Connect with us

Warka Caalamka

Maxkamadda Sare ee Mareykanka oo soo saartay go’aan ka dhan ah Soomaalida -…

Wararka Maanta

Maxkamada ugu sarreeysa dalka Maraykanka ayaa soo saartay go’aan ay dad baddan oo soo galooti ku ah dalkaasi Mareykanka ay ka sugayeen Madaxda dalkaas.

Maxkamada ayaa go’aan ka soo saartay in sharciga degenaanshaha ee loo yaqaano Kaarka Cagaaran (Green Card) aan loo ogolaanin qofkii haysta waxa loo yaqaano Sharciga ku meel gaarka ah Temporary Protected Status (TPS), haddii uu qofku si sharci daro ah dalka ku soo galay markii uu is dhiibayey ama uu codsiga degenaansha dalka codsanayey.

Wararka Maanta :   Manchester City Oo Soo Bandhigtay Qiimaha Ay U Qoondeesay Nuno Mendes

Go’aanka  ka soo baxay Maxkamada dalka Mareyka ugu sarreeysa ayaa dhabar jab ku ah dad badan oo Soomaaliyeed iyo qoomiyadaha kaleba ee soo galootiga ku ah dalkaas, kuwaas oo muddo sugayay sharci rasmi ah.

Qareenadda  iyo sharci yaqaanadda ayaa ku dhiirigelinaya qof kasta oo ay arrintani saameeyn ku leedahay in ay la xiriiraan qofka u qareen ah si ay uga helaan wixii faah faahin ah ee la xiriira g’aanka Maxkamada.

Dalka Mareykanka ayaa waxaa ku nool Soomaali aad u farabadan, kuwaas oo qaarkood heysta sharci rasmi ah halka qaar ay si sharci darro ah ku joogaan, iyada oo Go’aanka kasoo baxay Maxkamadda uu saameyn doono.

Wararka Maanta :   Shirkad Maraykan ah oo faquuq ku sameysay shaqaale Soomaali iyo madow kale ...

Wararka Maanta!

Warka Caalamka

Askar Kenyan ah oo ku dhintay diyaarad soo dhacday – Wararka Maanta:…

Wararka Maanta

Sarkaal boolis oo Kenyan ah ayaa sheegay in 17 askari ay geeriyoodeen markii diyaarad helicopter ah oo ay ugu safrayeen layli ay ku dhacday duleedka magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Lix qof oo kale oo qaba dhaawacyo darran ayaa laga soo bad-baadiyey goobta diyaaradda ay ku dhacday oo ah Ole-Tepesi, oo ka tirsan degmada Kajiado, sida uu sheegay sarkaalka, oo codsaday inaan magaciisa la shaacin sababo la xiriira inaan loo fasaxin inuu warbaahinta la hadlo.

Wararka Maanta :   Maxaa Ku Soo Kordhay: Manchester City Iyo Wararka Suuqa Kala Iibsiga Bisha...

Militari Kenya ayaa xaqiijiyey in diyaaradda ay dhacday, hase yeeshee ma aysan bixin faah-faahin. Militariga ma jecla inay shaaciyaan warbixinada khasaare intaas le’eg.

Qoraal kooban oo ay soo dhigeen twitter-ka ay militariga ku sheegeen in hadda uu socdo howlgal badbaadin ah.

Sarkaalka boolis ayaa sheegay in 23 askari ay saarnaayeen diyaaradda, markii ay dhacday subaxnimadii Khamiista.

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

Wafdi ka socda Booliska Caalamiga ah ee Interpol oo soo gaaray…

Wararka Maanta

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafti INTERPOL ah wafdigaan oo ahaa heer caalami, ayaa booqasho ku yimid, Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ee uu ku yaalo Xafiiska Hoggaanka Interpol.

Hayada Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo bah-wadaag la ah Ciidanka Boliiska, ayaa iyaduna qeyb ka aheyd kulanka, waxaana ka qeyb galay Agaasimaha Guud ee Hay’ada, G/sarre Maxamed Adan Koofi.

Ugu danbeyn, kulanka ayaa lagu gorfeeyay howlaha iyo Iskaashiga Interpol ee dhanka hay’adaha Amniga Soomaaliya, waxaana lagu balamay wadashaqeyn iyo iskaashi heer caalami ah.

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

Beesha Caalamka oo Ku Baaqday Baaritaan Lagu Sameeyo Weerar Ka Dhacay Gobolka…

Wararka Maanta

ADDIS ABABABeesha caalamka ayaa si kulul u cambaareysay sidoo kalena codsatay baaritaan lagu sameeyo weerar la sheegay in diyaaradaha milatariga Itoobiya ay ku duqeeyeen suuq ku yaalla magaalada Togoga ee gobolka Tigray.

Weerarkaas ayaa la sheegay in uu sababay khasaare naf iyo maalba leh oo soo gaaray dad rayid ah.

Qaramada Midoobay ayaa dowladda Itoobiya ugu baaqday in ay baadhitaan dhab ah ku samayso dhacdadaas lagu duqeeyay suuqa.

Mareykanka ayaa isaguna tilmaamay walaaca ay duqeyntani ku sii biirisay dhibaatooyinkii ka taagnaa gobolka Tigray isaga oo dowladda Itoobiyana ugu baaqay in ay gargaar caafimaad u fidiso dhibbanayaashii ku waxyeelloobay weerarkaas.

Wararka Maanta :   Farmaajo oo farriin u diray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay -...

