Connect with us

Wararka Somali

Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka Soomaaliya oo Maanta si weyn looga…

Wararka Maanta

Talaado, Luulyo, 20, 2021 (Wararka-Maanta) – Waxaa maanta oo talaado ah oo ku beegan maalinta koowaad ee Ciidda Carafo si weyn looga Ciiday wadamo badan oo ka mid ah Caalamka oo ay Soomaaliya ku jirto.Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ayaa maanta si weyn looga oogay Tukashada Salaada Ciida Carafo, waxaana la arkaayay dadweyne aad u faraxsan oo isugu hambalyeeynay farxada iyo dabaaldega maalintan qiimaha badan.

Wadooyinka waa weyn ee magaalooyinka dalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu arkayaa dad u badan dhalinyaro iyo caruur ku labisan dhar qurux badan, waxaana wajiyadooda ka muuqday farxad heerkeedu sareeyso.

Wararka Maanta :   Maraykanka oo Abiy Axmed ku wargaliyay inuu si degdeg ah waqooyiga Itoobiya...

Madaxda ugu sareysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Dowlad goboleedyada dalka ayaa si isku mid ah ugu hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed oo maanta u dabaaldegaya maalinta koowaad ee Munaasabadda Ciidul Adxaa.

Wararka Maanta

Wararka Somali

Maraykanka oo difaacay duqeymihii uu fuliyay Soomaaliya todobaadkii hore

Wararka Maanta

Axad, Luulyo, 25, 2021 (Wararka-Maanta) – Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Lloyd Austin ayaa sheegay in duqeymaha mareykanka ee lagu bartilmaameedsanayo Al-Shabaab ay xoojinayaan weerarada ka dhanka ah kooxda argagixisada ee xiriirka la leh Al-Qaacida.Hadalkaan ayaa u muuqday mid wasaaradda gaashaadhigga Maraykanka kaga jawaabayso qoraal kasoo baxay xildhibaan Ilhan Omar oo su’aallo ka keentay duqeymihii ugu dambeeyay ee Galmudug.

“Dhawaan waxa dhacay waxa weeye ciidamada aan iskaashiga leenahay ayaa kordhiyay howlgalladooda, waxayna dib u riixayeen Al-Shabaab,” ayuu Austin u sheegay wariyeyaasha isaga la safraya ee ku sugan saldhigga ciiddamada cirka ee Alaska.

Wararka Maanta :   TPLF oo Soo Bandhigtay Maxaabiis Ka Tirsan Ciidamada Dowladda

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa Al-Shabaab ku bartilmaameedsaday labo duqeyn oo dhacday 20-kii July iyo 23-kii July, ka dib muddo ku dhow lix bilood oo hakad uu soo galay markii uu talada la wareegay Madaxweyne Joe Biden.

Milatariga Soomaaliya ayaa loollan adag oo dhanka dhulka ah la galay Al-Shabaabkii ku sugnaa maamulka Galmudug, halkaas oo lagu bartilmaameedsaday labada duqeyn oo diyaaradaha Mareykanka ay fuliyeen.

Milatariga Mareykanka ayaa fuliyay 63 weerar oo cirka ah oo ka dhan ah Al-shabaab sanadkii 2019 iyo 53 duqeyn ah oo sanadkii hore ah.

Wararka Maanta :   PUNTLAND oo ku gacan seertay dalabkii beesha Murusade - Caasimada Onli...

Saraakiisha Mareykanka ayaa sharraxaad ka bixiyay gaabiska ku yimid duqeymaha iyagoo u cuskanaya dib u eegis maamulka Biden uu ku sameeyay siyaasadda duulimaadka militariga.

Dowladda Soomaaliya ayaa aad uga walaacsanayd duqeymo la’aanta taasoo kooxda Alshabaab u ogolaatay inay ka soo baxaan dhuumashada.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Wararkii ugu dambeeyey Kismaayo iyo Axmed Madoobe oo magacaabayo liisk…

Wararka Maanta

Kismaayo (Wararka Maanta) – Baarlamaanka Maamul Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta oo ku began 25-ka July 2021 dooranaya Senatarada Aqalka Sare BFS sida uu shaaciyay Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dowlad-Goboleedkaas & Guddiga kale ee Baarlamaankaas uu magacaabay.

Magaalada Kismaayo xarunta KMG ah ee DG Jubbaland waxaa ka socda diyaargarowga doorashada 8-da Senatar ee Dowlad-Goboleedkaas ku metalaya Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka.

