Connect with us

Warka Caalamka

Sacuudiga iyo Imaaraadka oo wada-hadallo la furaya Iiraan – Wararka Maanta:…

Wararka Maanta

Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta, oo garowsaday in dib loo soo nooleyn doono heshiiski Nukliyeerka Iran ee ay horey uga soo horjeesteen, ayaa wada-hadallo kula jira Tehran, si loo xakameeyo xiisadda, ayaga oo sidoo kalena u ololeynaya in wada-hadallada mustaqbalka ay qeyb ka noqdaan walaacyadooda amni.

Quwadaha adduunka ayaa Iran iyo Mareykanka wada-hadallo kula leh magaalada Vienna si dib loogu soo nooleeyo heshiikii 2015 ee Tehran ay ku ogolaatay inay xakameyso barnaamijkeeda Nukliyeerka, ayada oo dhaasaneysa in laga qaado cunaqabateynada caalamiga ah.

Wararka Maanta :   Qodob ka mid ah heshiiskii doorashada ee xiisadda Gedo oo maanta la fu...

Maamulka cusub ee Mareykanka ee madaxweyne Biden ayaa doonaya in dib loo soo celiyo heshiiska, kaasi oo Washington ay ka baxday markii uu madaxweyne noqday Donald Trump.

Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa u ololeeyey inay qeyb ka nqodaan wada-hadallada Vienna, hase yeeshee waa lagu gacan seeray.

Intii ay sugi laheyd natiijada wada-hadalladaas, Riyadh ayaa aqbashay hindise bishii April ka yimid Iraq oo ah inay dhex-dhexaadiso saraakiisha Sacuudiga iyo Iran, sida ay laba il-wareed oo xog-ogaal ah u sheegeen Reuters.

Wararka Maanta :   Maxkamadda Sare ee Mareykanka oo soo saartay go'aan ka dhan ah Soomaalida -...

Sacuudiga ayaa walaac uu soo food saaray kadib markii goobaheeda shidaalka lagu qaaday weerar khasaare xooggan gaystay oo ay ku eedeysay Iran. Iran waa ay beenisay eedeymahaas.

Imaaraadka, ayaa dhankoodana xiriir joogto ah la lahaa Iran dhowaanahan, ayaga oo isku dayaya inay qaboojiyaan xiisadda, tan iyo markii xeebaheeda lagu weeraray markab shidaal, sanaddii 2019, sida ay sheegeen il-wareedyo ku sugan gobolka.

Wararka Maanta!

Warka Caalamka

Abiy oo sheegay in ciidamada Eritrea & Sudan laga saarayo Itoobiya -…

Wararka Maanta

Ra’iisal wasaaraha Itooobiya, Abiy Ahmed, ayaa sheegay in ciidamada dalalka Sudan iyo Eritrea ay ka shaqeynayaan sidii looga saari lahaa dalkiisa.

Kal hore waxaa laga war qabey un in gudaha Itoobiya ay kusugan yihiin ciidamo ka socda Eritrea, kuwaasoo ka barbar dagaalamayey ciidamada dowladda Itoobiya.

Waxaa haatan soo shaac baxay in ciidamo kale oo ka socda dalka Sudan iney iyaguna kusugan yihiin gudaha wadanka Itoobiya.

Khilaafka soohdinta ee labadda dal ee Sudan iyo Ethiopia, ayaa cirka isku shareerey, kadib markii sidoo kale dowladda Sudan ay codsatey in ciidamada nabad ilaalinta ee Itoobiyaanka ah, ee kusugan gudaha dalkeeda lagu badalo ciidamo kale.

Wararka Maanta :   Qorshaha Amniga doorashooyinka dalka oo la shaaciyay

Wararka Maanta!

Continue Reading

Warka Caalamka

Waa cusub oo u billowday Turkiga iyo Mareykanka – Wararka Maanta:…

Wararka Maanta

Madaxweynaha Turkey Recep Tayyip Erdogan ayaa Isniintii sheegay in Turkey iyo Mareykanka ay gelayaan “waa cusub” oo xiriirkooda ah, kadib markii xiriirka xulufadan NATO uu sanadihii dhowaa u xumaaday arrimo dhowr ah.

Isaga oo ka hadlayey kulanka Golaha Wasiirada ayaa Erdogan si kastaba, waxa uu ugu baaqay Mareykanka inay xushmeeyaan xuquuqda madax-banaani ee Turkey – ayada oo ay u muuqata inuu ula jeedo go’aanka ay kusoo iibsatay gantaallada Ruushka.

Erdogan ayaa hadalkan jeediyey maalmo kadib markii uu kulankiisii ugu horreeyey ee weji-ka-weji ah la yeeshay madaxweynaha Mareykanka Joe Biden tan iyo markii uu xafiiska yimid. Labada nin, oo muddo isgaranayey, ayaa ku doc kulmay shir madaxeedkii NATO ee Brussels.

