lacago faaliso oo ah konton dollar.

Wararka Maanta :   Doorashadii ka dhici lahayd degaanka Soomaalida oo dib loo dhigay

Bangiga iyo masuuliyiinta kale waxay isku afgarteen in dib loo bilaabo socodsiinta lacagta kontonka dollar ee muddada hakadka ku jirtay islamarkaana aysan jirin lacag been abuur ah oo suuqa lasoo galiyay. 

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Isbuuca