Connect with us

Wararka Somali

Natiijada doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiilada ee gobolka iyo …

Axad, Juun, 6, 2021 (Wararka-Maanta) – Natiijada hordhaca ah ee doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiilada ee degmada Hargaysa iyo gobolka Maroodijeex, oo aad loo sugayay ayaa lagu dhawaaqay.Natiijada hordhaca ah ee golayaasha deegaanka degmada Hargaysa waxa hogaaminaya xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo helay 7 xildhibaan, xisbiga Kulmiye ayaa ku xiga oo helay 6 xildhibaan, halka xisbiga UCID uu ka helay 4 xildhibaan.

Musharaxa ugu codka badan doorashada golaha deegaanka Hargaysa waa Cabdikariin Axmed Mooge oo ka sharaxnaa xisbiga Waddani, wuxuna helay 26,290 cod, waana guul taariikhi ah oo aan abid lagu arag doorashooyinka Somaliland.

Wararka Maanta :   Wareysi: Wasiirka arrimaha dibadda DF oo xog cusub ka bixiyey xiriirka...

Natiijada hordhaca ah ee golaha wakiilada gobolka Maroodi-jeex waxa hogaaminaya xisbiga talada haya ee Kulmiye oo helay 8 xildhibaan, xisbiga Waddani ayaa ku xiga oo helay 7, halka xisbiga UCID uu helay 5 xildhibaan.

Musharaxa kusoo baxay codka ugu badan doorashada golaha wakiilada gobolka Maroodi-jeex waa Barkhad Jaamac Xirsi Batuun oo helay 20,231 cod.

Guusha uu Batuun gaadhay ayaa ah mid  taariikhiya oo u soo hoyatay musharaxan kasoo jeeda bulshada aan mudada dheer matalaada ku yeelan golayaasha Somaliland.

Wararka Maanta :   Daawo: Puntland oo soo bandhigtay ciidamo 'kasoo goostay' Gorgor iyo Haramacad - WararkaMaanta

Xildhibaanada golaha wakiilada ee gobolka Maroodijeex ayay tiradoodu dhantahay 20 xildhibaan, halka xildhibaanada golaha deegaanka degmada Hargaysa ay yihiin 17 xildhibaan.

Abdilahi Abdi Rahman,

Wararka-Maanta

Wararka Somali

Magaaladee ayey ka dhici doontaa doorashada ugu adag ee baarlamanka 20…

Dhuusamareeb (Wararka Maanta) – Inkasta oo si guud ay sanadkaan u adag tahay doorashada xildhibaanada ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa haddana waxaa jira saddex magaalo oo ah kuwa uga adag ama cabsida weyn laga qabo ee doorashooyinka ay ka dhici doonaan. 

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa la aaminsan yahay in ay tahay meesha ay ka dhici doonto doorashada ugu adag, waxaana laga cabsi qabaa in uu dhiig ku daato. 

Waxaa ku loolami doono siyaasiin qaarkood hadda ku jira baarlamaanka oo kala jira dhinacyada mucaaradka iyo muxaafadka, waxaana u dhaxeeya Qoor Qoor oo labaduba mid la safan karin daruufo badan oo ku geedaaman aawgood. 

Magaalada ayaa durbo noqotay magaalo ciidan, waxaana ku qulqulayo ciidamo ka socda mucaaradka halka sidoo kale ay hore u joogeen ciidan ka amar qaata Villa Somalia. 

Wararka Maanta :   DF Somalia oo jawaab kulul ka bixisay canaantii beesha caalamka ee mudo kororsiga - WararkaMaanta

Qoor Qoor ayaa loogu hanjabay in kursigiisa uu ku waayi doono haddii uu boob ku soo saaro musharaxiinta taabacsan Villa Somalia, waxaana ugu hanjabay Xildhibaanada Habargidir iyo Musharaxiinta Madaxweyne ee ka jeeda Galmudug. 

Sidoo kale Villa Somalia ayaa Qoor Qoor ku cadaadineysa in aysan soo laaban Xildhibaanada mucaaradka ah ee ka soo jeeda Galmudug sida Mahad Salaad, Cabdiraxmaan Odowaa iyo qaar kale. 

Dad badan ayaa aamisan in Dhuusamareeb ay noqon doonto meesha ay ka dhacayso doorashada mida ugu xiisaha badan uguna qatarta badan. 

Magaalooyinka Garbahaareey iyo Beladweyne ayaa sidoo kale ah kuwa xiga. Dad badan ayaa qaba in labadaan magaalo haddii aan si fiican loo maareynin ay ka dhici karaan isku dhacyo ka dhasha doorashada inkastoo madaxda HirShabeelle iyo Jubaland ay wadaan olale doorashada loogu soo koobayo min hal magaalo. 

