Connect with us

Wararka Somali

Magacyada saraakiisha loo doortay inay hoggaamiyaan ciidamada Badbaado Qaran -…

Muqdisho (Wararka Maanta) – Waxaa xalay magaalada Muqdisho kulan ku yeeshay saraakiisha hogaamineysa Ciidamada Badbaado Qaran, kuwaas oo diidanaa muddo korarsigii laga laabtay ee Golaha Shacabka u sameeyeen hay’adaha dowladda. 

Saraakiishaan ayaa iska dhax doortay ama magacaabay guddi ka kooban 7 xubnood oo isugu jira qeybaha ciidamada, kuwaas oo iska dhax doortay guddoomiye, ku-xigeen iyo afhayeen. 

Guddoomiyaha guddiga ayaa loo doortay Janaraal Cali Cosoble Caraay (Gacma-dule), halka ku xigeenna loo doortay Janaraal Indha Cade, ayada oo afhayeenka oo loo doortay Gaashaanle Diini Rooble Axmed.

Wararka Maanta :   Sheekh Shariif oo u guuray xaafad cusub iyo qorshaha mucaaradka oo xoogeystay - Wararka Maanta

Guddigaan ayaa la baxay magaca Ciidanka Badbaado Qaran waxaana ku jira rag khuburro ah. Xubnaha ku jira waxaa ka mid ah Jeneral Cabdimaalik Ismaaciil, taliyihii hore ee ciidamada Danab, Korneyl Saney Cabdulle, Korneyl Cusmaan Xaadoole iyo Jeneral Saadaq John.

Xogta aan helnay ayaa tilmaameysa in guddigaan ay la kulmi doonaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble islamarkaana ay kala hadli doonaan go’aanna ay xalay ku gaareen Muqdisho. 

Go’aannada ay gaareen ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin qorshayaasha looga baxayo Muqdisho islamarkaana loogu laaban lahaa goobaha ay ka yimaadeen ama furumaha ay ka soo baxeen. RW Rooble ayaa wada dedaalo uu xal ugu raadinayo xaalada Muqdisho oo wali ah jawi ciidan.

Wararka Maanta :   Shirkadda Urban Medical West Oo Gubtay Qalabkii Loo Isticmaalay Talaalka Covid-19

Sida ay ilo-wareedyo u sheegeen Wararka Maanta, saraakiisha ayaa sidoo kale isku raacay inaysan ka bixin goobaha ay kaga sugan yihiin magaalada Muqdisho illaa ra’iisul wasaare Rooble uu ka qaado tallaabo muujineysa in lagu kalsoonaan karo, waxayna ka dalbadeen inuu beddelo taliyayaasha ciidamada dowladda ee ku lugta lahaa dagaalkii lagu soo qaaday musharaxiinta madaxweyne 25-kii April.

Waxay sheegeen in kahor inta aanay ciidanka ka saarin caasimadda ay muhiim tahay in la hubiyo in ra’iisul wasaare Rooble uu daacad ka yahay dadaallada uu wado iyo inuu yahay nin fulinaya aragti uu Farmaajo usoo dhiibay oo gadaal laga maamulayo, taasi oo looga aargudanayo ciidankii ka hor-yimid muddo kororsiga.

Wararka Maanta :   DF oo 10-bil mushaarka ka haysata shaqaale ay kala soo wareegtay garoonka...

Wararka Maanta!

Wararka Somali

Bankiga Dhexe Somaliya oo Liisanka Mobile Money guddoonsiiyay…

Bankiga Dhexe ee Somaliya ayaa maanta Shirkadda Isgaarsiinta Somtel guddoonsiyay ruqsadda adeegga lacagaha teleefanada leeskugu diro ee Mobile Money Licence.

Ruqsadan ayaa ahmiyad u leh sharciyaynta shirkadaha bixiya adeegan, xasilinta hab-maaliyadeedka dalka, ilaalinta hantida macaamiisha iyo tan shirkadaha gaarka loo lee yahay.

Adeegga lacagaha teleefanada ee Somtel bixiso (e-dahab) ayaa sanadihii ugu dambeeyay si weyn looga icticmalayay dalka.

Masuuliyiin uu ugu sareeyay Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha Somaliya, Khaliif Cabdi Cumar ayaa ka qaybgalay munaasabadda Somtel lagu guddoonsiyay ruqsadan oo lagu qabtay Hotel Decale ee Magaalada Muqdisho.

Wararka Maanta :   Taawarka laga hagayo garoonka Diyaaradaha Baydhabo oo xarigga laga jaray

Wasiirka Ganacsiga oo munaasabadda ka hadlay ayaa marka hore bogaadiyay shirkadda la guddoonsiyay ruqsadan, oo buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa.

