Connect with us

Wararka Somali

Rooble oo tegaya Kismaayo, si uu Axmed Madoobe ugala hadlo arrin xasaasi ah…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xog ay heshay Wararka Maanta ayaa sheegeysa in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu maalmaha soo socdo safar ku tagi doono magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose. 

Safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa ku beegan maalmo kadib markii uu Madaxweynaha maamulkaas Axmed Madoobe ku laabto Kismaayo, kaasoo hadda jooga magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya. 

Ujeedada safarka Rooble ayaa lagu sheegay in ay tahay arrimo la xariira doorashada Soomaaliya iyo dhameystirka heshiiskii laga gaaray doorashada ka dhici doonto magaalada Garbohaarey ee xarunta gobalka Gedo. 

Labada mas’uul ayaa la sheegay in ay halkaas ku dhameystiri doonaan waxyaabaha suurta gelin kara in Garbohaarey ay ka qabsoonto doorasho nabad ah, xilli dadka halkaas dagan aysan taageersaneyn maamulka Axmed Madoobe. 

Wararka Maanta :   Xoogaga Danab oo hawlgal ka fuliyay Gobolka Jubbada Hoose...

Maamulka Jubbaland waa maamulka kaliya ee uusan ilaa hadda tagin Rooble, waxaana la filayaa in safarkaan uu ka badalnaan doono kuwii hore.

Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee Afisyoone ayaa lagu go’aamiyay abuurida guddi dib u heshiisiineed oo ka kooban dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada oo aysan ku jirin Jubbaland, guddigaas oo lagu soo magacaabayo 3 maalmood gudahood, taasi oo ka bilaabaneysa maalinta heshiiska la saxiixay.

Madaxda shirweynihii doorashada ee Afisyoone ayaa sidoo kale go’aamiyay in Rooble uu garwadeen ka noqdo amniga iyo dib u heshiisiinta gobolka Gedo, xili ay hore ugu sugnaayeen ciidamo si gaar ah uga amar qaata madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday. Go’aanka ay mas’uuliyada doorashada Gedo u saareen Rooble ayaa lagu sheegay si ay habsami uga dhacdo doorashada xildhibaannada.

Dhanka kale, madaxweynaha Jubbaland ayaa la siiyey awooda magacaabista xubno maamul cusub oo ay yeelato degmada Garbahaarey, waxaana lagu wadaa inuu kala tashto ra’iisul wasaare Rooble.

Wararka Maanta :   Somaliland: 2 degmo oo cusub oo lagu dhawaaqay natiijada doorashada golaha ...

Sidoo kale waxaa la isla qaatay in Ciidamada booliska AMISOM la geeyo Garbahaarey, kuwaas oo sugaya amniga magaalada iyo goobta ay ka dhacayso doorashada.

Wararka Maanta!

Wararka Somali

Hay’ada caafimaadka aduunka oo qalab caafimaad ku wareejisay Somaliland

Wararka Maanta

Isniin, Juun, 21, 2021 (Wararka-Maanta)- Hay’ada caafimaadka aduunka ee WHO, ayaa dawooyinka lagaga hortago iyo kuwa lagu daweeyo xanuunka Shubanka ku wareejiyay Somaliland.Qalabkan ayaa ka loogu talo galay in lagulan tacaalo xanuunka Shubanka oo ka dilaacay qaybo kamida Somaliland.

“Sidad wada ogsoontihiin waxa soo kordhayay xaalado dhinaca shuban ka ah, oo gobolada oodhan laga soo sheegayo” sida waxa yidhi agaasimaha caafimadka Somaliland Maxamed Cabdi Xergeeye.

“Waxanu hada la wareegayna 910 kartoon, oo midkasta 10 litir ku jiraan” ayuu hadalkiisa ku daray agaasime Xergeeye.

Wararka Maanta :   Kylian Mbappe Oo Si Maldahan U Sheegay In Shaki Laga Qabo Mustaqbalka Paris...

