Connect with us

Warka Caalamka

Itoobiya oo sheegtay in ay fashilisay Af-gambi ka dhan ahaa Xukuumadda Abiy…

Saraakiisha Siroonka dowladda Itoobiya ayaa Bayaan ay soo saareen ku tsheegeen in koox isku xiran oo doonaysay in ay dowlad kumeel-gaar ah ku dhawaaqaan ay ka hor tageen.

Sirdoonka waxay sheegeen kooxdan ay kala joogaan Gobolka Amxaarada, Addis Ababa, Yurub ilaa Ameerika; isla markaasna ay ka kooban yihiin Siyaasiyiin, Saraakiil ciidan iyo suxufiyiin.

Waxay intaas ku dareen in kooxdu ay diyaar sadeen Dastuur, warbaahin iyo saraakiil howlgalka fulisa,hayeeshee ay fashiliyeen qorshahoodii ay damacsanaayeen.

Wararka Maanta :   Somaliland oo ka jawaabtay jaamacado ay dowlada Soomaaliya sheegtay in ay...

Wararka Maanta!

Warka Caalamka

Ciyaaryahan Christian Eriksen oo xaalad halis ah galay -…

Kulankii u dhexeeyay xulalka Denmarka iyo Finland ayaa gabi ahaan la baajiyay kadib markii uu xiddiga khadka dhexe ee Christian Eriksen ku dhex suuxay garoonka dhexdiisa ciyaarta oo socota.

Xiddiga Inter Milan ayaa ku dhex suuxay ciyaarta oo maraysa daqiqiadii 42-aad ee qaybta hore kadib markii uu kubad ka helay xiddig ay isku xul yihiin laakiin xiddiga ayaa horay-horay u dhacay iyada oo ayna cidna u dhawayn.

Xiddiga Christian Eriksen ayaa xitaa lagu xidhay qalabka neefta soo saara kadib markii uu neefsan waayay taas oo keentay in ay xiddigaha labada xul ooyaan.

Wararka Maanta :   Masar oo digniin kama dambeysay ah siisay Itoobiya - Wararka Maanta: Somali News...

Warar ayaa xitaa sheegaya in laga shakisanyahay in uu xiddigu noolyahay marka loo eego in wax dhaqaaq ah laga laayahay ilaa haatan

Previous articleMaamulka Hir-Shabeelle oo ka hadlay Colaad Beeleedyada

Wararka Maanta!

Continue Reading

Warka Caalamka

Dowladda Koonfur Afrika oo ceyrisay diblumaasiyiin u dhashay…

Dowladda Koofur Afrika ayaa diblumaasiyiinta u dhashay dalka Malawi ee ku sugan dalkeeda u qabatay iney 72 saac gudahood dalka kaga baxaan.

Sababta ayaa lagu sheegay in diblumaasiyiintaan qaarkood lagu helay dembiyo ah iney ku lug lahaayeen ka ganacsiga daroogada aan canshuurta laga qaadin ee Khamriga iyo Alkahoolka, oo dalkaasi laga mamnuucay.

Wasiirka arrimaha dibadda iyo xiriirka caalamiga ah ee Koofur Afrika ayaa sheegay iney go’aankaan qaateen kadib maalmo ay baaritaanno wadeen, waxa uuna sidoo kale xusay in diblumaasiyiinta iyo qoysaskoodab dalka isaga baxaan.

Wararka Maanta :   Ciidamo ka tirsan Haramcad oo sameeyey gadood ka dhan ah DF + Sababta - Caasimada...

Qoraalka ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Malawi ayaa lagu sheegay in tallaabadaan ay qaaday Pretoria ay tahay mid shalayto ah, islamarkaana aan munaasabad ku aheyn qiyamadka Diblumaasiyiinta Malawi.

Previous articleDHAGEYSO:- Warka Habeen ee Radio Risaala12-06-2021

Wararka Maanta!

Continue Reading

Warka Caalamka

Biden oo Ku Baaqaya Isbahaysi Ka Dhan ah Shiinaha

LONDON(Wararka Maanta)-Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ku boorinaya wadamada reer galbeedka inay ka hortagaan saameynta sii kordheysa ee Shiinaha isagoo ka hadlay maalinta labaad ee shirka G7, sida uu sheegay mid kamid ah kaliyeyaashiisa.

Madaxweyne Biden ayaa la filayaa in uu ku baaqo isbahaysi cusub oo ka hortagaya dhaqaalaha ay Beijing ku bixinayso kaabayaasha dhaqaalaha ee dalalka soo koraya.

Mareykanka iyo xulafadiisa waxay Shiinaha ku eedeynayaan shaqo qasab iyo xadgudubyo kale oo xuquuqda aadanaha ah oo ka dhacay gobolka Xinjiang.

Wararka Maanta :   Madaxweynaha Uganda oo soo saaray Amar xayiraad ah - Wararka Maanta: Somali...

Horaantii sanadkan, Mareykanka, Midowga Yurub, Boqortooyada Ingiriiska iyo Canada waxay soo bandhigeen cunaqabateyn in la saaro Shiinaha.

Cunaqabateynta, oo ay ku jiraan xayiraadaha safarka iyo xannibaadda hantida, ayaa lala beegsaday saraakiil sarsare oo ku sugan Xinjiang kuwaas oo lagu eedeeyay xadgudubyo culus oo xuquuqda aadanaha ah oo ka dhan ah Muslimiinta Uyghur.

In ka badan hal milyan oo Muslimiinta Uyghurs iyo dadka kale ee laga tirada badan yahay ayaa la qiyaasayaa in lagu xiray xeryo ku yaal gobolka waqooyi-galbeed.

Wararka Maanta :   Itoobiya oo diiday arrin ay soo jeedisay Sudan iyo xiisadda kasii dareysa

Wararka Maanta!

Continue Reading

Warka Caalamka

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Wakiilada Beesha…

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Saaxibada Beesha Caalamka ee Soomaaliya oo uu horkacaayo Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey James Swan.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Arimaha Doorashooyinka iyo Mashaariicda Hormarineed ee ka socda Deegaanada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa uga mahad celiyay Wakiilada Beesha Caalamka kaalintooda ku aadan dowladnimada Soomaaliya iyo taageerada ay siiyaan.

Wararka Maanta :   Masar oo digniin kama dambeysay ah siisay Itoobiya - Wararka Maanta: Somali News...

Wakiilka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey James Swan ayaa ka hor kulankan waxaa uu kulan looga hadlayay doorashada Soomaaliya uu la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Previous articleMaxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday ganacsato lagu helay la Shaqeynta Al-Shabaab

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Isbuuca