Connect with us

Wararka Somali

JUXA oo khiyaano qaran ku eedeeyey madaxweyne Farmaajo iyo Khayre -…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid (Juxa) oo war qoraal ah soo saaray ayaa si adag uga hadlay qaddiyada dhalinyarada Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, balse la sheegay in laga qeyb-galiyey dagaalladii ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyoga dalka Itoobiya.

Juxa ayaa shaaca ka qaaday in arrintani ay ka weyn tahay khiyaano, isla-markaana ay khatar ku tahay jirtaanka Ummadnimo, sida uu hadalka u dhigay.

“Tani khiyaano ka weyn, waxayna khatar ku tahay jiritaankeenna dame ee Ummadnimo,” ayuu yiri wasiir hore Juxa.

Siyaasigan oo hadalkiisa sii wata ayaa ku dhaliilay arrintan madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday iyo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Cali Khayre, isaga oo xusay inay tani ka reebi karto inay markale u tartaamaan xafiis guud oo dowladeed.

Wararka Maanta :   Ronaldo Oo Jabiyay Dhoor Rikoodh Kulankiisa Hungry, ( Wax Ka Ogow...

“Tan keli ah ayaa Madaxweyne Farmajo iyo Raysal-wasaare Khayrre ka reebi karta inay dib ugu tartamaan xafiis guud (Public office) iyo weliba inay hortagaan Maxkamad oo ka garbaxaan dadka Soomaalida ah,” ayuu markale yiri Mudane Cabdi Faarax Siciid (Juxa).

Sidoo kale wuxuu intaasi sii raaciyey “Horay ayaa Xukuumadda Madaxweyne Farmajo si qarsoodi ah oo sharci darro ah ugu gacan gelisay Abdikarin Ahmed Muuse (Qalbi-dhagax) TPLF-tii Ethiopia, ururkii gobonimo doonka ahaa “ONLF” ee uu ka tirsanaana ugu dhufatay shabadda Argagixisonimo.Labadan arrimoodba waxay ugub ku yihiin taariikhda siyaasadda Soomaaliya, waxaana lagu qeexi karaa “Khiyaano Qaran”, taariikhduna marna cafin mayso inaan cidi qaadin masuuliyadda arrintan.

Wararka Maanta :   Deg Deg: Turkey & Somalia oo qorshe Cusub dajiyay, Fariinta Md Farmaajo &...

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo maalmihii la soo dhaafay ay sidoo kale  cirka isku sii shareereysay walaaca ay qabaan waalidiinta Soomaaliyeed ee wiilashooda loo qaaday dalka Eritrea , kadib markii ay soo baxday warbixin ay shaacisay Qaramada Midoobay oo lagu sheegay in askar Soomaaliyeed laga qeyb-galiyey dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray.

Halkan hoose ka aqriso:

Tani Khiyaano ka weyn:

Waxaa soo baxaya xogo caddaynaya (UN reports) in dhallinyaro Soomaaliyeed oo si qarsoodi ah oo sharci darro ah tababar ciidan Ereteria loogu qaaday in loo adeegsaday dagaalkii Woqooyiga Ethiopia. Waxaa gebi ahaanba mugdi badani ku hareeraysan yahay xogta la xiriirta dhallinyarada iyo bed-qabkooda, Dawladuna kama jawaabin codsiga iyo cabashada waalidiinta iyo tan shacabka iyo siyaasiyiinta Soomaalida midna ilaa hadda.

Wararka Maanta :   Daawo: Sanbaloolshe oo shaaciyey inuu isbeddelay fikirkii uu ka haystay...

Horay ayaa Xukuumadda Madaxweyne Farmajo si qarsoodi ah oo sharci darro ah ugu gacan gelisay Abdikarin Ahmed Muuse (Qalbi-dhagax) TPLF-tii Ethiopia, ururkii gobonimo doonka ahaa “ONLF” ee uu ka tirsanaana ugu dhufatay shabadda Argagixisonimo.

Labadan arrimoodba waxay ugub ku yihiin taariikhda siyaasadda Soomaaliya, waxaana lagu qeexi karaa “Khiyaano Qaran”, taariikhduna marna cafin mayso inaan cidi qaadin masuuliyadda arrintan.

