Connect with us

Wararka Somali

Muqdisho : 5 dhalinyarro ah oo ku dhintay xeebta Liido, kuwaas oo qaar…

Wararka Maanta

Jimco, Juun, 4, 2021 (Wararka-Maanta) – Meydka afar dhalinyaro ah ayaa kusoo caariyey xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, iyadoo la soo sheegey in mid kale la la’yahay tan iyo khamiistii markii ay dabaal u aadeen xeebta Liido.Dhalinyaradan ayaa qaar kamid ah waxay kamid ahaayeen ardaydii dhameysatay imtixaanaadka shahaadiga ee sanadkaan, iyagoo ka qalin jabinayay dugsiyada sare ee dalka.

Qoysaska dhalinyaradan ayaa tan iyo maalintii uu falkaan dhacay waxay ku gaaf wareegayeen xeebta Liido, si ay nolol iyo geeri u helaan ubadkooda.

Wararka Maanta :   Xog: Shirkii DF iyo dowlad goboleedyada oo hab cusub u dhacaya iyo madax kusoo wajahan Muqdisho

Saddex kamid ah maydadkooda ayaa la helay isla maalintii khamiista, halka mid kalena ay maanta xeebtu soo caarisay. Welise waxaa maqan midkii shanaad oo la baadi goobayo.

Dhalinyarada geeriyooday oo la sheegay in ay ahaayeen saaxiibo ka wada tirsan koox kubada cagta ah oo ka dhisan degmada Yaaqshiid, ayaa maalintii khamiistii xeebta u tagay si sawirro ugusoo galaan.

Hase ahaatee, markii dambe qaar kamid ah ayaa ku taliyay in ay xeebta ku dubaashaan, taasoo keentay in qeybtood ay baddu la tagto.

Wararka Maanta :   Taliska AFRICOM oo sheegay in ka saarida ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya ay...

Waalidiinta dhalay ayaa dowladda ku eedeeyay in aan masuuliyad la iska saarin badbaada boqolaalka dhalinyaro ee xeebta u dalxiis taga.

Wararka-Maanta

Wararka Somali

Lacag malaayiin ah oo laga dalbaday gabar Soomaali ah oo laga afduubta…

Wararka Maanta

Nairobi (Wararka Maanta) – Gabar 23 jir Soomaali ah oo laga afduubtay xaafadda California Estate ee magaalada Nairobi ayaa kooxda haysata waxay dalbadeen lacag madax furasho oo dhan Shan milyan oo shilling-ka Kenya ah, una dhiganta 46,000 oo dollar, sida uu weriyey wargeyska The Standard.  

Xafsa Maxamed Luqmaan ayaa Talaadadii 15-kii June laga waayey dukaan lagu iibiyo kabaha oo ay ku laheyd xarunta ganacsiga Kamukunj ee Islii. 

“Afduubtayaasha waxay markii ugu dambeysay noo soo direen farriin qoraal 16-kii bishan oo aheyd Arbacaduu, waxayna sheegeen inay doonayaan madax-furasho,” waxaa sidaas wargeyska The Standard u sheegay Cumar Ibraahim oo ah dumaashiga Xafsa.

“Waxaan aad uga walaacsannahay inay waxyeelo u gaysan karaan,” ayuu yiri. 

Wararka Maanta :   Jubbaland oo soo jeedisay in shirka wadashiga lagu qabto...

Muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka qarsan ee dukaanka Xafsa ayaa muujiyey ayada oo dukaanka galeysa saacadda marka ay aheyd 4:44pm Talaadadii, ayada oo ay wehliso gabar kale oo magaceeda lagu sheegay Xafsa Cabdulwahaab.

Labada gabar ayaa durba u baxay deegaanka Kayole, ayada oo aan la ogeyn sababta. Waxaa hadda soo baxday in sidoo kale Xafsa Cabdulwahaab oo qare ku iibisa deegaanka Kayole iyana la’a yahay.

Galabkii Arbacadii, kooxda afduubka gaysataya ayaa soo dirtay muuqaal 35 ilbiriqsi ah oo muujinaya Xafsa Maxamed Luqmaan oo indhaha ka daboolan, gacmaha iyo lugahana laga xiray, ayada oo ay ka muuqdaan jir dil.

Xafsa ayaa la maqlayey ayada oo qoyskeeda ku leh “Waa ley afduubtay, waxayna dalbanayaan madax furasho, fadlan siiya.”

Qoyska Xafsa Maxamed Luqmaan ayaa hadda dalbanaya in si deg deg ah loo soo faro-geliyo arrintan. Sidoo kale qoyska Xafsa Cabdulwahaab, ayaa iyagana booliska ka codsaday inay caawiyaan gabadhooda.

