Connect with us

Warka Caalamka

Madaxweynaha Mareykanka uu digniin u direy dhigiisa Ruushka – Radio…

Wararka Maanta

Madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden ayaa dalka Britain ka bilaabay safarkiisa ugu horeeyay tan iyo markii uu xafiiska yimid, waxaana Russia uga digay in ay cawaaqib xun la kulmi doonto haddii ay la timaaddo ficilo aan loo baahneyn.

Mr Biden ayaa la yimid rabitaan ah in uu xoojinayo xiriirka xulafada Mareykanka ee xumaaday xilligii maamulkii Trump. Isagoo ka hadlayay saldhiga ciidanka cirka ee Suffolk, arbacadii waxaa uu fariin cad u direy madaxweyne Putin.

“Ma doonayno in aan dagaal la galno Russia waxaa rabnaa deganaansho iyo xiriir maangal ah,”.

Safarka sideeda maalin ah ee madaxweynaha uu ku joogi doono Yurub, waxaa uu ka qeybgali doonaa shirka dalalka hodanka ah ee G7, sidoo kale waxaa magaalada Geneva kula kulmi doonaa madaxweynaha dalka Russia Vladimir Putin.

Wararka Maanta :   DEG DEG: Mareykanka oo ergey gaar ah usoo magacaabay Geeska Afrika - Caasimada...

Kulanka Biden iyo Putin ayaa looga hadli doonaa arrimo ay kamid yihiin, xakameynta hubka, isbedelka cimilada, ciidanka Russia uu jooga dalka Ukraine, weerarada dhanka computerada iyo xariga hogaamiyaha mucaaradka Russia ee Alexei Navalny.

Madaxweynaha Biden waxaa uu xusay in Mareykanka uu dib u soo laabtay isla markaana dimoqraadiyada dunida si wadajir ah u wajahayso caqabadihii ugu adag oo quseeya mustaqbalkeena.

Shirka dalalka hodanka ah ee G7 ayaa jimcaha ka furmi doono Cornwall oo ku taala koofur galbeed England, waxaana diiradda la saari doonaa wax ka qabashada dhibaatada aafada COVID-19 iyo sidii loogu diyaar garoobi lahaa safmarada kale ee mustaqbalka imaan doona.

Wararka Maanta :   Deg Deg: DF oo Go'aan lama filaan ah ka qaadatay Ergeyga M/Afrika & Ethopia oo soo...

Warbaahinta UK waxay soo warineysaa in Ra’isul wasaare Boris Johnson uu sheegay in shirka lagu qeexi doono heshiis cusub ee caalami ah kaas oo caddeynaya sidii la isugu diyaarin lahaa aafooyinka imaan doona.

Sidoo kale, warbaahinta Mareykanka ayaa dhankeeda tabisay in maamulka Biden qorsheeyeen in 500 oo milyan oo kuuro oo talaalka COVID-19 ah la siin doono ku dhowaad 100 dal labada sano ee soo socota.

Madaxweyne Biden, shirka G7 ka dib waxaa uu u safri doonaa dalka Belgium halkaas oo kula kulmi doono wasiirada dalalka Gaashaan-Buurta NATO isniinta soo socota sida uu qorshuhu yahay.

Wararka Maanta :   Deg Deg: Turkiga oo u hiiliyay Somaliya, Dhoolatuska Ciidamada P/Land & Guusha...

Xiriirka Mareykanka iyo NATO ayaa ahaa mid xumaaday xilligii maamulka madaxweynihii hore Donald Trump, xoghayaha ururkaas General Jens Stoltenberg oo isniintii tagay Aqalka Cad, ayaa sheegay in madaxweyne Biden uu u muujiyay sida ay uga go’an tahay in xulafada Mareykanka uu xiriir adag la yeesho.

Wararka Maanta!

Warka Caalamka

Dalalka Khaliijka oo soo jeediyey dalab ku saabsan wada-hadallada Iran…

Wararka Maanta

Dalalka Khaliijka ayaa Arbacadii sheegay inay halis noqon doonto in wada-hadallada quwadaha caalamka ay kula jiraan Iran ee barnaamijkeeda nukliyeerka laga reebo banraamijka gantaallada iyo “dhaqanka xasilooni darrada ah” ee Tehran, waxayna mar kale ku celiyeen inay wada-hadallada qeyb ka noqdaan.

Dalalka ugu awoodda badan caalamka iyo Iran ayaa waxaa Sabtdii Vienna ugu billowday wareeggii lixaad ee wada-hadallada la doonayo in dib loogu soo nooleeyo heshiiskii 2015 laga gaaray barnaamijka nukliyeer-ka Iran, kaasi oo ay ka horyimaadeen Sacuudi Carabiya iyo xulufadeyda, islamarkaana Mareykanka uu ka baxay 2018.

