Connect with us

Wararka Somali

Madaxweynaha Somaliland oo Mdaxtooyada ku qaabilay madaxa shirkada DP world +…

Hargeysa,(Wararka Maanta) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo madaxa shirkada DPworld Sultan Axmed bin Suleyman oo kulan qaatay, ayaa ka wada hadlay wajiga labaad ee dhismaha dekedda Berbera iyo Berbera corridor

Warsaxafadeed kasoo baxday kulanka ayaa lagu sheegay in labada masuul ay kawada hadleen furitaanka wajiga koowaad ee dhismaha dekedda Berbera iyo bilaabitaanka dhismaha wajiga labaad ee dekedda.

Sida warsaxafadeedka lagu sheegay kulanka ayaa waxa kale oo lagaga wada hadlay imkaaniyaadka ganacsi ee ku dagaman isticmaalka dekedda, marin ganacsiyeedka Berbera corridor iyo baladhinteeda madama oo ay mari doonaan shixnado aad ubadan.

Wararka Maanta :   Xog: Farmaajo iyo Rooble, Cali Guudlaawe iyo Qoor Qoor oo sii kala fogaanaya -...

Warsaxafadeedka ayaa intaa ku dartay in laga wada hadlay casriyaynta kastamada magaalooyinka Tog-wajaale iyo Berbera si shixnadaha iskaga kala gooshaya dekedda Berbera iyo waddamada geeska Afrika ay u noqdaan qaar xawli ku socda.

Kulanka madaxweynaha iyo madaxa DPworld ayaa ku dhamaday is afgarad buuxa oo ay labada dhinac ka yeesheen hawlaha laysla lafa-guray sida warmurtiyeeka lagu sheegay.

Marka ay dhamaato balaadhinta dekedda Berbera, ayaa la rajaynayaa in ay horseedo qul-qul shixnado ganacsi oo dhexmara Somaliland, Itoobiya iyo waddamo kale oo geeska Afrika ah.

Wararka Maanta :   Dhoobo-Daareed oo war xasaasi ah kasoo saaray doorashada Somaliland -...

 

Wararka Maanta!

Wararka Somali

Bankiga Dhexe Somaliya oo Liisanka Mobile Money guddoonsiiyay…

Bankiga Dhexe ee Somaliya ayaa maanta Shirkadda Isgaarsiinta Somtel guddoonsiyay ruqsadda adeegga lacagaha teleefanada leeskugu diro ee Mobile Money Licence.

Ruqsadan ayaa ahmiyad u leh sharciyaynta shirkadaha bixiya adeegan, xasilinta hab-maaliyadeedka dalka, ilaalinta hantida macaamiisha iyo tan shirkadaha gaarka loo lee yahay.

Adeegga lacagaha teleefanada ee Somtel bixiso (e-dahab) ayaa sanadihii ugu dambeeyay si weyn looga icticmalayay dalka.

Masuuliyiin uu ugu sareeyay Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha Somaliya, Khaliif Cabdi Cumar ayaa ka qaybgalay munaasabadda Somtel lagu guddoonsiyay ruqsadan oo lagu qabtay Hotel Decale ee Magaalada Muqdisho.

Wararka Maanta :   Deg Deg: Md Farmaajo oo Siyaasad Cusub lasoo baxay, Taageerada Carabta & Hubka UAE...

Wasiirka Ganacsiga oo munaasabadda ka hadlay ayaa marka hore bogaadiyay shirkadda la guddoonsiyay ruqsadan, oo buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa.

Wasiirka ayaa tilmaamay inay tani meesha ka saareyso nuglaanshaha adeegga maaliyadeed ee dalka, maalgelinta argagixisada, lacagaha la dhaqo iyo halista ku aaddan lacagaha aan nidaamsanayn.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in adeegani uu fududeeyo ganacsiyada yar yar, oo sida uu sheegay lafdhabar u ah dhaqaalaha bulshada Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa Liisanka adeegga e-dahab guddoonsiiyay Maareeyaha Guud ee Dahabshiil Group, Xasan Cabdi Cawad.