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa Shalay gaaray Kismaayo si ay goobjoog uga noqdaan doorashada Maanta lagu wado in ay dhacdo.

Wararka Maanta :   Daawo: Muuse Suudi oo ka digay arrin Farmaajo sameyn karo doorashada k...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda uu soo saaro liiska Musharixiinta doonaya inay u tartamaan Xildhibaannada Aqalka Sare.

Axmed Madoobe ayaa Maanta waxaa uu la kulmayaa Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo uu horkacayo Guddoomiyaha Guddiga, kuwaas oo shalay gaaray Kismaayo si ay Axmed Madoobe kala wareegaan liiska Musharixiinta Aqalka Sare qeybta Jubbaland.

Sidoo kale Xubnaha Guddiga doorashooyinka ee Heer Federaal ayaa waxaa ay la kulmi doonaan musharixiinta Aqalka Sare ee loo soo gudbiyo si ay ugala hadlaan qabsoomida doorashada Aqalka Sare.

Ammaanka Magaalo Xeebeedka Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, waddooyinka waxaa la dhigay Ciidamo dheeraad ah oo ah Nabadsugidda, Booliiska iyo askar ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Wararka Maanta :   Daawo R/W Rooble: NISA iyo booliska uma dulqaadan doono in dad safraya...

Jubbaland haddii ay ku guuleysato qabsoomidda Doorashada 8-da kursi ee Aqalka sare waxa ay noqoneysaa Dowlad-Goboleedkii ugu horeeyay ee soo gudbiya Senatarada ku metalaya Federaalka 2021.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Daawo: Cumar Filish oo faah-faahin ka bixiyey isku dayo la doonayey in…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish oo shalay ka qeyb galay kulan duco ah oo xarunta dowladda hoose ee Xamar loogu sameeyey mas’uuliyiintii laba sano ka hor, 24-kii July 2019-kii lagu qarxiyey xaruntaas, ayaa sheegay in xilligaas kadib la qabtay dad kale oo doonayey inay isaga isku qarxiyaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in markii uu yimid xafiiska, si looga badbaado dhibaatadii hore oo kale shaqaalaha dhan la marsiiyey baaritaan, taas oo sida uu sheegay uu kala kulmay dhaleeceyn badan, balse uu ku adkeystay.

Wararka Maanta :   TPLF oo Soo Bandhigtay Maxaabiis Ka Tirsan Ciidamada Dowladda

“Markii la isoo magacaabay, balse aana weli xafiiska fariisan waxaa la ii sheegay in la qabtay dad kale oo loo qorsheeyey inay isku key qarxiyaan, kadib markii aan xafiiska imid dad kale ayaa la qabtay, hey’adaha ammaanka iyo garsoorka ayaana kiiskooda u deynay, dadkeenii waxaa laayey cadaw, welina waa sii wataan howshooda, waxaa la sheegaa in qofkii is qarxiyey uu ka mid ahaa maamulka gobolka, weliba agaasimayaashii xiligaas uu ka tirsanaa,” ayuu yiri Cumar Filish.

Sidoo kale Guddoomiye Cumar ayaa sheegay inay ku dadaaleen in dadka inta hartay cadawga laga badbaadiyo, isla markaana ay dib u diiwaan geliyeen shaqaalaha maamulka.

Wararka Maanta :   Booliiska Soomaaliya oo gacanta kusoo dhigay nin dilay wiil 5 jir ah oo uu ...

“Intii dhimatay Allaha u naxariisto waxaan ku dadaalnay, inta nool dadka sidii aan u ceymin laheyn, waxaan qaadanay go’aan ah dhamaan shaqaalaha gobolka Banaadir in dib loo diiwaan geliyo oo qof macluumaadkiisa oo dhan la soo ogaado, kadibna damaanad loo sameeyo oo bal qofka la aqoonsado,” ayuu yiri.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish waxa uu sheegay in diidmo iyo dhaleeceyn badan uu kala kulmay in baaritaan heerkaas ah lagu sameeyo shaqaalaha, “Maanta qof kasta oo ka mid ah shaqaalaha gobolka Banaadir macluumaadkiisa dowladda heysa.” Ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu sheegay intii uu xafiiska joogay inuu soo iibiyey qalab iskaan ah oo aad u baara dadka soo gelaaya xarunta dowladda hoose ee Xamar, sidoo kalena uu sameynay ciidamo nabad sugid ah oo dadka ku dhex jira, kuwaas oo aan la wada aqoon, dad badana soo qabtay, sida uu sheegay.

