Connect with us

Wararka Somali

Maraykanka oo duqayntii ugu horaysay lix bil kadib ka fuliyay Soomaaliya

Wararka Maanta

Arbaco, Luulyo, 21, 2021 (Wararka-Maanta) – Milatariga Mareykanka ayaa Talaadadii  shalay qaaday duqeyn cirka ah oo ka dhan ah mintidiinta Alshabaab waana duqeyntii ugu horreysay oo noocan oo kale ah oo uu Maraykanku ka fuliyo Soomaaliya tan iyo markii uu madaxweyne Joe Biden la wareegay xafiiska bishii Janaayo.Weerarkan ayaa lala beegsaday dagaalamayaasha Al Shabaab ee ku sugan Koonfurta gobolka Mudug ee Galmudug, sida lagu sheegay hadal kasoo baxay Pentagon.

Ma cadda khasaaraha Alshabab kasoo gaaray weerarkan duqaynta ah.

Wararka Maanta :   Qorshaha Sucuudiga & Cumaan oo Qodax Kunoqotay imaaraadka | Xulashada...

Sarkaal ka tirsan Wasaaradda Gaashandhigga Mareykanka ayaa sheegay in duqeyntaas fulinteeda loo cuskaday sharciyo hore u jiray, si loo difaaco xoogagga Mareykanka xulifada la ah, waxaana la fuliyay duqeyntaas iyada oo aysan jirin ciidan Mareykan ah oo ku sugan gudaha Soomaaliya.

Mareykanka ayaa ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo sababta duqeyntan loo oggolaaday ama in Taliska Mareykanka ee Afrika uu bilaabi doono inuu sameeyo olole aad u xooggan oo dhanka cirka ah oo lagu taageerayo ciidamada Soomaaliya.

Wararka Maanta :   Itoobiya oo xirtay dad looga shakiyay inay taageeraan TPLF - Radio...

Bishii January ee sanadkan, Maraykanka ayaa guud ahaan ciidamadiisa dhulka kala baxay Soomaaliya, kadib markii madaxweynihii hore ee Maraykanka Trump uu amar ku bixiyay in 700 askari oo ku sugnaa Soomaaliya lasoo saaro.

Wararka Maanta

Wararka Somali

Guddoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed oo magacaabay Guddiga qabashada…

Wararka Maanta

Axad, Luulyo, 25, 2021 (Wararka-Maanta) – Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya Cali Saciid Faqi ayaa maanta magacaabay xubnaha Xildhibaanada golaha Wakiilada qabashada doorashada Aqalka Sare.Xubnaha uu magacaabay guddoomiye Faqi ayaa ka kooban 11 xubnood waxayna iska dhex dooran doonaan guddoomiye iyo ku xigeenkiisa.

Xubnahan ayaa ka shaqeyn doona sidii Xildhibaanada maamulka Koofur Galbeed u dooran lahayeen Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya oo ay deegaan doorashadooda tahay Koofur Galbeed.

Dowlad goboleedka Koofur Galbeed ayaa noqotay maamulkii labaad ee soo magacaaba guddiga Xildhibaanada ee qabashada doorashada Xildhibaanada aqalka sare, waxaana horay guddigan oo kale u magaacabay maamulka Jubbaland oo noqday maamulkii ugu horeeyay.

Wararka Maanta :   Bandhiga caalamiga ah ee bugaagta Hargaysa oo maanta Hargaysa ka furmay

Sida uu qorshuhu ahaa maanta oo ay taariiqda ku beegan tahay 25/7/2021 ayaa lagu waday inay bilaabato doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare balse ay dib u dhacday sababo la xiriira dowlad goboleedyada oo aan badi dhameystirin habraacii loo qaban lahaa doorashada Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Wada-hadal guuldareystay oo Xalay Zoom-ka ku dhex maray Rooble & Maamu…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada ayaa  xalay wada hadalo khadka Zoom-ka ka yeeshay xaaladihii ugu dambeeyey doorashada Soomaaliya.

Wada-hadalka Rooble iyo Maamul Goboleedyada ayaa dood dheer ka yeeshay sidii loo dardar gelin lahaa doorashooyinka, Arrinta Somaliland, , Hirgelinta soo  jeedinta Guddiga dib u heshiisiinta Gedo iyo xalinta caqabadaha weli ka jira doorashada.

