Connect with us

Wararka Somali

Maxaa iska bedalay go’aankii musharraxiinta ee guddiyada doorashada? -…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo ka mid ah xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa si adag kaga hadlay go’aankii kasoo baxay guddiga uu ra’iisul wasaare Rooble u saaray soo turxaan bixinta xubnaha cabashada laga keenay ee guddiyada doorashooyinka, kadib markii ay soo saareen 34 xubnood oo ka mid ah guddiyadaasi oo gabi ahaanba liiska laga soo saaray.

Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa marka hore shaaca ka qaaday in aan laga talo-gelin xubnaha ay xukuumadda shaacisay ee laga saaray guddiyada doorashooyinka, kuwaas oo ka mid ah xubnaha cabashada laga keenay, walow kuwa kale ay weli ku jiraan guddiyada.

Wararka Maanta :   Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo magacaabay guddi soo baara xaaladda...

“Hannaanka loo maray turxaanbixinta xubnaha guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo dowlad goboleed kama duwana habkii loo magacaabay. Xukuumadda iyadaa guddiyada soo magacaawday, iyadaa go’aansatay iney faafiso magacyada xubnaha tabashada laga qabo, caddeymaha iyada uunbaa heshay ama soo waysay.Ma jirto talo laga geliyey cidii cabashada qabtay, liiskana gudbisay oo ay ugu horreeyaan Midowga Murashaxiinta. Mana cadda hannaanka loo maray turxaan bixinta xubnaha, ayuu yiri CC Shakuur Warsame.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in weli guddiyada doorashooyinka ay ku jiraan xubno ka mid ah hay’adda NISA, gaar ahaan kuwa ka tirsan dharcadda, sida uu hadalka u dhigay.

Wararka Maanta :   Faahfaahin: Kulan Muqdisho ku dhexmaray R/W Rooble, Madaxda Galmudug,...

“Waxaan aaminsanahay in inta badan xubnihii NISA ka tirsanaa, gaar ahaan kuwii dharcadda ahaa (Undercover) ay weli si xoog leh guddiyada ugu jiraan,” ayuu raaciyey.

Ugu dambeyn Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur ayaa ugu baaqay ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu hannaan daah-furan u maro xallinta tabashooyinka jira.

“Waxaan ka codsanaynaa Raysalwasaaraha in uu xallinta tabashooyinka u maro waddo sax ah oo daahfuran, hufnaan iyo dhexdhexaadnimo leh, si ay doorashadu u noqoto mid la isla ogolyahay,” ayuu markale yiri musharrax madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur.

Wararka Maanta :   Xog: R/W Rooble oo xilal ku abaal mariyey qaar ka mid ah madax gobolee...

Si kastaba, dhawaan ayey aheyd markii xubnaha golaha middowga musharaxiinta ay ra’iisul wasaare Rooble usoo gudbiyeen illaa iyo 67 qof oo ay siyaabo kala duwen uga cabanayeen, kuwaas oo qaarkood la sheegay inay ka tirsan yihiin dhaqaalaha dowladda, ciidanka iyo qaar siyaasisiin ah ama ay ku eedeenayeen in aysan  dhexdhexaad aheyn.

Wararka Maanta!

Wararka Somali

Dhaawaca Saneey Cabdulle oo dibadda loo qaaday – Xog – Wararka Maanta…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xubno kamid ah ehellada Korneel Saneey Cabdulle oo kamid ah saraakiishii ku dhaawacantay qaraxii Jimcihii ka dhacay degaanka Biya-cadde ayaa noo xaqiijiyay in Korneel loo qaaday dalka dibadiisa. 

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Korneelka galabkii Axadda loo qaaday dalka Turkiga, waxaana qaaditaankiisa iska kaashaday xubno kamid ah ehelkiisa, saraakiil iyo mas’uuliyiin ay xigto dhow yihiin oo ku jira dowladda Soomaaliya. 

Wararka ayaa intaas ku daraya in Korneelka oo dhaawiciisa loo arkay in uu fududyahay uu wajiga ka bararay 48-kii saac ee ugu dambeeyay, waxaana la sheegay in la isku raacay in dibadda loo qaado. 

