Connect with us

Wararka Somali

Maxkamadda ciidamada oo xukun adag ku ridday Cabdifitaax iyo saaxibkii…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqaday go’aanka kama dambeysta ah ee kiiska la-yaabka lahaa ee loo heystay Cabdifitaax Cali Cumar oo dhowaan lagu qabtay magaalada Muqdisho, isagoo si gaar ah dhac baahsan ugu geystay gabdho badan oo Soomaaliyeed.

Cabdifitaax ayaa ugu horreyn ka shekeeyey taariikhdiisa, maadaama uu horey u soo noqday Imaam iyo sidoo kale macalin dhiga Madaraso lagu barto Qur’aanka Kariimka.

Ugu horreyn wuxuu sheegay inuu dalka Kenya, gaar ahaan xeryaha qaxootiga aaday 2008-dii, kadibna uu arday ka noqday halkaasi, ugana sii gudbay magaalada Gaarisa oo uu ka galay Jaamacad, isaga oo ka bartay Culuumta Diiniga ah, sida uu shaaciyey.

Kadib wuxuu tilmaamay inuu Macalin ka noqday Madaraso, sidoo kalena uu Imaam ka ahaa masjid ku yaalla halkaasi, isla-markaana uu sanado kadib uga sii gudbay Nairobi.

Wararka Maanta :   Wasiir FIQI oo u jawaabay Ilhaan Cumar - Dumaashi dagaalka nala soo ga...

Sidoo kale Cabdifitaax Cali Cumar oo ka hor hadlayey maxkamadda ciidamada ayaa ka hadlay kiis kale oo lagu soo oogay oo ahaa inuu yahay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab, wuuna beeniyey, balse wuxuu qiray inuu xiriir iyo la macaamil oo kaliya la sameeyey xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ay is yaqaaneyn, kuwaas oo ku dayey inay tashkiiliyaan.

Cabdifitaax oo sheegay inuu ka tirsan Urur Diimeedka Ictisaam ayaa shaaca ka qaaday in xittaa masaajida ay kala lahaayeen ragga ka tirsan Al-Shabaab ee doonayey inay tashkiiliyaaan,wuxuuna tilmaamay inuu ka diiday ku biiristooda, siduu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in uu isaga soo tegay magaalada Nairobi, gaar ahaan markii gacanta lagu dhigay mid ka mid ah raggii ka tirsanaa Al-Shabaab ee ay wada xiriiri jireen, wuxuuna magaalada Muqdisho ku soo laabtay, sanadkii 2015-kii, isaga oo degmada Dharkenley ka furtay Malcamad weyn oo lagu barto Diinta Islaamka.

Wararka Maanta :   Xog: DF oo Muqdisho ku xayirtay diyaarad ku socotay Garbahaareey + Sab...

Intaasi, kadib waxaa mar qura is-bedalay Cabdifitaax oo noqday burcad dhac ka geysta caasimada, wuxuuna sheegay in isbedalkiisa uu sababay daawashada Filim Hindi ah oo ay jilayeen saddex Atoore oo aan hubeysneyn, balse lacag baad ah ka qaata dowladda, sida uu ka hor sheegay maxkamadda ciidamada oo maanta xukun adag ku ridday.

Cabdifaax ayaa tan iyo markaas wixii ka dambeeyey bilaabay inuu si farsameysan ku dhaco gabdhaha Muqdisho, isaga oo xeelado kala duwan adeegsanaya, sida inuu haasaawo la hsameeyo gabadha, kadibna uu ka qaato moobilka, ama inuu wadada kula kulamo isaga oo gaari wata, kadibna uu ka codsado taleefoon uu ku hadlo, sidaasina uu uga qaato.

Wararka Maanta :   Sababta Turkigu Kaalinta Koowaad ugalay Dhoofinta & Kobaca Dhaqaalaha |...

Maxkamadda ciidamada oo kiiskan gacanta ku heysay tan iyo 30-kii bishii Jube ayaa ugu dambeyn ku dhowaaqday go’aanka kama dambeysta ah, waxaana Cabdifitaax Cali Cumar lagu xukumay xabsi ciidan oo 10 sano ah, halka Nuur Cali oo caawiye u ahaa, una geyn jiray Moobeelada, si uu ugu iibiyo lagu xukumay2 sano oo xabsi ciidan ah.

Ugu dambeyn guddoomiyaha maxkamadda, Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay haddii aysan ku qanacsaneyn go’aankan in xukunsanayaasha ay qaaday racfaan.

