Connect with us

Wararka Somali

Madaxweyne Deni: Doorashooyinkii ururada siyaasada iyadoo aan la gaarin…

Wararka Maanta

Sabti, Juun, 5, 2021 (Wararka-Maanta) – Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dad badan oo diidan horumarka Puntland ay isku dayayaan in ay ka hor yimaadaan nidaamka xisbiyada badan oo ay Puntland uga guurayso midkii qabaliga ahaa.Madaxweyne Deni ayaa daboolka ka qaaday in durbaba ay qeylo kasoo yeertay qabaa’iladii Puntland oo mid kastaa uu doonayo in wixii qabiil ahaan uu ku heli jiray uusan ku waayi karin nidaamkaan dimuqraadiga ah.

Wararka Maanta :   Gabar Soomaali ah oo qaab aad loola yaabay loogu dilay magaalada...

“Qabaa’iladii isuma noola. Isimadii waxgaradka ahaa runtii way yaaban yihiin. Beeldaaje Cali Faarax oo Ufayn ka hadlayay wuxuu noo sheegay in ay dadkii is naceen. “Iyadoo aan la gaarin  doorashadii, ayaa la leeyahay waxeena xaggaas dhig, maalin walba gar ayay ku jiraan” sidaas waxaa yiri madaxweyne Deni.

“Nidaamkaan cadow badan ayuu yeelanayaa. Ogaada dad badan ayaan horumarka rabin. Dad badan baa in talada dadka loosoo dhoweeyo rabin. Waxaan u baahanahay in arrintaas laga gudbo,” ayuu yiri madaxweyne Deni.

Wararka Maanta :   Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee Gobolka Gedo oo lagu xanibay...

Hadalka madaxweyne Deni ayaa kusoo beegmaya kadib markii lasoo gabagabeeyay diiwaan galinta codbixiyaasha doorashada golayaasha deegaanka ee nidaamka ururada siyaasadeed oo bisha july ka dhicidoona saddex degmo oo doorashooyinkooda lasoo horumariyay.

Wararka-Maanta

Wararka Somali

Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee Gobolka Gedo oo lagu xanibay…

Wararka Maanta

Gudoomiyihii hore ee Gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu) ayaa sheegay in isaga iyo xubno kale oo gobolkaasi ka soo jeeda ay ku xaniban yihiin Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha ayaa Taliye Kuxigeenka Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka (NISA), Cabdullaahi Kullane ku eedeeyay inuu ka hor istaagay in ay ka dhoofaan Garoonka Aadan Cadde.

“Waxaan ku xayiranahay magaalo madaxda Muqdisho, keligeena maaha waa masuuliyiintii iyo intii dhammaan ka soo jeeday Gobolka Gedo. Waa siyaasiyiintii, odayaashii iyo dadkii waxgaradka ahaa ee gobolka ka soo jeeday.” Ayuu yiri Gudoomiyihii hore ee Gobolka Gedo oo la hadlay BBC.

“Dhammaan waxaa na lagu hortaagan yahay Garoonka Aadan Cadde.” Ayuu yiri isagoo intaa ku daray “Saraakiisha hoggaamineyso NISA ayaa nagu hortaagan. Nin la yiraahdo Cabdullaahi Kullane ayaa meesha nagu hortaagan.”

Wararka Maanta :   Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay duulimaadyada Kenya ee...

Sababta loo hor istaagay oo la weydiiyay ayaa ku jawaabay “Dadkaa waxa loo celinayo waa in dalkii doorasho u socdo, oo aysan wax dooranin, sida dhammaanteen aan is tusnay Xildhibaanada inaanan la dooranin. Dadku waxgarad weeye, waxaa loo socdaa dhammaan in deegaanada laga soo doorto Xildhibaanada. Waxaa socdo Xildhibaanadii ka soo jeeday gobolka, Odayaashii Dhaqanka, Siyaasiyiintii, Wariye-yaashii iyo hooyooyinkii, oo u socdo gobolkii.”

Macalimuu ayaa yiri “Taliye Kuxigeenka NISA, Cabdullaahi Kullane ayaa wuxuu go’aansaday inuu ku celiyo dadka Garoonka Aadan Cadde, arrintaasina sax maaha, mana suurtagelayso. Haddaan nahay siyaasiyiintii waxaan diyaar u nahay arrintaasi inaan si dhab ah ugu istaagno, ugana hadalno.”

Wararka Maanta :   Mareykanka oo ciidamo la dagaalamo Al-Shabaab usoo diraya Kenya -...