Tan iyo markii uu dhaawacmay waxaa jiray dedaalo xoog leh oo ay wadeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ay ku dalbanayeen in la geeyo Isbitaallada Muqdisho midkood, halka ehelladana ay diidanaayeen, waxaana la tacaalayay dhaqaatiir loogu keenay gurigiisa oo ku yaalla degmada Kaaraan ee Muqdisho. 

Wararka Maanta :   Xog: R/W Rooble oo xilal ku abaal mariyey qaar ka mid ah madax gobolee...

Dhaawaca Korneel Saneey Cabdulle ayaa uur ku taallo ku noqday xubnaha Mucaaradka oo u arkayay awoodda ugu weyn oo ay heestaan markii loo eego dagaalladii ay la galeen Farmaajo bishii April ee sanadkan, ee lagu diiday muddo kororsigiisa.

Waxaa ilaa hadda jira su’aalo badan oo ku geedaaman weerarkii lagu qaaday xeradii uu ku sugnaa ee degaanka Biya-Cadde, ayada oo farta lagu fiiqay ciidanka Gor Gor ee ka amar qaata Farmaajo.

“Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee nagula soo weeraray waxaa lala soo dhaafay xero kale oo ay daganyihiin ciidamada Gor Gor iyagana gaariga ma qaban, ma rasaaseynin, gaarigana iyaga kuma leexan waana aagg aysan gaadiidku marin arrintaas shaki weyn ayey nagu abuurtay,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidankii gadoodka sameeyay ee ka tirsanaa 27-aad ee milateriga Soomaaliya. 

“Gor Gor dhamaantood waxay diideen in ay xero kula noolaadaan ciidankeena, wax nala cunaan, nala dagaal galaan, arrintaas shaki ayaa ka qabnay haddana gaariga waa soo dhaafyay waxay arrintaan u baahan tahay in la hubiyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaal ka tirsan qeybta 27-aad ee xoogga dalka, oo ahaa ciidankii gadoodka sameeyay ee ka hor-yimid muddo kororsiga Farmaajo.

Wararka Maanta :   Deni oo ku dhowaaqay go'aan ka dhan ah shirkadda DP World - Caasimada ...

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo ballan-qaaday runta kiiska dhallinyarada …

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Wasiirka Arrimaha Debadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa ka hadlay askarta Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea iyo waxa ka jira in ciidamadaas ay ka qeyb galeyn dagaalkii ay Dowladda Itoobiya ku qaaday Gobolka Tigreyga.

Wasiirka oo ka qeybgalayey barnaamijka One-on-One ee telefishinka Turkiga ee TRT World ayaa beeniyey in ciidamada Soomaaliya ay ka dagaalameen waqooyiga Itoobiya.

Wasiir Cabdirisaaq ayaa sheegay in natiijada saxda ah ee ciidamada tababarka ugu maqan dalka Eritrea laga sugayo guddiga uu dhawaan magacaabay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Wararka Maanta :   Gudoomiyaha Guddigii Xaqiijinta Xubnaha Guddiyada Doorashooyinka...

“Marin-habaabino badan way jiraan. Qaddiyadaan waanu kaga hadalnay madalo kala duwan. Si loo xaqiijiyo tani, ra’iisul wasaaraha wuxuu magacaabay guddi ka kooban milatari iyo diblumaasiyiin si ay u eegaan dhacdadan ayna runta u soo bandhigaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq.

Walaaca laga qabo askarta dalka Eritrea loogu qaaday tababarka ciidan ayaa cirka isku sii shareeray markii guddiga u qaabilsan Qaramada Midoobay dhanka Xuquuqul insaanka ay sheegeyn in ciidamada Soomaalida ah ay ka qeyb galeyn dagaalkii ay Dowladda Itoobiya ku qaaday Gobolka Tigrayga.

Wararka Maanta :   Booliska Kenya oo toogtay laba Ruux oo dhac u geystay Haweeney...