Sida ay xogta sheegeysa wada-hadalka Xalay ayaa kusoo dhamaaday fashil, mana jirto wax natiijo ah oo laga gaaray qodobadii laga wada-hadlay.

Wararka Maanta :   Daawo: Taliska Booliska oo soo bandhigay sagaal kamid ah ragii ku daga...

Dhinacyada ayaa ku kala aragti duwanaaday arrinta Somaliland,  waxaana soo ifbaxay in madaxda Maamul Goboleedyada ay dhexooda kala taageerayaan labada garab ee Siyaasiyiinta Somaliland kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

Kulanka Xalay ayaa kusoo aadayo xilli Dib u dhac uu ku yimid Doorashada Senatarada Aqalka Sare BFS oo waqti ahaan loo asteeyay 25-ka July 2021 oo maanta ku began in ay lagu qabto Magaalooyinka Muqdisho, Jowhar, Dhuusamareeb, Garoowe, Baydhabo iyo Kismaayo.

Wararka Maanta :   DF iyo maamulka G/Banaadir oo soo saaray amarro ku socda shacabka Muqd...

Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal ayaa dhawaan xoojiyay habraaca lagu hagayo Doorashada Aqalka Sare, Golaha Shacabka & tan Madaxweynaha balse dib u dhaca jira uu sababi karo in uu isbadal ku yimaado jadwalka.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada oo soo bandhigay sharuudaha…

Wararka Maanta

Axad, Luulyo, 25, 2021 (Wararka-Maanta) – Guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka, ayaa soo saaray sharuudaha cabashooyinka aqalka sare, xilli maanta lagu wado in la shaaciyo guddiyada doorashooyinka iyo musharraxiinta aqalka sare.Guddiga ayaa sheegay in ay cabashada soo gudbin karaan, musharrax kaste oo buuxiyay sharuudaha, xildhibaanada dowlad goboleedyada iyo ergada dooranaysa wakiillada Soomaliland.

Guddiga xallinta khilaafaadka waxay sidoo kale sharuud maaliyaddeed oo dhan $3,000, ku xireen cid kaste oo doonaysa in ay cabasho usoo gudbiso.

Wararka Maanta :   Sidee ayey duqeyn la'aanta u saameysay howl-gallada ciidanka Soomaaliy...

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Dib u dhac ku yimid doorashada Aqalka sare iyo Beesha Caalamka oo shur…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Waxaa mar kale dib u dhac ku yimid markii saddexaad doorashada Aqalka Sare oo Guddiga Doorashada heer federaal uu shaaciyey inay bilaaban doonto 25-ka July, 2021 oo ku beegan Maanta.

Dib u dhacan ayaa la sheegay inuu ka yimid diyaar garow la’aan iyo cagajiidka Maamul Goboleeyada, waxaana ugu dhow Maamulka Jubbaland oo howsha Doorashada Aqalka Sare ay uga harsan tahay inuu Madaxweynaha maamulkaasi liiska Musharixiinta u gudbiyo Guddiga Doorashooyinka Jubbaland.

Wararka Maanta :   Daawo: Taliska Booliska oo soo bandhigay sagaal kamid ah ragii ku daga...

Ilaa iyo hadda a jirto Liiska Musharixiin oo la hayo, waxaana sidoo kale fasax ku maqan Baarlamaanka Galmudug oo aan isu imaaneynin ka hor 1-da Ogost, mana muuqdo olole doorasho oo socda.

Arrintan waxay mugdi kale sii gelineysaa Doorashada Dadban ee Federaalka oo muddo dheer dib u dhacday, welina u muuqata mid jiitameysa.

Beesha Caalamka ayaa la sheegay inay shuruud ka dhigtay qabashada Doorashada Aqalka Sare si ay u bixiso dhaqaalaha doorashada, laakiin maamul Goboleedyada iyo Gudiyadooda ayaa doonaya in dhaqaale lagu siiyo Doorashada Aqalka Sare, taasoo beesha caalamka ay diidan tahay.

Wararka Maanta :   Bandhiga caalamiga ah ee bugaagta Hargaysa oo maanta Hargaysa ka furmay

Gudoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal (FEIT), iyo xubno la socda ayaa Shalay Magaalada Kismaayo u tegay dardar-galinta qabsoomidda doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Maraykanka oo difaacay duqeymihii uu fuliyay Soomaaliya todobaadkii hore

Wararka Maanta

Axad, Luulyo, 25, 2021 (Wararka-Maanta) – Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in duqeymaha mareykanka ee lagu bartilmaameedsanayo Al-Shabaab ay xoojinayaan weerarada ka dhanka ah kooxda argagixisada ee xiriirka la leh Al-Qaacida.Hadalkaan ayaa u muuqday mid wasaaradda gaashaadhigga Maraykanka kaga jawaabayso qoraal kasoo baxay xildhibaan Ilhan Omar oo su’aallo ka keentay duqeymihii ugu dambeeyay ee Galmudug.

