Connect with us

Wararka Somali

KENYA oo billowday ‘inay hubeyso’ qaar ka mid ah beelaha Jubaland + Sababta…

Beled-Xaawo (Wararka Maanta) – Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka ee Gobolka Gedo, Korneyl Aadan Axmed Xirsi (Aadan Rufle) ayaa Dowladda Kenya ku eedeeyay inay hubeynayso beelaha Jubaland qaarkood, si ay dhexdooda isugu dhibaateeyaan.

“Waxaan rabaa inaan ummadda Soomaaliyeed la wadaago dal iyo dibadba Kenya inay dhibaateyntii halkeedii ka sii waddo 6-dii iyo 7-dii bisha xalay illaa habeen hore inay cimiladii hore cimilo ka fool xun ay howshaa gashay,” ayuu yiri Afhayeenka oo la hadlay Warbaahinta.

Afhayeenka ayaa yiri “Degmada Afmadow iyo deegaano hoos-tagga sida Diif, Dhoobley, Cali Buleey iyo meelo kale in hub loogu qaybiyay maleeshiyo beeleed iyo in la weerarayo dadkii reer miyiga ahaa deegaanadoodii iyo xoolahoodii, kuwana la leeyahay reer hebel baan rabnaa inaan barakicno oo xoolaha ka dhacno ee fogaada, oo dadkii walaalaha ahaa ee is dhalay, isla dhashay, isna dhex degenaa qaarna ay Gobolka NFD, Ismaamulka Garissa illaa Libooya u guurayaan oo gudaha u qaxayaan, kuwana la boobayo xoolahoodii iyo nafsadoodii oo la weerarayo.”

Waxaa uu sheegay in goobaha dadka lagu weerarayo ay ka mid yihiin deegaanada Cali Buleey, Dhayac-garoon, Rasho, Cali Yaquub, Toosileey iyo Harro Cali, oo ka kala tirsan Gobolada Jubada Hoose iyo Gedo.

Wararka Maanta :   Faysal Cali Waraabe “intuu saldhiga booliska ugu tagay buu ku yidhi abti 10 sano...

“Meelaha dadka lagu weeraray waxaa ka mid ah Cali Buleey oo ka tirsan Gobolka Jubada Hoose, una dhow deegaanka Dhoobley, Dhayac-garoon oo hoos-tagta deegaanka Gariley ee Gobolka Gedo, waxaa ka mid ah Rasho iyo Cali Yaquub, baldoosyada la yiraahdo ee geelashu cabi jireen, waxaa kaloo ka mid ah Toosileey iyo Harro Cali,” ayuu yiri Aadan Rufle.

Waxa kaloo uu yiri “Maleeshiyaad taabacsan Axmed Madoobe iyo dembiileyaal kale oo ay ka mid yihiin kuwii argagixisada, si ay ayaga u sii jariiqaan in ayaga qabiil qabiil leeskugu diro, la kala qaxiyo oo hub iyo qalab la’isugu dhiibo ayay mareysaa.”

Aadan Rufle ayaa Odayaasha Dhaqanka ee deegaanada Jubaland ugu baaqay inay u istaagaan wax ka qabashada xaaladda uu sheegay inay ku soo korortay Jubooyinka iyo Gedo.

“Isimada Dhaqanka waxaan leeyahay wixii la idiin doortay waa maslaxad iyo nabad, dagaalkuna meel xun oo fool xun buu gelayaa, haddii geela la kala dhaco, oo dadka reer miyiga la barakiciyo, dowladana ay daba taagan yihiin oo niman dembiileyaal ah ay doonayaan magac qabiil inay ku jariiq dheeraadaan ama dadka ku barakiciyaan. Waxaan leeyahay Odayaasha Dhaqanka ee saddexda gobol kaca oo duubkiina iyo cimaamadiina qaata, dadka walaalaha ee cadowgu isu adeegsanayo inaad kala badbaadisaan baan idinka codsanaya,” ayuu yiri Aadan Rufle.

Wararka Maanta :   Booliska Somaliya oo gacanta ku dhigay Macalinkii dilka ka gaystay Muqdisho

Wararka Maanta!

