Connect with us

Wararka Somali

Mahad Salaad oo ka sheekeeyey arrin galabta dhex-martay isaga iyo Rooble -…

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xildhibaaan Mahad Salaad oo ka mid ahaa siyaasiyiintii sida weyn u hor istaagay mudo kororsigii Farmaajo iyo golaha shacabka, sidoo kalena ka mid ahaa guddigii dhawaan loo xilsaaray inay ka soo tala bixiyaan xalka xiisadii ka dhalatay mudo kororsiga, ayaa ka sheekeeyey hadallo ay galabta is dhaafsadeen isaga iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Waxa uu sheegay in Rooble weydiiyey sababta ku khasabtay dagaalka, maadaama uu metelo, isla markaana uu meesha u joogo, “Waxaan ku iri waa runtaa Meesha waa ii joogtaa, laakiin Abtiyow markii Mursal ii diiday inaan tago Golihii aan ka tirsanaa, codna malihid la’i yiri. Farmaajo-na jidadka ciidamo ii dhigay ee albaab kasta iga celiyay, cid iga celisana aan waayay ayaan ku qasbanaaday in aan ka dagaalamo gardarada, dulmiga iyo ku tagrifalka awoodeed ee Mursal iyo Farmaajo ku bahoobeen,” ayuu yiri.

Wararka Maanta :   Khasaaraha Qarax Caawa Ka Dhacay Muqdisho

Sidoo kale waxa uu sheegay in wasiir ka tirsan xukuumada Rooble uu weydiiyey in wixii dhacay uu hadda ka qanacsan yahay, “Si degan ayaan ugu iri mar hadii Golihii Mursal fuuntoobay waxtar dambena uusan lahayn. Farmaajo-na jidadkii shalay uu ii diiday maanta aniga wax la iga weydiinayo, wax cabasho ah ma qabo,” ayuu Mahad Salaad qoraalkiisa ku yiri.

Hoos ka aqriso qoraalkan oo Mahad Salaad uu Facebook-ga soo dhigay

Wararka Maanta :   Midowga Murashaxiinta oo qoraal xasaasi ah kasoo saaray dagaallada Muqdisho -...

Kaftan aniga iyo Abtigey Rooble galabta nagu dhex maray Madashii lagu shaacinayay heshiiska. Wuxuu i su’aalay Abtiyow maxaa dagaalka kugu qasbay soo anigu Abtigaa ma’ ihi meeshana kuuma joogo?

Waxaan ku iri waa runtaa adigaa Abtigey ah, meeshana ii jooga lkn Abtiyow markii Mursal ii diiday inaan tago Golihii aan ka tirsanaa, codna malihid la’i yiri. Farmaajo-na jidadka ciidamo ii dhigay ee albaab kasta iga celiyay, cid noo garqaada ama iga celisana aan waayay ayaan ku qasbanaaday in aan ka dagaalamo gardarada, dulmiga iyo ku tagrifalka awoodeed ee Mursal iyo Farmaajo ku bahoobeen!

Wararka Maanta :   Xisbiga Waddani oo ka hadlay hanka mayor nimo ee Cabdikariim Axmed Mooge

Intaas markaan isdhaafsanay Ra’iisul Wasaare Rooble, ayaa mid Wasiirada meesha joogay ka mid ah inta soo booday igu yiri “hada ma qanacsantahay”? Si degan ayaa waxan ugu iri “mar hadii Golihii Mursal fuuntoobay waxtar dambena uusan lahayn. Farmaajo-na jidadkii shalay uu ii diiday maanta aniga wax la iga weydiinayo, wax cabasho ah ma qabo”. Wasiirkii inta dhinacyada iska fiiriyay oo dhoolacadeeyay ayuu tartiiba u siibtay. Malaha mid Fahad iyo Farmaajo wali u noolyihiin oo yaan lagu maqlin isleh ayuu ahaa!

Hadal iyo dhamaantiis hada waa la heshiiyay ee howsha aan wada qabano. Mahadsanidiin.

Wararka Maanta!

Wararka Somali

Bankiga Dhexe Somaliya oo Liisanka Mobile Money guddoonsiiyay…

Bankiga Dhexe ee Somaliya ayaa maanta Shirkadda Isgaarsiinta Somtel guddoonsiyay ruqsadda adeegga lacagaha teleefanada leeskugu diro ee Mobile Money Licence.

Ruqsadan ayaa ahmiyad u leh sharciyaynta shirkadaha bixiya adeegan, xasilinta hab-maaliyadeedka dalka, ilaalinta hantida macaamiisha iyo tan shirkadaha gaarka loo lee yahay.

Adeegga lacagaha teleefanada ee Somtel bixiso (e-dahab) ayaa sanadihii ugu dambeeyay si weyn looga icticmalayay dalka.

Masuuliyiin uu ugu sareeyay Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha Somaliya, Khaliif Cabdi Cumar ayaa ka qaybgalay munaasabadda Somtel lagu guddoonsiyay ruqsadan oo lagu qabtay Hotel Decale ee Magaalada Muqdisho.