“Dhawaan waxa dhacay waxa weeye ciidamada aan iskaashiga leenahay ayaa kordhiyay howlgalladooda, waxayna dib u riixayeen Al-Shabaab,” ayuu Austin u sheegay wariyeyaasha isaga la safraya ee ku sugan saldhigga ciiddamada cirka ee Alaska.

Wararka Maanta :   Guddoomiyihii hore gobolka Gedo oo sheegay in mar kale laga celiyay...

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa Al-Shabaab ku bartilmaameedsaday labo duqeyn oo dhacday 20-kii July iyo 23-kii July, ka dib muddo ku dhow lix bilood oo hakad uu soo galay markii uu talada la wareegay Madaxweyne Joe Biden.

Milatariga Soomaaliya ayaa loollan adag oo dhanka dhulka ah la galay Al-Shabaabkii ku sugnaa maamulka Galmudug, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday labada duqeyn oo diyaaradaha Mareykanka ay fuliyeen.

Milatariga Mareykanka ayaa fuliyay 63 weerar oo cirka ah oo ka dhan ah Al-shabaab sanadkii 2019 iyo 53 duqeyn ah oo sanadkii hore ah.

Wararka Maanta :   Wafti Jabuuti ka socda oo soo gaadhay caasimada Somaliland ee Hargaysa

Saraakiisha Mareykanka ayaa sharraxaad ka bixiyay gaabiska ku yimid duqeymaha iyagoo u cuskanaya dib u eegis maamulka Biden uu ku sameeyay siyaasadda duulimaadka militariga.

Dowladda Soomaaliya ayaa aad uga walaacsanayd duqeymo la’aanta taasoo kooxda Alshabaab u ogolaatay inay ka soo baxaan dhuumashada.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Wararkii ugu dambeeyey Kismaayo iyo Axmed Madoobe oo magacaabayo liisk…

Wararka Maanta

Kismaayo (Wararka Maanta) – Baarlamaanka Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo ku began 25-ka July 2021 dooranaya Senatarada Aqalka Sare BFS sida uu shaaciyay Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dowlad-Goboleedkaas & Guddiga kale ee Baarlamaankaas uu magacaabay.

Magaalada Kismaayo xarunta KMG ah ee DG Jubbaland waxaa ka socda diyaargarowga doorashada 8-da Senatar ee Dowlad-Goboleedkaas ku metalaya Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka.

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa Shalay gaaray Kismaayo si ay goobjoog uga noqdaan doorashada Maanta lagu wado in ay dhacdo.

Wararka Maanta :   Galmudug iyo Puntland oo ka hadlay dad shacab ah oo isku qoys ah oo lagu...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu soo saaro liiska Musharixiinta doonaya inay u tartamaan Xildhibaannada Aqalka Sare.

Axmed Madoobe ayaa Maanta waxaa uu la kulmayaa Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo uu horkacayo Guddoomiyaha Guddiga, kuwaas oo shalay gaaray Kismaayo si ay Axmed Madoobe kala wareegaan liiska Musharixiinta Aqalka Sare qeybta Jubbaland.

Sidoo kale Xubnaha Guddiga doorashooyinka ee Heer Federaal ayaa waxaa ay la kulmi doonaan musharixiinta Aqalka Sare ee loo soo gudbiyo si ay ugala hadlaan qabsoomida doorashada Aqalka Sare.

Ammaanka Magaalo Xeebeedka Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, waddooyinka waxaa la dhigay Ciidamo dheeraad ah oo ah Nabadsugidda, Booliiska iyo askar ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Wararka Maanta :   Dagaal khasaare geystay oo ka dhacay magaalada Muqdisho - Caasimada On...

Jubbaland haddii ay ku guuleysato qabsoomidda Doorashada 8-da kursi ee Aqalka sare waxa ay noqoneysaa Dowlad-Goboleedkii ugu horeeyay ee soo gudbiya Senatarada ku metalaya Federaalka 2021.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Isbuuca