Connect with us

Wararka Somali

Maxay ka wada hadleen Farmaajo iyo Amiirka Qatar? – Wararka Maanta

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamiim bin Xamad Al Thani ayaa yeeshay wada-hadal dhanka Taleefoonka ah, sida lagu baahiyey wakaaladda wararka ee SONNA.

Farmaajo ayaa amiirka dalka Qatar ayaa ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda barakeysan ee Ciidul Adxa.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Amiirka Dalka Qatar Sheekh Tamiim bin Xamad Al Thani ayaa sidoo kale is-weydaarsiga hambalyada kaddib u rajeeyay labada dal iyo dhammaan Muslimiinta horumar iyo barwaaqo inay ku gaaraan sanadkan kiisa kale.

Wararka Maanta :   TPLF oo Sheegtay In ay La Wareegeen Magaalada Korem

Wada-hadalka dhex maray madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday iyo Amiirka Qatar ayaa imaanayo xilli ay jiraan warar sheegayo in Qatar ay joojisay lacagihii la filayey inay ku bixiso ololaha doorashada Farmaajo.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa waxaa ka dhaxeeyo xiriir wanaagsan, waxaana la aamisan yahay in Qatar ay maal gelisay Farmaajo waqtigii uu ku jira ololaha ka hor inta aan loo dooran madaxweynaha Soomaaliya.

Wararka Maanta

Wararka Somali

Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada oo soo bandhigay sharuudaha…

Wararka Maanta

Axad, Luulyo, 25, 2021 (Wararka-Maanta) – Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka, ayaa soo saaray sharuudaha cabashooyinka aqalka sare, xilli maanta lagu wado in la shaaciyo guddiyada doorashooyinka iyo musharraxiinta aqalka sare.Guddiga ayaa sheegay in ay cabashada soo gudbin karaan, musharrax kaste oo buuxiyay sharuudaha, xildhibaanada dowlad goboleedyada iyo ergada dooranaysa wakiillada Soomaliland.

Guddiga xallinta khilaafaadka waxay sidoo kale sharuud maaliyaddeed oo dhan $3,000, ku xireen cid kaste oo doonaysa in ay cabasho usoo gudbiso.

Wararka Maanta :   Guddoomiye Sanyare" Ganacsatadii ka qeyb qaadan weyda taakulaynta dagaalka ...

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Dib u dhac ku yimid doorashada Aqalka sare iyo Beesha Caalamka oo shur…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Waxaa mar kale dib u dhac ku yimid markii saddexaad doorashada Aqalka Sare oo Guddiga Doorashada heer federaal uu shaaciyey inay bilaaban doonto 25-ka July, 2021 oo ku beegan Maanta.

Dib u dhacan ayaa la sheegay inuu ka yimid diyaar garow la’aan iyo cagajiidka Maamul Goboleeyada, waxaana ugu dhow Maamulka Jubbaland oo howsha Doorashada Aqalka Sare ay uga harsan tahay inuu Madaxweynaha maamulkaasi liiska Musharixiinta u gudbiyo Guddiga Doorashooyinka Jubbaland.

Wararka Maanta :   Somaliland oo sharci yaab leh ka soo saareysa calanka Soomaaliya - Caa...

Ilaa iyo hadda a jirto Liiska Musharixiin oo la hayo, waxaana sidoo kale fasax ku maqan Baarlamaanka Galmudug oo aan isu imaaneynin ka hor 1-da Ogost, mana muuqdo olole doorasho oo socda.

Arrintan waxay mugdi kale sii gelineysaa Doorashada Dadban ee Federaalka oo muddo dheer dib u dhacday, welina u muuqata mid jiitameysa.

Beesha Caalamka ayaa la sheegay inay shuruud ka dhigtay qabashada Doorashada Aqalka Sare si ay u bixiso dhaqaalaha doorashada, laakiin maamul Goboleedyada iyo Gudiyadooda ayaa doonaya in dhaqaale lagu siiyo Doorashada Aqalka Sare, taasoo beesha caalamka ay diidan tahay.

Wararka Maanta :   Xabeeb oo sabab yaab-leh uga horyimid doorashada madaxweynaha - Caasim...

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal (FEIT), iyo xubno la socda ayaa Shalay Magaalada Kismaayo u tegay dardar-galinta qabsoomidda doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Maraykanka oo difaacay duqeymihii uu fuliyay Soomaaliya todobaadkii hore

Wararka Maanta

Axad, Luulyo, 25, 2021 (Wararka-Maanta) – Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in duqeymaha mareykanka ee lagu bartilmaameedsanayo Al-Shabaab ay xoojinayaan weerarada ka dhanka ah kooxda argagixisada ee xiriirka la leh Al-Qaacida.Hadalkaan ayaa u muuqday mid wasaaradda gaashaadhigga Maraykanka kaga jawaabayso qoraal kasoo baxay xildhibaan Ilhan Omar oo su’aallo ka keentay duqeymihii ugu dambeeyay ee Galmudug.

