Connect with us

Wararka Somali

Rooble oo war kasoo saaray khilaafka doorashooyinka ee siyaasiyiinta S…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo galabta jeediyey khudbad uu uga hadlaayey arrimaha doorashooyinka iyo dib u heshiisiinta gobolka Gedo ayaa soo hadal qaaday khilaafka salka ku haya doorashada ee u dhaxeeya siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ee Somaliland.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay inuu wado wadatashiyo ku aadan arrinta Somaliland, isla markaana meel fiican ay marayaan wadahadalladu.

“Waxaan rabaa shacabka Soomaaliyeed inaan warbixin ka siiyo arrinta Somaliland meel fiican ayey ii mareysaa, wadahadallo ayaa noo socda siyaasiyiinta, arrinta Somaliland aniga ayaa la ii xil saaray, sida ku cad heshiisyadii laga gaaray doorashada, xal ayaa laga gaarayaa, anigoo la tashanaaya guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’iisul wasaare Mahdi Guuleed, quluubtiina kheyr u sheega,” ayuu yiri Rooble.

Wararka Maanta :   Xog: La-taliyaha Farmaajo CABDI CALI RAAGE oo laga celiyay garoonka Ki...

Khilaaf xun ayaa ka taagan doorashada guddoonka xubnaha guddiga ah ee maamuli doona doorashada xildhibaanada baarlamaanka federaalka ka soo gelaya Somaliland, waxayna haatan 11-kii xubnood ee guddigaas u kala jabeen laba garab, iyagoo kala doortay laba guddoon iyo ku xigeenadooda.

Guddiga doorashada kuraasta Somaliland ayaa u kala jabay 7-xubnood oo taabacsan siyaasiyiinta uu hogaaminayo Mahdi Guuleed iyo 4-xubnood oo taabacsan garabka kale ee uu hoggaaminayo Cabdi Xaashi.

17-kii bishaan qoraal ay soo saareen Xildhibaanada gobollada waqooyi garabka taabacsan guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ra’iisul wasaare Rooble loogu jeediyey eedeeyn ah inuu ku guul-darestay inuu ficil ahaan uga dhabeeyo ballanqaadyadii uu sameeyay iyo gudashada masuuliyaddii lagu aaminay ee habsami u socodka howlaha doorashooyinka Qaranka iyo tan xildhibaanada labada Gole ee Somaliland inay u dhacdo si xor iyo xalaal ah.

“Sida an dhigayo heshiiskii 27 May waxaa masuuliyadda xalinta khilaafka taagan iyo isku dubaridka habsami u socodka doorashada xildhibaanada labada aqal ee Somaliland loo xilsaartay Ra’isulwasaaraha. Waxaanu filaynay in Ra’iisul wasaaruhu arrintaas si degdeg ah u guda-geli doono oo isugu yeedhi doono Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka si looga wada arrinsado xallinta khilaafka iyo turxaan-bixinta hannaanka doorashooyinka xildhibaanada Somaliland. laakiin nasiib darro taasi ma dhicin Ilaa maanta oo ay kasoo wareegtay bil iyo 20 cisho,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedkii xilligaas ka soo baxay siyaasiyiinta waqooyi garabka Cabdi Xaashi.

Wararka Maanta :   Deg Deg: B/Caalamka oo Balantii uga baxday RW Rooble, Xogta Askartii...

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sheegay in xiligaan uusan laheyn wax han siyaasadeed ah, isla markaana uu u tanaasulay danta shacabka Soomaaliyeed, sidaas darteedna uusan ogolaa doonin, uuna codsanayo in meel looga soo wada jeesto qof kasta oo isku daya ama shaki geliya howlaha doorashada ee socda.

“Shacabka Soomaaliyeedow ducadiina waa masoo gaartay, sidii aan horay idinkugu sheegay Xildhibaan uma socdo, Senator uma socdo, oo madaxweyne ma rabo, dartiin ayaan u tanaasulay, hadii aana taasulin doorasho cadaalad ah ma qabanayo, marka waxaan rabaa inaan meel uga soo wada jeesano qof kasta oo isku daya inuu caqmrqaladeeyo howlaha wanaagsan ee socda, waxaan leeyahay siyaasiyiinta cayaartu waxay ka socotaa gobollada, doorashada labada Aqal waa ay bilaabatay, tan Madaxweynaha waxaan is arki doonaa October,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Rooble.

Wararka Maanta :   TPLF oo Soo Bandhigtay Maxaabiis Ka Tirsan Ciidamada Dowladda

Wararka Maanta

Wararka Somali

Faahfaahino kasoo baxaya madaafiic khasaare geystay oo lagu weeraray…

Wararka Maanta

Axad, Luulyo, 25, 2021 (Wararka-Maanta) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo Xalay lagu garaacay degmada Awdhiigle ee gobolka Sh/hoose.Madaafiicda Xalay lagu weeraray degmada Awdhiigle  ee gobolka Sh/hoose ayaa la sheegay iney geysatay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa madaafiicda lagu garaacay Awdhiigle ku dhintay 4 ruux oo shacab ah, waxaana la sheegay iney ku dhaawacmeen ku dhawaad 10 ruux oo kale.

