Connect with us

Wararka Somali

Waddamada reer Yurub oo warbixin kasoo saaray doorashooyinkii ka qabsoomay …

Talaado, Juun, 8, 2021 (Wararka-Maanta) – Waddamada reer Yurub, ayaa ugu hambalyeeyay shacabka, xukuumada, koomiishanka doorashooyinka iyo xisbiyada siyaasada, sidi guusha lahayd ee ay u qabteen doorashooyinkii wakiilada iyo deegaanka.Warbixin ay soo saareen waddamadani ayaa lagu yidhi “intii lagu guda jiray doorashooyinka, shacabka Somaliland waxay muujiyeen balan qaad adag oo ku wajahan nidaamka doorashada, ka qayb galka siyaasada iyo sii xoojinta dimuquradiyada”.

“Waxanu si gaara usoo dhawaynaynaa guushii taariikhiga ahayd ee beelaha lahayb sooca ay ka gaadheen doorashadii wakiilada iyo dhalinyarada faraha badan leh ee kusoo baxday doorashada”.

Wararka Maanta :   Heshiiska 17-kii September oo wajahaya saddex caqabad

Warbixinta ayaa lagaga hadlay haweenkii musharixiinta ahaa, waxana lagu sheegay in haweenkii ay dadal sameeyeen oo ay guulo gaadheen lakin taa macnahedu aanu ahayn in dumar badani soo baxeen.

“Waanu aqoonsanahay guulihi muhiimka aha ee ay gaadheen haweenka musharixiinta ahi, lakin waxanu aad uga xunahay in aan arrinta loo turjuman karin in dumar badan la doortay” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Waddamadan ayaa ku booriyay dhamaan cida ay khusayso in ay doorashadan cashar ka bartaan isla markaana ay doorashooyinka mustaqbalka u diyaar garooba sidi ay usoo saari lahayeen haween badan.

Wararka Maanta :   Maxaa iska bedalay go'aankii musharraxiinta ee guddiyada doorashada? -...

“Waxa muhiim ah in dhamaan dhinacyada ay khusaysa ay arrintan wax ka bartaan, dhamaan dowlada, xisbiyada iyo cidii kaleba in ay qaadan talaboyin ay ku xoojinayan ka qayb galka dumarka ee siyaasada ka hor doorashooyinka soo socda” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Waddamada ku midoobay warbixintan ayaa sheegay in ay ka go’an tahay in ay lasii shaqeeyaan Somaliland.

“Waxa naga go’an in aanu sii wadno wada shaqayn tayadii wax dhiska ahayd, si loo horumariyo nidaamka dimuquraadiyaynta iyo ka qayb galka beelaha lahayb sooco iyo dumarka ee siyaasada” ayaa lagu yidhi warbixinta.

Wararka Maanta :   Sheekh Shariif oo maalmo, kadib dib ugu soo laabtay dalka - Wararka Maanta

“Waxanu taageeraynaa doorashooyin wakhtigooda ku dhaca, waaxanu la shaqayn doona mudanayaasha cusub ee lasoo doortay iyo qadiyadaha kale ee danaha labada dhinac” ayay warbixintu ku dartay.

Warbixintan waxa ku saxeexan, Midowga Yurub, Belgium, Denmark, Finland, France, Germany, Ireland, Italy, Netherlands, Norway, Sweden, Switzerland, iyo Boqortooyada Ingiriiska.

Abdilahi Abdi Rahman,

Wararka-Maanta

Wararka Somali

Gen. Biixi oo sheegay xilliga dalka lagu soo celin doono dhalinyarada …

Muqdisho (Wararka Maanta) – Taliyaha ciidanka dhulka ee militeriga Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo wax laga weydiiyey arrinta dhalinyarada tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ee warkooda lala’yahay ayaa sheegay in dhalinyaradaas iyo kuwo tababar u jira dalal kale oo caalamka ah dib loo soo celin doono markii ay soo dhameystaan tababarrada u socda.

Taliyaha oo u waramay Radio Muqdisho ayaa ka meermeeray inuu si toos ah uga warbixiyo dhalinyarada la weysan yahay ee dowladdu u qaaday dalka Eritrea, balse waxa uu si adag u beeniyey in ciidan Soomaaliyeed oo tababar ku maqan ay ka dagaalameen dal kale.

Wararka Maanta :   Wararkii ugu dambeeyey ee kulanka xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya - WararkaMaanta

“Xaqiiqadu waxay tahay ciidan uu dal tababar u dirsaday, wadan kale dagaal ma geli karo, boqolaal kun oo ciidan ayuu leeyahay dalka Eritrea, marka waxaba ugama baahna ciidan dal kale, cid u ogolaaneysana maba jirto, marka waa been, mana dhici karto in ciidankeenii uu dagaal galay,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Sidoo kale waxa uu sheegay Taliye Biixi in dowladdu ay soo celin doonto ciidamada tababarrada uga maqan dalka markii ay dhameystaan tababarkooda, isagoo waalidiinta Soomaaliyeed ugu baaqay inay is dejiyaan oo aysan rumeysan wararka suuqa ku jira.