Wararka Maanta :   Daawo R/W Rooble: NISA iyo booliska uma dulqaadan doono in dad safraya...

Hoos ka daawo

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Guddoomiyaha degmada Shangaani oo gurigiisa lagu go’doomiyay xilli saq…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa toddobaadkaan xili habeen ah weerar ku qaaday guriga guddoomiyaha degmada Shangaani ee maamulka gobalka Banaadir, waxaana la sheegay in isaga iyo qoyskiisa loo geestay hanjabaad iyo cabsi gelin xoog leh.

Falkaan ayaa dhacay saddex habeen ka hor waxa uuna ka dhacay guriga guddoomiyaha oo ku yaalla isla degmadaas sida ay noo sheegeen mas’uuliyiin kuwa ammaanka ah, oo codsaday inaan la magacaabin.

Xog ay heshay Wararka Maanta ayaa tilmaamaysa in guddoomiyaha la weeraray uu waday abaabulka qeybinta raashin gargaar ah oo loogu talagalay dadka danyarta ah ee degan degmadaas, waxaana mar qura ku yimid ciidamo ka tirsan kuwa NISA oo loo yaqaano Duufaan.

Wararka Maanta :   Guddoomiye Sanyare" Ganacsatadii ka qeyb qaadan weyda taakulaynta dagaalka ...

Aweys Camuudi oo ah guddoomiyaha degmada ayaa la weydiiyay su’aalo ay ka mid ah ahaayeen cida u wakiilatay qeybinta raashinka, halka uu ka keenay iyo haddii uu heysto fasax hay’adaha ammaanka ah, iyadoo kadibna loogu hanjabay in la xiri doono haddii uu sii wado howshaan. 

Guddoomiye Aweys oo ay ciidanka ammaanka hareereeyeen gurigiisa islamarkaana loogu hanjabay in uu joojiyo barnaamijkii samafalka ee ka socday degmadiisa ayaa la sheegay in uu qaatay amarkaas, waxaana la sheegay in uu saacado galay qalqal isaga iyo qoyskiisaba. 

Si rasmi ah looma oga sababta loo diiday bixinta gargaarkaan hase yeeshee waxaa soo baxaya in ay ka dambeeyaan shaqsiyaad katirsan mas’uuliyiinta ammaanka oo doonaya in ay wax ka helaan raashinka la bixinayo ama in la siiyo lacag caddaan ah. 

Inta badan Muqdisho iyo gobalada qaar ee Soomaaliya markii la bixinayo raashin gargaar ah amaba la qabanayo adeegyo dheeraad ah oo bulsho ama maamul waxaa lacag ama agabyo kale oo dheeraad laga siiyo mas’uuliyiinta a’maanka ee gobalka ama degmada, waxaana la aaminsan-yahay in sababtaas loo weeraray guddoomiye Aweys Camuudi oo nin dhalinyaro ah, oo la magacaabay 02 December 2019.

Wararka Maanta :   Madaxweyne ka badbaaday isku day dil xilli uu ku guda jiray Salaadda C...

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Daawo: Taliska Booliska oo soo bandhigay sagaal kamid ah ragii ku daga…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta)-Taliska ciidanka booliska Soomaaliya oo war ka soo saaray dagaalkii saakay ka dhacay isgoyska Ex Control Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay xogta khasaarihii ka dhashay iyo cidda ay u dhaxeysay is-rasaaseyntaas.

Ku xigeenka afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Cali Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay soo qabteen koox burcad ah oo uu tilmaamay inay is-rasaaseeyeen, kadib markii ay ku heshii waayeen lacag baad ah oo ay dadka ka aruursanayeen.

Wararka Maanta :   Yuusuf Dabageed " Wax doorasho ah kama dhaceyso Baledweyne hadii...

“Saakay aroortii Ex Control Afgooye waxaa ka dhacday shaqaaqo is-rasaaseyn ah dhex-martay maleeshiyaad qowleysato ah oo dhacayey dadka aaggaas ku nool, intii ay dadka dhacayeen ayey dhexdooda ka tafantay oo dhexdooda ka bilaabatay israsaaseyn sababtay in dad rayid ah ay halkaas ku dhintaan, ilaa afar qof oo shacab ah ayaa goobtaas ku geeriyootay, seddax kalena dhawacyo ayaa soo gaaray,” ayuu yiri sarkaalkaan oo caawa la hadlay warbaahinta.

