Connect with us

Warka Caalamka

Suudaan oo sheegtay inay qabsatay degaano ku yaal Itoobiya – Wararka Maanta:…

Wararka Maanta

Sudaan iyo Itoobiya ayuu Dagaal  goos goos ah dhaxmarayay tan iyo Bishii November ee sanadkii hore, iyada oo xiisadoodu sii xumaanaysay Marar badan oo laysku Dayay inaa la dhaxdhaxaadiyo labada dowladood.

Maleeshiyadka Axmaarada ayaa inta badan iska caabin kala hortagayay Ciidamada Suudan ee qabsaday degaano badan   siday sheegeen dadka ku nool degaanka  Beeraha ku haboon ee al-Fashqa.

Sudan iyo Ethiopia oo isku haysta dhulbereedka’ al fashaqa’ ayay sudaan sheegtay inay boqolkiiba 90% qabsatay dhulkii Muranku ka Tagnaa’ balse Ethiopia ayaa Arintaas’ Dulaan cad ku Tilmaantay.

Wararka Maanta :   Joe Biden oo U Ambabaxay Ka Qeybgalka Shirka G7 ee Ka Furmaya UK

Dagaaladan oo la sheegay inay maanta iyo shalay dhaxmareen Maleeshiyadka Axmaarada oo ay tageerayan’ Ciidamada Ethiopia’ ayay Milatariga Sudan sheegeen inay Dhowr aag oo horleh kula Waregeen.

Wararka Maanta!

Warka Caalamka

Askar Kenyan ah oo ku dhintay diyaarad soo dhacday – Wararka Maanta:…

Wararka Maanta

Sarkaal boolis oo Kenyan ah ayaa sheegay in 17 askari ay geeriyoodeen markii diyaarad helicopter ah oo ay ugu safrayeen layli ay ku dhacday duleedka magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Lix qof oo kale oo qaba dhaawacyo darran ayaa laga soo bad-baadiyey goobta diyaaradda ay ku dhacday oo ah Ole-Tepesi, oo ka tirsan degmada Kajiado, sida uu sheegay sarkaalka, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin sababo la xiriira inaan loo fasaxin inuu warbaahinta la hadlo.

Wararka Maanta :   Falanqeynta: Kulanka Italy Vs Wales Ee Euro 2020, Shaxda Iyo Xidigaha Ka...

Militari Kenya ayaa xaqiijiyey in diyaaradda ay dhacday, hase yeeshee ma aysan bixin faah-faahin. Militariga ma jecla inay shaaciyaan warbixinada khasaare intaas le’eg.

Qoraal kooban oo ay soo dhigeen twitter-ka ay militariga ku sheegeen in hadda uu socdo howlgal badbaadin ah.

Sarkaalka boolis ayaa sheegay in 23 askari ay saarnaayeen diyaaradda, markii ay dhacday subaxnimadii Khamiista.

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

Wafdi ka socda Booliska Caalamiga ah ee Interpol oo soo gaaray…

Wararka Maanta

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti INTERPOL ah wafdigaan oo ahaa heer caalami, ayaa booqasho ku yimid, Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee uu ku yaalo Xafiiska Hoggaanka Interpol.

Hayada Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo bah-wadaag la ah Ciidanka Boliiska, ayaa iyaduna qeyb ka aheyd kulanka, waxaana ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Hay’ada, G/sarre Maxamed Adan Koofi.

Ugu danbeyn, kulanka ayaa lagu gorfeeyay howlaha iyo Iskaashiga Interpol ee dhanka hay’adaha Amniga Soomaaliya, waxaana lagu balamay wadashaqeyn iyo iskaashi heer caalami ah.

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

Beesha Caalamka oo Ku Baaqday Baaritaan Lagu Sameeyo Weerar Ka Dhacay Gobolka…

Wararka Maanta

ADDIS ABABABeesha caalamka ayaa si kulul u cambaareysay sidoo kalena codsatay baaritaan lagu sameeyo weerar la sheegay in diyaaradaha milatariga Itoobiya ay ku duqeeyeen suuq ku yaalla magaalada Togoga ee gobolka Tigray.

Weerarkaas ayaa la sheegay in uu sababay khasaare naf iyo maalba leh oo soo gaaray dad rayid ah.

Qaramada Midoobay ayaa dowladda Itoobiya ugu baaqday in ay baadhitaan dhab ah ku samayso dhacdadaas lagu duqeeyay suuqa.

Mareykanka ayaa isaguna tilmaamay walaaca ay duqeyntani ku sii biirisay dhibaatooyinkii ka taagnaa gobolka Tigray isaga oo dowladda Itoobiyana ugu baaqay in ay gargaar caafimaad u fidiso dhibbanayaashii ku waxyeelloobay weerarkaas.

Wararka Maanta :   Deg Deg:Xogta Shirkii oo dib udhacay, Go’aanka Villa Somalia & Dagaalka...

Midowga Yurub ayaa duqeyntan ku micneeyay mid argagax badan oo meel ka dhac ku ah xuquuqda aadanaha iyaga oo arrinatan ku soo hadal qaadi doona kulankooda Khamiista iyo Sabtida.