“Waxaa Muqdisho iigu yeeray Madaxweynihii dalka Somaliya u sareeyay iyo nin Xaashi la yiraahdo, waxaan imid Muqdisho ayaga dartood ayaan u imaaday, waxaana ku xayiranahay sagaal bilood oo berri ama berri damaa baxeysaa la leeyahay, anna inaan hotel iska jiifo sax maaha. Markaan imidna talooyinkii koobaad ee la ii soo jeediyay waxaa ka mid ahaa dalka dibadiisa inaan isbitaal u aado, anigana maahi nin xanuunsan, isbitaal wax aan ka raadinayana haddee ma jiraan.” Ayuu yiri Macalimuu.

Macalimuu ayaa meesha ka saaray suurtagalnimada inuu qorsheynayo xaalad amni oo uu ka abuuro Gobolka Gedo, marka uu dib ugu laabto, sidaasina loo maleynayo inay dowladdu ugu diidan yahay inuu xilligan dib ugu laabto gobolkaasi.

Wararka Maanta :   Shil ka dhacay duleedka galbeed ee Haragaysa oo sababay dhimasho iyo...

“Gobolka Gedo waan u dhashay, meel aan colaad u quuro maaha, haddii aan colaad gelinayana anoo la i soo khasbin, ciidan-na uusan i soo qaadin oo aanan xirnayn oo ciidan wataa diyaarad ka soo raacay, haddaan wax khasayo ama aan rabo inaan colaad geliyo anoo xilka la’iga qaadaa dagaalami lahaa, anigana inaan ku dagaalamo Gobolka Gedo diyaar uma ihi, waxaan u diyaarsanahay dowlad kasta oo shaqaynayso inaan ku garab istaago.” Ayuu yiri Macalimuu oo intaasi raaciyay “Maalintii la i bedelay illaa iyo hadda dowladda waan la shaqaynayay, waana garab taagnaa.”

Taliska Hay’adda NISA ayaan ka jawaabin eedeyntan ugu dambeysay ee kaga timid Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu), Gudoomiyihii hore ee Gobolka Gedo.

Nagala soo xiriir Wararka Maanta

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

In kabadan 700 oo caruur ah oo lagu dilay Soomaaliya sanadkii 2020- sida…

Wararka Maanta

Talaado, Juun, 22, 2021 (Wararka-Maanta) – In ka badan 700 oo caruur ah ayaa lagu diley ama lagu naafeeyey Soomaaliya sanadkii 2020 kadib xadgudubyo ay geysteen kooxda  Al-Shabaab, ciidamada dowladda, maleeshiyo beeleedyo iyo AMISOM, sida  lagu sheegey warbixin cusub oo ay soo saartay Qaramada Midoobay.Warbixinta ayaa xustay in 222 carruur ah la dilay halka 481 la naafeeyey. Tirada kamid ah dhibbanayaasha oo dhan 252 waxaa lagu eedeeyay Al-Shabaab halka ciidamada dowladda  ay mas’uul ka ahaayeen 43 kiis.

Wararka Maanta :   Coca-Cola oo Balaayiin Doollar Ku Weyday Fal uu Cristiano Ronaldo Sameeyay Awgii

Warbixintu waxay sidoo kale ciidanka Booliska Soomaaliya ku sheegtay in ay ka masuul yihiin 35 kiis oo lagu dhibaateeyay carruurta, halka dowlad goboleedyada kiisas intaas ka yar laga diiwaan galiyay deegaanadooda

Khasaaraha ugu badan oo gaaraya 158 kiis, waxaa warbixinta lagu sheegay inay ka dhasheen waxyaabaha qarxa ee macmalka ah waxaana ku xiga is rasaaseyn dhex martay kooxo hubeysan oo ay ku wax yeeloobeen 155 carruur ah.

Ciidamada Amisom ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay geysteen shan kiis, halka ciidamada difaaca Kenya ay warbixinta ku xustay saddex kiis. Waxaa jirta tiro dhan 296 kiis oo dusha loo saariyay kooxo hubaysan oo aan la aqoonsan.

Wararka Maanta :   Diinsoor : 24 ka tirsan dagaalamayaasha Alshabaab oo lagu dilay howlgal ka ...

Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in 1,442 wiilal ah iyo 53 gabdhood oo qaarkood ay da`doodu yartahay sideed sano ay qoreen Al-Shabaab iyo Ciidamada Amniga Soomaaliya ee heer federaal iyo heer dowlad goboleed.