Waalidiinta ilmaha maqan ayaa dhowr jeer dibad baxyo waaweyn ka dhigay jidadka Magaalada Muqdisho, waxayna madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka codsadeen inuu ilmahooda usoo celiyo, inkastoo madaxweyne Farmaajo uusan codsiga iyo illinta waalidiinta marnaba u damqan.

Dhanka kale, intii wareysiga uu socday, Cabdirisaaq oo wax laga waydiiyey xiriirka xumaadey Soomaaliya kala dhaxeeya Kenya ayaa tibaaxay in isu-soo-dhowaanshiyihii u dambeeyay ay astaan u tahay in hogaanka labada dal ay bog cusub furayaan.

Wararka Maanta :   Kenya oo sheegtay inay ka hortageyso weerrarada Al-Shabaab - Radio...

“Waxa aan hadda rajeynayno waa in aan sii wanaajiyo xiriirkeena kana wadahadalno amniga, ganacsiga, isu-socodka labada shacab; labadan dal waa kuwa waligood sii ahaan doona deris mana sii yeelan karno xiriir aan shaqaynayn. Qadiyadaha aan rabno in aan kawada hadalno waa in aan u wajahnaa si dhab ah,” ayuu yiri.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Hay’ada caafimaadka aduunka oo qalab caafimaad ku wareejisay Somaliland

Wararka Maanta

Isniin, Juun, 21, 2021 (Wararka-Maanta)- Hay’ada caafimaadka aduunka ee WHO, ayaa dawooyinka lagaga hortago iyo kuwa lagu daweeyo xanuunka Shubanka ku wareejiyay Somaliland.Qalabkan ayaa ka loogu talo galay in lagulan tacaalo xanuunka Shubanka oo ka dilaacay qaybo kamida Somaliland.

“Sidad wada ogsoontihiin waxa soo kordhayay xaalado dhinaca shuban ka ah, oo gobolada oodhan laga soo sheegayo” sida waxa yidhi agaasimaha caafimadka Somaliland Maxamed Cabdi Xergeeye.

“Waxanu hada la wareegayna 910 kartoon, oo midkasta 10 litir ku jiraan” ayuu hadalkiisa ku daray agaasime Xergeeye.

Wararka Maanta :   DANAB oo Shabaab badan ku dishay weerar ka dhacay Sh/Dhexe - Caasimada...

Qalabkan caafimaad ayaa ka kooban dawooyinka lagaga hortago in bukaanku fuuq baxo xiliga shubanka iyo kuwa lagu daweeyo shubanka kadib.

Abdilahi Abdi Rahman,

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

DANAB oo Shabaab badan ku dishay weerar ka dhacay Sh/Dhexe – Caasimada…

Wararka Maanta

Jowhar (Wararka Maanta)-Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo ay sacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, iyagoo shaaciyey tirada dagaalamayaal ay ka dileen kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha Guutada 16-aad ee ciidanka kumaandooska Danab Dhamme Xasan Maxamed Cismaan oo howlgalkaas hoggaaminayey ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in Al-Shabaab ay ku weerareen deegaanada kala ah Saabuun, Baaroow, Madiina-Cadde, Gaaleef iyo Buurdheer oo dhamaantood ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Wararka Maanta :   Afar arrin oo tiirar u ah dib usoo laabashada xiriirka Soomaaliya iyo ...

Taliyaha ayaa sheegay in howlgalladaas ay ku dileen ugu yaraan 8-xubnood oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaas oo mid ka mid ah la toogtay isaga oo miino ku aasaya wado aad loo isticmaalo, sida uu sheegay Taliye Xasan Tuure.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ciidamadu burburiyeen saldhigyo muhiim u ahaa kooxda oo ay kasoo abaabuli jireen weerarrada ay ka fuliyaan deegaanada qaar ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Ururka 7-aad, Guutada 16-aad ee ciidanka kumaandooska Danab ayaa fuliyey howlgalkaas, waxuuna sarkaalkan hoggaaminayey ciidanka sheegay in qorshahooda uu ahaa ka hor-tagga weerarro ay qorsheynayeen Al-Shabaab, isla markaana ay ku guuleysteen.

Wararka Maanta :   Deg Deg: Md Farmaajo oo Digniin Culus soo saaray, Go’aanka RW Rooble &...