Qalabkan caafimaad ayaa ka kooban dawooyinka lagaga hortago in bukaanku fuuq baxo xiliga shubanka iyo kuwa lagu daweeyo shubanka kadib.

Abdilahi Abdi Rahman,

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

DANAB oo Shabaab badan ku dishay weerar ka dhacay Sh/Dhexe – Caasimada…

Wararka Maanta

Jowhar (Wararka Maanta)-Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo ay sacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, iyagoo shaaciyey tirada dagaalamayaal ay ka dileen kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha Guutada 16-aad ee ciidanka kumaandooska Danab Dhamme Xasan Maxamed Cismaan oo howlgalkaas hoggaaminayey ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in Al-Shabaab ay ku weerareen deegaanada kala ah Saabuun, Baaroow, Madiina-Cadde, Gaaleef iyo Buurdheer oo dhamaantood ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Wararka Maanta :   Faahfaahino kasoo baxaya qarax Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Taliyaha ayaa sheegay in howlgalladaas ay ku dileen ugu yaraan 8-xubnood oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaas oo mid ka mid ah la toogtay isaga oo miino ku aasaya wado aad loo isticmaalo, sida uu sheegay Taliye Xasan Tuure.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ciidamadu burburiyeen saldhigyo muhiim u ahaa kooxda oo ay kasoo abaabuli jireen weerarrada ay ka fuliyaan deegaanada qaar ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Ururka 7-aad, Guutada 16-aad ee ciidanka kumaandooska Danab ayaa fuliyey howlgalkaas, waxuuna sarkaalkan hoggaaminayey ciidanka sheegay in qorshahooda uu ahaa ka hor-tagga weerarro ay qorsheynayeen Al-Shabaab, isla markaana ay ku guuleysteen.

Wararka Maanta :   Juventus Iyo Chelsea Oo Xiiseynayaan Qadka Dhexe Barcelona Pjanic.

Mudooyinkii u dambeeyey deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe waxaa ka bilaawday howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxayna militeriga Soomaaliya ku guuleysteen inay ka saaraan deegaano dhowr ah oo ay horay u maamuli jireen.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Golaha deegaanka magaalada Buuhoodle oo mayor u doortay haweenay

Wararka Maanta

Isniin, Juun, 21, 2021 (Wararka-Maanta) – Xubnaha cusub ee golaha deegaanka degmada Buuhoodle, ayaa mayor u doortay Khadiija Axmed Yuusuf halka ay mayor ku xigeena u doorteen Mustafe Cabdi Ayaanle.Khadiija oo kasoo baxday xisbiga Kulmiye, ayaa noqonaysa gabadhii ugu horaysay ee mayor loo doorto guud ahaan Somaliland.

Khadiija ayaa kamid ahayd 3 dumar ka ah ee kaliya ee kasoo baxay 28 haween ah, oo u sharaxnaa doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiilada ee dabayaaqadii bishii hore ka qabsoomay Somaliland.

Wararka Maanta :   Somaliland iyo Taiwan oo kala saxeexday heshiis caafimaad

“Waxan balan qaadaya si hufnaan iyo daacad nimo ku jirto in aan ugu shaqeeyo dadkayga” sida waxa tidhi Khadiija kadib markii la doortay.

“Dowlad dayda waxan ka codsanayaa in ay sigaara iila shaqayso” ayay hadalkeeda sii raacisay Khadiija.

Xildhibaanada codka siiyay mayor Khadiija, ayaa sheegay in ay codka u siiyeen karti iyo hufnaan ay ku arkeen darteed.

Talaabadan ayaa ah mid aan hore uga dhici jirin guud golayaasha deeganada Somaliland, waxayna Khadiija noqonaysa gabadhii ugu horaysay ee mayor loo doorto.

Wararka Maanta :   Wararkii ugu Danbeeyey Diyaarado Daroonis Cusub oo Lagu Qalabeeyey...

