Connect with us

Warka Caalamka

Jacob Zuma oo habeenkii ugu horreeyey xabsiga ku hoyday – Radio…

Wararka Maanta

Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, Jacob Zuma ayaa isu dhiibay booliiska si uu u bilaabo xukun xabsi ah oo ku saabsan quursiga maxkamadda.

Waxaa loo kexeeyey xabsi ku dhow gurigiisa oo ku yaal gobolka KwaZulu-Natal goor dambe oo Arbacadii ah, sida ay sheegtay hay’addiisu.

Booliska ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay xiraan 79 jirkaan haddii uusan isa soo dhiibin isla maalintaas.

Mr Zuma ayaa toddobaadkii hore lagu xukumay 15 bilood oo xabsi ka dib markii uu ku guurdarraystay in uu ka qayb qaato baaritaan musuqmaasuq.

Wararka Maanta :   Itoobiyaanka ku nool Hargeysa oo dibad-bax dhigay kadib markii lagu ee...

Xukunka ayaa dood sharciyeed oo aan horay loo arag ka dhaliyey Koonfur Afrika, ayadoo waqti kama dambays ah loo qabtay soo xiritaanka Zuma oo ku aaddanaa Arbacadii 22:00 GMT.

Waqtiga loo qabtay ayaa lagu soo rogay ka dib markii Mr Zuma uu diiday inuu is dhiibo Axadii.

Wararka Maanta

Warka Caalamka

Arday Soomaali ah oo ka soo cararay dagaallada ka socda gobolka…

Wararka Maanta

Iyadoo ay dagaallo ka socdeen Gobolka Tigray ee Waqooyiga dalka Itoobiya, ayaa waxaa halkaasi u suurta gashay inay isaga soo baxaan qaar ka mid ah arday Soomaali ah oo Jaamacad ka dhiganayay magaalada Maqalle ee xarunta gobolka Tigreeda.

Ardayda ay u suurtagashay in ay ka soo baxsadaan colaadda halkaasi ka jirta waxaa ka mid ah Saciid Macalin Bashiir oo  jaamacad ka dhiganayay magaalada Maqalle.

Saciid waxaa uu sheegay inay tageen degaanka Amxaarada kadib markii la waayay cid bixisa dhaqaalaha ku baxaya waxbarashadooda markii Hay’adihii isaga baxsadeen

Wararka Maanta :   Kooxda Taliban oo la wareegtay magaalooyiin muhiim ah - Wararka Maanta:...

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqa Ardayda kale ee ku sugan Magaalada Maqalle in aysan naftooda haligiin, isla markaana ay isku dayaan badnaaeinta naftooda iyo helids waxbarasho lamid ah middi au baran jiteen.

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

Golaha Ammaanka oo Cambaareeyay Tallaabo uu qaaday Turkiga – Radio…

Wararka Maanta

Golaha Ammaanka ee QM ayaa Jimcihii cambaareeyay qorshaha ay dowladda Turkey iyo hoggaamiyeyaasha Turkish-ka ah ee waqooyiga Qubrus ku doonayaan in ay qeyb ahaan dib ugu furaan magaalada cidlada ah ee Varosha, wuxuuna Goluhu ku baaqay in si dhakhsa ah tallaabadaasi looga laabto.

Maamulka Turkish-ka ee Qubrus oo ay Ankara taageerto ayaa Talaadadii sheegay in qeyb ka mid ah magaalada Varosha oo ah aag militari iyo qeyb la sheegay in dib loogu celiyo Qubrus-ta Giriigga ah ay hoos geyn doonaan maamul rayid ah, islamarkaana ay u furi karaan dib u dejin.

Wararka Maanta :   Militeriga Koonfur Afrika oo la geeyay gobollada ay ka socdaan...

“Golaha Ammaanku waxa uu si degdeg ah ugu baaqayaa in dib looga laabto tallaabadan iyo dhammaan tallaabooyinka ku saabsan Varosha ee la qaaday ilaa bishii October ee 2020-kii,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay golahan ka kooban 15-ka dal.

Tallaabada ay qaadeen Qubrus-ta Turkiga ah ayaa sababtay fal-celin caro leh oo ka timid dowladda caalamku aqqoonsan yahay ee Qubrus-ta Giriigga ah, waxaana sidoo kale diidmo kala horyimid quwadaha reer galbeedka, oo uu ugu horreeyo Mareykanka oo ku tilmaamay tallaabadan “mid aan la aqbali karin.” Turkiga ayaa dhegaha ka fureystay dhaliilaha loo jeedinayo.