Wasiirka ayaa tilmaamay inay tani meesha ka saareyso nuglaanshaha adeegga maaliyadeed ee dalka, maalgelinta argagixisada, lacagaha la dhaqo iyo halista ku aaddan lacagaha aan nidaamsanayn.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in adeegani uu fududeeyo ganacsiyada yar yar, oo sida uu sheegay lafdhabar u ah dhaqaalaha bulshada Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa Liisanka adeegga e-dahab guddoonsiiyay Maareeyaha Guud ee Dahabshiil Group, Xasan Cabdi Cawad.

Wararka Maanta :   Kumanaan arday ah oo u fariisatay imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiga Sare...

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa sheegay in Somtel ay noqonayso shirkaddii labaad oo hesho aqoonsigan caalamiga ah ee hannaanka maaliyadeed ee dalka.

27-kii bishii February ee sanadkan ayay ahayd markii ugu horeysay oo Baanka Dhexe uu bixiyo ruqsadda adeegga lacagaha teleefanada ee loo yaqaano Mobile Money Licence, oo xilligaa la guddoonsiiyay Hormuud Telecom.

Nagala soo xiriir Wararka Maanta

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Militeriga Soomaaliya oo ka hor-tegay qorshe ay damacsanaayeen…

Muqdisho (Wararka Maanta)- Faahfaahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ciidanka xoogga dalka iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ku dhex-maray duleedka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaalkii maanta oo si gaar ah uga dhacay tuulooyinka Busleey iyo Buulo-Aluundi ayaa waxaa qaaday ciidamada dowladda, kadib markii ay ka war-heleen weerar abaabulan oo uga soo wajahnaa dhanka Al-Shabaab.

Saraakiishii hoggaamineysay howlgalkaas ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay Al-Shabaab uga dileen 7-dagaalame, sidoo kale ay ku dhaawaceen tiro kale.

Wararka Maanta :   Xog: Magacyada 3 haween ah oo loo soo qabtay dilka guddoomiyihii Xamar Jajab - WararkaMaanta

Guutada 14-ka October militeriga Soomaaliya ayaa fulisay howgalkan lagu dilay dagalamayaasha ka tirsanaa Al-Shabaab.

Inta badan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerarro gaadmo ah ku qaada saldhigyada ay ciidamada militeriga Soomaaliya ku leeyihiin gobolka Shabeellada Hoose, waxaana aad u yar weerarrada laga hor-tago oo ay soo abaabusho kooxdu.

Hase yeeshee ciidamda dowladda ayaa la sheegay inay maanta ka war heleen weerar culus oo kooxdu ay la damacsaneed fariisimo ay militeriga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wararka Maanta :   Dagaal culus oo ka qarxay degmada Wanlaweyn - Wararka Maanta

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo magacaabay guddi soo baara xaaladda…

Sabti, Juun, 12, 2021 (Wararka-Maanta) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo baara cabashada waalidiin Soomaaliyeed oo sheegay in aysan war iyo wacaal ka helin carruurtoodii oo ay sheegeen in tababar loogu diray dalka Eritrea.Guddigan oo ka kooban shan xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah wasiirka gaashaandhigga, Xasan Xuseen Xaaji, waxaana xubno ka ah taliyaha ciiddanka xogga dalka iyo safiirka Ethiopia ee Soomaaliya.

Magacaacidda guddigan ayaa ka dhalatay qeylo dhaan soo laalaabatay oo ka timid waalidiin Soomaaliyeed oo ka cabanayay in carruurtooda laga qeyb galiyay dagaaladii ka dhacay Ethiopia.

Wararka Maanta :   Xog: Duulimaadyadii ay xayirtay Kenya ee Soomaaliya oo xeelad cusub looga...

Maalintii khamiistii, maamulka Puntland ayaa soo bandhigay shan dhalinyaro ah oo sheegay in ay kasoo baxsadeen Eritrea, kuwaas oo sheegay in dhalinyaradii tababarka loo qaaday qaar la dilay.

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Ra’iisal Wasaare Rooble oo magacaabay guddi baara cabashada…

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi baara cabashada waalidiinta Soomaaliyeed ee sheegay inaanay ka war hayn ubadkoodii tababarka loogu qaaday dalka Eritrea.

Guddigan oo shan xubnood ka kooban ayaa waxaa gudoomiye looga dhigay Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji.

Nagala soo xiriir Wararka Maanta

Wararka Maanta!

Wararka Maanta :   Midowga Afrika oo sheegay inuu ka xun yahay diidmadii Soomaaliya ergeyga gaarka ah...
Continue Reading

Wararka Isbuuca