Connect with us

Warka Ciyaaraha

Liverpool Oo Booska Wijnaldum U Keensaneyso Lorenzo Pellegrini.

Liverpool ayaa raadineysa inay la soo saxiixato ciyaaryahanka khadka dhexe ee AS Roma Lorenzo Pellegrini xagaagan waxaana la sheegay inay durbadiiba ka gudbiyeen gaarayo 25.8 milyan oo ginni si ay ula soo wareegaan Reds ayaa ka rabto in ay iska xoojiso qadkeeda dhexe kadib ka bixitaankii xidiga wadanka Holland Gini Wijnaldum kaas oo qandaraaskiisa ku ekaa dhamaadka bisha June.

Qodobka hoose ee sii deynta Pellegrini ayaa soo jiidatay dareenka Liverpool, iyo awoodiisa ah inuu goolal kusoo kordhin karo xidigaan kooxda qadka dhexe ka xamaasha waxaana Liverpool ay ku Rajo weyn tahay in suuqa xagaagaan soo xero geliyaan.

Wararka Maanta :   Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay duulimaadyada Kenya ee...

Ciyaaryahankaan Qandaraaska uu kula jiro kooxda Talyaaniga ee Roma wuxuu dhacayaa xagaaga 2022 AS Roma kuma faraxsanaan doonto inay ku iibiso lacagta la sheegay haddii ay ku guuldaraystaan inay heshiis cusub la galaan xagaagan.

Kooxda Serie A ayaa la filayaa inay Jose Mourinho siiso xoogaa lacag ah oo ay ku doonayaan inuu ku dhisto kooxda xagaagan lacagta laga helo iibka suurtagalka ah ee Pellegrini waxaa loo isticmaali karaa inay Granit Xhaka kala soo saxiixato Arsenal.

Wararka Maanta :   Qatar oo war kasoo saartay weerar ka dhacay Muqdisho - Wararka Maanta

 

Wararka Ciyaaraha!

Warka Ciyaaraha

Kingsley Coman Ayaa Doonaya Inuu U Dhaqaaqo Premier League Dalka…

Xiddiga garabka weerarka uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee Kingsley Coman ayaa lagu soo waramayaa inuu doonayo in uu u dhaqaaqo Premier League xagaagan.

25 jirkaan ayaa matalayay kooxda reer Jarmal tan iyo sanadkii 2015, isagoo dhaliyay 41 gool 200 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Bayern ayaa la sheegayaa inay dooneyso inay qandaraaska u kordhiso ciyaaryahanka reer France dhamaadka xilli ciyaareedka 2022-23.

Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay Sky Deutschland , Coman ayaa sharuudo ku xiray hadii uu saxiixayo heshiis cusub.

Wararka Maanta :   Juventus oo Zinedine Zidane ka dhiganeysa macalinkeeda xiga ee xilli...

Warbixinta ayaa sheeganeysa in ciyaaryahanka uu sidoo kale dareemayo farxad la’an Allianz Arena, taasoo keentay u wareegista koox Ingariis ah.

Madaxweynaha kooxda Uli Hoeness ayaa ka dhawaajiyay in Bayern aysan la kulmi doonin dalabaadka Coman, kaasoo qandaraaskiisa ay uga harsan tahay labo sano.

Wararka Ciyaaraha!

Continue Reading

Warka Ciyaaraha

Harry Maguire Oo Dib Usoo Laabtay Xilli Uu Diyaar U Yahay Kulanka Scotland.

Harry Maguire wuxuu cadeeyay inuu taam yahay isla markaana uu diyaar u yahay kulanka England ee ciyaari doonaan tartanka European Championship oo ay la ciyaarayaan Scotland 28-sano jirka daafaca dhexe ayaa qeyb ka ah kooxda Gareth Southgate, isagoo door muhiim ah ka ciyaaray tartankii England ee semi-finalka Koobka Adduunka ee Russia.

Laakiin helitaanka Maguire ee Euro xagaagan ayaa shaki ku jiray tan iyo markii uu dhaawac canqawga ah ka soo gaadhay May 9 ka dib markii xidiga Aston Villa Anwar El Ghazi uu si lama filaan ah ugu dhacay isaga Daafaca ayaa seegay kulamadii ugu dambeeyay inta ka dhiman xilli ciyaareedkii soo idlaaday United, oo ay kujirto inuu safto finalka Europa League, diyaarna uma aheyn guushii axada ee Group D ay ka gaartay Croatia.

Wararka Maanta :   Waa sidee kala sareynta dhibcaha, gooldhalinta iyo wiliba caawinta...

Harry Maguire ayaa naf ahaantiisa warbaahinta la hadlay oo shaaciyey kulanka uu taamka u noqon karayo, waxaanu yidhi: “Waan fiicanahay waanan soo laabtay, waxaanan tababarka qaadanayay muddo. Waxa aan rajaynayaa inaan ciyaari doono {kulanka Scotland}.