Halkan hoose ka daawo muuqaalka.


 

Wararka Maanta

Wararka Somali

Daawo: Cumar Filish oo faah-faahin ka bixiyey isku dayo la doonayey in…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish oo shalay ka qeyb galay kulan duco ah oo xarunta dowladda hoose ee Xamar loogu sameeyey mas’uuliyiintii laba sano ka hor, 24-kii July 2019-kii lagu qarxiyey xaruntaas, ayaa sheegay in xilligaas kadib la qabtay dad kale oo doonayey inay isaga isku qarxiyaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in markii uu yimid xafiiska, si looga badbaado dhibaatadii hore oo kale shaqaalaha dhan la marsiiyey baaritaan, taas oo sida uu sheegay uu kala kulmay dhaleeceyn badan, balse uu ku adkeystay.

Wararka Maanta :   Maxay ka wada hadleen Farmaajo iyo Amiirka Qatar? - Wararka Maanta

“Markii la isoo magacaabay, balse aana weli xafiiska fariisan waxaa la ii sheegay in la qabtay dad kale oo loo qorsheeyey inay isku key qarxiyaan, kadib markii aan xafiiska imid dad kale ayaa la qabtay, hey’adaha ammaanka iyo garsoorka ayaana kiiskooda u deynay, dadkeenii waxaa laayey cadaw, welina waa sii wataan howshooda, waxaa la sheegaa in qofkii is qarxiyey uu ka mid ahaa maamulka gobolka, weliba agaasimayaashii xiligaas uu ka tirsanaa,” ayuu yiri Cumar Filish.

Sidoo kale Guddoomiye Cumar ayaa sheegay inay ku dadaaleen in dadka inta hartay cadawga laga badbaadiyo, isla markaana ay dib u diiwaan geliyeen shaqaalaha maamulka.

Wararka Maanta :   Raysal wasaaraha Soomaaliya oo goordhaw gaaray magaalada Kismaayo

“Intii dhimatay Allaha u naxariisto waxaan ku dadaalnay, inta nool dadka sidii aan u ceymin laheyn, waxaan qaadanay go’aan ah dhamaan shaqaalaha gobolka Banaadir in dib loo diiwaan geliyo oo qof macluumaadkiisa oo dhan la soo ogaado, kadibna damaanad loo sameeyo oo bal qofka la aqoonsado,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish waxa uu sheegay in diidmo iyo dhaleeceyn badan uu kala kulmay in baaritaan heerkaas ah lagu sameeyo shaqaalaha, “Maanta qof kasta oo ka mid ah shaqaalaha gobolka Banaadir macluumaadkiisa dowladda heysa.” Ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay intii uu xafiiska joogay inuu soo iibiyey qalab iskaan ah oo aad u baara dadka soo gelaaya xarunta dowladda hoose ee Xamar, sidoo kalena uu sameynay ciidamo nabad sugid ah oo dadka ku dhex jira, kuwaas oo aan la wada aqoon, dad badana soo qabtay, sida uu sheegay.

Wararka Maanta :   Wasiir FIQI oo u jawaabay Ilhaan Cumar - Dumaashi dagaalka nala soo ga...

Hoos ka daawo

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Guddoomiyaha degmada Shangaani oo gurigiisa lagu go’doomiyay xilli saq…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa toddobaadkaan xili habeen ah weerar ku qaaday guriga guddoomiyaha degmada Shangaani ee maamulka gobalka Banaadir, waxaana la sheegay in isaga iyo qoyskiisa loo geestay hanjabaad iyo cabsi gelin xoog leh.

Falkaan ayaa dhacay saddex habeen ka hor waxa uuna ka dhacay guriga guddoomiyaha oo ku yaalla isla degmadaas sida ay noo sheegeen mas’uuliyiin kuwa ammaanka ah, oo codsaday inaan la magacaabin.

Xog ay heshay Wararka Maanta ayaa tilmaamaysa in guddoomiyaha la weeraray uu waday abaabulka qeybinta raashin gargaar ah oo loogu talagalay dadka danyarta ah ee degan degmadaas, waxaana mar qura ku yimid ciidamo ka tirsan kuwa NISA oo loo yaqaano Duufaan.

Wararka Maanta :   Guddiga dib u heshiisiinta Gedo oo gaaray magaalada Kismaayo lana kulmay...