“Dhawaan waxa dhacay waxa weeye ciidamada aan iskaashiga leenahay ayaa kordhiyay howlgalladooda, waxayna dib u riixayeen Al-Shabaab,” ayuu Austin u sheegay wariyeyaasha isaga la safraya ee ku sugan saldhigga ciiddamada cirka ee Alaska.

Wararka Maanta :   Guddoomiye Sanyare" Ganacsatadii ka qeyb qaadan weyda taakulaynta dagaalka ...

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa Al-Shabaab ku bartilmaameedsaday labo duqeyn oo dhacday 20-kii July iyo 23-kii July, ka dib muddo ku dhow lix bilood oo hakad uu soo galay markii uu talada la wareegay Madaxweyne Joe Biden.

Milatariga Soomaaliya ayaa loollan adag oo dhanka dhulka ah la galay Al-Shabaabkii ku sugnaa maamulka Galmudug, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday labada duqeyn oo diyaaradaha Mareykanka ay fuliyeen.

Milatariga Mareykanka ayaa fuliyay 63 weerar oo cirka ah oo ka dhan ah Al-shabaab sanadkii 2019 iyo 53 duqeyn ah oo sanadkii hore ah.

Wararka Maanta :   Madaxweyne ka badbaaday isku day dil xilli uu ku guda jiray Salaadda C...

Saraakiisha Mareykanka ayaa sharraxaad ka bixiyay gaabiska ku yimid duqeymaha iyagoo u cuskanaya dib u eegis maamulka Biden uu ku sameeyay siyaasadda duulimaadka militariga.

Dowladda Soomaaliya ayaa aad uga walaacsanayd duqeymo la’aanta taasoo kooxda Alshabaab u ogolaatay inay ka soo baxaan dhuumashada.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Wararkii ugu dambeeyey Kismaayo iyo Axmed Madoobe oo magacaabayo liisk…

Wararka Maanta

Kismaayo (Wararka Maanta) – Baarlamaanka Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo ku began 25-ka July 2021 dooranaya Senatarada Aqalka Sare BFS sida uu shaaciyay Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dowlad-Goboleedkaas & Guddiga kale ee Baarlamaankaas uu magacaabay.

Magaalada Kismaayo xarunta KMG ah ee DG Jubbaland waxaa ka socda diyaargarowga doorashada 8-da Senatar ee Dowlad-Goboleedkaas ku metalaya Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka.

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa Shalay gaaray Kismaayo si ay goobjoog uga noqdaan doorashada Maanta lagu wado in ay dhacdo.

Wararka Maanta :   Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida oo ka hadlay sababta ay ciidamada ...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu soo saaro liiska Musharixiinta doonaya inay u tartamaan Xildhibaannada Aqalka Sare.

Axmed Madoobe ayaa Maanta waxaa uu la kulmayaa Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo uu horkacayo Guddoomiyaha Guddiga, kuwaas oo shalay gaaray Kismaayo si ay Axmed Madoobe kala wareegaan liiska Musharixiinta Aqalka Sare qeybta Jubbaland.

Sidoo kale Xubnaha Guddiga doorashooyinka ee Heer Federaal ayaa waxaa ay la kulmi doonaan musharixiinta Aqalka Sare ee loo soo gudbiyo si ay ugala hadlaan qabsoomida doorashada Aqalka Sare.

Ammaanka Magaalo Xeebeedka Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, waddooyinka waxaa la dhigay Ciidamo dheeraad ah oo ah Nabadsugidda, Booliiska iyo askar ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Wararka Maanta :   Maxaa u qabsoomay guddiga loo xil-saaray arrinta GEDO? - Caasimada Onl...

Jubbaland haddii ay ku guuleysato qabsoomidda Doorashada 8-da kursi ee Aqalka sare waxa ay noqoneysaa Dowlad-Goboleedkii ugu horeeyay ee soo gudbiya Senatarada ku metalaya Federaalka 2021.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Daawo: Cumar Filish oo faah-faahin ka bixiyey isku dayo la doonayey in…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish oo shalay ka qeyb galay kulan duco ah oo xarunta dowladda hoose ee Xamar loogu sameeyey mas’uuliyiintii laba sano ka hor, 24-kii July 2019-kii lagu qarxiyey xaruntaas, ayaa sheegay in xilligaas kadib la qabtay dad kale oo doonayey inay isaga isku qarxiyaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in markii uu yimid xafiiska, si looga badbaado dhibaatadii hore oo kale shaqaalaha dhan la marsiiyey baaritaan, taas oo sida uu sheegay uu kala kulmay dhaleeceyn badan, balse uu ku adkeystay.

Wararka Maanta :   Puntland iyo Daacish oo maalintii saddexaad ku dagaalamayo Gal-gala - ...

