Connect with us

Wararka Somali

Sirdoonka Maaliyadeed ee Imaaraadka oo heshiisyo Is-afgarad ah la saxiixday…

Wararka Maanta

Isniin, Juun, 7, 2021 (Wararka-Maanta) – Hay’adda Sirdoonka Maaliyaddeed ee Imaaraatka Carabta ayaa la saxiixatay heshiis is afgarad ah waaxda Sirdoonka Maaliyadeed ee Bangladesh iyo Xarunta Warbixinta Maaliyadeed ee dowladda Federaalka Soomaaliya.Ujeedada laga leeyahay heshiiskaan ayaa qeyb ka ah dadaallada is-weydaarsiga macluumaadka maaliyaddeed iyo khibrad wadaaga, si loola dagaallamo dambiyada maaliyadeed ee dalalkaan ka dhaca.

Heshiisyadan, ayaa la kala saxeexday iyada oo la raacayo ujeeddada guud ee Imaaraadku ka leeyahay la dagaallanka lacagaha sharci darrada ah iyo maalgelinta kooxaha argagixisada, waxayna waddamadu hoosta ka xariiqeen is-weydaarsi sirdoon labada dhinacba faa’iidada u leh.

Wararka Maanta :   Somaliland : Xisbiga talada haya ee Kulmiye oo ka hadlay isbahaysiga...

Heshiiskan waxaa Imaaraatka u saxiixay Ali Faisal Ba’Alawi, madaxa sirdoonka maaliyadda UAE. Soomaaliya waxaa u saxiixday Amina Ali, agaasimaha xarunta Warbixinta Maaliyadeed. Halka Bangaladesh uu u saxiixay Abu Hena Mohammad, madaxa sirdoonka maaliyadda Bangladesh.

Cali Faysal Ba’Alawi, Madaxa Waaxda Sirdoonka Maaliyadeed ee Imaaraatka, ayaa sheegay heshiisyadan ay la galeen Soomaaliya iyo Bangladesh in ay dib u soo celinayaan dadaalkooda ka hortagga dambiyada maaliyadeed iyo xoojinta xiriirka ka dhexeeya Imaaraadka, Bangladesh iyo Soomaaliya.

Dalka Imaaraatka Carabta ayaa lagu tiriyaa inuu kamid yahay dalalka safka hore kaga jira dambiyada lacagaha la dhaqo ee afka qalaad lagu dhaho Money laundry, waxaana warbixin soo baxday sanadkii 2020 lagu sheegay in wax ka qabashada musuqmaasuqa iyo lacagta la dhaqay ee UAE ay tahay caqabad caalami ah oo ay tahay in wax laga qabto.

Wararka Maanta :   Kieran Trippier Oo Noqon Kara Saxeexa Saxda Ah Ee Daafaca Midig Ee Kooxda...

Wararka-Maanta

Wararka Somali

Haweeney ka tirsaneyd maamul degmo oo lagu dilay Muqdisho – Caasimada …

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Faah faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo saaka dabley hubeysan ay ka geysatay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay mid ka mid ah xaafadaha degmadaasi, waxaana loo geystay haweeney magaceeda lagu soo koobay Suldaano.

Wararka ayaa sheegaya in haweeneydaasi ay la shaqeyneysay maamulka degmada Karaan, isla-markaana ay ka tirsaneyd guddiga xalinta khilaafaadka maxkamadda degmadaasi.

Wararka Maanta :   Deg Deg: DF oo Jawaab Culus bixisay, Kenya oo isdhiibtay & Xogta Askartii...

Kooxihii ka dambeeyey toogashada marxuumadda ayaa goobta isaga baxsaday, kadib dhacdadaasi, sida ay goobjoogayaal u sheegeen Shabakadda Wararka Maanta.

Sidoo kale waxaa meesha uu dilku ka dhacay daqiiqado, kadib gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Ma jiro sidoo kale weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Kaaraan oo ku aadan falkaasi dilka ah.

Waa dilkii labaad ee saacado gudahood ka dhacaya Muqdisho, waxaana xalay degmada Dayniile kooxo hubeysan ay ku dileen guddoomiye waaxeed ka tirsanaa degmadaasi.

Wararka Maanta :   R/W Rooble: Kaalin nooce ah ayuu ka qaadan karaa xiisada dhalinyarada la...

