Connect with us

Warka Ciyaaraha

Maxaa Ka Run Ah In Henrikh Mkhitaryan Uu Isaga Tegi Doonaa Kooxda Roma.

Henrikh Mkhitaryan ayaa laga yaabaa inuu ka tago Roma dhamaadka xilli ciyaareedka, sida laga soo xigtay Calciomercato Armenian-ka ayaa leh qodobka qandaraaskiisa kaasoo dhaliyay in la kordhiyo ka dib 25 kulan oo uu saftay – waana tiro uu horay u gaaray xilli ciyaareedkan.

Laakiin iyada oo kooxda Roma ay jahwareer ku jirto, Mkhitaryan iyo wakiilkiisa Mino Raiola ayaan wali aqbalin kordhinta qandaraas cusub waxayna raadin karaan meel kale ay la heshiiyaan hadii aysan miiska wadahalka lagu heshiinin.

Wararka Maanta :   Liverpool Oo Booska Wijnaldum U Keensaneyso Lorenzo Pellegrini.

Xidigii hore ee arsenal iyo manchester united Mkhitaryan ayaa isaga huleeli doona Kooxda caasimada ka dhisan waxaana uu u weecan karaa horyaalada waa weyn ee qaarada yurub waxaa sidoo kale macquul ah inuu kusii nagaado talyaaniga uuna qeyb ka noqto kooxaha ka dhisan.

Wararka Ciyaaraha!

Warka Ciyaaraha

Belgium-ka Oo Guul Ka Gaaray Ruushka Iyo Xulka Finland Oo Ka Badiyay…

Waxaa la ciyaaray Kulamo ka tirsan Koobka Euro 2020 Guruubka B iyadoo Xulalka Belgium-ka iyo Finland ay gaareen guulo Muhiim ah.

Xulka Finland ayaa guul ciriiri ah ka gaaray Denmark oo marti loo ahaa waxana goolka kaliya ee ku badisay kulankan u saxiixay xidiga Joel Pohjanpalo.

Sharaxaada Ciyaarta

Labada Qaran ee Finland iyo Denmark ayaa qeybta hore ku kala nastay goolal la’an iyadoo ay xusid mudantahay in Xidiga Christian Eriksen uu garoonka ku dhacay qeybta hore taasi oo keentay in Ciyaarta la hakiyo daqiiqado badan.

Wararka Maanta :   Safka Chelsea Uga Hortageyso Kooxda Manchester City Ee Uefa Champions...

Daqiiqadii 60 ee qeybta Danbe ayay Finland u suura gashay helitaanka Goolka guusha ee Kulankan waxana u dhaliyay Joel Pohjanpalo kaasi oo madaxa la helay kubad dhinac laga soo qaaday.

Denmark ayaa ku dhawaatay in ay bar bareeso Goolka kulankan Daqiiqadii 74aad markaasi oo loo dhigay  Rigoore xidiga Pierre-Emile Hoejbjerg kaasi oo ka qasaariyay Xulkiisa guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 0-1.

Dhanka kale waxaa la ciyaaray kulan kale oo isla Guruubka B Xulka Belgium ayaana guul daro 3-0 dhabarka u saariyay Ruushka oo marti ahaa waxana Belgiumka goolasha ka caawiyay Romelu Lukaku iyo Thomas Meunier.

Sharaxaada Ciyaarta

Wararka Maanta :   Chelsea oo ku aaday Manchester City: isku Aadka Koobka FA Cup-ka oo la...

Xidigaha Belgium ayaana Hogaanka kulankan qabtay ciyaarta oo Socota 10 Daqiiqo Markii Lukaku oo dhameestiray kubad ku dhacday Mid kamid ciyaartoyda Ruushka.

Laacibkan ayaa dabbaal-deggii waxa uu hor-tegay kamaradda isagoo ku qaylinaya ‘Chris, waan ku jecelahay’, taas oo uu ula jeediyey Christian Eriksen oo uu goolkaasna u hibeeyey.

Thomas Meunier ayaa ku daray goolka labaad daqiiqaddii 34aad, isagoo ciyaartana ka dhigay 2-0.

Ruushka ayaa isku dayay inay helaan fursado, waxaanay xerada ganaaxa ee Belgium geeyeen kubbado badan, balse dhibaatadooda ayaa ahayd khadka dambe ee difaaca oo xammili kari waayey culayska uu ku hayey Romelu Lukaku.

Wararka Maanta :   Man United oo ku dhawaaqday in milkiilaha iska leh Glazer uu iibin...

Daqiiqaddii 88aad ee dhamaadka ciyaarta ayuu mar kale Lukaku shabaqa ku hubsaday goolka saddexaad ee ciyaarta, waxaana kubbad uu ka helay Meunier uu ciyaarta kaga dhigay 3-0

Wararka Ciyaaraha!

Continue Reading

Warka Ciyaaraha

Kylian Mbappe Oo Si Maldahan U Sheegay In Shaki Laga Qabo Mustaqbalka Paris…

Weeraryahanka Paris Saint-Germain Kylian Mbappe ayaa shidaal kusii daray sheekada ku hareeraysan mustaqbalkiisa isagoo sheegay inuusan garanaynin meesha u fiican “isaga”.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Faransiiska ayaa qandaraas kula jira Parc des Princes 12 bilood oo kale, laakiin wadahadalada ku saabsan kordhinta ayaan wali horseed u noqonin xal wanaagsan.