“Markii la isoo magacaabay, balse aana weli xafiiska fariisan waxaa la ii sheegay in la qabtay dad kale oo loo qorsheeyey inay isku key qarxiyaan, kadib markii aan xafiiska imid dad kale ayaa la qabtay, hey’adaha ammaanka iyo garsoorka ayaana kiiskooda u deynay, dadkeenii waxaa laayey cadaw, welina waa sii wataan howshooda, waxaa la sheegaa in qofkii is qarxiyey uu ka mid ahaa maamulka gobolka, weliba agaasimayaashii xiligaas uu ka tirsanaa,” ayuu yiri Cumar Filish.

Sidoo kale Guddoomiye Cumar ayaa sheegay inay ku dadaaleen in dadka inta hartay cadawga laga badbaadiyo, isla markaana ay dib u diiwaan geliyeen shaqaalaha maamulka.

Wararka Maanta :   Awooda Militeriga Turkiga, Hubkiisa oo Dunida ka yaabtay & Dalalka Cadawga...

“Intii dhimatay Allaha u naxariisto waxaan ku dadaalnay, inta nool dadka sidii aan u ceymin laheyn, waxaan qaadanay go’aan ah dhamaan shaqaalaha gobolka Banaadir in dib loo diiwaan geliyo oo qof macluumaadkiisa oo dhan la soo ogaado, kadibna damaanad loo sameeyo oo bal qofka la aqoonsado,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish waxa uu sheegay in diidmo iyo dhaleeceyn badan uu kala kulmay in baaritaan heerkaas ah lagu sameeyo shaqaalaha, “Maanta qof kasta oo ka mid ah shaqaalaha gobolka Banaadir macluumaadkiisa dowladda heysa.” Ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay intii uu xafiiska joogay inuu soo iibiyey qalab iskaan ah oo aad u baara dadka soo gelaaya xarunta dowladda hoose ee Xamar, sidoo kalena uu sameynay ciidamo nabad sugid ah oo dadka ku dhex jira, kuwaas oo aan la wada aqoon, dad badana soo qabtay, sida uu sheegay.

Wararka Maanta :   Somaliland oo sharci yaab leh ka soo saareysa calanka Soomaaliya - Caa...

Hoos ka daawo

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Guddoomiyaha degmada Shangaani oo gurigiisa lagu go’doomiyay xilli saq…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa toddobaadkaan xili habeen ah weerar ku qaaday guriga guddoomiyaha degmada Shangaani ee maamulka gobalka Banaadir, waxaana la sheegay in isaga iyo qoyskiisa loo geestay hanjabaad iyo cabsi gelin xoog leh.

Falkaan ayaa dhacay saddex habeen ka hor waxa uuna ka dhacay guriga guddoomiyaha oo ku yaalla isla degmadaas sida ay noo sheegeen mas’uuliyiin kuwa ammaanka ah, oo codsaday inaan la magacaabin.

Xog ay heshay Wararka Maanta ayaa tilmaamaysa in guddoomiyaha la weeraray uu waday abaabulka qeybinta raashin gargaar ah oo loogu talagalay dadka danyarta ah ee degan degmadaas, waxaana mar qura ku yimid ciidamo ka tirsan kuwa NISA oo loo yaqaano Duufaan.

Wararka Maanta :   Awooda Militeriga Turkiga, Hubkiisa oo Dunida ka yaabtay & Dalalka Cadawga...

Aweys Camuudi oo ah guddoomiyaha degmada ayaa la weydiiyay su’aalo ay ka mid ah ahaayeen cida u wakiilatay qeybinta raashinka, halka uu ka keenay iyo haddii uu heysto fasax hay’adaha ammaanka ah, iyadoo kadibna loogu hanjabay in la xiri doono haddii uu sii wado howshaan. 

Guddoomiye Aweys oo ay ciidanka ammaanka hareereeyeen gurigiisa islamarkaana loogu hanjabay in uu joojiyo barnaamijkii samafalka ee ka socday degmadiisa ayaa la sheegay in uu qaatay amarkaas, waxaana la sheegay in uu saacado galay qalqal isaga iyo qoyskiisaba. 

Si rasmi ah looma oga sababta loo diiday bixinta gargaarkaan hase yeeshee waxaa soo baxaya in ay ka dambeeyaan shaqsiyaad katirsan mas’uuliyiinta ammaanka oo doonaya in ay wax ka helaan raashinka la bixinayo ama in la siiyo lacag caddaan ah. 

Inta badan Muqdisho iyo gobalada qaar ee Soomaaliya markii la bixinayo raashin gargaar ah amaba la qabanayo adeegyo dheeraad ah oo bulsho ama maamul waxaa lacag ama agabyo kale oo dheeraad laga siiyo mas’uuliyiinta a’maanka ee gobalka ama degmada, waxaana la aaminsan-yahay in sababtaas loo weeraray guddoomiye Aweys Camuudi oo nin dhalinyaro ah, oo la magacaabay 02 December 2019.

Wararka Maanta :   Ilhaan Cumar oo madaxweyne Biden ka codsatay arrin ku saabsan...

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Isbuuca