Abdilahi Abdi Rahman,

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Weerar lagu dilay dad horleh oo ka dhacay dalka Ethiopia – Caasimada O…

Wararka Maanta

Addis Ababa (Wararka Maanta) – Wararka ka imaanaya caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa ayaa sheegaya in weerar sababay dhimashada 9 qof uu ka dhacay degmada Metta Wolkitte oo 100-KM u jirta caasimada dalkaas.

Weerarka oo ka dhacay dhismaha buundada degmada Metta Wolkitte ayaa imid kadib markii kooxda fulisay ay ku amreen shaqaalaha inay joojiyaan dhismaha buundada, taasi oo ay iska dhago tireen, sida ay sheegen qaar kamid ah ehelka dhibanayaasha

Wararka Maanta :   Deg Deg: Md Farmaajo & Sirta Militerigii ka dagaalamay Itoobiya, Guusha DF...

“Dagaal-yahanada ayaa u sheegay shaqaalaha dhismaha buundada iney joojiyaan, laakiin way sii wadeen shaqada, maadaama uu ka baqayey inuu waayo shaqadiisa,” ayuu yiri mid kamid ah ehelka dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay weerarkaas.

Dadka la dilay oo u badnaa shaqaalihii ku howlanaa dhismaha buundada ayaa sidoo kale waxaa kamid ahaa Nin la sheegay in uu cabitaanka bunka ah uu ku iibinayey wadada hareeraheedda.

Faah-faahin intaas ka badan weli lagama hayo weerarkaan, hase yeeshe waxa uu qeyb ka noqonayaa qalaalasaha amni darro ee ka jira Ethiopia, tan iyo markii uu bilowday dagaalka qowmiyaduhu.

Wararka Maanta :   Somaliland iyo Taiwan oo kala saxeexday heshiis caafimaad

Dhacdadaan ayaa Saraakiisha qaar ay sheegen inaysan wax saameyn ah ku yeelan doonin doorashada dalkaas oo maanta loo dareeray, maadama ay isasoo tarayaa walaac dhanka amaanka ah.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Wasiir Sacad “Soomaaliya taariikh deena ma hayso ee waa in aynu gaadhsina”

Wararka Maanta

Isniin, Juun, 21, 2021 (Wararka-Maanta) – Wasiirka maaliyada Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa sheegay in Soomaaliya ka mid tahay waddamada loo bahanyahay in Somaliland la baro.Wasiirka ayaa sheegay in loo bahanyahay in qadiyada iyo taariikhda Somaliland la gaadhsiiyo ururo iyo dowlado Soomaaliya kamid tahay.

“Cida ugu horaysa ee aynu u bahanahay in aynu qadiyadeena gaadhsiina waa Soomaaliya” ayuu yidhi.

“Soomaaliya taariikhdeena ma hayso marka waa in aynu gaadhsiino” ayuu hadaliisa ku daray.

Wararka Maanta :   Turkiga oo farriin usoo direy dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed - Caa...

Wasiirka ayaa intaa ku daray in ay doonayaan in ay qadiyada Somaliland gaadhsiiyaan ururka AU ee Afrika iyo Qaramada midoobay.

Waa markii ugu horaysay ee Somaliland sheegto in ay taariikhda iyo qadiyada Somaliland barayaan dowlada Soomaaliya.

Abdilahi Abdi Rahman,

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Maxkamadda ciidamada oo shaacisay cidda loo haysto dilkii Sheekh Cali …

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya ayaa Maanta shaacisay Magaca qofkii ka dambeeyay dilkii 17/5/2021 deegaan hoostega Magaalada Gaallkacyo loogu geystay Allah unaxariisto Sheekh Cali Axmed Faarax Dhoore (Sheekh Cali Dheere) oo ahaa Maamulihii Guud ee Jamciyadda Imaamu Nawawi ee Gobolka Mudug.

Xeer ilaaliye ku xigeenka Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Muumin Xuseen Cabdullaahi oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in guddi Saraakiil baarayaal ah oo ka socda Xeer ilaalinta maxkamadda & CID-da loo diray degaanka uu dilka ka dhacay .