Tan keli ah ayaa Madaxweyne Farmajo iyo Raysal-wasaare Khayrre ka reebi karta inay dib ugu tartamaan xafiis guud (Public office) iyo weliba inay hortagaan Maxkamad oo ka garbaxaan dadka Soomaalida ah.

#Tani khiyaano ka weyn, waxayna khatar ku tahay jiritaankeenna dame ee Ummadnimo.

Wararka Maanta!

Wararka Somali

Guddiga la dagaalanka musuq maasuqa oo sheegay inuu la dagaalamidoono musuq…

Wararka Maanta

Talaado, Juun, 22, 2021 (Wararka-Maanta) – Guddiga madaxa-bannaan ee la-dagaalanka musuq maasuqa ayaa soo saaray war-saxaafadeed digniin ah oo uu ku caddeynayo awoodiisa iyo kaalinta uga aadan hanaanka loo qabanayo doorashoyinka dalka.Guddiga ayaa balan qaaday inuu adkeyn doono kaalintiisa ku aadan xaqiijinta inay dalka ka dhacdo doorasho daahfuran, caddaalad ah oo dimuqraadiyad ku saleysan iyo inuu kormeero maalgalinta iyo kharashaadka siyaasadeed, kana hortago ku tagri falka hantida qaranka xilliga doorashooyinka.

Wararka Maanta :   Booliiska dalka Kenya oo gacanta ku dhigay nin ku eedeysan afduubka...

Guddiga ayaa intaas ku sii daray inuu si dhow ula socon doono ficillada Guddiyada Doorashooyinka, ergooyinka iyo musharrixiinta si looga hortago nooc kasta oo khaladaad doorasho ah.

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Dhaawaca Saneey Cabdulle oo dibadda loo qaaday – Xog – Wararka Maanta…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xubno kamid ah ehellada Korneel Saneey Cabdulle oo kamid ah saraakiishii ku dhaawacantay qaraxii Jimcihii ka dhacay degaanka Biya-cadde ayaa noo xaqiijiyay in Korneel loo qaaday dalka dibadiisa. 

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Korneelka galabkii Axadda loo qaaday dalka Turkiga, waxaana qaaditaankiisa iska kaashaday xubno kamid ah ehelkiisa, saraakiil iyo mas’uuliyiin ay xigto dhow yihiin oo ku jira dowladda Soomaaliya. 

Wararka ayaa intaas ku daraya in Korneelka oo dhaawiciisa loo arkay in uu fududyahay uu wajiga ka bararay 48-kii saac ee ugu dambeeyay, waxaana la sheegay in la isku raacay in dibadda loo qaado. 

Tan iyo markii uu dhaawacmay waxaa jiray dedaalo xoog leh oo ay wadeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ay ku dalbanayeen in la geeyo Isbitaallada Muqdisho midkood, halka ehelladana ay diidanaayeen, waxaana la tacaalayay dhaqaatiir loogu keenay gurigiisa oo ku yaalla degmada Kaaraan ee Muqdisho. 

Wararka Maanta :   Hay'ada caafimaadka aduunka oo qalab caafimaad ku wareejisay Somaliland

Dhaawaca Korneel Saneey Cabdulle ayaa uur ku taallo ku noqday xubnaha Mucaaradka oo u arkayay awoodda ugu weyn oo ay heestaan markii loo eego dagaalladii ay la galeen Farmaajo bishii April ee sanadkan, ee lagu diiday muddo kororsigiisa.

Waxaa ilaa hadda jira su’aalo badan oo ku geedaaman weerarkii lagu qaaday xeradii uu ku sugnaa ee degaanka Biya-Cadde, ayada oo farta lagu fiiqay ciidanka Gor Gor ee ka amar qaata Farmaajo.

“Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee nagula soo weeraray waxaa lala soo dhaafay xero kale oo ay daganyihiin ciidamada Gor Gor iyagana gaariga ma qaban, ma rasaaseynin, gaarigana iyaga kuma leexan waana aagg aysan gaadiidku marin arrintaas shaki weyn ayey nagu abuurtay,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidankii gadoodka sameeyay ee ka tirsanaa 27-aad ee milateriga Soomaaliya. 