Mudooyinkii u dambeeyey deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe waxaa ka bilaawday howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxayna militeriga Soomaaliya ku guuleysteen inay ka saaraan deegaano dhowr ah oo ay horay u maamuli jireen.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Golaha deegaanka magaalada Buuhoodle oo mayor u doortay haweenay

Wararka Maanta

Isniin, Juun, 21, 2021 (Wararka-Maanta) – Xubnaha cusub ee golaha deegaanka degmada Buuhoodle, ayaa mayor u doortay Khadiija Axmed Yuusuf halka ay mayor ku xigeena u doorteen Mustafe Cabdi Ayaanle.Khadiija oo kasoo baxday xisbiga Kulmiye, ayaa noqonaysa gabadhii ugu horaysay ee mayor loo doorto guud ahaan Somaliland.

Khadiija ayaa kamid ahayd 3 dumar ka ah ee kaliya ee kasoo baxay 28 haween ah, oo u sharaxnaa doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiilada ee dabayaaqadii bishii hore ka qabsoomay Somaliland.

Wararka Maanta :   Kenya oo sheegtay inay ka hortageyso weerrarada Al-Shabaab - Radio...

“Waxan balan qaadaya si hufnaan iyo daacad nimo ku jirto in aan ugu shaqeeyo dadkayga” sida waxa tidhi Khadiija kadib markii la doortay.

“Dowlad dayda waxan ka codsanayaa in ay sigaara iila shaqayso” ayay hadalkeeda sii raacisay Khadiija.

Xildhibaanada codka siiyay mayor Khadiija, ayaa sheegay in ay codka u siiyeen karti iyo hufnaan ay ku arkeen darteed.

Talaabadan ayaa ah mid aan hore uga dhici jirin guud golayaasha deeganada Somaliland, waxayna Khadiija noqonaysa gabadhii ugu horaysay ee mayor loo doorto.

Wararka Maanta :   Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo magacaabay guddi soo baara xaaladda...

Abdilahi Abdi Rahman,

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Weerar lagu dilay dad horleh oo ka dhacay dalka Ethiopia – Caasimada O…

Wararka Maanta

Addis Ababa (Wararka Maanta) – Wararka ka imaanaya caasimada dalka Ethiopia ee Addis Ababa ayaa sheegaya in weerar sababay dhimashada 9 qof uu ka dhacay degmada Metta Wolkitte oo 100-KM u jirta caasimada dalkaas.

Weerarka oo ka dhacay dhismaha buundada degmada Metta Wolkitte ayaa imid kadib markii kooxda fulisay ay ku amreen shaqaalaha inay joojiyaan dhismaha buundada, taasi oo ay iska dhago tireen, sida ay sheegen qaar kamid ah ehelka dhibanayaasha

Wararka Maanta :   Afar arrin oo tiirar u ah dib usoo laabashada xiriirka Soomaaliya iyo ...

“Dagaal-yahanada ayaa u sheegay shaqaalaha dhismaha buundada iney joojiyaan, laakiin way sii wadeen shaqada, maadaama uu ka baqayey inuu waayo shaqadiisa,” ayuu yiri mid kamid ah ehelka dadka ay waxyeeladu kasoo gaartay weerarkaas.

Dadka la dilay oo u badnaa shaqaalihii ku howlanaa dhismaha buundada ayaa sidoo kale waxaa kamid ahaa Nin la sheegay in uu cabitaanka bunka ah uu ku iibinayey wadada hareeraheedda.

Faah-faahin intaas ka badan weli lagama hayo weerarkaan, hase yeeshe waxa uu qeyb ka noqonayaa qalaalasaha amni darro ee ka jira Ethiopia, tan iyo markii uu bilowday dagaalka qowmiyaduhu.

Wararka Maanta :   Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo magacaabay guddi soo baara xaaladda...

Dhacdadaan ayaa Saraakiisha qaar ay sheegen inaysan wax saameyn ah ku yeelan doonin doorashada dalkaas oo maanta loo dareeray, maadama ay isasoo tarayaa walaac dhanka amaanka ah.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Isbuuca