Wararka Somali

Magaaladee ayey ka dhici doontaa doorashada ugu adag ee baarlamanka 20…

Dhuusamareeb (Wararka Maanta) – Inkasta oo si guud ay sanadkaan u adag tahay doorashada xildhibaanada ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa haddana waxaa jira saddex magaalo oo ah kuwa uga adag ama cabsida weyn laga qabo ee doorashooyinka ay ka dhici doonaan. 

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa la aaminsan yahay in ay tahay meesha ay ka dhici doonto doorashada ugu adag, waxaana laga cabsi qabaa in uu dhiig ku daato. 

Waxaa ku loolami doono siyaasiin qaarkood hadda ku jira baarlamaanka oo kala jira dhinacyada mucaaradka iyo muxaafadka, waxaana u dhaxeeya Qoor Qoor oo labaduba mid la safan karin daruufo badan oo ku geedaaman aawgood. 

Magaalada ayaa durbo noqotay magaalo ciidan, waxaana ku qulqulayo ciidamo ka socda mucaaradka halka sidoo kale ay hore u joogeen ciidan ka amar qaata Villa Somalia. 

Wararka Maanta :   Qoorqoor oo booqasho ugu tagay Cabdicasiis Lafta-gareen (SAWIRRO)

Qoor Qoor ayaa loogu hanjabay in kursigiisa uu ku waayi doono haddii uu boob ku soo saaro musharaxiinta taabacsan Villa Somalia, waxaana ugu hanjabay Xildhibaanada Habargidir iyo Musharaxiinta Madaxweyne ee ka jeeda Galmudug. 

Sidoo kale Villa Somalia ayaa Qoor Qoor ku cadaadineysa in aysan soo laaban Xildhibaanada mucaaradka ah ee ka soo jeeda Galmudug sida Mahad Salaad, Cabdiraxmaan Odowaa iyo qaar kale. 

Dad badan ayaa aamisan in Dhuusamareeb ay noqon doonto meesha ay ka dhacayso doorashada mida ugu xiisaha badan uguna qatarta badan. 

Magaalooyinka Garbahaareey iyo Beladweyne ayaa sidoo kale ah kuwa xiga. Dad badan ayaa qaba in labadaan magaalo haddii aan si fiican loo maareynin ay ka dhici karaan isku dhacyo ka dhasha doorashada inkastoo madaxda HirShabeelle iyo Jubaland ay wadaan olale doorashada loogu soo koobayo min hal magaalo. 

Doorashada Soomaaliya ayaa la filayaa in loo dhaqaaqo maalmaha soo socda, waxaana loo arkaa in doorashadaan ay tahay mid adag oo sababi karta dagaalo haddii aan loo maareynin si dagan oo ay ku jirto wada-hadal iyo is faham.

Wararka Maanta :   Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo la filayo inuu booqasho rasmi ah ku tago...

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Somaliland oo sheegtay in ay waraaqo u kala dirtay caalamka

Khamiis, Juun, 17, 2021 (Wararka-Maanta) – Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in Somaliland ay waraaqo u dirtay caalamka si loo iib geeyo doorashooyinkii qabsoomay.

Wasiirka ayaa sheegay in doorashooyinkii Somaliland ka dhacay uu caalamku aad u amaanay sida darteedna caalamka laga iibin doono.

“Warbixin ay dowladaha Yurub oo dhami doorashada kasoo saareen, aad iyo aad ayay u amaaneen” ayuu yidhi wasiirku.

“Dowladaha gobolkan oo qaar kood doorasho ka qabsoomi doonto waxa lagu yidhi “waa in aad qabataaan doorashooyinki Somaliland oo kale”.

Wararka Maanta :   Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Wakiilada Beesha...

“Dowladu hada waraaqo ayay uwada qortay dhamaan hay’adaha caalamiga ah, sida Qaramada midoobay, Jamacada carabta, Midowga Africa iyo Igad” ayuu hadalkiisa ku daray wasiirku.

Dhamaan goobjoogayaashi kormeerayay doorashooyinkii Somaliland, ayaa aad u amanay nidaamkii ay u dheceen doorashooyinkii deegaanka iyo wakiiladu ee Somaliland.