“Gor Gor dhamaantood waxay diideen in ay xero kula noolaadaan ciidankeena, wax nala cunaan, nala dagaal galaan, arrintaas shaki ayaa ka qabnay haddana gaariga waa soo dhaafyay waxay arrintaan u baahan tahay in la hubiyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaal ka tirsan qeybta 27-aad ee xoogga dalka, oo ahaa ciidankii gadoodka sameeyay ee ka hor-yimid muddo kororsiga Farmaajo.

Wararka Maanta :   Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay saldhiga ay leeyihiin ciidanka xoogg...

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo ballan-qaaday runta kiiska dhallinyarada …

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Wasiirka Arrimaha Debadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa ka hadlay askarta Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea iyo waxa ka jira in ciidamadaas ay ka qeyb galeyn dagaalkii ay Dowladda Itoobiya ku qaaday Gobolka Tigreyga.

Wasiirka oo ka qeybgalayey barnaamijka One-on-One ee telefishinka Turkiga ee TRT World ayaa beeniyey in ciidamada Soomaaliya ay ka dagaalameen waqooyiga Itoobiya.

Wasiir Cabdirisaaq ayaa sheegay in natiijada saxda ah ee ciidamada tababarka ugu maqan dalka Eritrea laga sugayo guddiga uu dhawaan magacaabay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Wararka Maanta :   Booliiska dalka Kenya oo gacanta ku dhigay nin ku eedeysan afduubka...

“Marin-habaabino badan way jiraan. Qaddiyadaan waanu kaga hadalnay madalo kala duwan. Si loo xaqiijiyo tani, ra’iisul wasaaraha wuxuu magacaabay guddi ka kooban milatari iyo diblumaasiyiin si ay u eegaan dhacdadan ayna runta u soo bandhigaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq.

Walaaca laga qabo askarta dalka Eritrea loogu qaaday tababarka ciidan ayaa cirka isku sii shareeray markii guddiga u qaabilsan Qaramada Midoobay dhanka Xuquuqul insaanka ay sheegeyn in ciidamada Soomaalida ah ay ka qeyb galeyn dagaalkii ay Dowladda Itoobiya ku qaaday Gobolka Tigrayga.

Wararka Maanta :   Shil ka dhacay duleedka galbeed ee Haragaysa oo sababay dhimasho iyo...

Waalidiinta ilmaha maqan ayaa dhowr jeer dibad baxyo waaweyn ka dhigay jidadka Magaalada Muqdisho, waxayna madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka codsadeen inuu ilmahooda usoo celiyo, inkastoo madaxweyne Farmaajo uusan codsiga iyo illinta waalidiinta marnaba u damqan.

Dhanka kale, intii wareysiga uu socday, Cabdirisaaq oo wax laga waydiiyey xiriirka xumaadey Soomaaliya kala dhaxeeya Kenya ayaa tibaaxay in isu-soo-dhowaanshiyihii u dambeeyay ay astaan u tahay in hogaanka labada dal ay bog cusub furayaan.

Wararka Maanta :   Madaxweynaha Somaliland oo kulan la qaatay xildhibanada cusub ee xisbiga...

“Waxa aan hadda rajeynayno waa in aan sii wanaajiyo xiriirkeena kana wadahadalno amniga, ganacsiga, isu-socodka labada shacab; labadan dal waa kuwa waligood sii ahaan doona deris mana sii yeelan karno xiriir aan shaqaynayn. Qadiyadaha aan rabno in aan kawada hadalno waa in aan u wajahnaa si dhab ah,” ayuu yiri.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Hay’ada caafimaadka aduunka oo qalab caafimaad ku wareejisay Somaliland

Wararka Maanta

Isniin, Juun, 21, 2021 (Wararka-Maanta)- Hay’ada caafimaadka aduunka ee WHO, ayaa dawooyinka lagaga hortago iyo kuwa lagu daweeyo xanuunka Shubanka ku wareejiyay Somaliland.Qalabkan ayaa ka loogu talo galay in lagulan tacaalo xanuunka Shubanka oo ka dilaacay qaybo kamida Somaliland.

“Sidad wada ogsoontihiin waxa soo kordhayay xaalado dhinaca shuban ka ah, oo gobolada oodhan laga soo sheegayo” sida waxa yidhi agaasimaha caafimadka Somaliland Maxamed Cabdi Xergeeye.

“Waxanu hada la wareegayna 910 kartoon, oo midkasta 10 litir ku jiraan” ayuu hadalkiisa ku daray agaasime Xergeeye.