Aweys Camuudi oo ah guddoomiyaha degmada ayaa la weydiiyay su’aalo ay ka mid ah ahaayeen cida u wakiilatay qeybinta raashinka, halka uu ka keenay iyo haddii uu heysto fasax hay’adaha ammaanka ah, iyadoo kadibna loogu hanjabay in la xiri doono haddii uu sii wado howshaan. 

Guddoomiye Aweys oo ay ciidanka ammaanka hareereeyeen gurigiisa islamarkaana loogu hanjabay in uu joojiyo barnaamijkii samafalka ee ka socday degmadiisa ayaa la sheegay in uu qaatay amarkaas, waxaana la sheegay in uu saacado galay qalqal isaga iyo qoyskiisaba. 

Si rasmi ah looma oga sababta loo diiday bixinta gargaarkaan hase yeeshee waxaa soo baxaya in ay ka dambeeyaan shaqsiyaad katirsan mas’uuliyiinta ammaanka oo doonaya in ay wax ka helaan raashinka la bixinayo ama in la siiyo lacag caddaan ah. 

Inta badan Muqdisho iyo gobalada qaar ee Soomaaliya markii la bixinayo raashin gargaar ah amaba la qabanayo adeegyo dheeraad ah oo bulsho ama maamul waxaa lacag ama agabyo kale oo dheeraad laga siiyo mas’uuliyiinta a’maanka ee gobalka ama degmada, waxaana la aaminsan-yahay in sababtaas loo weeraray guddoomiye Aweys Camuudi oo nin dhalinyaro ah, oo la magacaabay 02 December 2019.

Wararka Maanta :   Sababta Turkigu Kaalinta Koowaad ugalay Dhoofinta & Kobaca Dhaqaalaha |...

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Daawo: Taliska Booliska oo soo bandhigay sagaal kamid ah ragii ku daga…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta)-Taliska ciidanka booliska Soomaaliya oo war ka soo saaray dagaalkii saakay ka dhacay isgoyska Ex Control Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay xogta khasaarihii ka dhashay iyo cidda ay u dhaxeysay is-rasaaseyntaas.

Ku xigeenka afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Cali Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay soo qabteen koox burcad ah oo uu tilmaamay inay is-rasaaseeyeen, kadib markii ay ku heshii waayeen lacag baad ah oo ay dadka ka aruursanayeen.

Wararka Maanta :   Sababta Turkigu Kaalinta Koowaad ugalay Dhoofinta & Kobaca Dhaqaalaha |...

“Saakay aroortii Ex Control Afgooye waxaa ka dhacday shaqaaqo is-rasaaseyn ah dhex-martay maleeshiyaad qowleysato ah oo dhacayey dadka aaggaas ku nool, intii ay dadka dhacayeen ayey dhexdooda ka tafantay oo dhexdooda ka bilaabatay israsaaseyn sababtay in dad rayid ah ay halkaas ku dhintaan, ilaa afar qof oo shacab ah ayaa goobtaas ku geeriyootay, seddax kalena dhawacyo ayaa soo gaaray,” ayuu yiri sarkaalkaan oo caawa la hadlay warbaahinta.

Afhayeenka ayaa sheegay in xiligaas ay booliska u suurta geli weysay in ragaas la soo qabto, balse garabta ay ku guuleysteen inay weeraraan halkii ay ku dhuumaaleysanayeen ragii isku rasaaseeyey Ex Control, isla markaana ay gacanta ku soo dhigeen inta badan kooxdaas, qaar kalena weli lagu daba joogo.

Wararka Maanta :   Cumar Filish oo weerar culus ku qaaday mid ka mid ah wasaaradaha dowla...

“Xooraan iyo daba-gal kadib, ciidanka booliska gobolka Banaadir waxay galabta weerareen goob ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadkii saakay dhaca iyo dilka u geystay dadkii ay ku dul dagaalameen, waxayna gacanta ku soo dhigeen qaar ka mid ah ragaas iyo hubkii ay wateen, waxaana hor geyn doonaa cadaaladda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray afhayeenkan u hadlay booliska Soomaaliya.

Ragaan lasoo qabtay oo gaaraya sagaal nin ayaa seddax kamid ah waxaa is-rasaaseyntii saakay kasoo gaaray dhaawacyo, sida uu warbaahinta u sheegay ku xigeenka afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Cali Xasan.

Hoos ka daawo

Wararka Maanta :   Doorashada xildhibaanada BF ee Koonfur Galbeed oo la geeyey guriga Laf...