Si kastaba maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha caasimada ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida dilal qorsheysan iyo qaraxyo geystay khasaare kala duwan.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo markale shir ku yeelanaya magaalada…

Wararka Maanta

Talaado, Juun, 22, 2021 (Wararka-Maanta) – Raysal wasaaraha Soomaaliya, madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xalay kulan kuwada yeeshay Aaladda wadahadalka khadka Zoom-ka.Kulanka xalay ku dhexmaray madaxda golaha wadatashiga qaran khadka Zoom-ka ayaa looga hadlay dardargelinta howlaha doorashoyinka dalka, waxayna isla meel dhigeen in Sabtiga soo socda isugu yimadaan magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale wararku sheegayaan in shirka aay isugu imaanayaan golaha wadatashi qaran aay hortagi doonaan guddiga farsamada arrimaha doorashooyinka dalka si aay usoo bandhigaan qorshayaasha ku saabsan doorashooyinka dalka ka dhaceyso.

Wararka Maanta :   Kenya oo shaacisay in ay dib u furayso Safaaradeedii Muqdisho

Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya oo loo xilsaaray hirgelinta doorasho xor iyo xalaal inuu ka qabto dalka ayaa u muuqanaya mid dardargelinayo howlaha culus ee horyaala.

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo oo ‘lagu xayiray’ Muqdisho + Sababt…

Wararka Maanta

Muqdsho (Wararka Maanta) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji (Macalimu) oo war qoraal ah soo saaray ayaa shaaciyey inuu ku xayiran yahay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, isaga oo baaq u diray ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Macalimu ayaa sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda NISA ay ka dambeeyaan xayiraadiisa, isla-markaana laga hor istaagay inuu aado gobolka Gedo iyo qoyskiisa.

“Waxaa nasiib daro ah anigoo ah masuul heer Jubaland ah oo shaqo fiican lasoo qabtay dowladda, kusoo dhaweeyay gobolka ciidanka dowlada, lasoo halgamay usoo dakanoobay haykalka dowladnimo oo aan mucaarad ku ahayn nidaamka Nabad iyo Nolol in la ii ogolaan waayo in aan booqdo deegaankaygii, caruurtaydii iyo gurigii aan ku dhashay. Sababtana ma aqaan, balse kaliya waxaan  ogahay inay ka dambeeyaan foolxumadaan madaxda hayada NISA,” ayuu yiri guddoomiyihii ee maamulka gobolka Gedo.

Cismaan Nuux Xaaji ayaa xusay in tani ay muujineyso in amniga dalka aan si sax ah loogu wareejin ra’iisul wasaaraha, taasina ay beenowday, sida uu hadalka u dhigay.

Wararka Maanta :   Somaliland oo u jawaabtay wasiirka haweenka dowlada Soomaaliya oo sheegtay ...

“Dalku wuxuu galay jawi doorasho, waxaana Madaxwayne Farmaajo uu masuuliyadii nabadgalyada iyo doorashada gacanta u galiyay Raysalwasaare Rooble, balse waxaa muuqata in taasi ay beenowday oo amni la wareejiyay aysan jirin. Sababtoo ah waxaa jira dhibaato xoogan oo hayada NISA ku hayso masuuliyiintii kasoo jeeday Gobolka Gedo,”.

Ugu dambeyn wuxuu baaq u diray Ra’iisul wasaare Rooble, isaga oo ka dalbaday inuu guddi gaar ah u xil-saaro dhibaato uu sheegay inay ka jirto garoonka Aadan Cadde, taas oo lagu hayo mas’uuliyiinta Gedo, xildhibaanada iyo sidoo kale Senatorada kasoo jeeda gobolkaasi.

Halkan hoose ka aqriso:-

FARIIN KU SOCOTO XAFIISKA RW ROOBLE

Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan gaar ahaan shacabka Jubaland waxaan u rajaynayaa guul barwaaqo, nabad midnimo iyo dooraaho xor ah.

Wararka Maanta :   Kenya oo shaacisay in ay dib u furayso Safaaradeedii Muqdisho

Waxaan ka tacsiyaynayaa dhibaatada ciidanka Kenya ay ku hayaan shacabka Gedo iyo Soomaalida ku sugan Nayroobi oo ay u dambaysay dilal qorshaysan iyo qafaalashada dad shacab u badan, kenya ha ogaato in Soomaali tashan doonto oo iska caabin doonto gardaradooda haddii aysan joojin. Looma dulqaadan karo xasuuqooda, aduunkiina waa ka aamusay.

Dalku wuxuu galay jawi doorasho, waxaana Madaxwayne Farmaajo uu masuuliyadii nabadgalyada iyo doorashada gacanta u galiyay Raysalwasaare Rooble, balse waxaa muuqata in taasi ay beenowday oo amni la wareejiyay aysan jirin. Sababtoo ah waxaa jira dhibaato xoogan oo hayada NISA ku hayso masuuliyiintii kasoo jeeday Gobolka Gedo, sida Xildhibaanada, Saraakiisha, Wariyaasha, Odoyaasha dhaqanka iyo cid kasta oo rabta inay ka dhoofto garoonka aadan cade oo u socota gobolka gedo.