Wararka Maanta :   Israel oo mar kale duqaysay Magaalada Qaza - Wararka Maanta:...

Tehran ayaa diiday isku day kasta oo arrimo kale loogu darayo heshiiska, kaasi oo ay ku ogolaatay inay xakameyso barnaamijkeeda nukliyeerka, ayada oo ku beddelaneysa in laga qaado cunaqabteynada saaran.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa doonaya inuu dib usoo celiyo heshiiska oo uu ka baxay madaxweynihii ka horreeyey ee Donald Trump.

Wasiirada Arrimaha Dibedda ee Dalalka Khaliijka ayaa ku booriyey quwadaha caalamka inay xaqiijiyaan heshiis wata xanibaado xooggan iyo waqti fog, ayna “ku xiriiriyaan tallaabooyin lagu dhisayo is-aaminaad,” si looga hortago in gobolka uu ka dhaco tartan dhinaca hubka ah.

Wararka Maanta :   Deg Deg: Guusha MD Farmaajo, heshiiskii mucaaradka & DF oo...

Bayaan ay soo saareen kadib kulan ay ku yeeshee, Riyadh, waxay ku sheegeen in dalalka Khaliijka ay tahay in laga qeyb geliyo wada-xaajoodyada lala leeyahya Tehran, ayna diyaar u yihiin “inay ka wada shaqeeyaan in si dhab ah oo wax ku ool ah ay ula macaamilaan diiwaanka nukliyeerka Iran, ayada oo lagu saleynayo dhowrista iyo madax-banaanida iyo daris wanaagga.”

Wararka Maanta!

Continue Reading

Warka Caalamka

Somalia & Kenya oo kawada hadlay in dib loo furo safaaradaha Muqdisho…

Wararka Maanta

Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya  Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud iyo Kenya Danjire Raychelle Omamo ayaa ka wada hadlay dib usoo celinta xiriirka labada Dowladood iyo in dib loo furo safaaradaha Muqdisho iyo Nairobi.

War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradaha arrimaha dibadda ee labada Dowladood ayaa lagu xusay inay ka wada hadleen labada Mas’uul arrimaha Amniga, Ganacsiga iyo xoojinta cilaaqaadka labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa muujiyay muhimadda ay leedahay in dib loo furo safaaradaha labada dowladood ku wada leeyihiin magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi, taasi oo sii xoojineysa cilaaqaadka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Wararka Maanta :   Deg Deg: Dhoolatuska RW Rooble, Mucaaradka oo is dhiibay & Xogta Dacwad...

Wararka Maanta!

Continue Reading

Warka Caalamka

Coca-Cola oo Balaayiin Doollar Ku Weyday Fal uu Cristiano Ronaldo Sameeyay Awgii

Wararka Maanta

LONDON(Wararka Maanta)-Xidigga kubadda cagta Cristiano Ronaldo ayaa shirkadda Coca-Cola u horseeday khasaare dhan 4 bilyan oo dollar kaddib markii uu iska hor qaaday laba quraaradood oo uu ku jiray sharaabka ay soo saarto shirkaddaasi kaas oo saarna miis uu doonayay in uu warbaahinta kula hadlo.

cayaaryahanka ayaa si cadho ku jirto isaga hor leexiyay quraaradaha sharaabka Coca-Cola isaga oo taa beddelkeedana sare u qaaday caagad biyo ah oo hortiisa taallay taas oo u muuqatay in uu ka digayay cabitaannadda aashitada leh kuna amaanayay biyaha caadiga ah.

Wararka Maanta :   Ciyaaryahan Christian Eriksen oo xaalad halis ah galay -...

Muuqalkaas ayaa si weyn ugu baahay baraha bulshada waxa uuna si gaar ah boog ugu noqday in badan oo ka mid ah ganacsiga dunida.

Falkan uu sameeyey Cristiano Ronaldo ayaa saamayn weyn ku yeeshay iibsiga sharaabka Coca-Cola ee suuqyada dunida, waxaana hoos u dhacay qiimaha ay shirkaddani ka taagan tahay suuqyada saamiyada, iyadoo halkii saami lagu kala iibsanayey 55.2 doollar, halkii uu maalintii ka horreysay ahaa 56.1 doollar.

Coca-Cola oo ah ka mid ah shirkadaha maalgeliya tartanka horyaalka kubadda cagta ee qaaradda Yurub ayaa dhibbane u noqotay hab dhaqanka Ronaldo kaas oo ay ku weyday balaayiin dollar oo horay jeebkeeda ugu soo dhici jirtay.