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Macalimuu: Gedo waxaan geynay balaayo, Kullane Jiis in la maxkamadeeyo…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Macalimuu ayaa sheegay in todobadii bilood ee lasoo dhaafay uu xabsi guri ugu jiray Agaasimihii hore ee Shaqaalaha NISA Cabdullahi Kullane, waxuuna dalbanayaa in Kullane cadaaladda la hor keeno.

Macalimuu oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn sheegay in dhammaan siyaasiyiintii iyo odayaashii laga hor taagnaa inay u safraan gobolka Gedo ay u mahad celinayaan Ra’iisul wasaare Rooble oo xilkii ka qaaday ninkii ay ka cabanayeen oo xabsiga ay ugu jireen.

“Sidii aad la socoteen waxaa la jebiyey amarkii Ra’iisul wasaaraha, waxaana jebiyey ninkii Taliye ku xigeenka Nabad sugidda ahaa, ninkaas waxa uu bartay in dunuubta uu galo aan lagu ciqaabin, laakiin hadda waxaa laga qaaday tallaabo, waxay ila tahay dadka dunuubta gala hadii aan sharciga la hor keenin dembiyada ayey iska sii gelayaan, Kullane dhibaatooyinkii uu Gedo ka geystay maxkamad ha lagu saaro,” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo.

Wararka Maanta :   Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay heshiiska qaar kamida xildhibaannada UCID ...

Cismaan Nuur Xaaji oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Intii uu Kullane dembiyada ka galay, aniga ayaa ugu dhib yaraa, anigana 7-bilood ayuu xabsi igu heystay, anigoo masuul soo shaqeeyey ah oo aan dad dhibaato u geysan, ayuu intaas i hor taagnaa, dembiyada kale ee uu geystay wax sahlan maaha, waxaan maqlaayey gabar NISA ku maqan oo gaarigiisa lagu qaaday, arrintaas ma ahan in madaxda dowlad goboleedyada iyo musharaxiintu ka aamusaan.”

Wararka Maanta :   Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay jadwalka doorashada Labada Gole ee...

Sidoo kale Macalimuu ayaa sheegay badbaada Cabdullahi Kullane ay ku jirto in maanta maxkamad lasoo taago, “Hadii aan la maxkamadeyn waa la dilayaa, in la dilana waxaa ka roon, in dembiga uu leeyahay lagu qaado, hadii lagu waayana la iska daayo,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in amarro uu bixiyey Kullane dhibaatooyin xoog leh gobolka Gedo looga geystay, isagoo dadka dhibanayaasha ah u soo jeeduyey inay soo bandhigaan tacadiyada uu u geystay ninkaas, si wax looga qabto.

“Markii hore waxaan u heysanay in gobolka Gedo aan dowlad geynay, laakiin Balaayo ayaan geynay xaqiiqdii, dhibka dowlada laga tabanayo waxaa geystay Kullane Jiis, waxaana u wakiishay dadkii meesha u dirsaday,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cismaan Nuur Xaaji Macalimuu guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo.

Wararka Maanta :   Jubbaland oo xukun dil ah ku fulisay nin kufsaday gabadh saddex jir oo...

Hoos ka Daawo

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Daawo: Qisada cajiibka ah ee Maxamed Cali Cabdiraxman – Wiilka galay k…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Maxamed Cali Cabdiraxmaan waa ardaygii sanadkaan kaalinta labaad ka galay imtixaankii dugsiyada sare ee dowladda, waa 18-sano jir ay hooyadiis ku soo korisay agoonimo, waxna ku soo bartay duruufo adag, wareysi lala yeeshay waxa uu uga warbixiyey marxaladihiisii waxbarasho.

Sidoo kale Maxamed waxa uu ahaa ardaygii ugu dhibcaha sareeyey sanadkaan ardaydii wax ku baratay gobolka Banaadir, waxuuna ka sheekeeyey sidii uu u maareyn jiray waqtigiisa, intii uu ku guda jiray hayaankiisii waxbarashada.

Ardaygaan oo wareysi siiyey warbaahinta dowladda, waxa uu sheegay inuu halkaan ku soo gaaray ducada iyo dadaalka hooyadiis, waqtiga oo aad uu uga faa’iideysan jiray iyo isticmaalka taleefoonka oo uu iska xakameeyey.