Doorashada Soomaaliya ayaa la filayaa in loo dhaqaaqo maalmaha soo socda, waxaana loo arkaa in doorashadaan ay tahay mid adag oo sababi karta dagaalo haddii aan loo maareynin si dagan oo ay ku jirto wada-hadal iyo is faham.

Wararka Maanta :   Madaxweyne Biixi oo si diiran loogu soo dhaweeyay Jabuuti (SAWIRRO)

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Somaliland oo sheegtay in ay waraaqo u kala dirtay caalamka

Khamiis, Juun, 17, 2021 (Wararka-Maanta) – Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in Somaliland ay waraaqo u dirtay caalamka si loo iib geeyo doorashooyinkii qabsoomay.

Wasiirka ayaa sheegay in doorashooyinkii Somaliland ka dhacay uu caalamku aad u amaanay sida darteedna caalamka laga iibin doono.

“Warbixin ay dowladaha Yurub oo dhami doorashada kasoo saareen, aad iyo aad ayay u amaaneen” ayuu yidhi wasiirku.

“Dowladaha gobolkan oo qaar kood doorasho ka qabsoomi doonto waxa lagu yidhi “waa in aad qabataaan doorashooyinki Somaliland oo kale”.

Wararka Maanta :   Somaliland: Mid kamida degmooyinka aad ka loo sugayay oo lagu dhawaqay...

“Dowladu hada waraaqo ayay uwada qortay dhamaan hay’adaha caalamiga ah, sida Qaramada midoobay, Jamacada carabta, Midowga Africa iyo Igad” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirku.

Dhamaan goobjoogayaashi kormeerayay doorashooyinkii Somaliland, ayaa aad u amanay nidaamkii ay u dheceen doorashooyinkii deegaanka iyo wakiiladu ee Somaliland.

Abdilahi Abdi Rahman,

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Golaha deegaanka ee caasimada Hargaysa oo doortay mayor cusub

Khamiis, Juun, 17, 2021 (Wararka-Maanta) – Xubnaha cusub ee golaha deegaanka Hargaysa, ayaa Cabdikariin Axmed Mooge u doortay mayorka cusub ee Hargaysa, halka Khadar Axmed Cumar loo doortay mayor ku xigeen.Mooge ayaa ahaa xildhibaankii ugu codka badnaa doorashadii golaha deegaanka ee Hargaysa, isla markaana wuxu mudo badan u ollolaynayay jagada mayorka Hargaysa.

Xildhibaano badan oo doonayay in ay kula tartamaan Mooge jagada mayorka, ayaa ka tanaasulay hankoodii isla markaana isaga u tanaasulay.

Xildhibaanada loolanka adag ugu jiray Jagada mayorka waxa ugu caansana mayorkii hore ee Hargaysa Cabdiraxman Maxamud Caydiid Soltelco, oo madaxweynaha Somaliland uu ku qanciyay in uu Mooge u tanaasulo.

Wararka Maanta :   Maxaa kasoo baxay kulankii Farmaajo iyo madax goboleedyada taabacsan?

Dhamaan ba xildhibaanada golaha deegaanka saddexda xisbi uga soo baxay, ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyay in Mooge noqdo mayorka caasimada Hargaysa.

Dadwaynaha ku dhaqan caasimada Hargaysa oo codka ugu badan siiyay mayorka cusub, ayaa rajo wayn ka qaba in uu horumarin doona Hargaysa.

“Alle waxan ka baryaya in aanu noqono kuwa kitaabka ay ku dhaarteen ilaaliya, kuwa Hargaysa u shaqeeya iyo kuwo taariikh ka taga” sida waxa yidhi Cabdikariin Axmed Mooge kadib markii la doortay.

Wararka Maanta :   DF Somalia oo jawaab kulul ka bixisay canaantii beesha caalamka ee mudo kororsiga - WararkaMaanta

Magaalooyinka ilaa hada doortay mayoradooda waxa kamida Berbera, oo mayor Ciddin dib loo doortay, Gabilay oo mayor Maxamed Amiin dib loo doortay iyo Ceerigaabo oo mayor Ismaciil Xaji Nuur dib loo doortay.

Abdilahi Abdi Rahman,

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Madaxweynaha Galmudug oo soo gudbiyay liiska xubnaha guddiyada doorashada…

Khamiis, Juun, 17, 2021 (Wararka-Maanta) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa soo gudbiyay liiska xubnaha guddiyada doorashada heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed ee laga sugaayay inuu soo gudbiyo.Xubnaha uu soo gudbiyay madaxweyne Qoorqoor ayaa isugu jira sadex xubnoid oo ah guddiyada heer dowlad goboleed iyo heer Fedaraal iyo xubin ka mid ah xalinta Khilaafaadka.

1- Yaxye Cisman Geedi
2- Mahad Cabdullaahi Maxamud
3-Xaawo Aadan Yare Culusow
4- Ayaan Cabdiraxmaan Maxamud.