Wararka Maanta :   Xog: Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo u guuray xaafado cusub - WararkaMaanta

Maalmihii la soo dhaafay waxaa cirka isku shareertay cabashada waalidiinta Soomaaliyeed ee carruurtooda tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo war iyo wacaal toona laga waayey, dowladuna ay dhagaha ka fureysatay in jawaab waafi ah ay ka bixiso nolosha ama geerida dhalinyaradaas.

Hadal heynta iyo baadigoobka dhalinyaradaas ayaa soo cusboonaatay todobaadkii hore markii hey’adda xuquuqda aadanaha u qaabilsan Qaramada Midoobey ay soo saartay warbixin sheegeysa in ciidan Soomaaliyeed oo laga keenay dalka Eritrea ay ka dagaalameen gobolka Tigray ee waqooyga dalka Itoobiya.

Wararka Maanta :   Afar arrin oo sababay go'aankii uu qaatay Farmaajo - Caasimada Online

Hoos ka dhageyso wareysiga


Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Somaliland iyo Taiwan oo kala saxeexday heshiis caafimaad

Arbaco, Juun, 16, 2021 (Wararka-Maanta)- Somaliland iyo Taiwan ayaa kala sexeexday heshiis caafimaad oo dib loogu casriyaynayo isbitaalka guud ee  Hargeysa, isla markana lagu keenayo dhakhatiir Taiwanese ah.Warbixin laga soo saaray heshiiska ayaa lagu yidhi” Heshiiskan waxa si weyn loogu casriyeyn doonaa Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, Sidoo kale waxa Cisbitaalka ka hawl-gali doona dhakhaatiir waaweyn oo dalka Taiwan ka socda oo si rasmi ah uga shaqayn doona Cisbitaalka”.

Labada dhinac ayaa sidookale kala sexeexday in Taiwan ay tababarto boqolaal howl wadeeno caafimaad ah isla markaana maal galiso dhismayaal cusub oo lagu kordhindoono isbitaalka wayn.

Wararka Maanta :   Wararkii ugu dambeeyey ee kulanka xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya - WararkaMaanta

Waxa kale oo lagu heshiiyay in Taiwan ay ka shaqayso horumarinta caafimaadka guud ee Somaliland.

Wajiga koobaad ee heshiiska ayaa socon doona mudo 5 sano ah kadibna dib u cusboonaysiin ayaa lagu samayn doona.

Dhinaca Somaliland waxa heshiiska u saxeexay wasiir ku xigeenka Arrimaha dibada Libaan Yusuf Cisman dhinaca Taiwan na wasiirka arrimaha dibada Joseph Wu.

Abdilahi Abdi Rahman,

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Turkiga oo farriin usoo direy dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed – Caa…

Ankara (Wararka Maanta) – Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareeysay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu weeraray Xerada Tababarka Janeral dhega-badan ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac badan.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay inay aad uga xun tahay dowladda qaraxaas, oo ay ku naf waayeen ku dhawaad 20 ruux oo u badna dhalinyaro.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkii foosha xumaa ee argagixiso ee lagu bartilmaameedsaday ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed, waxaana tacsi tacsi tiiraanyo leh u direeynaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaan u rajeynaynaa in  Alle u naxariisto kuwii ku naf waayey weerarka,” ayaa lagu yiri qoraalkaas.

Wararka Maanta :   Maxaa iska bedalay go'aankii musharraxiinta ee guddiyada doorashada? -...

Qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay inay dowladdooda sii wadi doonto garab istaagooda ku aadan dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka qaraar kula jira argagixisada Al-Shabaab.

Qaraxa oo ahaa nooca is-miidaaminta oo shalay ka dhacay xerada ciidamada General Dhaga Badan oo ku taalla Ex Warshaddii hore ee Nac-Naca ee degmada Wadajir.

Qaraxa ayaa waxaa fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, kaas oo beegsaday dhalinyaro loo qorayey ciidanimo, si loogu tababaro gudaha xeradaasi.

Wararka Maanta :   Biden oo Xasuuq U Aqqoonsaday Dil Ay Cusmaaniyiintu Ka Gaysteen Armenia

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay afaafka hore ee xerada, xilli ay saf ku jireen askarta cusub oo loo diyaarinayey ka mid noqoashada ciidamada Gorgor.

Sidoo kale qofka is qarxiyey ayaa la sheegay inuu iska soo dhigay dhalinyarada dooneysa inay qortaan ciidanimada, isla-markaana uu is qarxiyey, marka uu soo galay safka.

Dadka ay qaraxa shalay waxyeeladu kasoo gaartay ayaa ahaa dhalinyaro safaf ugu jiray inay qortaan ciidanimada oo ku sugnaa gudaha xeradaas.

Wararka Maanta :   Riyad Mahrez Oo Go'an Ka Qaatay Mustaqbalkiisa Kooxda Manchester City

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Isbuuca