Wararka Maanta :   Shil dhimasho iyo dhaawac sababay oo ka dhacay degmada Xamaas

Sidoo kale wiilkaan waa xaafid ilaa lix jeer dhameeyey Qur’aanka Kariimka, isla markaana ku guuleystay tartamo Qur’aan akhris ahaa oo uu horay uga qeyb galay, sida uu ku sheegay wareysigaan.

“Marar badan waxaan ka qeyb galay tartamada Qur’aan akhriska ee la qabto bisha barakeysan ee Ramadaan, dhowr mar ayaan ku guuleystay oo hadiyado la I gudoonsiiyey,” ayuu yiri Maxamed Cali.

Hooyada dhashay Maxamed oo la yiraahdo Bishaar Daahir waxay Shaah ku iibisaa Suuq ku yaalla xaafadda Ceel-dheere ee degmada Dharkeenley waxay sheegtay in wiilkeeda galay kaalinta labaad ee Imtixaanka dowladda ay ku soo korisay duruufo adag.

“Xaalado aad iyo aad u adag ayaan Maxamed ku soo koriyey, isaga oo agoon ah, xataa waxaan awoodi weyn jiray inaan u iibiyo buuga iyo qalinka, sidoo kalena aan ka bixiyo kharashaadka yar ee waqtiga bareega, wiilkeyga kama mid aheyn carruunta bareega la siiyo, waxuu I dhihi jiray Hooyo iska dhaaf ha is dhibine, kharashaadka kale ee waxbarashadeyda ayaadba la daalaa dhaceysaahe, nin raga ayuu Alle ka dhigay oo meeshii aan ka filaayey ayuu iiga soo baxay wiilkeyga. Waa Ilaahey mahadiis,” ayey yiri Hooyo Bishaaro Daahir.ooyHpp

Wararka Maanta :   Rooble oo war kasoo saaray khilaafka doorashooyinka ee siyaasiyiinta S...

Sidoo kale Hooyo Bishaaro oo sheegtay in sanadkaan caruurta u qalin jebisay ay labo yihiin ayaa dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ka codsatay in kaalinta uu wiilkeedu ka soo dhalaalay ay ku gacan siiyaan, maadaama aysan hadda awoodin inay ka bixiso kharashka lagu dhigto Jaamacadda.

Hoos ka daawo warbixinta

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Xildhibaan Maydhane ” Caddaalad darada Muuse ayaanu ka tagnay”

Wararka Maanta

Sabti, Luulyo, 24, 2021 (Wararka-Maanta) – Xildhibaan Maxammed Xuseen Maydhane oo xisbiga Kulmiye uga soo baxay gobolka Awdal, ayaa ku dhawaaqay in uu taageerayo isbahaysiga xisbiyada mucaarad ka, kadib markii xildhibaanada gobolka Awdal ay iska dhex arki waayeen xubnaha Kulmiye u sharaxay shirgudoonka wakiilada.Xildhibaan Maydhane ayaa sheegay in madaxweynuhu uu caddaalad daro kula kacay xildhibaanada gobolka Awdal ee xisbiga Kulmiye, isla markaana uu u sheegay in aanu waxba xildhibaanada gobolka Awdal  ka siinayn shirgudoonka wakiilada.

Wararka Maanta :   DEG DEG: Go´aanka MD Farmaajo ee Talaabadii Rooble, Xaalka Fahad & Dagaalka...

“Waxaanu ka tagnay caddaalad daradiisa, kadib markii shirgudoonkii beelo kale la siiyay, markaanu marlabaad ku noqonay ee aanu ku nidhi siday ku dhacday, xaqii gobolkaygu mee, umad baan matalaa, gobol baanu kasoo jeednaa, intaaso xubnood baanu nahay, jawaab nalama siin” ayuu yidhi.

“Madaxweyne Somaliland  ayaanu doonaynee haduu madaxweyne Isaaq noqday sidaasaanu kaga tagnay, taasaanu walalahayaga caddaalad doonka ahna ugu biirnay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Tan iyo markii uu bilaabmay loolanka doorashada shirgudoonka golaha wakiilada ayaa sidookale waxa bilaabmay in xildhibaanada xisbiyada mucaaradka iyo muxaafadku ay kala taageeraan xubnaha shirgudoonka ay u kala sharaxeen xisbiyada mucaaradka iyo muxaafadku.

Wararka Maanta :   Sababta Turkigu Kaalinta Koowaad ugalay Dhoofinta & Kobaca Dhaqaalaha |...

Abdilahi Abdi Rahman,

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Isbuuca