Abdilahi Abdi Rahman,

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Golaha deegaanka ee caasimada Hargaysa oo doortay mayor cusub

Khamiis, Juun, 17, 2021 (Wararka-Maanta) – Xubnaha cusub ee golaha deegaanka Hargaysa, ayaa Cabdikariin Axmed Mooge u doortay mayorka cusub ee Hargaysa, halka Khadar Axmed Cumar loo doortay mayor ku xigeen.Mooge ayaa ahaa xildhibaankii ugu codka badnaa doorashadii golaha deegaanka ee Hargaysa, isla markaana wuxu mudo badan u ollolaynayay jagada mayorka Hargaysa.

Xildhibaano badan oo doonayay in ay kula tartamaan Mooge jagada mayorka, ayaa ka tanaasulay hankoodii isla markaana isaga u tanaasulay.

Xildhibaanada loolanka adag ugu jiray Jagada mayorka waxa ugu caansana mayorkii hore ee Hargaysa Cabdiraxman Maxamud Caydiid Soltelco, oo madaxweynaha Somaliland uu ku qanciyay in uu Mooge u tanaasulo.

Wararka Maanta :   Qarax khasaare geystay oo ka dhacay xadka Somalia iyo Kenya - Caasimada Online

Dhamaan ba xildhibaanada golaha deegaanka saddexda xisbi uga soo baxay, ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyay in Mooge noqdo mayorka caasimada Hargaysa.

Dadwaynaha ku dhaqan caasimada Hargaysa oo codka ugu badan siiyay mayorka cusub, ayaa rajo wayn ka qaba in uu horumarin doona Hargaysa.

“Alle waxan ka baryaya in aanu noqono kuwa kitaabka ay ku dhaarteen ilaaliya, kuwa Hargaysa u shaqeeya iyo kuwo taariikh ka taga” sida waxa yidhi Cabdikariin Axmed Mooge kadib markii la doortay.

Wararka Maanta :   Golaha ammaanka ee QM oo shir ka yeeshay xaaladda Soomaaliya - Wararka Maanta

Magaalooyinka ilaa hada doortay mayoradooda waxa kamida Berbera, oo mayor Ciddin dib loo doortay, Gabilay oo mayor Maxamed Amiin dib loo doortay iyo Ceerigaabo oo mayor Ismaciil Xaji Nuur dib loo doortay.

Abdilahi Abdi Rahman,

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Madaxweynaha Galmudug oo soo gudbiyay liiska xubnaha guddiyada doorashada…

Khamiis, Juun, 17, 2021 (Wararka-Maanta) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug ayaa soo gudbiyay liiska xubnaha guddiyada doorashada heer Fedaraal iyo heer dowlad goboleed ee laga sugaayay inuu soo gudbiyo.Xubnaha uu soo gudbiyay madaxweyne Qoorqoor ayaa isugu jira sadex xubnoid oo ah guddiyada heer dowlad goboleed iyo heer Fedaraal iyo xubin ka mid ah xalinta Khilaafaadka.

1- Yaxye Cisman Geedi
2- Mahad Cabdullaahi Maxamud
3-Xaawo Aadan Yare Culusow
4- Ayaan Cabdiraxmaan Maxamud.

Wararka Maanta :   Boqortooyada Sacuudi Carabiya war cusub kasoo saartay Xajka Sanadkan

Magacaabista xubnahan ayaa imaaneysa xili shalay uu Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya ka dalbaday madaxweynaha Galmudug inuu soo dedejiyo soo gudbinta liiska xubnaha guddiyada doorashada, iyadoo ugu dambeyna maanta uu soo gudbiyay madaxweyne Qoorqoor liiskii laga dalbay soo gudbintiisa.

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Cali Dheere oo la sheegay inuu ku dhacay cudurka Kansarka – Caasimada …

Gaalkacyo (Wararka Maanta) – Afhayeenka guud ee kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inuu ku dhacay xanuunka Kansarka, sida uu shaaca ka qaaday guddoomiyaha Mudug ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo sheegay inuu helay xogo amni.

Sanyare oo war qoraal ah soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa sheegay in xogo lagu kalsoonaan karo oo ay heleen ay ku ogaadeen in xaalad halis ah uu ku sugan yahay Sheekh Cali Dheere oo muddo fog ah afhayeenka dhaq-dhaqaaqa Al-Shabaab.