Dadka deegaanka Awdhiigle ayaa sheegay in weerarka madaafiicda ka hor uu dhacay dagaal culus oo dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamada dowladda ee ku sugan degmadaasi, lamana oga khasaaraha ka dhashay weerarkaasi.

Wararka Maanta :   Deg Deg: Sirta ka dambeysa Go’aanka Mucaaradka iyo RW Rooble oo Talaabo...

Saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka ayaa sheegay iney iska difaaceen weerar culus oo kaga yimid dagaalamayaasha Al-shabaab, islamarkaana ay gaarsiyeen khasaare xoog leh.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka dagaalamayaasha Al-shabaab oo ku aadan weerarka isugu jiray madaafiicda iyo dagaalka tooska ah ee la sheegay iney ku qaadeen degmada Awdhiigle ee gobolka sh/hoose.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed oo magacaabay Guddiga qabashada…

Wararka Maanta

Axad, Luulyo, 25, 2021 (Wararka-Maanta) – Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cali Saciid Faqi ayaa maanta magacaabay xubnaha Xildhibaanada golaha Wakiilada qabashada doorashada Aqalka Sare.Xubnaha uu magacaabay guddoomiye Faqi ayaa ka kooban 11 xubnood waxayna iska dhex dooran doonaan guddoomiye iyo ku xigeenkiisa.

Xubnahan ayaa ka shaqeyn doona sidii Xildhibaanada maamulka Koofur Galbeed u dooran lahayeen Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay deegaan doorashadooda tahay Koofur Galbeed.

Dowlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa noqotay maamulkii labaad ee soo magacaaba guddiga Xildhibaanada ee qabashada doorashada Xildhibaanada aqalka sare, waxaana horay guddigan oo kale u magaacabay maamulka Jubbaland oo noqday maamulkii ugu horeeyay.

Wararka Maanta :   Maraykanka oo Abiy Axmed ku wargaliyay inuu si degdeg ah waqooyiga Itoobiya...

Sida uu qorshuhu ahaa maanta oo ay taariiqda ku beegan tahay 25/7/2021 ayaa lagu waday inay bilaabato doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare balse ay dib u dhacday sababo la xiriira dowlad goboleedyada oo aan badi dhameystirin habraacii loo qaban lahaa doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Wada-hadal guuldareystay oo Xalay Zoom-ka ku dhex maray Rooble & Maamu…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa  xalay wada hadalo khadka Zoom-ka ka yeeshay xaaladihii ugu dambeeyey doorashada Soomaaliya.

Wada-hadalka Rooble iyo Maamul Goboleedyada ayaa dood dheer ka yeeshay sidii loo dardar gelin lahaa doorashooyinka, Arrinta Somaliland, , Hirgelinta soo  jeedinta Guddiga dib u heshiisiinta Gedo iyo xalinta caqabadaha weli ka jira doorashada.

Sida ay xogta sheegeysa wada-hadalka Xalay ayaa kusoo dhamaaday fashil, mana jirto wax natiijo ah oo laga gaaray qodobadii laga wada-hadlay.

Wararka Maanta :   Dowladda Soomaaliya oo ka hortimid warbixin ay soo saareen koox katirsan...

Dhinacyada ayaa ku kala aragti duwanaaday arrinta Somaliland,  waxaana soo ifbaxay in madaxda Maamul Goboleedyada ay dhexooda kala taageerayaan labada garab ee Siyaasiyiinta Somaliland kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

Kulanka Xalay ayaa kusoo aadayo xilli Dib u dhac uu ku yimid Doorashada Senatarada Aqalka Sare BFS oo waqti ahaan loo asteeyay 25-ka July 2021 oo maanta ku began in ay lagu qabto Magaalooyinka Muqdisho, Jowhar, Dhuusamareeb, Garoowe, Baydhabo iyo Kismaayo.

Wararka Maanta :   Wasiir Cabdiwahaab Ugaas oo musharraxnimadiisa kaga dhawaaqay Ceel-Barde

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ayaa dhawaan xoojiyay habraaca lagu hagayo Doorashada Aqalka Sare, Golaha Shacabka & tan Madaxweynaha balse dib u dhaca jira uu sababi karo in uu isbadal ku yimaado jadwalka.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada oo soo bandhigay sharuudaha…

Wararka Maanta

Axad, Luulyo, 25, 2021 (Wararka-Maanta) – Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka, ayaa soo saaray sharuudaha cabashooyinka aqalka sare, xilli maanta lagu wado in la shaaciyo guddiyada doorashooyinka iyo musharraxiinta aqalka sare.Guddiga ayaa sheegay in ay cabashada soo gudbin karaan, musharrax kaste oo buuxiyay sharuudaha, xildhibaanada dowlad goboleedyada iyo ergada dooranaysa wakiillada Soomaliland.