Wararka Maanta :   Kumaandoos lagu soo tababaray Turkiga oo Muqdisho soo gaaray (SAWIRRO)

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Magaaladee ayey ka dhici doontaa doorashada ugu adag ee baarlamanka 20…

Wararka Maanta

Dhuusamareeb (Wararka Maanta) – Inkasta oo si guud ay sanadkaan u adag tahay doorashada xildhibaanada ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa haddana waxaa jira saddex magaalo oo ah kuwa uga adag ama cabsida weyn laga qabo ee doorashooyinka ay ka dhici doonaan. 

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa la aaminsan yahay in ay tahay meesha ay ka dhici doonto doorashada ugu adag, waxaana laga cabsi qabaa in uu dhiig ku daato. 

Waxaa ku loolami doono siyaasiin qaarkood hadda ku jira baarlamaanka oo kala jira dhinacyada mucaaradka iyo muxaafadka, waxaana u dhaxeeya Qoor Qoor oo labaduba mid la safan karin daruufo badan oo ku geedaaman aawgood. 

Magaalada ayaa durbo noqotay magaalo ciidan, waxaana ku qulqulayo ciidamo ka socda mucaaradka halka sidoo kale ay hore u joogeen ciidan ka amar qaata Villa Somalia. 

Wararka Maanta :   DEG-DEG: Axmed Madoobe iyo wafdi uu hogaaminayo oo soo gaaray Muqdisho

Qoor Qoor ayaa loogu hanjabay in kursigiisa uu ku waayi doono haddii uu boob ku soo saaro musharaxiinta taabacsan Villa Somalia, waxaana ugu hanjabay Xildhibaanada Habargidir iyo Musharaxiinta Madaxweyne ee ka jeeda Galmudug. 

Sidoo kale Villa Somalia ayaa Qoor Qoor ku cadaadineysa in aysan soo laaban Xildhibaanada mucaaradka ah ee ka soo jeeda Galmudug sida Mahad Salaad, Cabdiraxmaan Odowaa iyo qaar kale. 

Dad badan ayaa aamisan in Dhuusamareeb ay noqon doonto meesha ay ka dhacayso doorashada mida ugu xiisaha badan uguna qatarta badan. 

Magaalooyinka Garbahaareey iyo Beladweyne ayaa sidoo kale ah kuwa xiga. Dad badan ayaa qaba in labadaan magaalo haddii aan si fiican loo maareynin ay ka dhici karaan isku dhacyo ka dhasha doorashada inkastoo madaxda HirShabeelle iyo Jubaland ay wadaan olale doorashada loogu soo koobayo min hal magaalo. 

Doorashada Soomaaliya ayaa la filayaa in loo dhaqaaqo maalmaha soo socda, waxaana loo arkaa in doorashadaan ay tahay mid adag oo sababi karta dagaalo haddii aan loo maareynin si dagan oo ay ku jirto wada-hadal iyo is faham.

Wararka Maanta :   Xasan Sheekh oo markale digniin kasoo saaray arrimaha ciidamada - Wararka Maanta

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Somaliland oo sheegtay in ay waraaqo u kala dirtay caalamka

Wararka Maanta

Khamiis, Juun, 17, 2021 (Wararka-Maanta) – Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in Somaliland ay waraaqo u dirtay caalamka si loo iib geeyo doorashooyinkii qabsoomay.

Wasiirka ayaa sheegay in doorashooyinkii Somaliland ka dhacay uu caalamku aad u amaanay sida darteedna caalamka laga iibin doono.

“Warbixin ay dowladaha Yurub oo dhami doorashada kasoo saareen, aad iyo aad ayay u amaaneen” ayuu yidhi wasiirku.

“Dowladaha gobolkan oo qaar kood doorasho ka qabsoomi doonto waxa lagu yidhi “waa in aad qabataaan doorashooyinki Somaliland oo kale”.

Wararka Maanta :   Dowladda Soomaaliya oo ciidamo cusub oo Booliis ah geysay kantaroolada laga...

“Dowladu hada waraaqo ayay uwada qortay dhamaan hay’adaha caalamiga ah, sida Qaramada midoobay, Jamacada carabta, Midowga Africa iyo Igad” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirku.

Dhamaan goobjoogayaashi kormeerayay doorashooyinkii Somaliland, ayaa aad u amanay nidaamkii ay u dheceen doorashooyinkii deegaanka iyo wakiiladu ee Somaliland.

Abdilahi Abdi Rahman,

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Golaha deegaanka ee caasimada Hargaysa oo doortay mayor cusub

Wararka Maanta

Khamiis, Juun, 17, 2021 (Wararka-Maanta) – Xubnaha cusub ee golaha deegaanka Hargaysa, ayaa Cabdikariin Axmed Mooge u doortay mayorka cusub ee Hargaysa, halka Khadar Axmed Cumar loo doortay mayor ku xigeen.Mooge ayaa ahaa xildhibaankii ugu codka badnaa doorashadii golaha deegaanka ee Hargaysa, isla markaana wuxu mudo badan u ollolaynayay jagada mayorka Hargaysa.

Xildhibaano badan oo doonayay in ay kula tartamaan Mooge jagada mayorka, ayaa ka tanaasulay hankoodii isla markaana isaga u tanaasulay.