“Waxa aan diyaar u ahay xulashada tababaraha. Marka aan ka hadlo dhaawacii kuraanta, waxa aan dareemayaa inuu deggan yahay iyo in aan diyaar ahay. Waxa aan dareemayaa taam ahaansho iyo firfircooni, mana jirto wax khatar ah oo aan dareemayo.”

Wararka Maanta :   Andrea Pirlo Oo Ka Hadlay Go'ankiisa Cristiano Ronaldo Ee Kooxda Juventus

Xidhiidhka kubadda cagta Ingiriiska ee FA ayaa dhinaciisa ka xaqiijiyey, in caafimaad ahaan uu Maguire taam yahay, aadna ay ugu faraxsan yihiin inuu soo laabto.

 

Wararka Ciyaaraha!

Continue Reading

Warka Ciyaaraha

Chelsea Oo Heshiis Shaqsi Ah La Gaadhay Erling Braut Haaland

Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay durbaba heshiis la gaartay weeraryahanka Borussia Dortmund Erling Braut Haaland oo ku saabsan heshiis shaqsiyeed.

20 jirkaan ayaa dhaliyay 41 gool 41 kulan oo uu u saftay BVB intii lagu jiray ololihii 2020-21 waxaana la rumeysan yahay inay doonayaan kooxo badan oo hogaaminaya kubada cagta Yurub.

Barcelona , Real Madrid , Manchester United , Manchester City iyo Chelsea ayaa dhamaantood loo maleynayaa inay u tartamayaan saxiixa ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Norway, kaasoo qandaraaskiisa Dortmund lagu burburin karo qandaraaskiisa sannadka soo socda.

Wararka Maanta :   Qatar oo war kasoo saartay weerar ka dhacay Muqdisho - Wararka Maanta

Sida laga soo xigtay suxufiga Ian McGarry , oo ka hadlaya Podcast-ka , Chelsea ayaa durbaba heshiis la gaadhay ciyaaryahanka reer Norway oo ku saabsan heshiis shaqsiyeed.

Si kastaba ha ahaatee, Blues ayaan weli heshiis la gaarin Dortmund, oo la rumeysan yahay inay dul dhigtay 172 milyan oo ginni xidigan inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

“Heshiisyada shaqsiga ah ee Haaland waa la saxiixay. Kaliya waa in Chelsea ay heshiis la gaarto Dortmund,” ayuu yiri McGarry

Wararka Maanta :   Maxaa Ku Soo Kordhay: Liverpool Iyo Wararka Suuqa Kala Iibsiga Bisha June,...

Xiddiga reer Norway, oo la rumeysan yahay inuu doorbidayo u dhaqaaqista Real Madrid, ayaa dhaliyay 57 gool 59 kulan oo uu u saftay kooxdiisa Jarmalka tan iyo markii uu ka yimid Red Bull Salzburg bishii Janaayo 2020.

Wararka Ciyaaraha!

Continue Reading

Warka Ciyaaraha

Saul Niguez Oo Ka Tagaya Atletico Madrid Xilli Manchester United, Liverpool…

Saul Niguez ayaa lagu soo waramayaa in la siiyay fursad uu kaga tago Atletico Madrid iyadoo lala xiriirinayo inuu u dhaqaaqayo Manchester United iyo Liverpool .

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Spain ayaa 337 kulan u saftay Atletico, waxaana weli uu heestaa shan sano oo qandaraaskiisa haatan uu ku joogo Wanda Metropolitano.

Si kastaba ha noqotee, 26 jirkaan – oo aan ka mid aheyn xulka Spain Euro 2020 – ayaa ku dhibtooday inuu boos joogto ah ka helo xilli ciyaareedkii hore.

Wararka Maanta :   Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay duulimaadyada Kenya ee...

Khabiirka suuqa kala iibsiga ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in Atletico ay diyaar u tahay inay lacag kaash ah xagaagan ku iibiso Saul, inkastoo ay qaadan karto dalab dhan 68m.

Waxay ku soo aaday iyadoo ay jiraan warar sheegaya in Diego Simeone kooxdiisa la filayo inay keenaan Rodrigo De Paul oo ka socda Udinese maalmaha soo socda.

United ayaa la rumeysan yahay inay waqti dheer jecleyd Saul, iyadoo si joogta ah loola xiriirinayay ciyaaryahanka khadka dhexe sannadihii ugu dambeeyay, halka Liverpool ay sidoo kale baadi goob ugu jirto xiddig kale oo khadka dhexe ah.

Wararka Maanta :   Maxkamadda ciidamada oo go'aan kasoo saartay dilkii marxuum Dhagajuun - Caasimada...

Wararka Ciyaaraha!