Guddiga xallinta khilaafaadka waxay sidoo kale sharuud maaliyaddeed oo dhan $3,000, ku xireen cid kaste oo doonaysa in ay cabasho usoo gudbiso.

Wararka Maanta :   Faysal Cali Waraabe "Xeer baa lasoo saaraya, qofkii lagu arko calan...

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Dib u dhac ku yimid doorashada Aqalka sare iyo Beesha Caalamka oo shur…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Waxaa mar kale dib u dhac ku yimid markii saddexaad doorashada Aqalka Sare oo Guddiga Doorashada heer federaal uu shaaciyey inay bilaaban doonto 25-ka July, 2021 oo ku beegan Maanta.

Dib u dhacan ayaa la sheegay inuu ka yimid diyaar garow la’aan iyo cagajiidka Maamul Goboleeyada, waxaana ugu dhow Maamulka Jubbaland oo howsha Doorashada Aqalka Sare ay uga harsan tahay inuu Madaxweynaha maamulkaasi liiska Musharixiinta u gudbiyo Guddiga Doorashooyinka Jubbaland.

Wararka Maanta :   Deg Deg: Sirta ka dambeysa Go’aanka Mucaaradka iyo RW Rooble oo Talaabo...

Ilaa iyo hadda a jirto Liiska Musharixiin oo la hayo, waxaana sidoo kale fasax ku maqan Baarlamaanka Galmudug oo aan isu imaaneynin ka hor 1-da Ogost, mana muuqdo olole doorasho oo socda.

Arrintan waxay mugdi kale sii gelineysaa Doorashada Dadban ee Federaalka oo muddo dheer dib u dhacday, welina u muuqata mid jiitameysa.

Beesha Caalamka ayaa la sheegay inay shuruud ka dhigtay qabashada Doorashada Aqalka Sare si ay u bixiso dhaqaalaha doorashada, laakiin maamul Goboleedyada iyo Gudiyadooda ayaa doonaya in dhaqaale lagu siiyo Doorashada Aqalka Sare, taasoo beesha caalamka ay diidan tahay.

Wararka Maanta :   Raysal wasaaraha Soomaaliya oo goordhaw gaaray magaalada Kismaayo

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal (FEIT), iyo xubno la socda ayaa Shalay Magaalada Kismaayo u tegay dardar-galinta qabsoomidda doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Maraykanka oo difaacay duqeymihii uu fuliyay Soomaaliya todobaadkii hore

Wararka Maanta

Axad, Luulyo, 25, 2021 (Wararka-Maanta) – Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in duqeymaha mareykanka ee lagu bartilmaameedsanayo Al-Shabaab ay xoojinayaan weerarada ka dhanka ah kooxda argagixisada ee xiriirka la leh Al-Qaacida.Hadalkaan ayaa u muuqday mid wasaaradda gaashaadhigga Maraykanka kaga jawaabayso qoraal kasoo baxay xildhibaan Ilhan Omar oo su’aallo ka keentay duqeymihii ugu dambeeyay ee Galmudug.

“Dhawaan waxa dhacay waxa weeye ciidamada aan iskaashiga leenahay ayaa kordhiyay howlgalladooda, waxayna dib u riixayeen Al-Shabaab,” ayuu Austin u sheegay wariyeyaasha isaga la safraya ee ku sugan saldhigga ciiddamada cirka ee Alaska.

Wararka Maanta :   Raheem Sterling Oo U Furan Inuu Ka Tago Manchester City

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa Al-Shabaab ku bartilmaameedsaday labo duqeyn oo dhacday 20-kii July iyo 23-kii July, ka dib muddo ku dhow lix bilood oo hakad uu soo galay markii uu talada la wareegay Madaxweyne Joe Biden.

Milatariga Soomaaliya ayaa loollan adag oo dhanka dhulka ah la galay Al-Shabaabkii ku sugnaa maamulka Galmudug, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday labada duqeyn oo diyaaradaha Mareykanka ay fuliyeen.

Milatariga Mareykanka ayaa fuliyay 63 weerar oo cirka ah oo ka dhan ah Al-shabaab sanadkii 2019 iyo 53 duqeyn ah oo sanadkii hore ah.

Wararka Maanta :   Raysal wasaaraha Soomaaliya oo goordhaw gaaray magaalada Kismaayo

Saraakiisha Mareykanka ayaa sharraxaad ka bixiyay gaabiska ku yimid duqeymaha iyagoo u cuskanaya dib u eegis maamulka Biden uu ku sameeyay siyaasadda duulimaadka militariga.

Dowladda Soomaaliya ayaa aad uga walaacsanayd duqeymo la’aanta taasoo kooxda Alshabaab u ogolaatay inay ka soo baxaan dhuumashada.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Isbuuca