Wararka Maanta :   Itoobiya oo hay'adaha gargaarka ku eedeysay iney hub...

“Waxaan aaminsannahay inaan xallin doonno arrimaha dhibaatada leh ee inoo dhaxeeya, ayada oo lagu saleynayo filashooyinka iyo dareenada labada dhinac,” ayuu yiri Erdogan. “Waxaan isku racanay inaysan jirin arrimo aynan ka gudbi karin, islamarkaana arrimaha aan iska kaashan karno ay ballaaran yihiin oo ay faa’iido badan yihiin.”

Erdogan ayaa wada-hadalladii uu la yeeshay Biden ku qeexay kuwa dhameystiran oo miro-dhal ah, wuxuuna sheegay in labadooda ay isku raaceen inay mar kale kulmaan.

Wararka Maanta :   DEG DEG: Natiijada doorashada G/Maroodijeex iyo deegaanka Hargeysa oo lagu...

“Waxaan aaminsanahay inaan albaabada u furnay waa cusub oo ku saleysan niyad wanaag iyo wax dhis,” ayuu yiri madaxweynaha Turkey.

Erdogan ayaa yiri “Dalabka kaliya ee Turkey waa in la ixtiraamaa xuquuqdeeda madax-banaani ee dhaqaale, lagana taageeraa halganka ay kula jirto ururada argagixisada ah ee ku sugan gudaha iyo dibedda xuduudaheeda.”

Wararka Maanta!

Continue Reading

Warka Caalamka

Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay Afrikada Dhexe – Wararka Maanta:…

Wararka Maanta

Calooshood u shaqeystayaal katirsan shirkadda Wagner, ayaa lagu eedeeyey iney ku dileen toban ruux, kuna gubeen konton guryo gaaraya magaalada Haute-Kotto ee gobolka dhaca waqooyi bari ee dalka Afrikada Dhexe, sida laga soo wariyey bogga internet-ka Corbeau News.

Barta internet-ka ayaa lagu sheegay in dhacdadani ay timid kagadaal markii ay foodda is dareen dadka deegaanka Haute-Kotto iyo calooshood u shaqeystayaasha Ruushka ah, kuwaasoo dalbadey ogaanshaha goobta ay dhuumaaley sanayaan dagaal yahanada jabhadda mucaaraadka ee (CPC).

Wararka Maanta :   Biden oo Maanta u ambabaxaya safarkiisii ugu horreeyay ee Yurub - Radio...

10-kii bishan June, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa is hortaagey imaanshaha lix boqol oo calooshood u shaqeystayaal Ruush ah dalkani Africa Dhexe, iyadoo walaac ka muujiyey iney jiraan xad gudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Warka Caalamka

Maamulada Gobolka Banaadir & Konya oo heshiis kala saxiixday – Radio…

Wararka Maanta

 

Wararka MaantaWafdi ka socday Dawladda Hoose ee Muqdisho oo uu hogaaminaayay Guddoomiye K/xigeenka howlaha guud ee Maamulka gobolka Banaadir Faarax Cabdi Diini wafdigaas oo qeyb ka ah Xoghayaha guud ee gobolka Banaadir ayaa Magaalada Konya ee dalka Turkiga kula kulmay ku-xigeenka duqa magaalada Konya Mr. Ercan Uslu, Konya waxa ay kamid tahay Magaooyinka ugu waaweyn Dalka Turkiga uguna taariikhaha fog.

Labada Maamul ee Konya iyo Muqdisho ayaa ka wada hadlay kor u qaadida iskaashiga, maareynta biyaha iyo qashinka, sidoo kale fursadaha tababarada shaqaalaha gaar ahaan farsamadda gacanta ayaa kamid ahaa waxyaabihii aadka looga dooday, waxaa xusid mudan in kulanka intii uu socday laga mahadceliiyay mudnaanta Gaarka ah ee Madaxweyne Ordegan uu siiyay Guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan horumarinta Wadnaha iyo hooyada umadda Soomaaliyeed ahna Caasimadda Dalka ee Muqdisho, labada Dawlad hoose ayaa intaasi kadib isku raacay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo arimaha soo socda.

Wararka Maanta :   DEG DEG: Natiijada doorashada G/Maroodijeex iyo deegaanka Hargeysa oo lagu...

1. Xoojinta xiriirka iyo iskaashiga cusub labada magaalo.

2. In Maareynta qashinta laga taageero Dawladda Hoose ee Muqdisho maadaama Maamulka Konya ay khinrad buuxda u leeyihiin hawlaha dhinacaas la xiriira, sidoo kale waxaa Muqdisho laga taageeri doonaa khubarro farsamo oo tabanaro iyo hagitaan siin doono hawl wadeenadda nadaafadda Dawladda hoose ee Muqdisho.