Wararka Maanta :   Dowladda Zambia oo ciidamo u soo diraysa Soomaaliya

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu intaasi ku daray in afhayeenku uu si xun u haleelay xanuunka Kansarka, isla-maraakan uu haatan la daala dhacayo xaalad aad u adag.

“Xogo Amni oo lagu kalsoonyahay oo aan helnay waxay tibaaxayaan in Afhayeenkii Argagixisada Al-shabaab Cali Dheere uu ku dhacay Xanuunka Cancer-ka ilaa hadana uu la daala dhacayo oo uu si xun u haleelay,” ayuu qoraalkiisa ku yiri guddoomiyaha Mudug.

Sidoo kale wuxuu intaasi raaciyey “Waxaa bishaaro iyo guula in dhiigii umada islaamka ah uu ilaahay ka soo saaray dushooda Aakhirana ay sugayso Cadaab daran oo looga gudayo waxii dhibaato ay aduunka Ugu gaysteen Umada islaamka ah.

Wararka Maanta :   Xildhibaano iyo saraakiil ciiidan oo kasoo jeeda beesha Mudullood oo gaaray Shiirkole - Caasimada...

Cali Dheere oo aa in muddo ah laga helin wax muuqaal ah, balse ma jiraan ilo madax banaan oo xaqiijin kara xaaladda dhabta ah ee uu haatan ku sugan yahay.

Si kastaba illaa iyo ma jiro hadal rasmi ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan xaaladda caafimaad ee afhayeenkooda, maadaama la soo wariyey inuu ka dhacay Kansar.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Cabdikariin Axmed Mooge oo loo doortay duqa Hargeysa – Wararka Maanta…

Hargeysa (Wararka Maanta) – Xildhibaanada golaha deegaanka ee degmada Hargeysa ayaa saaka doortay maayar cusub, kadib doorasho ka dhacday gudaha magaaladaasi.

Golaha wakiilada ayaa waxaa xilka maaryarka Hargeysa oo si weyn la’isugu hayay ugu dambeyn u doortay Cabdikariin Axmed Mooge oo ka tirsan xisbiga mucaaradka Wadani.

Mooge ayaa sidoo kale ahaa musharraxii ugu codadka badnaa doorashooyinkii dhowaan ka dhacay deegaanka Somaliland, wuxuuna helay 26 kun.

“Illaahay waxaan ka baryayaa in uu naga dhigo kuwo Kitaabka ay ku dhaarteen ilaaliya oo dadkooda u shaqeeya,” ayuu yiri duqa cusub oo la hadlay Wariyeyaasha kadib doorashada.

Wararka Maanta :   Ka qeybgal la’aanta Farmaajo ee caleemo-saarka Ismaaciil Cumar Geelle, ma go’doon...

Doorashada ayaa aheyd mid loo dhan yahay, waxaana Cabdikariin Axmed Mooge si aqlabiyad leh ugu doortay duqa Hargeysa xubnaha 17-ka ah ee golaha deegaanka.

Sidoo kale waxaa isna maayar ku xigeen loo doortay Khadar Axmed Nuur oo ku soo baxay doorashadii saaka ka dhacday magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland.

Doorashadan oo gacan taag aheyd waxaa sidoo kale goobjoog ahaa wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Maxamed Kaahin Axmed oo boggaadiyey qaabka ay u dhacday.

Wararka Maanta :   Wararkii ugu dambeeyey xiisadda Quddus iyo Israa'iil oo isaga baxday Masjidka...

Waxaa sidoo kale baraha bulshada iyo deegaanada Somaliland ka billowday dabaal-degyo lagu soo dhoweynayo doorashada duqa cusub ee Hargeysa, Cabdikariin Axmed Mooge.

Si kastaba, Somaliland ayaa waxaa 31-kii bishii May ka dhacday doorasho taariikhi aheyd oo isugu jirtay taan baarlamaanka iyo mida deegaanka, waxaana ku tartamay xisbiga haatan talada haya ee Kulmiye iyo sidoo kale xisbiyada mucaaradka ee Wadani iyo UCID.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Isbuuca