Wararka Maanta :   Mid Kamid ah Maalqabeennada Dunida oo Xaaskiisa Furaya

Ma aha markii ugu horreysay uu uu Cristiano u uku kaco fal ceynkan ah.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Warka Caalamka

Mareykanka oo diyaarinaya qorshe Ciidamada ugu soo celinayo Soomaaliya…

Wararka Maanta

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa gacanta ku heysa qorshe ay dooneyso inay dib ugu dirto Soomaaliya tiro ka mid ah ciidamada gaarka ah ee Mareykanka, si ay gacan uga siiyaan ciidamada Soomaaliya la dagaalanka Maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Qorshahan ayaa haddii uu hirgalo, qeyb ahaan dib uga noqonaya go’aankii sida deg deg ah uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya, madaxweynihii hore Donald Trump bishii January ee sanadkan.

Trump ayaa Soomaaliya kala baxay inta badan ciidamada Mareykanka oo gaarayey 700 oo askari, wuxuuna ku reebay illaa 100 kaliya, kuwaas oo dhinaca tababarada ka caawinaya Ciidamada dowladda Soomaliya.

Wararka Maanta :   Qareenkii Saddaam Xuseen oo Geeriyooday

Wararka Maanta!

Continue Reading

Warka Caalamka

RW Suudaan oo Ka Digay In Dalkiisu Lugaha La Galo Dagaal Sokeeye

Wararka Maanta

KHARTOUM(Wararka Maanta)-Ra’iisul wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk ayaa ka digay in dalkiisa uu lugta la galo dagaal sokeeye oo ay horkacayaan taageerayaasha maamulkii al-Bashiir.

Hadal uu jeediyay Talaadadii ayuu ra’iisul wasaaruhu sheegay in dhallinyaro ka gadoodsan joojintii xukuumadda ee kabka shidaalka ay waddooyinka caasimadda ku gooyeen biro, ulo iyo dhagaxaan.

Waxa uu sheegay in xukuumadda aanay fududeysan doonin soo afjaridda dhinacyada doonaya in ay majaxaabiyaan kalsoonida kacdoonkii dalkaas ka dhacay doonayana in ay dalka u horseedaan burbur iyo Khalkhal amni.

Wararka Maanta :   Israel oo mar kale duqaysay Magaalada Qaza - Wararka Maanta:...

Mudane Xamduuk ayaa sheegay in dalku qarka u saaranyahay xaalad kala qeybsanaan iyo amni darro taas oo u sababeeyay habacsanaanta ku timid kacdoonkii dadweyne ee dalkaas ka dhacay sidaasina ay fursad ku heleen kooxo gacansaar la leh maamulkii gabbalkiisu dhacay ee al-Bashiir.

Xaaladda nololeed ee dalka Suudaan ayaa haadaan ka sii dhacaysa iyada oo sicir bararku uu gaaray 397% bishii May, korontada iyo biyaha ayaa iyagu ah baahida ugu badan ee ay qabaan dadweynaha dalkaas.

Wararka Maanta :   Ciyaaryahan Christian Eriksen oo xaalad halis ah galay -...

Xukuumadda uu hoggaamiyo Xamduuk ayaa ku shaqeysa heshiis ay awoodda ku qeybsadeen milatariga iyo rayidka kaddib kacdoonkii xilka lagaga tuuray al-Bashiir 2019.

Xukuumaddan oo ah mid ku meel gaar ah ayaa dalka Suudaan sii daadihin doonta ilaa dabayaaqada sanadka 2023-ka xilligaas oo la filayo in dalka ay gaarsiiso doorashooyin guud.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Warka Caalamka

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la yeeshay Mas’uuliyiin ka…

Wararka Maanta

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta hab maqal iyo muuqaal ah kulan kula qaatay Agaasimaha Gobolka ee Bariga, iyo Geeska iyo Harooyinka Waaweyn ee Afrika, ahna Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay ee UNHCR Clementine Awu Nkweta Salami,  iyo Ergayga Gaar ah ee Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay u qaabilsan Geeska Africa, Danjire, Maxamed Cabdi Affey iyo xubno kale.

kulanka ayaa lagaga hadlay sidii loo dardar galin lahaa tageerada dadka qoxootiga ah ee sida iskood ah dalka ugu soo noqonaya iyo saamaynta go’aanka Dowlada Kenya ay ku xirayso xeryaha qoxootiga ay ku yeelan karto, waxaa kale oo kulanka lagu falanqeeyay wax ka qabashada baahiyaha ay qabaan dadka gudaha dalka ku barakacay.

Wararka Maanta :   Deg Deg: Xogta Kulankii Rooble & Safiirka Qadar oo Sheki ku abuuray MD...

Waxaa Madaxweynaha kulanka ku wehelinayay Gudoomiyaha gudiga qoxootiga iyo barakacayaasha Jubaland Eng Cabdi Xuseen Maxamed.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Isbuuca