Connect with us

Wararka Somali

Maxay tahay sababta ka danbaysa in haweenka Somaliland anay kusoo bixin…

Isniin, Juun, 7, 2021 (Wararka-Maanta) – 25 kamid ah 28 haween ah oo u sharaxnaa doorashooyinka golayaasha wakiilada iyo deegaanka, ee 31 May looga dareeray Somaliland, ayaa ku guul daraystay in ay ku soo baxaan jagooyinki ay u ordayeen.Sababta keentay in dumarku ay doorashooyinka kusoo bixi waayaan ayaa loo aaneeya dhaqanka bulshada Soomaalida oo aan aqoon sanayn hogaaminta hablaha, sababo dhaqaale iyo xisbiyada oo aan ahmiyad siin hablaha.

Sucaad Carmiye Odowaa oo u sharaxnayd xildhibaan golaha wakiilada ah ee gobolka Saaxil, oo aan kusoo bixin kursigii ay u cararaysay ayaa sheegtay in bulshadu anay aqoonsanayn in gabadhu hogaamiye noqon karto.

Sucaad oo  ka sheekaysay caqabadihi ay kala kulantay wakhtigii ay doonysay in ay is sharaxdo, ayaa sheegtay in odayaasha dhaqanka ee reer keedu anay siin ahmiyad lamid ah ta ay siinayeen musharixiintii rag aha.

Wararka Maanta :   Wararkii ugu Danbeeyey Heshiiska Imaaraadka & itoobiya Somaliland Dekada Berbera

“Reer kastaba nin bay galbinayaan, waxan arkay odayaashi jufadayda ka socday oo nin wata, albaabkii baa la xidhay hool baa la galay, waxa la yidhi inantu ma waxay rabtaa in ay waxa soo rag ah la fadhiisato” ayay tidhi Sucaad.

“Waxay iloobeen meeshan u socdaa in ay tahay meeshi ragu fadhiyi jireen, 60 nin ba meeshi fadhistay markasa nin waliba keenay qofkuu waday, nin baa kacay oo yidhi inantii halkanay inoo fadhidaaye maxan ka yeelaynaa”.

“Markii ay go’aan kii dhamaysteen ayay yidhaahdeen waar 8 oday u dira oo meel halkanay fadhidaaye duco kusii tuura” ayay hadalkeeda sii raacisay.

Muna Maxamuud Cabdi (Toosane) oo ah gabadh saxafiyad ah isla markaana kamid ahayd koox haween ah oo isku xilqaamay inay dhaqaale u ururiyaan dumarka musharixiinta ah, ayaa caqabadaha haweenka haysta ku tilmaantay qaar dhaqan iyo dhaqaale.

Wararka Maanta :   Wararkii ugu Danbeeyey Kulanka Shakiga Abuuray ee Kenya & Safiirka Ingiriiska ee...

“Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya uma taageeraan haweenka musharixiinta ah sida ay u taageeraan raga musharixiinta ah” ayay Muna Wararka-Maanta u sheegtay.

Sababaha ugu waa way ee caqabaha ku ah haweenku in ay usoo baxaan kuraasta doorashooyinka ayaa lagu sababeeyaa dhaqaale la’aan haysata iyo ilo dhaqaale oo anay helin, waxa la sheega in dumarku anay helin tageerada dhaqaale ee ay ragu helan.

“Dumarku ma haystaan dhaqaale badan oo ay ku kasbadaan codbixiyayaal, ragu waxay isticmaalayeen dhaqaale badan oo ay xataa dadka qaarkood codka ka iibsanayeen” Muuna ayaa markale sida Wararka-Maanta u sheegtay.

Wararka Maanta :   Xukuumadda oo Siidh Bilaash Ah U Qaybinaysa Beeralayda Dalka

DR. Adna Aadan Ismaaciil ayaa mid kamida caqabadaha haweenka hortagan ku sheegtay in tahay in xisbiyadu ku guul daraysteen in ay ahmiyad siiyaan haweenka musharixiinta ah.

“Haweenkii usoo baxay doorashooyinka xisbi kaliyihi kuma tun tuunsan in uu mid iyo laba kasoo saaro xisbiga, hadii xisbi kali ahi soo saari laha mid iyo laba markhaati bay u noqon lahayd dimuquraadi nimadisa lakin way garan waayen” ayay tidhi DR. Adna.

Haweenka Somaliland ayaa 30 sano ee ay Somaliland jirtayba aad ugu yaraa golayaasha laga go’aamiyo masiirka bulshada, marar badana aan kaba soo dhex muuqan, doorashadan oo aad loogu hanweyna in dumar badani soo bixi karaan iyaa iyada anay dhicin.

Abdilahi Abdi Rahman,

Wararka-Maanta

Wararka Somali

Gen. Biixi oo sheegay xilliga dalka lagu soo celin doono dhalinyarada …

Muqdisho (Wararka Maanta) – Taliyaha ciidanka dhulka ee militeriga Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo wax laga weydiiyey arrinta dhalinyarada tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ee warkooda lala’yahay ayaa sheegay in dhalinyaradaas iyo kuwo tababar u jira dalal kale oo caalamka ah dib loo soo celin doono markii ay soo dhameystaan tababarrada u socda.

Taliyaha oo u waramay Radio Muqdisho ayaa ka meermeeray inuu si toos ah uga warbixiyo dhalinyarada la weysan yahay ee dowladdu u qaaday dalka Eritrea, balse waxa uu si adag u beeniyey in ciidan Soomaaliyeed oo tababar ku maqan ay ka dagaalameen dal kale.

Wararka Maanta :   Wararkii ugu Danbeeyey imaaraadka oo Qaaday Talaabo Kale oo Halis Ah Xaga...