Xeer ilaalinta ayaa sheegtay in guddigaas ay waqti badan geliyeen sidii ay u ogaan lahaayeen qaabka uu dhacay dilka marxuumkaas iyo cidda ka dambeyso, waxayna caddeymaha dilka ka qoreen dad markhaatiyaal ah.

Wararka Maanta :   Xog: Taliyeyaal ciidan iyo saraakiil isbaarooyin dhigtay Muqdisho iyo...

Warka kasoo baxay xeer ilaalinta ayaa lagu sheegay in baaritaan dheer kadib ay xeer ilaalinta ogaatay in dilkaas uu ka dambeeyey Dable Cabdixakiin Cabdisalaan Aadan oo ka tirsan Ciidanka Saldhiga Booliska Gaalkacayo.

Xeerilaaliye Ku xigeenka aya intaa hadalkisa ku daray in dilka gacan ay ku siiyeen Askariga eedeysanayal kale ah ina Saciid Cabdi Xidig & ina baalbaal, oo dilka kadib u baxsady dhanka degmada Galodogob ee Gobolka Mudug.

Ugu dambeyntii Maxkamadda ciidanka Qalabka Sida ayaa sheegtay in guddiga barista dacwada ay soo saareen qodobada hoos ku xusan.

1) In Hay’adaha amniga Maamulada Puntland & Galmudug inay soo qabtaan eedeysanayaasha sare ku xisan, iyaga oo fulinaya Amarka Maxkamadda Ciidamada.

2) Hadii eedeysanayaasha aysan Maxkamadda hor-imaan ama aan la soo qaban muddo laba Bilood gudahood ah in Xafiiska Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada uu  u gudbin doonaan Maxkamadda Ciidamada qalabka sida Galdacwadeedka eedeysanayasha, lana bilaabi doono dhageysiga kiiskooda lana xukumi doono, iyaga oo maqan.

Wararka Maanta :   Juventus Iyo Chelsea Oo Xiiseynayaan Qadka Dhexe Barcelona Pjanic.

3) In sidoo kale Guddiga ay u soo baxday in Saraakiisha Booliska ee qeybta Gobolka Mudug & Xafiiska la dagaalanka Argagaxisada ay sameeyeen waajib gudasho la’aan la xiriira dhacdadaan lagana qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.

Eedeysanaha ayaa waxaa laga soo wareejiyey saldhigga Booliska Galdogob, wuxuuna ka tirsanaa Ciidamada Booliska Federaalka ah, waxayna xogta sheegeysaa inuu kamid ahaa askar ka tirsanaa Saldhigga Booliska Gaalkacyo oo loo xil saaray baaritaan lagu hayey Sheekha oo ay dacwad kusoo oogtay CID, isagoo si gaar ah u ahaa askarigii xabsiga kasoo saari jiray marka la wareysanayo Sheekha.

Wararka Maanta :   Faahfaahino kasoo baxaya qarax Caawa ka dhacay magaalada Muqdisho

Maalmo ka hor dilka Sheekha, ayuu Cabdisalaan ka goostay Saldhigga Booliska ee Gaalkacyo kadib markii ay meel xun gaartay xiisad ka dhalatay dil loo geystay nin ay qaraabo yihiin, wuxuuna 10-kii Bishii May soo wacay Sheekha dilka loo geystay oo kasoo jeedo Beesha dishay ninka ay qaraabada yihiin Cabdisalaan, isagoo u sheegay inuu ka socdo saldhigga loona soo dhiibay taleefoono horey looga qaaday Sheekha.

Markii uu Sheekha usoo baxay banaanka gurigiisa ayaa waxaa gaari ku gaxeystay Cabdisalaan iyo 2 askari kale oo watay baabuur gaar ah, waxaana saacado kadib ku dileyn meel u dhow Galdogob oo markii hore laga soo badalay Cabdisalaan.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Isbuuca