Xildhibaanada loolanka adag ugu jiray Jagada mayorka waxa ugu caansana mayorkii hore ee Hargaysa Cabdiraxman Maxamud Caydiid Soltelco, oo madaxweynaha Somaliland uu ku qanciyay in uu Mooge u tanaasulo.

Wararka Maanta :   Kumaandoos lagu soo tababaray Turkiga oo Muqdisho soo gaaray (SAWIRRO)

Dhamaan ba xildhibaanada golaha deegaanka saddexda xisbi uga soo baxay, ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyay in Mooge noqdo mayorka caasimada Hargaysa.

Dadwaynaha ku dhaqan caasimada Hargaysa oo codka ugu badan siiyay mayorka cusub, ayaa rajo wayn ka qaba in uu horumarin doona Hargaysa.

“Alle waxan ka baryaya in aanu noqono kuwa kitaabka ay ku dhaarteen ilaaliya, kuwa Hargaysa u shaqeeya iyo kuwo taariikh ka taga” sida waxa yidhi Cabdikariin Axmed Mooge kadib markii la doortay.

Wararka Maanta :   Mucjisooyinka dib u dhiska Ciidanka & Kal-adayga Soomaalida | Tiigsiga...

Magaalooyinka ilaa hada doortay mayoradooda waxa kamida Berbera, oo mayor Ciddin dib loo doortay, Gabilay oo mayor Maxamed Amiin dib loo doortay iyo Ceerigaabo oo mayor Ismaciil Xaji Nuur dib loo doortay.

Abdilahi Abdi Rahman,

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Madaxweynaha Galmudug oo soo gudbiyay liiska xubnaha guddiyada doorashada…

Wararka Maanta

Khamiis, Juun, 17, 2021 (Wararka-Maanta) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa soo gudbiyay liiska xubnaha guddiyada doorashada heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed ee laga sugaayay inuu soo gudbiyo.Xubnaha uu soo gudbiyay madaxweyne Qoorqoor ayaa isugu jira sadex xubnoid oo ah guddiyada heer dowlad goboleed iyo heer Fedaraal iyo xubin ka mid ah xalinta Khilaafaadka.

1- Yaxye Cisman Geedi
2- Mahad Cabdullaahi Maxamud
3-Xaawo Aadan Yare Culusow
4- Ayaan Cabdiraxmaan Maxamud.

Wararka Maanta :   Xog: Shirkii DF iyo dowlad goboleedyada oo hab cusub u dhacaya iyo madax kusoo wajahan Muqdisho

Magacaabista xubnahan ayaa imaaneysa xili shalay uu Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya ka dalbaday madaxweynaha Galmudug inuu soo dedejiyo soo gudbinta liiska xubnaha guddiyada doorashada, iyadoo ugu dambeyna maanta uu soo gudbiyay madaxweyne Qoorqoor liiskii laga dalbay soo gudbintiisa.

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Cali Dheere oo la sheegay inuu ku dhacay cudurka Kansarka – Caasimada …

Wararka Maanta

Gaalkacyo (Wararka Maanta) – Afhayeenka guud ee kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inuu ku dhacay xanuunka Kansarka, sida uu shaaca ka qaaday guddoomiyaha Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo sheegay inuu helay xogo amni.

Sanyare oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa sheegay in xogo lagu kalsoonaan karo oo ay heleen ay ku ogaadeen in xaalad halis ah uu ku sugan yahay Sheekh Cali Dheere oo muddo fog ah afhayeenka dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab.

Wararka Maanta :   DF iyo Koonfur Galbeed oo isku haysta deegaanka Ceelasha Biyaha - Caasimada...

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu intaasi ku daray in afhayeenku uu si xun u haleelay xanuunka Kansarka, isla-maraakan uu haatan la daala dhacayo xaalad aad u adag.

“Xogo Amni oo lagu kalsoonyahay oo aan helnay waxay tibaaxayaan in Afhayeenkii Argagixisada Al-shabaab Cali Dheere uu ku dhacay Xanuunka Cancer-ka ilaa hadana uu la daala dhacayo oo uu si xun u haleelay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri guddoomiyaha Mudug.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Waxaa bishaaro iyo guula in dhiigii umada islaamka ah uu ilaahay ka soo saaray dushooda Aakhirana ay sugayso Cadaab daran oo looga gudayo waxii dhibaato ay aduunka Ugu gaysteen Umada islaamka ah.

Wararka Maanta :   Barkhad Jaamac Batuun “Majiri doonto waa laga tiro badanyahay, waala yasaa,...

Cali Dheere oo aa in muddo ah laga helin wax muuqaal ah, balse ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara xaaladda dhabta ah ee uu haatan ku sugan yahay.

Si kastaba illaa iyo ma jiro hadal rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan xaaladda caafimaad ee afhayeenkooda, maadaama la soo wariyey inuu ka dhacay Kansar.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Isbuuca