“Xaqiiqadu waxay tahay ciidan uu dal tababar u dirsaday, wadan kale dagaal ma geli karo, boqolaal kun oo ciidan ayuu leeyahay dalka Eritrea, marka waxaba ugama baahna ciidan dal kale, cid u ogolaaneysana maba jirto, marka waa been, mana dhici karto in ciidankeenii uu dagaal galay,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Sidoo kale waxa uu sheegay Taliye Biixi in dowladdu ay soo celin doonto ciidamada tababarrada uga maqan dalka markii ay dhameystaan tababarkooda, isagoo waalidiinta Soomaaliyeed ugu baaqay inay is dejiyaan oo aysan rumeysan wararka suuqa ku jira.

Wararka Maanta :   Xog: Taliyeyaal ciidan iyo saraakiil isbaarooyin dhigtay Muqdisho iyo...

Maalmihii la soo dhaafay waxaa cirka isku shareertay cabashada waalidiinta Soomaaliyeed ee carruurtooda tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo war iyo wacaal toona laga waayey, dowladuna ay dhagaha ka fureysatay in jawaab waafi ah ay ka bixiso nolosha ama geerida dhalinyaradaas.

Hadal heynta iyo baadigoobka dhalinyaradaas ayaa soo cusboonaatay todobaadkii hore markii hey’adda xuquuqda aadanaha u qaabilsan Qaramada Midoobey ay soo saartay warbixin sheegeysa in ciidan Soomaaliyeed oo laga keenay dalka Eritrea ay ka dagaalameen gobolka Tigray ee waqooyga dalka Itoobiya.

Wararka Maanta :   Xukuumadda oo Siidh Bilaash Ah U Qaybinaysa Beeralayda Dalka

Hoos ka dhageyso wareysiga


Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Somaliland iyo Taiwan oo kala saxeexday heshiis caafimaad

Arbaco, Juun, 16, 2021 (Wararka-Maanta)- Somaliland iyo Taiwan ayaa kala sexeexday heshiis caafimaad oo dib loogu casriyaynayo isbitaalka guud ee  Hargeysa, isla markana lagu keenayo dhakhatiir Taiwanese ah.Warbixin laga soo saaray heshiiska ayaa lagu yidhi” Heshiiskan waxa si weyn loogu casriyeyn doonaa Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, Sidoo kale waxa Cisbitaalka ka hawl-gali doona dhakhaatiir waaweyn oo dalka Taiwan ka socda oo si rasmi ah uga shaqayn doona Cisbitaalka”.

Labada dhinac ayaa sidookale kala sexeexday in Taiwan ay tababarto boqolaal howl wadeeno caafimaad ah isla markaana maal galiso dhismayaal cusub oo lagu kordhindoono isbitaalka wayn.

Wararka Maanta :   Daawo: Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Galmudug oo u hanjabay Dubbe + Sababta - WararkaMaanta

Waxa kale oo lagu heshiiyay in Taiwan ay ka shaqayso horumarinta caafimaadka guud ee Somaliland.

Wajiga koobaad ee heshiiska ayaa socon doona mudo 5 sano ah kadibna dib u cusboonaysiin ayaa lagu samayn doona.

Dhinaca Somaliland waxa heshiiska u saxeexay wasiir ku xigeenka Arrimaha dibada Libaan Yusuf Cisman dhinaca Taiwan na wasiirka arrimaha dibada Joseph Wu.

Abdilahi Abdi Rahman,

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Turkiga oo farriin usoo direy dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed – Caa…

Ankara (Wararka Maanta) – Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareeysay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu weeraray Xerada Tababarka Janeral dhega-badan ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac badan.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay inay aad uga xun tahay dowladda qaraxaas, oo ay ku naf waayeen ku dhawaad 20 ruux oo u badna dhalinyaro.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkii foosha xumaa ee argagixiso ee lagu bartilmaameedsaday ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed, waxaana tacsi tacsi tiiraanyo leh u direeynaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaan u rajeynaynaa in  Alle u naxariisto kuwii ku naf waayey weerarka,” ayaa lagu yiri qoraalkaas.

Wararka Maanta :   Wararkii ugu Danbeeyey Heshiiska Imaaraadka & itoobiya Somaliland Dekada Berbera

Qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay inay dowladdooda sii wadi doonto garab istaagooda ku aadan dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka qaraar kula jira argagixisada Al-Shabaab.

Qaraxa oo ahaa nooca is-miidaaminta oo shalay ka dhacay xerada ciidamada General Dhaga Badan oo ku taalla Ex Warshaddii hore ee Nac-Naca ee degmada Wadajir.

Qaraxa ayaa waxaa fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, kaas oo beegsaday dhalinyaro loo qorayey ciidanimo, si loogu tababaro gudaha xeradaasi.

Wararka Maanta :   Wararkii ugu Danbeeyey imaaraadka oo Qaaday Talaabo Kale oo Halis Ah Xaga...

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay afaafka hore ee xerada, xilli ay saf ku jireen askarta cusub oo loo diyaarinayey ka mid noqoashada ciidamada Gorgor.

Sidoo kale qofka is qarxiyey ayaa la sheegay inuu iska soo dhigay dhalinyarada dooneysa inay qortaan ciidanimada, isla-markaana uu is qarxiyey, marka uu soo galay safka.

Dadka ay qaraxa shalay waxyeeladu kasoo gaartay ayaa ahaa dhalinyaro safaf ugu jiray inay qortaan ciidanimada oo ku sugnaa gudaha xeradaas.

Wararka Maanta :   DEG DEG: Rooble oo ka hor yimid muddo kordhin kuna dhawaaqay inuu qabanayo...

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Isbuuca