Real Madrid iyo Liverpool ayaa lagu soo waramayaa inay diyaar u yihiin inay u dhaqaaqaan Mbappe haddii uu go’aansado inuu mustaqbalkiisa ciyaareed ku horumariyo meel kale, weeraryahankuna wuxuu qirtay inuusan weli hubin halka ugu habboon ee uu ku wajahan yahay.

Wararka Maanta :   Liverpool Oo Booska Wijnaldum U Keensaneyso Lorenzo Pellegrini.

Isaga oo la hadlaya wariyaasha, 22 jirkan ayaa yidhi: “Waxaan u baahanahay in aan qaato go’aanka saxda ah, ee adag, oo aan naftayda siiyo fursada ugu fiican ee aan si fiican go’aan ugu gaadho.

“Waxaan joogaa meel aan ku faraxsanahay, waxaan dareemayaa wanaag. Laakiin ma tahay meesha ugu fiican aniga? Wali jawaab uma hayo.”

In kasta oo calaamatu su’aal saaran tahay mustaqbalkiisa, madaxweynaha PSG Nasser Al-Khelaifi ayaa dhawaan caddeeyay in Mbappe “waligiis” aysan kooxdu iibin doonin , isla markaana aysan u oggolaan doonin inuu uga tago si xor ah.

Wararka Maanta :   Roma Oo Wadahadal Kula Jirta Saxiixa Xiddiga Arsenal Granit Xhaka.

Wararka Ciyaaraha!

Continue Reading

Warka Ciyaaraha

Xilliga Barcelona Ay Dhameystiri Doonto Heshiiska Memphis Depay Oo La…

Kooxda Barcelona ayaa kalsooni ku qabto inay dhameystirto heshiiska xidiga kooxda Lyon Memphis Depay isbuuca soo aadan kaas oo ah mid xor ah waxaana uu aad ugu dhow inuu aado kooxda ku dheesho garoonka Camp Nou sida laga soo xigtay Mundo Deportivo.

Wadahadalka u dhexeeya kooxda reer Spain ee barcelona iyo weeraryahanka reer Holland iyo Kooxda Olympic Lyon ayaa marayaan meel xasaasi ah iyadoo lasoo gebagabeyn doono dhawaan kaas oo qandaraaskiisa kooxda Lyon uu ku egyahay dhamaadka bishaan.

Wararka Maanta :   Wararkii ugu Danbeeyey Maxaa Laga Filankaraa Dagaalka Cusub ee...

Barca ayaa ka walwalsan heshiiska ciyaaryahankan oo tartan kala kulmeyso kooxda reer talyaani ee juventus si kastaba ha noqotee barcelona ayaa ka warqabto in dhawaan laga dulqaaday xidigii qadka dhexe ee isna holland u dhashay ee
Gini Wijnaldum kaas oo ku biiray Paris Saint-Germain.

Wararka Ciyaaraha!

Continue Reading

Warka Ciyaaraha

Waa Kuma Xidiga Uu Jurgen Klopp Ka Dhigi Doono Kabtanka Afaraad Ee Reds.

Weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah ayaa laga dhigi doonaa kabtanka Afaraad ee kooxda kooxda Liverpool kadib bixitaankii Wijnaldum Kooxda ayaa markii hore u heysatay afara kabtan oo kala ahaa Virgil van Dijk, Jordan Henderson, James Milner, iyo Georginio Wijnaldum

Ka dib bixitaankii Georginio Wijnaldum, Liverpool echo waxay sheegtay in Mohamed Salah loo magacaabi karo bedelka qadka dhexe ee Holland Diidmada Georginio Wijnladum ee ah in uu heshiis cusub u saxiixato Liverpool ayaa ku noqotay wax laga naxo inta badan taageerayaasha kooxda.

Wararka Maanta :   Roma Oo Wadahadal Kula Jirta Saxiixa Xiddiga Arsenal Granit Xhaka.

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa haatan raadin doona ciyaaryahan buuxiya doorkii kabtanimada Weeraryahanka reer Masar Mohamed Salah ayaa muujiyay rabitaankiisa ah inuu kabtan u noqdo kooxda waqtiyadii hore.

28 jirka ayaa si la yaab leh u ahaa ciyaaryahanka ugu fiican Liverpool tan iyo markii uu kooxda kaga soo biiray AS Roma sanadkii 2017 Waxa uu dhaliyay 125 gool 203 kulan oo uu u saftay kooxda Reds Salah ayaa qeyb kasoo ciyaaray guushii Liverpool ee Champions League xilli ciyaareedkii 2018-19 iyo guushoodii ay ku hanteen koobkii ugu horeeyay ee Premier League xilli ciyaareedkii hore.

Wararka Maanta :   Maxaa Kadhalan Kara Guusha Doorashada Farmaajo & Abiy Ahmed | Maxaa Xiiso Leh

Wararka Ciyaaraha!

Continue Reading

Qaybaha

Advertisement

Wararka Isbuuca