Wararka Maanta :   Golaha ammaanka oo canbaareeyay dilkii madaxweynihii Haiti - Radio...

“Golaha Ammaanku waxa uu hoosta ka xarriiqayaa baahida loo qabo in laga fogaado ficil kasta oo hal dhinac ah oo aan waafaqsanayn go’aannadii Golaha, taasi oo xiisad ka abuureysa jasiiradda islamarkaana waxyeellaynaysa rajada laga qabo in heshiis la gaaro,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Golaha Ammaanka.

Qybrus ayaa Arbacadii codsi ka dhan ah go’aanka uu qaaday maamulka Qubrus-ta Turkish-ka ah u gudbisay Golaha Ammaanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkey ayaa diiday baaqa ka soo baxay Golaha Ammaanka iyo dalal kale oo dhowr ah, waxayna sheegtay in ay yihiin sheegashooyin aan sal laheyn, islamarkaana aan waafaqsaneyn xaqiiqoyinka ka jira Qubrus.

Wararka Maanta :   Abiy Axmed oo sheegay in hub farabadan ka furteen Kooxda TPLF - Radio...

“Bayaannadani waxa ay ku saleysan yihiin dacaayadda Qubrus-ta Giriigga ah, iyo sheegasho aan sal laheyn,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Turkey.

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

In kabadan 100 Ruux oo ku geeriyooday Roobab ka da’ay dalka Hindiya -…

Wararka Maanta

Ugu yaraan 110 ruux ayaa ku geeriyooday daadad ka dhashay roobab xooggan oo ka da’ay gobalka Maharashtra ee dhaca galbeedka wadanka hindiya.

Daadii ka dhashay Roobabka ayaa waxaa ay ku dhufteen boqolaal tuulo kuwaasoo burburiyay guryo badan oo ku yaalay gobolkaasi, waxaana socda gurmad culus oo lagu samata bixinayo dadka ay mashaqada ku dhacday.

Malatariga dalka hindiya ayaa si weyn ugu qeyb qaadanaya howlaha lagu badbaadinayo dadka ku waxyelloobay gobolkan sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Milatariga Dowladda Hindiya.

Wararka Maanta :   Wararkii ugu Danbeeyey Ninkii Boqolka Milyan Lasiiyey oo Kasheekaynaya...

Muddo tobonaan sanno ah ayaa waxaa wayeello kala kulmayeen gobaladda ku yaala galbeedka wadanka Hindiya Roobab culus oo inta badan halkaasi ka da’a bisha july ee sannadka kasta.

Quburo ku xeel dheer arrimaha deegaanka ayaa sheegay in sababaha ugu waa weyn ee keenay Roobabka halkaasi ka da’a ayay ku micneyeen cimilada dunida ee sii kululaaneysa.

Saraakiil ka tirsan hay’adda gurmadka deg deg ah ayaa xusay in dhibaatada ugu badan ay ka dhalatay waxyeeladii daadadka ee ka soo bilawday labo degmo oo ka tirsan gobalka.

Wararka Maanta :   Kooxda Taliban oo la wareegtay magaalooyiin muhiim ah - Wararka Maanta:...

Dowladda ayaa sheegtay in dadka nugul laga daadad gureeyay deegaanada ugu daran ee ay dhibaatada ka jirto.

Ra’iisul wasaaraha wadanka hindiya narendra modi, ayaa sheegay in  uu si weyn ugu xun yahay dadka ku dhintay Roobabka iyo daadadka, isagoo intaasi ku daray in ay gargaar la gaarsiin doono gobalka.

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

Mareykanka oo sheegay inay duqeymo horleh ka fuliyeen Soomaaliya -…

Wararka Maanta

Waaxda gaanshaandhiga Maraykanka ee Pentagon ayaa xaqiijisay in duqaymo ka dhan ah Alshabaab ay Jimcihii ka fulisay Soomaalia – hawgalka oo ka dhacay dowlad goboleedka Galmudug ayaa ahaa kii labaad ee toddobaad gudihiis lagu bartilmaameedsanayo kAl-Shabaab.

Duqaymahaas ayaa ah kuwii ugu horreeyey ee Soomaaliya ka dhaca tan iyo markii uu maamulka la wareegay madaxweyne Biden waxayna arrintaasi wax xoogaa buuq ah ka dhalisay Washington.