Wararka Maanta :   Daawo: Sanbaloolshe oo shaaciyey inuu isbeddelay fikirkii uu ka haystay...

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa sheegay in Somtel ay noqonayso shirkaddii labaad oo hesho aqoonsigan caalamiga ah ee hannaanka maaliyadeed ee dalka.

27-kii bishii February ee sanadkan ayay ahayd markii ugu horeysay oo Baanka Dhexe uu bixiyo ruqsadda adeegga lacagaha teleefanada ee loo yaqaano Mobile Money Licence, oo xilligaa la guddoonsiiyay Hormuud Telecom.

Nagala soo xiriir Wararka Maanta

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Militeriga Soomaaliya oo ka hor-tegay qorshe ay damacsanaayeen…

Muqdisho (Wararka Maanta)- Faahfaahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ciidanka xoogga dalka iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ku dhex-maray duleedka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaalkii maanta oo si gaar ah uga dhacay tuulooyinka Busleey iyo Buulo-Aluundi ayaa waxaa qaaday ciidamada dowladda, kadib markii ay ka war-heleen weerar abaabulan oo uga soo wajahnaa dhanka Al-Shabaab.

Saraakiishii hoggaamineysay howlgalkaas ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay Al-Shabaab uga dileen 7-dagaalame, sidoo kale ay ku dhaawaceen tiro kale.

Wararka Maanta :   Sawirro: Xildhibaano ku shiray Muqdisho oo digniin culus soo saaray

Guutada 14-ka October militeriga Soomaaliya ayaa fulisay howgalkan lagu dilay dagalamayaasha ka tirsanaa Al-Shabaab.

Inta badan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerarro gaadmo ah ku qaada saldhigyada ay ciidamada militeriga Soomaaliya ku leeyihiin gobolka Shabeellada Hoose, waxaana aad u yar weerarrada laga hor-tago oo ay soo abaabusho kooxdu.

Hase yeeshee ciidamda dowladda ayaa la sheegay inay maanta ka war heleen weerar culus oo kooxdu ay la damacsaneed fariisimo ay militeriga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wararka Maanta :   Safiirkii Mareykanka: "Farmaajo ma rabo inay doorasho dhacdo, waa in tallaabo adag laga qaado" -...

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo magacaabay guddi soo baara xaaladda…

Sabti, Juun, 12, 2021 (Wararka-Maanta) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo baara cabashada waalidiin Soomaaliyeed oo sheegay in aysan war iyo wacaal ka helin carruurtoodii oo ay sheegeen in tababar loogu diray dalka Eritrea.Guddigan oo ka kooban shan xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah wasiirka gaashaandhigga, Xasan Xuseen Xaaji, waxaana xubno ka ah taliyaha ciiddanka xogga dalka iyo safiirka Ethiopia ee Soomaaliya.

Magacaacidda guddigan ayaa ka dhalatay qeylo dhaan soo laalaabatay oo ka timid waalidiin Soomaaliyeed oo ka cabanayay in carruurtooda laga qeyb galiyay dagaaladii ka dhacay Ethiopia.

Wararka Maanta :   Raysal Wasaare Rooble, Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo...

Maalintii khamiistii, maamulka Puntland ayaa soo bandhigay shan dhalinyaro ah oo sheegay in ay kasoo baxsadeen Eritrea, kuwaas oo sheegay in dhalinyaradii tababarka loo qaaday qaar la dilay.

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Ra’iisal Wasaare Rooble oo magacaabay guddi baara cabashada…

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi baara cabashada waalidiinta Soomaaliyeed ee sheegay inaanay ka war hayn ubadkoodii tababarka loogu qaaday dalka Eritrea.

Guddigan oo shan xubnood ka kooban ayaa waxaa gudoomiye looga dhigay Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji.

Nagala soo xiriir Wararka Maanta

Wararka Maanta!

Wararka Maanta :   Xog: Farmaajo iyo Rooble, Cali Guudlaawe iyo Qoor Qoor oo sii kala fogaanaya -...
Continue Reading

Wararka Isbuuca