Saraakiisha caafimaadka isbitaalka weyn ee Mekelle ayaa warbaahinta u sheegay in ugu yaraan 60 qof ay dhinteen in ka badan 40 kalena ay ku dhaawacmeen duqeynta ciidamada Itoobiya ay u geysteen suuqa waxayna intaa ku dareen in ay ka cabsi qabaan in khasaaruhu intaa ka sii bato.

Wararka Maanta :   Israel oo mar kale duqaysay Magaalada Qaza - Wararka Maanta:...

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

Madaxweynaha Dowlad degaanka oo safar deg deg ah ku tagaya Berbera -…

Wararka Maanta

Madaxwaynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar iyo wafdi heer federaal ah oo uu hoggaaminayo ayaa kasoo ambabaxay Magaalada Jigjiga, iyaga oo ku wajahan magaalada Barbara oo ay ku tagi doonan diyaarad khaas ah.

Madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa ka qeyb-galaya xarig ka jarka Dekadda Magaalada Berbera oo dib u casriyayn ballaaran lagu sameeyay.

Wasiirka maaliyadda deegaanka Soomaalida Mubashir Dubbad Raage oo kamid ah Wafdiga Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida ayaa yiri.

“Waxaan u amba baxbay, Bar bara oo aan maanta ka qayb qaadanayno xaflada furitaanka dakada Bar bera, oo kamida mashruuca horumarineed ee loo yaqaan Kadinka Barbara. Waxay wax badan ka badalay saa xidhiidh ka soo jireenka, walaal tinimo, dhaqaale iyo bulsho re deegaanka Somaalida iyo Somaliland”.

Wararka Maanta :   Mareykanka oo ciidamo la dagaalamo Al-Shabaab usoo diraya Kenya -...

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo mas’uuliyiin kale oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib ayaa ka qeyb galaya munaasabadda xarig jarka ballaarinta lagu sameeyay dekadda Berbera.

Previous articleDHAGEYSO: Warka Subax 24-6-2021

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

Bangiga Adduunka oo taageero horleh siinaya Soomaaliya – Radio…

Wararka Maanta

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Abuukar, (Cabdullahi Carab) iyo Madaxa Waxbarshadda Bariga iyo Koofurta Afrika Muna Salih Meky ayaa Aaladda Fogaan Aragga (Zoom meeting) kaga wada hadlay sidii ay iskaga kaashaan lahaayeen hurumarinta Waxbarshada.

Wasiirka Waxbarashada, Madaxa Madaxa Hurumarinta Waxbarashada Banka Aduunka ee Bariga, Koofurta Afrika ayaa kawada hadlay mashaariic ay iska kaashanayaan labada dhinac, uuna maalin gelinayo Bangiga Adduunka, ayaga oo isku afgartay in la bilaabo mashaariic cusub oo hadda diyaar ah.

Wararka Maanta :   Korneel Cali Xaanshi " Howlgalada gobolka Sh/dhexe waxaan ku dilnay 30 ka...

Wasiirka Waxbarashada ayaa balanqaaday ka miro dhalinta Mashaariicda ay kawada shaqeeyaan Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Somaaliya ee Arrimaha Waxbarashada.

Shirka ayaa kusoo dhamaaday ayada oo la isku afgartay dhaman qodobadii laga wada hadlay iyo sii xoojinta wada shaqeynta Ka dhaxeysa Wasaaradda Waxbarashada iyo Bankiga Adduunka..

Previous articleDagaal xoogan oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

Mareykanka oo Xayiray Bogag Iiraan ay Ku Lahayd Aaladda Internet-ka

Wararka Maanta

WASHINGTON(Wararka Maanta)-Mareykanka ayaa xayiray tobannaan barood oo dowladda Iiraan iyo maleeshiyaad ay taageerto ay ku lahaayeen barta Internet-ka.

Wasaaradda garsoorka Mareykanka ayaa sababta ay barahaasi u xayireen ku sheegtay in ay baahiyaan xogo marin habaabin ah.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ay xayirtay 33 barood oo ay adeegsanayeen midowga idaacadaha iyo telefishinnada Iiraan iyo saddex barood oo ay maamulayeen ururka xisbullaah ee ka dhisan dalkaas.

Wakaaladda wararka Iiraan ayaa sheegtay in Mareykanku xidhay tiro ka mid ah baraha warbaahinta dowladda ay ku lahayd aaladda internet-ka iyo kuwo ay dowladdu taageerto sida kooxda Xuutiyiinta.

Wararka Maanta :   Joe Biden oo U Ambabaxay Ka Qeybgalka Shirka G7 ee Ka Furmaya UK

Xiritaanka Mareykanka ee baraha Iiraan ayaa yimi iyada oo todobaadkan ay dalkaasi ka dhacday doorashada madaxweynaha oo loo doortay Ibraahim Ra’iisi. Waxaa intaa sii dheer in laga dhursugayo in dhawaan uu soo baxo go’aan la xariira arrimaha wadaxaajoodka nukliyeerka Iiraan.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Isbuuca