Connect with us

Wararka Somali

Shirkad Maraykan ah oo faquuq ku sameysay shaqaale Soomaali iyo madow kale …

Khamiis, Juun, 10, 2021 (Wararka-Maanta) – Shirkadda labaad ee ugu weyn ee soo saarta hilibka lo’da, hilibka doofaarka iyo digaagga ee dalka Mareykanka ayaa bixin doonta illaa $ 5.5 milyan si ay u xalliso dacwad ku saabsan in shirkaddu ay takooreyso shaqaalaha muslimiinta ah ee ka shaqeeya warshaddan oo ku taal waqooyiga Colorado.Guddiga Fursadaha Shaqada ee loo simanyahay ee Mareykanka ayaa dacwadan geeyay maxkamada federaalka ee Denver sanadkii 2010, iyagoo sheegay in JBS Swift & Company ay takooreen shaqaalaha ka shaqeeya warshadeeda hilibka lo’da ee ku taal Greekley iyaga oo u diidaya nasashada iyo musqusha, si ka darran shaqaalaha kale.

Wararka Maanta :   DEG DEG: Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho - Wararka Maanta

Guddigan waxay warbixintooda ku sheegeen in dadka faquuqaan lagu sameeyay ay yihiin Muslimiin soogalooti ah oo ka yimid Soomaaliya iyo dalal kale madow ah. Guddigan ayaa arbacadii shalay ku dhawaaqay in JBS USA LLC, laga doonayo in ay bixiso $ 5.5 milyan oo la siinayo qiyaastii 300 qof oo shaqaale ah oo la sheegay in lagu xad gudbay.

Sida ku xusan dacwada, shirkadda JBS waxay ka hor istaagtay shaqaalaha muslimiinta inay tukadaan, iyagoo weliba dhibaateeya markay isku dayaan inay tukadaan iyo xilliyada musqusha.

Wararka Maanta :   Ciidamada ammaanka iyo kooxo hubeysan oo ku dagaalamay Muqdisho - Wararka Maanta

JBS waxaa sidoo kale lagu eedeeyay inay xirto ilaha biyaha inta lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan sanadkii 2008, iyadoo ka celisay shaqaalaha Soomaaliyeed ee muslimiinta ah inay ka cabbaan soon ka dib, iyo weysada ka hor salaada. Sida ku xusan dacwada.

“Maareeyayaasha JBS iyo shaqaalaha kale waxay hilib ama lafo ku tuuraan shaqaalaha madowga iyo kuwa Soomaalida, waxay ugu yeereen magacyo meel ka dhac ah, sida “Soomaalidu waa karaahiyo.” Waxayna sidoo kale qoraalo meel ka dhac ah ku shaqaalaha muslimiinyta ku xardheen qolalka musqulaha ee warshadda Greekley,” ayaa lagu yiri dacwadda.

Wararka Maanta :   Wararkii ugu dambeeyey shirka maanta ka dhacaya Afisyooni

“Dacwaddani waxay noo tahay xusuusinta in kala sooca iyo dhibaataynta  ay weli yihiin dhibaatooyin ay tahay inaan bulsho ahaan wax ka qabano,” ayuu yiri Gudoomiyaha guddiga fursadaha shaqo ee loo siman yahay, Charlotte Burrows.

Wararka-Maanta

Wararka Somali

Gen. Biixi oo sheegay xilliga dalka lagu soo celin doono dhalinyarada …

Muqdisho (Wararka Maanta) – Taliyaha ciidanka dhulka ee militeriga Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo wax laga weydiiyey arrinta dhalinyarada tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ee warkooda lala’yahay ayaa sheegay in dhalinyaradaas iyo kuwo tababar u jira dalal kale oo caalamka ah dib loo soo celin doono markii ay soo dhameystaan tababarrada u socda.

Taliyaha oo u waramay Radio Muqdisho ayaa ka meermeeray inuu si toos ah uga warbixiyo dhalinyarada la weysan yahay ee dowladdu u qaaday dalka Eritrea, balse waxa uu si adag u beeniyey in ciidan Soomaaliyeed oo tababar ku maqan ay ka dagaalameen dal kale.

Wararka Maanta :   Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Jowhar iyo sarkaal ka tirsanaa madaxtooyada...

“Xaqiiqadu waxay tahay ciidan uu dal tababar u dirsaday, wadan kale dagaal ma geli karo, boqolaal kun oo ciidan ayuu leeyahay dalka Eritrea, marka waxaba ugama baahna ciidan dal kale, cid u ogolaaneysana maba jirto, marka waa been, mana dhici karto in ciidankeenii uu dagaal galay,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Sidoo kale waxa uu sheegay Taliye Biixi in dowladdu ay soo celin doonto ciidamada tababarrada uga maqan dalka markii ay dhameystaan tababarkooda, isagoo waalidiinta Soomaaliyeed ugu baaqay inay is dejiyaan oo aysan rumeysan wararka suuqa ku jira.