Waxaa nasiib daro ah anigoo ah masuul heer jubaland ah oo shaqo fiican lasoo qabtay dowladda, kusoo dhaweeyay gobolka ciidanka dowlada, lasoo halgamay usoo dakanoobay haykalka dowladnimo oo aan mucaarad ku ahayn nidaamka Nabad iyo Nolol in la ii ogolaan waayo in aan booqdo deegaankaygii, caruurtaydii iyo gurigii aan ku dhashay. Sababtana ma aqaan, balse kaliya waxaan  ogahay inay ka dambeeyaan foolxumadaan madaxda hayada NISA.

Wararka Maanta :   Wiilal dhalinyaro ahaa oo lagu dilay magaalada Muqdisho - Wararka Maanta

BAAQ = RW ROOBLE waxaan ugu baaqayaa in uu guddi baara u saaro dhibaatada garoonka Aadan Cade ay ka wado hayada NISA ee lagu dhibaataynayo waxgaradka iyo siyaasiyiinta jubaland ee gobolka Gedo kasoo jeeda.

Sidee garbahaaray doorasho uga dhici kartaa iyadoo aan laga dhoofi karin garoonka aadan cade ? Yaa masuul ka ah amniga dalka ? Gedo soo dalka la wareejiyay amnigiisa kama mid ahan ? Ma Raysalwasaare Rooble baa amniga dalka masuul ka ah ? Mise Cabdulahi Kulane ?

Jawaab baan ka rabaa xafiiska pm Rooble. Waxaana bixin doonaa waraysiyo dheeraad ah iyo macluumaad dherraad ah oo aan saxaafada la wadaagi doono maalmaha soo socda insha allah.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Guddiga la dagaalanka musuq maasuqa oo sheegay inuu la dagaalamidoono musuq…

Wararka Maanta

Talaado, Juun, 22, 2021 (Wararka-Maanta) – Guddiga madaxa-bannaan ee la-dagaalanka musuq maasuqa ayaa soo saaray war-saxaafadeed digniin ah oo uu ku caddeynayo awoodiisa iyo kaalinta uga aadan hanaanka loo qabanayo doorashoyinka dalka.Guddiga ayaa balan qaaday inuu adkeyn doono kaalintiisa ku aadan xaqiijinta inay dalka ka dhacdo doorasho daahfuran, caddaalad ah oo dimuqraadiyad ku saleysan iyo inuu kormeero maalgalinta iyo kharashaadka siyaasadeed, kana hortago ku tagri falka hantida qaranka xilliga doorashooyinka.

Wararka Maanta :   Guddiga qaban-qaabada maalmaha Xoriyadda iyo Hay'adaha amniga oo kulan ku...

Guddiga ayaa intaas ku sii daray inuu si dhow ula socon doono ficillada Guddiyada Doorashooyinka, ergooyinka iyo musharrixiinta si looga hortago nooc kasta oo khaladaad doorasho ah.

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Dhaawaca Saneey Cabdulle oo dibadda loo qaaday – Xog – Wararka Maanta…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xubno kamid ah ehellada Korneel Saneey Cabdulle oo kamid ah saraakiishii ku dhaawacantay qaraxii Jimcihii ka dhacay degaanka Biya-cadde ayaa noo xaqiijiyay in Korneel loo qaaday dalka dibadiisa. 

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Korneelka galabkii Axadda loo qaaday dalka Turkiga, waxaana qaaditaankiisa iska kaashaday xubno kamid ah ehelkiisa, saraakiil iyo mas’uuliyiin ay xigto dhow yihiin oo ku jira dowladda Soomaaliya. 

Wararka ayaa intaas ku daraya in Korneelka oo dhaawiciisa loo arkay in uu fududyahay uu wajiga ka bararay 48-kii saac ee ugu dambeeyay, waxaana la sheegay in la isku raacay in dibadda loo qaado. 

Tan iyo markii uu dhaawacmay waxaa jiray dedaalo xoog leh oo ay wadeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ay ku dalbanayeen in la geeyo Isbitaallada Muqdisho midkood, halka ehelladana ay diidanaayeen, waxaana la tacaalayay dhaqaatiir loogu keenay gurigiisa oo ku yaalla degmada Kaaraan ee Muqdisho. 

Wararka Maanta :   Dhalinyarada ka mid noqonaysa Gorgor oo goob ammaan ah loo...