Kiisaska badankooda oo gaaraya 1,169  waxaa qortay Al-Shabaab, waxaana ku xigay 100 kiis oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed halka 74 ka mid ah ay qorteen Ciidanka Xoogga Dalka.

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ugu…

Wararka Maanta

Talaado, Juun, 22, 2021 (Wararka-Maanta) – Ra’iisul Wasaaraha xukumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku casuumay madaxda Golaha Wadatashiga Qaran shir Sabtida ka dhacaya magaalada Muqdisho.Raysal Wasaaraha ayaa sheegay in shirkaan la isaga xog wareysandoono waxyaabihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dardar gelinta shaqooyinka harsan.

Qabashada shirkan ayaa ku yimid kulan qadka foggaan araga ku dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, waana wada hadalkii ugu horeeyay ay masuuliyiintu yeeshaan tan iyo heshiiskii doorashada ee 27 May.

Wararka Maanta :   Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee Gobolka Gedo oo lagu xanibay...

Shirka Muqdisho lagu qabandoono ayaa kusoo beegmaya xilli jadwalkii doorasho ee lagu heshiiyay uu ka harsan yahay muddo bil iyo todobo cishe.

Tallaabooyinka ugu muhiimsan ee horay loo qaaday waxaa kamid ah in isbedel lagu sameeyay guddiyadii doorashooyinka ee cabashadu ka taagnayd iyo dhismaha guddiga amniga doorashada oo raysal wasaaruhu hormuud u yahay.

Marka la eego shaqooyinka harsan iyo waqtiga la haysto oo aad u yar, waxaa hubanti la’aan ah in doorashada waqtigeeda dib uga dhicidoonto.

Wararka Maanta :   Wararkii ugu Danbeeyey itoobiya oo BOM ku Dhufanaysa Masar Cabsida Laga...

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Daawo: Xaguu marayaa dagaalka culus ee ka socda gobolka Shabeellaha Dh…

Wararka Maanta

Jowhar (Wararka Maanta) – Afhayeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed G/Sare Cali Xaashi Cabdi oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaalka u dhexeeya Militeriga Soomaaliya iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab ee ka socda deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Ciidanka xoogga dalka ayaa haatan guluf dagaal oo xoog leh ka wada gobolka Shabeellada Dhexe, waxaana ciidanka hor-kacaya Taliyaha guud ee Militeriga Soomaaliya Odawaa Yuusuf Raage.

Afhayeenka ayaa sheegay in saacadihii u dambeeyey ay kooxda ka dileen ku dhawaad 20 dagaalame, isla markaana ay kala wareegeen deegaano dhowr ah, sidoo kale waxa uu sheegay in dad shacab ah oo ay Al-Shabaab dhibaateeyeen ay gargaar u fidiyeen.

Wararka Maanta :   Maxay tahay tallaabada ay qaaday xukuumadda Rooble ee Farmaajo uu ku a...

“Howlgalladii maalmahaan ka socday Sh/Dhexe deegano badan ayaan ku xoreynay, shalay iyo maanta dagaalku waxa uu ka socday deegaanada Araxley, Cali-fooldheere iyo Qurac-madoobe, intaas waa dhul keyn ah oo aad ay ugu dhoomaaleysan jirtay kooxdu, waxaan ku dilnay 17 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab, welina dagaalku waa socdaa,” ayuu yiri Cali Xaashi Afhayeenka ciidanka xoogga dalka.

Sidoo kale Afhayeenku waxa uu sheegay in hadafkooda uu yahay in guud ahaan gobolka Shabeellada Dhexe laga cirib-tiro kooxda Al-Shabaab, wuxuuna xusay in ciidan boolis ah oo ka socda dowlad goboleedka HirShabeelle ay qeyb ka yihiin howlgalka,.

Wararka Maanta :   James Swan iyo Rooble oo ka wada hadlay dib u dhaca fulinta qodobadii lagu...

“Go’aanka ay qaadatay wasaaradda gaashaandhigga, si gaar ah Taliyaha ciidanka xoogga dalka Odawaa Yuusuf Raage, waa in nabadiidka Al-Shabaab laga xoreeyo gobolkaan iyo guud ahaa wadanka oo dhan,” ayuu yiri Afhayeenka Militeriga Soomaaliya G/Sare Cali Xaashi Cabdi.

Deegaano badan oo muhiim ah oo dhaca gobolka Shabeellada Dhexe ayaa todobaadyadii u dambeeyey ka baxay gacanta Al-Shabaab, waxaana guud ahaan gobolkaas ka bilaawday duulaan ka dhan ah Al-Shabaab, iyadoo furimaha hore ee dagaalka lagu arkay Odawaa Yuusuf Raage oo ah sarkaalka ugu sareeya ciidanka xoogga dalka.