Wararka Maanta :   DEG DEG: Qarax ka dhacay magaalada Muqdisho - Wararka Maanta

Maalmihii la soo dhaafay waxaa cirka isku shareertay cabashada waalidiinta Soomaaliyeed ee carruurtooda tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo war iyo wacaal toona laga waayey, dowladuna ay dhagaha ka fureysatay in jawaab waafi ah ay ka bixiso nolosha ama geerida dhalinyaradaas.

Hadal heynta iyo baadigoobka dhalinyaradaas ayaa soo cusboonaatay todobaadkii hore markii hey’adda xuquuqda aadanaha u qaabilsan Qaramada Midoobey ay soo saartay warbixin sheegeysa in ciidan Soomaaliyeed oo laga keenay dalka Eritrea ay ka dagaalameen gobolka Tigray ee waqooyga dalka Itoobiya.

Wararka Maanta :   Xog: Shaki iyo cabsi ka dhalatay askarigii Badbaado Qaran ee Muqdisho lagu dilay -...

Hoos ka dhageyso wareysiga


Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Somaliland iyo Taiwan oo kala saxeexday heshiis caafimaad

Arbaco, Juun, 16, 2021 (Wararka-Maanta)- Somaliland iyo Taiwan ayaa kala sexeexday heshiis caafimaad oo dib loogu casriyaynayo isbitaalka guud ee  Hargeysa, isla markana lagu keenayo dhakhatiir Taiwanese ah.Warbixin laga soo saaray heshiiska ayaa lagu yidhi” Heshiiskan waxa si weyn loogu casriyeyn doonaa Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, Sidoo kale waxa Cisbitaalka ka hawl-gali doona dhakhaatiir waaweyn oo dalka Taiwan ka socda oo si rasmi ah uga shaqayn doona Cisbitaalka”.

Labada dhinac ayaa sidookale kala sexeexday in Taiwan ay tababarto boqolaal howl wadeeno caafimaad ah isla markaana maal galiso dhismayaal cusub oo lagu kordhindoono isbitaalka wayn.

Wararka Maanta :   Wararkii ugu dambeeyey shirka maanta ka dhacaya Afisyooni

Waxa kale oo lagu heshiiyay in Taiwan ay ka shaqayso horumarinta caafimaadka guud ee Somaliland.

Wajiga koobaad ee heshiiska ayaa socon doona mudo 5 sano ah kadibna dib u cusboonaysiin ayaa lagu samayn doona.

Dhinaca Somaliland waxa heshiiska u saxeexay wasiir ku xigeenka Arrimaha dibada Libaan Yusuf Cisman dhinaca Taiwan na wasiirka arrimaha dibada Joseph Wu.

Abdilahi Abdi Rahman,

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Turkiga oo farriin usoo direy dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed – Caa…

Ankara (Wararka Maanta) – Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareeysay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu weeraray Xerada Tababarka Janeral dhega-badan ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac badan.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay inay aad uga xun tahay dowladda qaraxaas, oo ay ku naf waayeen ku dhawaad 20 ruux oo u badna dhalinyaro.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkii foosha xumaa ee argagixiso ee lagu bartilmaameedsaday ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed, waxaana tacsi tacsi tiiraanyo leh u direeynaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaan u rajeynaynaa in  Alle u naxariisto kuwii ku naf waayey weerarka,” ayaa lagu yiri qoraalkaas.

Wararka Maanta :   Deg Deg: Turkiga iyo Qadar oo go'aan ka qaatay MD Farmaajo, Qorshaha...

Qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay inay dowladdooda sii wadi doonto garab istaagooda ku aadan dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka qaraar kula jira argagixisada Al-Shabaab.

Qaraxa oo ahaa nooca is-miidaaminta oo shalay ka dhacay xerada ciidamada General Dhaga Badan oo ku taalla Ex Warshaddii hore ee Nac-Naca ee degmada Wadajir.

Qaraxa ayaa waxaa fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, kaas oo beegsaday dhalinyaro loo qorayey ciidanimo, si loogu tababaro gudaha xeradaasi.

Wararka Maanta :   Biden oo Ku Baaqaya Isbahaysi Ka Dhan ah Shiinaha

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay afaafka hore ee xerada, xilli ay saf ku jireen askarta cusub oo loo diyaarinayey ka mid noqoashada ciidamada Gorgor.

Sidoo kale qofka is qarxiyey ayaa la sheegay inuu iska soo dhigay dhalinyarada dooneysa inay qortaan ciidanimada, isla-markaana uu is qarxiyey, marka uu soo galay safka.

Dadka ay qaraxa shalay waxyeeladu kasoo gaartay ayaa ahaa dhalinyaro safaf ugu jiray inay qortaan ciidanimada oo ku sugnaa gudaha xeradaas.

Wararka Maanta :   Wararkii ugu dambeeyey ee dagaalka Jowhar iyo sarkaal ka tirsanaa madaxtooyada...

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Isbuuca