Khamiistii, seddex senetar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa ku dhaleeceeyay maamulka Biden in uu ku guuldareystay inuu raadsado ogolaansho duqeyntii ugu horeysay ee diyaaradaha aan duuliyaha laheyn, waxayna sheegeen in loo baahan yahay isla xisaabtan ku aaddan ammaanka qaranka.

Wararka Maanta :   Itoobiyaanka ku nool Hargeysa oo dibad-bax dhigay kadib markii lagu ee...

Deegaannada Gobolka Mudug ee uu duqeymaha ka fuliyay Mareykanka ayaa waxaa xilligan ka socda howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay fulinayaan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Previous articleSAWIRO:-Ciidamo ka tirsan NISA oo howlgal gaar ah fuliyay

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

Ilhaan Cumar oo madaxweyne Biden ka codsatay arrin ku saabsan…

Wararka Maanta

Ilhaan Cumar, oo gobolka Minnesota u matasha Aqalka Wakiillada Mareykanka (Congress), ayaa hoggaaminaysa koox u ololeyneysa in maamulka Joe Biden uu abuuro gole qaabilsan la dagaallanka Islaam-naceybka.

Gabadhan ka tirsan xisbiga talada haya ee Dimiqraaddiga, ayaa arrintan la kaashanaysa xildhibaanno kale oo ay isku xisbi yihiin.

Ilhan iyo kooxdeeda ayaa ugu baaqay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken inuu yagleelo xafiis gaar ah oo ka shaqeeya howshaas, xilli dembiyada la xiriira Islaam naceybka ay kusii fidayaan caalamka.

Wararka Maanta :   Itoobiyaanka ku nool Hargeysa oo dibad-bax dhigay kadib markii lagu ee...

Farriin ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay Ilhaan Cumar ku tiri: “Waa in aan ku baraarugnaa Islaam naceybka, waana in aan sameyno wixii karaankeenna ah si aan u cirib-tirno.”

Warqadda loo diray Blinken ayay Ilhaan Cumar iyo 23 xildhibaan oo kale oo ka tirsan xisbiga Dimuqrdaaddiga ku codsadeen in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ku sameyso Hay’ad la mid ah midda ka shaqeysa la dagaallanka Yuhuud naceybka, sida uu shaaciyay wargayska Daily Mail.

Wararka Maanta :   Hoggaamiyaha Maleeshiyaad ay taageerto Iiran oo u hanjabay Mareykanka...

“Waa la soo dhaafay waqtigii uu Mareykanka si adag ugu istaagi jiray taageerada xorriyadda diimaha kala duwan ee dhammaan dadka iyo in uu mudnaanta ay u qalanto uu siiyo dhibaatooyinka Islaam naceybka ah ee ka jira dunida,” ayaa ka mid ah qoraallada ku jira warqadda oo uu helay telefishinka CNN.

Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in madaxweyne Biden uu dhawaan magacaabi doono qof ay shaqadiisu tahay inuu noqdo danjire si gaar ah ula socda islamarkaana la dagaallama arrimaha la xiriira Yuhuud naceybka.

Wararka Maanta :   Abiy Axmed oo sheegay in hub farabadan ka furteen Kooxda TPLF - Radio...

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

Maamulka Dowlad degaanka Soomaalida oo xir xiray dad taageerayay TPLF…

Wararka Maanta

28 qof oo lagu tuhmayo inay taageeri jireen maleeshiyaadka Kooxda TPLT ayaa lagu xir xiray Magaalada jigjiga ee Xarunta Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Ciidamada Booliska degaanka ayaa dadkaasi xirxiray, kuwaas oo looga shakiyay inay taageerayeen Kooxda TPLF oo dagaalka kula jirta Ciidamada Federaalka Itoobiya.

Komishineerka booliska deegaanka soomalida Maxamed Yare ayaa Warbaahinta u sheegay xariga dadkaasi, waxaana uu sidoo kale sheegay in gacanta lagu dhigay hantidii ay lahaayeen oo la tuhunsanyahay inay ku maal galinayeen TPLF ama ay horayba uga dhaceen shacabka deegaanka xiligii taliskii TPLF.

Wararka Maanta :   Militeriga Koonfur Afrika oo la geeyay gobollada ay ka socdaan...

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa waxaa ay dagaal adag kula jirtaa Kooxda TPLF eek u sugan Gobolka tigreega ee Waqooyiga Itoobiya, waxaabna dagaalka qeyb ka ah Ciidamada dowlad deganka Soomaalida oo dhawaan ku biiray.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Isbuuca