Continue Reading

Warka Ciyaaraha

Isku Aadka Premier League Oo La Shaaciyay: Furitaanka Usbuuca Hore,…

Xilli ciyaareedka 2021-22 ee Premier League-ga ayaa bilaabmi doona Ogosto 14, iyadoo kooxda horyaalka difaacaneysa ee Manchester City ay furi doonto difaacashada horyaalkeeda iyadoo marti ah Tottenham.

Dhinaca kale kulamada wareegga koowaad, Arsenal iyo kooxda heysata horyaalnimada Yurub ee Chelsea ayaa labadoodaba ciyaari doona taariikhaha London Derby, iyadoo Arsenal uu u safri doonto wiilasha ku cusub Premier League Brentford halka Chelsea uu martigelin doono Crystal Palace.

Ole Gunnar Solskjaer iyo Manchester United ayaa Old Traffrod ku soo dhawayn doona Leeds United halka Liverpool ay Carrow Road kula ciyaari doonto kooxda ku soo guulaystay Champions League ee Norwich City.

Wararka Maanta :   Maxkamadda ciidamada oo go'aan kasoo saartay dilkii marxuum Dhagajuun - Caasimada...

Kooxda ku guuleysatay koobka FA Cup ee Leicester City ayaa wajaheysa Wolves, kooxda tababare la’aanta Everton waxa ay la ciyaari doontaa Southampton si ay ugu diyaar garowdo, Burnley waxa ay wajihi doontaa Brighton, Newcastle United waxa ay taariikh la yeelan doontaa West Ham iyo kooxda ugu dambeysa soo dalacday ee Watford waxa ay gurigooda kula ciyaarayaan Aston Villa. .

Ololaha cusub wuxuu raaci doonaa qaabkii soo jireenka ahaa ee soconayay ilaa May 22 ee sanadka dambe ka dib ololaha 2020-21 waa in la soo gaabiyo si loogu ciyaaro ciyaaro dheeri ah iyadoo uu jiro cudurka faafa ee coronavirus

Wararka Maanta :   Waxaan Doonayaa Inaan Sii Wato Ronald Araujo Oo Ka Hadlay Mutaqbalkiisa Iyo...

Kulan afka ah oo Liverpool iyo Chelsea ku dhex mari doona Anfield ayaa dhici doona Ogosto 28, iyadoo kooxda Pep Guardiola ee City ay isniinta la ciyaari doonaan Arsenal.

Kulankii ugu horreeyay ee waqooyiga London ee ololaha waxaa qalinka lagu duugi doonaa 25-ka Sebtember – maalin taas oo sidoo kale arki doonta City oo timaadda Stamford Bridge si ay ula dagaallanto Chelsea.

Kulamada furitaanka Premier League 2021-22

Taariikhda Waqti Tartan
14/08/2021 15:00 Brentford v Arsenal
14/08/2021 15:00 Burnley v Brighton
14/08/2021 15:00 Chelsea v Crystal Palace
14/08/2021 15:00 Everton v Southampton
14/08/2021 15:00 Leicester City v Wolverhampton
14/08/2021 15:00 Manchester United v Leeds United
14/08/2021 15:00 Newcastle United v West Ham United
14/08/2021 15:00 Norwich City v Liverpool
14/08/2021 15:00 Tottenham Hotspur v Manchester City
14/08/2021 15:00 Watford v Aston Villa

Wararka Ciyaaraha!

Continue Reading

Warka Ciyaaraha

Man City Oo Booska Bernando Silva Usoo Qaadaneyso Mikel Oyarzabal.

Xiddiga garabka kaga ciyaara Sociedad Oyarzabal ayaa bartilmaamed u noqday Pep Guardiola waxaana uu imaan karaa garoonka Etihad Stadium suuqa xagaagaan waxaana macalinka reer spain uu bedel u noqon karaa xidigaha ka bixi doono kooxda man city xagaagaan.

Xiddiga reer spain oo garabka ka ciyaara kana tirsan Real Sociedad Mikel Oyarzabal ayaa mar kale diirada ugu jira kooxda Manchester City kaasoo u dhaqaaqi kara kooxda reer Spain hadii Bernardo Silva ama Raheem Sterling ay ka baxaan xagaagan,

Wararka Maanta :   JUXA oo khiyaano qaran ku eedeeyey madaxweyne Farmaajo iyo Khayre -...

Sida uu qoray wargayska Eurosport 24-jirkan ayaa diirada u saarnaa maamulaha man city Pep guardiola ka hor inta uusan lasoo wareegin Ferran Torres man city ayaa dhowr xidig ka diri doonto safkeeda koobaad sida shaaca ka qaadeen warar madax banaan oo england kasoo baxay.

 

Wararka Ciyaaraha!

Continue Reading

Wararka Isbuuca