Wararka Maanta :   Daawo: Xildhibaan Zakariye oo shaaciyey inuu askarta maqan kala...

Hoos ka Daawo Afhayeenka

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Guddoomiyaha xisbiga Waddani oo xukuumada ku eedeeyey in anay ku…

Wararka Maanta

Talaado, Juun, 22, 2021 (Wararka-Maanta) – Guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxammed Cabdilahi (Cirro),ayaa sheegay in xukumadu anay ku qanacsanayn aqlabiyada isbahaysiga mucaaradka.Guddoomiyaha ayaa yidhi” xukuumadu 30 keedi xildhibaana 52 ayay ka dhigaysa, 52 xildhibaan ee mucaaradkana 30 bay ka dhigaysa”.

Cirro ayaa ku andacooday in loobahanyahay in xukuumadu iimaansato qaybta ay doorashadi ka heshay.

“Xukuumadu waa in ay iimaansata aqlabiyadu halka ay martay” ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

Cirro ayaa sidookale sheegay in shacabku isbadal u codeeyeen isbadalkiina dhacay.

Wararka Maanta :   Gudoomiyihii xilka laga qaaday ee Gobolka Gedo oo lagu xanibay...

“Shacabku waxay u codeeyeen is badal, waxayna aqlabiyadoodi u codeeyeen 52 kaa xildhibaan oo kamid ah 82 xildhibaan ee golaha” ayuu yidhi guddoomiye Cirro.

Isbahaysiga mucaaradka Somaliland ee UCID iyo Waddani, oo haysta aqlabiyada golaha wakiilada, ayaa dadaal ugu jira sidi ay ugu guulaysan lahayeen shirgudoonka golaha.

Abdilahi Abdi Rahman,

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Rooble oo casuumad rasmi ah u diray madaxda dowlad goboleedyada + Ujee…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ra’iisal wasaaraha xukumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa casuumad rasmi ah u diray madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka, si maalinta Sabtida ay iskugu imaadaan shir ka dhacaya magaalada Muqdisho.

Qoraal kooban oo uu soo saaray xafiiska Ra’iisal wasaaraha ayaa waxaa lagu sheegay in shirka Sabtida la iskaga wareysan doono howlihii ka qabsoomay arrimaha doorashooyinka tan iyo heshiiskii 27-kii May iyo dar-dar gelinta shaqooyinka harsan.

Shirka Sabtida ayaa imanaya kadib markii uu xalay Ra’iisal Wasaare Rooble uu kulanka dhanka qadka Zoom-ka ah kula yeeshay madaxda dowlad goboleedyada iyo duqa Muqdisho oo aan kulmin wixii ka dambeeyey markii uu dhacay heshiiskii doorashada ee lagu saxiixay magaalada Muqdisho.

Wararka Maanta :   Deg Deg: Xogta kulanka MD Farmaajo & RW Rooble, Fashilka Shirkii...

Xogta shirka Sabtida oo ay hore u baahisay Wararka Maanta ayaa waxa uu qeyb ka yahay dar-dar gelinta heshiiskii doorashada iyo kor joogteynta hanaanka doorasho ee hore loogu heshiiyey iyo howlihii qabsoomay.

Shirka lagu wado in maalinta Sabtida uu ka furmo magaalada Muqdisho ayaa waxa uu qorshuhu yahay inay hortegi doonaan guddiga farsamada ee uu magacaabay Ra’iisal Wasaaraha, kuwaasi oo warbixin siin doona madaxda Golaha Wada-tashiga Qaranka.

Sidoo kale xog ay heshay Wararka Maanta ayaa waxay sheegeysa in Ra’iisal Wasaare Rooble uu magacaabi doono guddi dib u heshiisiin ah, kaas oo heer wasiirro ah, waxaana xubnaha guddigaas laga soo kala xuli doonaa xukuumadaha dowlad goboleedyada oo aysan ku jirin Jubbaland.

Wararka Maanta :   Mareykanka oo ciidamo la dagaalamo Al-Shabaab usoo diraya Kenya -...

Guddiga wasiirrada ah ayaa sida uu qorshaha yahay waxaa loo diri doonaa magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo, waxayna kasoo tala bixi doonaan qaabka loo xalin karo is-mari waaga maamul ee ka jira gobolka Gedo, kaas oo u dhaxeeya dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Isbuuca