Wararka Maanta :   Maxaa ka dhaqan-galay awaamiirtii ay soo rogtay DF ee xakameynta Coronavirus?

Magacaabista xubnahan ayaa imaaneysa xili shalay uu Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya ka dalbaday madaxweynaha Galmudug inuu soo dedejiyo soo gudbinta liiska xubnaha guddiyada doorashada, iyadoo ugu dambeyna maanta uu soo gudbiyay madaxweyne Qoorqoor liiskii laga dalbay soo gudbintiisa.

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Cali Dheere oo la sheegay inuu ku dhacay cudurka Kansarka – Caasimada …

Gaalkacyo (Wararka Maanta) – Afhayeenka guud ee kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inuu ku dhacay xanuunka Kansarka, sida uu shaaca ka qaaday guddoomiyaha Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo sheegay inuu helay xogo amni.

Sanyare oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa sheegay in xogo lagu kalsoonaan karo oo ay heleen ay ku ogaadeen in xaalad halis ah uu ku sugan yahay Sheekh Cali Dheere oo muddo fog ah afhayeenka dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab.

Wararka Maanta :   Maxaa looga hadlay shirkii DF, IMF iyo World Bank?

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu intaasi ku daray in afhayeenku uu si xun u haleelay xanuunka Kansarka, isla-maraakan uu haatan la daala dhacayo xaalad aad u adag.

“Xogo Amni oo lagu kalsoonyahay oo aan helnay waxay tibaaxayaan in Afhayeenkii Argagixisada Al-shabaab Cali Dheere uu ku dhacay Xanuunka Cancer-ka ilaa hadana uu la daala dhacayo oo uu si xun u haleelay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri guddoomiyaha Mudug.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Waxaa bishaaro iyo guula in dhiigii umada islaamka ah uu ilaahay ka soo saaray dushooda Aakhirana ay sugayso Cadaab daran oo looga gudayo waxii dhibaato ay aduunka Ugu gaysteen Umada islaamka ah.

Wararka Maanta :   Galmudug iyo Hirshabelle oo diiday muddo kordhintii barlamaanka kuna baaqay in...

Cali Dheere oo aa in muddo ah laga helin wax muuqaal ah, balse ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara xaaladda dhabta ah ee uu haatan ku sugan yahay.

Si kastaba illaa iyo ma jiro hadal rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan xaaladda caafimaad ee afhayeenkooda, maadaama la soo wariyey inuu ka dhacay Kansar.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Cabdikariin Axmed Mooge oo loo doortay duqa Hargeysa – Wararka Maanta…

Hargeysa (Wararka Maanta) – Xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Hargeysa ayaa saaka doortay maayar cusub, kadib doorasho ka dhacday gudaha magaaladaasi.

Golaha wakiilada ayaa waxaa xilka maaryarka Hargeysa oo si weyn la’isugu hayay ugu dambeyn u doortay Cabdikariin Axmed Mooge oo ka tirsan xisbiga mucaaradka Wadani.

Mooge ayaa sidoo kale ahaa musharraxii ugu codadka badnaa doorashooyinkii dhowaan ka dhacay deegaanka Somaliland, wuxuuna helay 26 kun.

“Illaahay waxaan ka baryayaa in uu naga dhigo kuwo Kitaabka ay ku dhaarteen ilaaliya oo dadkooda u shaqeeya,” ayuu yiri duqa cusub oo la hadlay Wariyeyaasha kadib doorashada.

Wararka Maanta :   Xog: Tallaabo ay qaadeen laba wasiir oo ka dambeysay go'aankii R/W ROOBLE -...

Doorashada ayaa aheyd mid loo dhan yahay, waxaana Cabdikariin Axmed Mooge si aqlabiyad leh ugu doortay duqa Hargeysa xubnaha 17-ka ah ee golaha deegaanka.

Sidoo kale waxaa isna maayar ku xigeen loo doortay Khadar Axmed Nuur oo ku soo baxay doorashadii saaka ka dhacday magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Doorashadan oo gacan taag aheyd waxaa sidoo kale goobjoog ahaa wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo boggaadiyey qaabka ay u dhacday.

Wararka Maanta :   Somaliland: Mid kamida degmooyinka aad ka loo sugayay oo lagu dhawaqay...

Waxaa sidoo kale baraha bulshada iyo deegaanada Somaliland ka billowday dabaal-degyo lagu soo dhoweynayo doorashada duqa cusub ee Hargeysa, Cabdikariin Axmed Mooge.

Si kastaba, Somaliland ayaa waxaa 31-kii bishii May ka dhacday doorasho taariikhi aheyd oo isugu jirtay taan baarlamaanka iyo mida deegaanka, waxaana ku tartamay xisbiga haatan talada haya ee Kulmiye iyo sidoo kale xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Isbuuca