3. Waxaa si wadajir ah ay labada Dawlad Hoose isugu waafaqeen in la bilaabo diyaarinta mataaneynta Muqdisho iyo Konya si labada dhinac ay iskaashi iyo wada shaqeyn buuxdo u dhex marto.

Wararka Maanta :   Mucaaradka oo sheegay sida ay u arkaan liiska guddiyada ee uu shaaciye...

4. In si deg deg ah loo bilaabo booqasho labada maamul ay is-weydaarsanayaa taaso labada Maamul ku kala tagi doonaan Konya iyo Muqdisho.

5. In Machadka tababaradda Konya uu gacan ka siin doono Maamulka Dawladda Hoose ee Muqdisho dhinaca tababaradda shaqaalaha isla markaana ay si toos ah u wada xiriiri doonaan hawl-wadeenada labada dhinac ee Muqdisho iyo Konya.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Warka Caalamka

Soomaalida Islii oo dhibaato ku qaba xirnaashaha Safaaradda Soomaaliya…

Wararka Maanta

Muwaadiniinta Soomaaliya ee ku nool xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku safra warqadaha aqoonsiga Soomaaliya ayaa sheegaya inay dhibaato ku qabaan inay ka baxaan dalka Kenya oo ay muddo bilooyin ah ku xayiranyihiin, kaddib xiritaankii Safaaradda Soomaaliya.

Safaaradda ayaa markii hore muwaadiniinta Soomaaliya ka heli jireen warqadaha socdaalka ee ay u baahan yihiin.

Cabdirisaaq Maxamed oo qoyskiisa ay ku xayiran yihiin dalka Kenya ayaa sheegay in culeys aad u farabadan ay ku heysto xirnanshaha Safaaradda Soomaaliya ee dalka kenya, isla markaana siwyen looga dareemay Xaafada Islii ee Magaalada Nairobi.

Wararka Maanta :   Biden oo Maanta u ambabaxaya safarkiisii ugu horreeyay ee Yurub - Radio...

Waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay Cabdirisaaq in dhawaan safaaradda dib lo furo maadaama dhawaan heshiis laga gaaray khilafkii siyaasadeed ee u dhaxeeyay Soomaaliya iyo Kenya.

labadii todobaad ee la soo dhaafay ayaa waxaa jiray xoogaa isku soo dhawaansho ah oo dhex-maray dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, iyada oo Safiirkii kenya ee Soomaaliya uu soo gaaray magaalada Muqdisho, halka la filayo in Safiirka Soomaliya ee Kenya in uu dib ugu laabto dalkaas.

Wararka Maanta :   Itoobiya oo hay'adaha gargaarka ku eedeysay iney hub...

Wararka Maanta!

Continue Reading

Warka Caalamka

QM oo sheegtay in Soomaaliya ku kordheen tacadiyada ka dhanka ah…

Wararka Maanta

Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay inay aad u kordheen xadgudubyo laga argagaxo oo lagula kaco Carruurta ku nool wadamo ay kamid tahay Soomaaliya.

Warbixintan oo sanadkiiba mar kasoo baxda Qaramada Midoobay ayaa waxaa lagu sheegay in  ugu yaraan 19,379 carruur ah ay dhibanayaal u noqdeen xadgudubyo waaweyn oo isugu jira askarayn iyo kufsi xadhaaf ah.

Dalalka ugu badan ee tacadiyada ka dhanka ah Carruurta ay ka dhaceen ayaa waxaa Warbixinta ku sheegtay in laga diiwaan galiyay wadamada Afghanistan, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC), Soomaaliya, Yemen & Suuriya.

Wararka Maanta :   Qodob ka mid ah heshiiskii doorashada ee xiisadda Gedo oo maanta la fu...

“Iska horimaadyada hubeysan iyo tixgalin la’aanta sharciga caalamiga ah ee bini’aadamnimada iyo sharciga caalamiga ee xuquuqda aadanaha ayaa saameyn ba’an ku yeeshay ilaalinta carruurta, ”ayaa lagu yiri warbixinta.

In ka badan 8,400 oo carruur ah ayaa lagu diley ama lagu dhaawacay dagaallada socda waddamadan. Ku dhowaad 7,000 oo kale ayaa loo qorey askarayn dalalka DRC, Soomaaliya, Suuriya, iyo Myanmar ayaa sidoo kale lagu sheegay Warbixinta QM.

Warbixintan kasoo baxday Qaramada Midoobay ayaa waxaa ay kusoo aaay xilli labadii sano ee la soo dhaafay meelo badan oo kamid ah Soomaaliya laga diiwaangeliyay kiisas la xiriira kufsi iyo dil loo geystay Carruur farabadan.

Wararka Maanta :   Falanqeynta: Kulanka Italy Vs Wales Ee Euro 2020, Shaxda Iyo Xidigaha Ka...

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Isbuuca