Afhayeenka ayaa sheegay in xiligaas ay booliska u suurta geli weysay in ragaas la soo qabto, balse garabta ay ku guuleysteen inay weeraraan halkii ay ku dhuumaaleysanayeen ragii isku rasaaseeyey Ex Control, isla markaana ay gacanta ku soo dhigeen inta badan kooxdaas, qaar kalena weli lagu daba joogo.

Wararka Maanta :   Taliyaha ciidanka booliiska gobolka Banaadir oo ka badbaaday weerar...

“Xooraan iyo daba-gal kadib, ciidanka booliska gobolka Banaadir waxay galabta weerareen goob ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadkii saakay dhaca iyo dilka u geystay dadkii ay ku dul dagaalameen, waxayna gacanta ku soo dhigeen qaar ka mid ah ragaas iyo hubkii ay wateen, waxaana hor geyn doonaa cadaaladda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray afhayeenkan u hadlay booliska Soomaaliya.

Ragaan lasoo qabtay oo gaaraya sagaal nin ayaa seddax kamid ah waxaa is-rasaaseyntii saakay kasoo gaaray dhaawacyo, sida uu warbaahinta u sheegay ku xigeenka afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Cali Xasan.

Hoos ka daawo

Wararka Maanta :   Daawo R/W Rooble: NISA iyo booliska uma dulqaadan doono in dad safraya...

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Macalimuu: Gedo waxaan geynay balaayo, Kullane Jiis in la maxkamadeeyo…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Macalimuu ayaa sheegay in todobadii bilood ee lasoo dhaafay uu xabsi guri ugu jiray Agaasimihii hore ee Shaqaalaha NISA Cabdullahi Kullane, waxuuna dalbanayaa in Kullane cadaaladda la hor keeno.

Macalimuu oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn sheegay in dhammaan siyaasiyiintii iyo odayaashii laga hor taagnaa inay u safraan gobolka Gedo ay u mahad celinayaan Ra’iisul wasaare Rooble oo xilkii ka qaaday ninkii ay ka cabanayeen oo xabsiga ay ugu jireen.

“Sidii aad la socoteen waxaa la jebiyey amarkii Ra’iisul wasaaraha, waxaana jebiyey ninkii Taliye ku xigeenka Nabad sugidda ahaa, ninkaas waxa uu bartay in dunuubta uu galo aan lagu ciqaabin, laakiin hadda waxaa laga qaaday tallaabo, waxay ila tahay dadka dunuubta gala hadii aan sharciga la hor keenin dembiyada ayey iska sii gelayaan, Kullane dhibaatooyinkii uu Gedo ka geystay maxkamad ha lagu saaro,” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo.

Wararka Maanta :   Taliyaha ciidanka booliiska gobolka Banaadir oo ka badbaaday weerar...

Cismaan Nuur Xaaji oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Intii uu Kullane dembiyada ka galay, aniga ayaa ugu dhib yaraa, anigana 7-bilood ayuu xabsi igu heystay, anigoo masuul soo shaqeeyey ah oo aan dad dhibaato u geysan, ayuu intaas i hor taagnaa, dembiyada kale ee uu geystay wax sahlan maaha, waxaan maqlaayey gabar NISA ku maqan oo gaarigiisa lagu qaaday, arrintaas ma ahan in madaxda dowlad goboleedyada iyo musharaxiintu ka aamusaan.”

Wararka Maanta :   Daawo: Muuse Suudi oo ka digay arrin Farmaajo sameyn karo doorashada k...

Sidoo kale Macalimuu ayaa sheegay badbaada Cabdullahi Kullane ay ku jirto in maanta maxkamad lasoo taago, “Hadii aan la maxkamadeyn waa la dilayaa, in la dilana waxaa ka roon, in dembiga uu leeyahay lagu qaado, hadii lagu waayana la iska daayo,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in amarro uu bixiyey Kullane dhibaatooyin xoog leh gobolka Gedo looga geystay, isagoo dadka dhibanayaasha ah u soo jeeduyey inay soo bandhigaan tacadiyada uu u geystay ninkaas, si wax looga qabto.

“Markii hore waxaan u heysanay in gobolka Gedo aan dowlad geynay, laakiin Balaayo ayaan geynay xaqiiqdii, dhibka dowlada laga tabanayo waxaa geystay Kullane Jiis, waxaana u wakiishay dadkii meesha u dirsaday,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cismaan Nuur Xaaji Macalimuu guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo.

Wararka Maanta :   Xog: Al-Shabab oo Muqdisho ka billaabay olole doorasho - Caasimada Onl...

Hoos ka Daawo

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Isbuuca