Wararka Maanta :   Xarumaha hay'ad dhaqaale siisay Al-Shabaab iyo Xamas oo la weeraray iyo xayiraad...

Wasiirka Ganacsiga oo munaasabadda ka hadlay ayaa marka hore bogaadiyay shirkadda la guddoonsiyay ruqsadan, oo buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa.

Wasiirka ayaa tilmaamay inay tani meesha ka saareyso nuglaanshaha adeegga maaliyadeed ee dalka, maalgelinta argagixisada, lacagaha la dhaqo iyo halista ku aaddan lacagaha aan nidaamsanayn.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in adeegani uu fududeeyo ganacsiyada yar yar, oo sida uu sheegay lafdhabar u ah dhaqaalaha bulshada Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa Liisanka adeegga e-dahab guddoonsiiyay Maareeyaha Guud ee Dahabshiil Group, Xasan Cabdi Cawad.

Wararka Maanta :   DEG DEG: Rooble oo ka hor yimid muddo kordhin kuna dhawaaqay inuu qabanayo...

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa sheegay in Somtel ay noqonayso shirkaddii labaad oo hesho aqoonsigan caalamiga ah ee hannaanka maaliyadeed ee dalka.

27-kii bishii February ee sanadkan ayay ahayd markii ugu horeysay oo Baanka Dhexe uu bixiyo ruqsadda adeegga lacagaha teleefanada ee loo yaqaano Mobile Money Licence, oo xilligaa la guddoonsiiyay Hormuud Telecom.

Nagala soo xiriir Wararka Maanta

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Militeriga Soomaaliya oo ka hor-tegay qorshe ay damacsanaayeen…

Muqdisho (Wararka Maanta)- Faahfaahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ciidanka xoogga dalka iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ku dhex-maray duleedka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaalkii maanta oo si gaar ah uga dhacay tuulooyinka Busleey iyo Buulo-Aluundi ayaa waxaa qaaday ciidamada dowladda, kadib markii ay ka war-heleen weerar abaabulan oo uga soo wajahnaa dhanka Al-Shabaab.

Saraakiishii hoggaamineysay howlgalkaas ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay Al-Shabaab uga dileen 7-dagaalame, sidoo kale ay ku dhaawaceen tiro kale.

Wararka Maanta :   Netherlands: Dallad ay ku mideysan yihiin in ka badan 65 ururo Soomaali ah...

Guutada 14-ka October militeriga Soomaaliya ayaa fulisay howgalkan lagu dilay dagalamayaasha ka tirsanaa Al-Shabaab.

Inta badan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerarro gaadmo ah ku qaada saldhigyada ay ciidamada militeriga Soomaaliya ku leeyihiin gobolka Shabeellada Hoose, waxaana aad u yar weerarrada laga hor-tago oo ay soo abaabusho kooxdu.

Hase yeeshee ciidamda dowladda ayaa la sheegay inay maanta ka war heleen weerar culus oo kooxdu ay la damacsaneed fariisimo ay militeriga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wararka Maanta :   DEG DEG: Rooble oo ka hor yimid muddo kordhin kuna dhawaaqay inuu qabanayo...

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo magacaabay guddi soo baara xaaladda…

Sabti, Juun, 12, 2021 (Wararka-Maanta) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo baara cabashada waalidiin Soomaaliyeed oo sheegay in aysan war iyo wacaal ka helin carruurtoodii oo ay sheegeen in tababar loogu diray dalka Eritrea.Guddigan oo ka kooban shan xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah wasiirka gaashaandhigga, Xasan Xuseen Xaaji, waxaana xubno ka ah taliyaha ciiddanka xogga dalka iyo safiirka Ethiopia ee Soomaaliya.

Magacaacidda guddigan ayaa ka dhalatay qeylo dhaan soo laalaabatay oo ka timid waalidiin Soomaaliyeed oo ka cabanayay in carruurtooda laga qeyb galiyay dagaaladii ka dhacay Ethiopia.

Wararka Maanta :   Xisbiga Waddani oo ka hadlay hanka mayor nimo ee Cabdikariim Axmed Mooge

Maalintii khamiistii, maamulka Puntland ayaa soo bandhigay shan dhalinyaro ah oo sheegay in ay kasoo baxsadeen Eritrea, kuwaas oo sheegay in dhalinyaradii tababarka loo qaaday qaar la dilay.

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Ra’iisal Wasaare Rooble oo magacaabay guddi baara cabashada…

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi baara cabashada waalidiinta Soomaaliyeed ee sheegay inaanay ka war hayn ubadkoodii tababarka loogu qaaday dalka Eritrea.

Guddigan oo shan xubnood ka kooban ayaa waxaa gudoomiye looga dhigay Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji.

Nagala soo xiriir Wararka Maanta

Wararka Maanta!

Wararka Maanta :   Midowga Murashaxiinta oo qoraal xasaasi ah kasoo saaray dagaallada Muqdisho -...
Continue Reading

Wararka Isbuuca