Dhaawaca Korneel Saneey Cabdulle ayaa uur ku taallo ku noqday xubnaha Mucaaradka oo u arkayay awoodda ugu weyn oo ay heestaan markii loo eego dagaalladii ay la galeen Farmaajo bishii April ee sanadkan, ee lagu diiday muddo kororsigiisa.

Waxaa ilaa hadda jira su’aalo badan oo ku geedaaman weerarkii lagu qaaday xeradii uu ku sugnaa ee degaanka Biya-Cadde, ayada oo farta lagu fiiqay ciidanka Gor Gor ee ka amar qaata Farmaajo.

“Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee nagula soo weeraray waxaa lala soo dhaafay xero kale oo ay daganyihiin ciidamada Gor Gor iyagana gaariga ma qaban, ma rasaaseynin, gaarigana iyaga kuma leexan waana aagg aysan gaadiidku marin arrintaas shaki weyn ayey nagu abuurtay,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidankii gadoodka sameeyay ee ka tirsanaa 27-aad ee milateriga Soomaaliya. 

“Gor Gor dhamaantood waxay diideen in ay xero kula noolaadaan ciidankeena, wax nala cunaan, nala dagaal galaan, arrintaas shaki ayaa ka qabnay haddana gaariga waa soo dhaafyay waxay arrintaan u baahan tahay in la hubiyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaal ka tirsan qeybta 27-aad ee xoogga dalka, oo ahaa ciidankii gadoodka sameeyay ee ka hor-yimid muddo kororsiga Farmaajo.

Wararka Maanta :   Deg Deg: DF oo Jawaab Culus bixisay, Kenya oo isdhiibtay & Xogta Askartii...

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo ballan-qaaday runta kiiska dhallinyarada …

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Wasiirka Arrimaha Debadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa ka hadlay askarta Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea iyo waxa ka jira in ciidamadaas ay ka qeyb galeyn dagaalkii ay Dowladda Itoobiya ku qaaday Gobolka Tigreyga.

Wasiirka oo ka qeybgalayey barnaamijka One-on-One ee telefishinka Turkiga ee TRT World ayaa beeniyey in ciidamada Soomaaliya ay ka dagaalameen waqooyiga Itoobiya.

Wasiir Cabdirisaaq ayaa sheegay in natiijada saxda ah ee ciidamada tababarka ugu maqan dalka Eritrea laga sugayo guddiga uu dhawaan magacaabay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Wararka Maanta :   Deg Deg: DF oo Jawaab Culus bixisay, Kenya oo isdhiibtay & Xogta Askartii...

“Marin-habaabino badan way jiraan. Qaddiyadaan waanu kaga hadalnay madalo kala duwan. Si loo xaqiijiyo tani, ra’iisul wasaaraha wuxuu magacaabay guddi ka kooban milatari iyo diblumaasiyiin si ay u eegaan dhacdadan ayna runta u soo bandhigaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq.

Walaaca laga qabo askarta dalka Eritrea loogu qaaday tababarka ciidan ayaa cirka isku sii shareeray markii guddiga u qaabilsan Qaramada Midoobay dhanka Xuquuqul insaanka ay sheegeyn in ciidamada Soomaalida ah ay ka qeyb galeyn dagaalkii ay Dowladda Itoobiya ku qaaday Gobolka Tigrayga.

Wararka Maanta :   Puntland oo xayiraadii ka qaaday lacagaha dabaneysan ee sintiyada dollarka

Waalidiinta ilmaha maqan ayaa dhowr jeer dibad baxyo waaweyn ka dhigay jidadka Magaalada Muqdisho, waxayna madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka codsadeen inuu ilmahooda usoo celiyo, inkastoo madaxweyne Farmaajo uusan codsiga iyo illinta waalidiinta marnaba u damqan.

Dhanka kale, intii wareysiga uu socday, Cabdirisaaq oo wax laga waydiiyey xiriirka xumaadey Soomaaliya kala dhaxeeya Kenya ayaa tibaaxay in isu-soo-dhowaanshiyihii u dambeeyay ay astaan u tahay in hogaanka labada dal ay bog cusub furayaan.

Wararka Maanta :   R/W Rooble: Kaalin nooce ah ayuu ka qaadan karaa xiisada dhalinyarada la...

“Waxa aan hadda rajeynayno waa in aan sii wanaajiyo xiriirkeena kana wadahadalno amniga, ganacsiga, isu-socodka labada shacab; labadan dal waa kuwa waligood sii ahaan doona deris mana sii yeelan karno xiriir aan shaqaynayn. Qadiyadaha aan rabno in aan kawada hadalno waa in aan u wajahnaa si dhab ah,” ayuu yiri.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Isbuuca