Wararka Maanta :   Boqortooyada Sacuudi Carabiya war cusub kasoo saartay Xajka Sanadkan

Qalabkan caafimaad ayaa ka kooban dawooyinka lagaga hortago in bukaanku fuuq baxo xiliga shubanka iyo kuwa lagu daweeyo shubanka kadib.

Abdilahi Abdi Rahman,

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

DANAB oo Shabaab badan ku dishay weerar ka dhacay Sh/Dhexe – Caasimada…

Wararka Maanta

Jowhar (Wararka Maanta)-Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgallo ay sacadihii lasoo dhaafay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, iyagoo shaaciyey tirada dagaalamayaal ay ka dileen kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha Guutada 16-aad ee ciidanka kumaandooska Danab Dhamme Xasan Maxamed Cismaan oo howlgalkaas hoggaaminayey ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in Al-Shabaab ay ku weerareen deegaanada kala ah Saabuun, Baaroow, Madiina-Cadde, Gaaleef iyo Buurdheer oo dhamaantood ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe.

Wararka Maanta :   Xog: Duulimaadyadii ay xayirtay Kenya ee Soomaaliya oo xeelad cusub looga...

Taliyaha ayaa sheegay in howlgalladaas ay ku dileen ugu yaraan 8-xubnood oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab, kuwaas oo mid ka mid ah la toogtay isaga oo miino ku aasaya wado aad loo isticmaalo, sida uu sheegay Taliye Xasan Tuure.

Sidoo kale waxa uu sheegay inay ciidamadu burburiyeen saldhigyo muhiim u ahaa kooxda oo ay kasoo abaabuli jireen weerarrada ay ka fuliyaan deegaanada qaar ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Ururka 7-aad, Guutada 16-aad ee ciidanka kumaandooska Danab ayaa fuliyey howlgalkaas, waxuuna sarkaalkan hoggaaminayey ciidanka sheegay in qorshahooda uu ahaa ka hor-tagga weerarro ay qorsheynayeen Al-Shabaab, isla markaana ay ku guuleysteen.

Wararka Maanta :   Wiilal dhalinyaro ahaa oo lagu dilay magaalada Muqdisho - Wararka Maanta

Mudooyinkii u dambeeyey deegaano badan oo ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe waxaa ka bilaawday howlgallo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxayna militeriga Soomaaliya ku guuleysteen inay ka saaraan deegaano dhowr ah oo ay horay u maamuli jireen.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Golaha deegaanka magaalada Buuhoodle oo mayor u doortay haweenay

Wararka Maanta

Isniin, Juun, 21, 2021 (Wararka-Maanta) – Xubnaha cusub ee golaha deegaanka degmada Buuhoodle, ayaa mayor u doortay Khadiija Axmed Yuusuf halka ay mayor ku xigeena u doorteen Mustafe Cabdi Ayaanle.Khadiija oo kasoo baxday xisbiga Kulmiye, ayaa noqonaysa gabadhii ugu horaysay ee mayor loo doorto guud ahaan Somaliland.

Khadiija ayaa kamid ahayd 3 dumar ka ah ee kaliya ee kasoo baxay 28 haween ah, oo u sharaxnaa doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiilada ee dabayaaqadii bishii hore ka qabsoomay Somaliland.

Wararka Maanta :   Madaxweynaha Galmudug oo soo gudbiyay liiska xubnaha guddiyada doorashada...

“Waxan balan qaadaya si hufnaan iyo daacad nimo ku jirto in aan ugu shaqeeyo dadkayga” sida waxa tidhi Khadiija kadib markii la doortay.

“Dowlad dayda waxan ka codsanayaa in ay sigaara iila shaqayso” ayay hadalkeeda sii raacisay Khadiija.

Xildhibaanada codka siiyay mayor Khadiija, ayaa sheegay in ay codka u siiyeen karti iyo hufnaan ay ku arkeen darteed.

Talaabadan ayaa ah mid aan hore uga dhici jirin guud golayaasha deeganada Somaliland, waxayna Khadiija noqonaysa gabadhii ugu horaysay ee mayor loo doorto.

Wararka Maanta :   Booliiska dalka Kenya oo gacanta ku dhigay nin ku eedeysan afduubka...

Abdilahi Abdi Rahman,

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Isbuuca