Midowga Yurub ayaa duqeyntan ku micneeyay mid argagax badan oo meel ka dhac ku ah xuquuqda aadanaha iyaga oo arrinatan ku soo hadal qaadi doona kulankooda Khamiista iyo Sabtida.

Saraakiisha caafimaadka isbitaalka weyn ee Mekelle ayaa warbaahinta u sheegay in ugu yaraan 60 qof ay dhinteen in ka badan 40 kalena ay ku dhaawacmeen duqeynta ciidamada Itoobiya ay u geysteen suuqa waxayna intaa ku dareen in ay ka cabsi qabaan in khasaaruhu intaa ka sii bato.

Wararka Maanta :   Deg Deg: Dhoolatuska Villa Somalia ka dhacay, Qorshaha MD Farmaajo & RW...

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

Madaxweynaha Dowlad degaanka oo safar deg deg ah ku tagaya Berbera -…

Wararka Maanta

Madaxwaynaha deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar iyo wafdi heer federaal ah oo uu hoggaaminayo ayaa kasoo ambabaxay Magaalada Jigjiga, iyaga oo ku wajahan magaalada Barbara oo ay ku tagi doonan diyaarad khaas ah.

Madaxwaynaha iyo waftigiisa ayaa ka qeyb-galaya xarig ka jarka Dekadda Magaalada Berbera oo dib u casriyayn ballaaran lagu sameeyay.

Wasiirka maaliyadda deegaanka Soomaalida Mubashir Dubbad Raage oo kamid ah Wafdiga Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida ayaa yiri.

“Waxaan u amba baxbay, Bar bara oo aan maanta ka qayb qaadanayno xaflada furitaanka dakada Bar bera, oo kamida mashruuca horumarineed ee loo yaqaan Kadinka Barbara. Waxay wax badan ka badalay saa xidhiidh ka soo jireenka, walaal tinimo, dhaqaale iyo bulsho re deegaanka Somaalida iyo Somaliland”.

Wararka Maanta :   Soomaaliya & Turkiga oo ka wada hadlay kordhinta tababarka Ciidamada -...

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo mas’uuliyiin kale oo isugu jira Soomaali iyo Ajaanib ayaa ka qeyb galaya munaasabadda xarig jarka ballaarinta lagu sameeyay dekadda Berbera.

Previous articleDHAGEYSO: Warka Subax 24-6-2021

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

Bangiga Adduunka oo taageero horleh siinaya Soomaaliya – Radio…

Wararka Maanta

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Abuukar, (Cabdullahi Carab) iyo Madaxa Waxbarshadda Bariga iyo Koofurta Afrika Muna Salih Meky ayaa Aaladda Fogaan Aragga (Zoom meeting) kaga wada hadlay sidii ay iskaga kaashaan lahaayeen hurumarinta Waxbarshada.

Wasiirka Waxbarashada, Madaxa Madaxa Hurumarinta Waxbarashada Banka Aduunka ee Bariga, Koofurta Afrika ayaa kawada hadlay mashaariic ay iska kaashanayaan labada dhinac, uuna maalin gelinayo Bangiga Adduunka, ayaga oo isku afgartay in la bilaabo mashaariic cusub oo hadda diyaar ah.

Wararka Maanta :   Deg Deg: RW Rooble oo amaro Culus soo saaray, Dagaalka MD Farmaajo & Gud....

Wasiirka Waxbarashada ayaa balanqaaday ka miro dhalinta Mashaariicda ay kawada shaqeeyaan Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Somaaliya ee Arrimaha Waxbarashada.

Shirka ayaa kusoo dhamaaday ayada oo la isku afgartay dhaman qodobadii laga wada hadlay iyo sii xoojinta wada shaqeynta Ka dhaxeysa Wasaaradda Waxbarashada iyo Bankiga Adduunka..

Previous articleDagaal xoogan oo ka dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

Mareykanka oo Xayiray Bogag Iiraan ay Ku Lahayd Aaladda Internet-ka

Wararka Maanta

WASHINGTON(Wararka Maanta)-Mareykanka ayaa xayiray tobannaan barood oo dowladda Iiraan iyo maleeshiyaad ay taageerto ay ku lahaayeen barta Internet-ka.

Wasaaradda garsoorka Mareykanka ayaa sababta ay barahaasi u xayireen ku sheegtay in ay baahiyaan xogo marin habaabin ah.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ay xayirtay 33 barood oo ay adeegsanayeen midowga idaacadaha iyo telefishinnada Iiraan iyo saddex barood oo ay maamulayeen ururka xisbullaah ee ka dhisan dalkaas.

Wakaaladda wararka Iiraan ayaa sheegtay in Mareykanku xidhay tiro ka mid ah baraha warbaahinta dowladda ay ku lahayd aaladda internet-ka iyo kuwo ay dowladdu taageerto sida kooxda Xuutiyiinta.

Wararka Maanta :   Deg Deg: Xogta RW Rooble oo isaga baxay Shirkii Wasiirada, Xaaf oo weeraray...

Xiritaanka Mareykanka ee baraha Iiraan ayaa yimi iyada oo todobaadkan ay dalkaasi ka dhacday doorashada madaxweynaha oo loo doortay Ibraahim Ra’iisi. Waxaa intaa sii dheer in laga dhursugayo in dhawaan uu soo baxo go’aan la xariira arrimaha wadaxaajoodka nukliyeerka Iiraan.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Isbuuca