Connect with us

Warka Caalamka

Itoobiya oo Albaabada u Laabeysa 30 Safaaradood oo ay Ku Leedahay Dunida

Wararka Maanta

ADDIS ABABA(Wararka Maanta)-Dowladda Itoobiya ayaa shaacisay in ay waddo qorshe ay ku dhimeyso safaaradaheeda ku yaalla dacallada dunida.

Dowladda ayaa sheegtay in ay albaabada u laabayso 30 safaaradood oo ay ku leedahay dacallada dunida. Ujeedka loo xirayo safaaradahaas ayay sheegtay in ay tahay mid ay uga gol leedahay yareynta kharashaadka dowladda.

Qoraal uu ra’iisul wasaare Abiy Axmed u diray golaha baarlamanka dalkaas ayuu ku sheegay in uu wado qorshe uu ku xidhayo safaaradaha Itoobiya ay ku leedahay dalalka dunida oo ay ka mid tahay midda Nairobi.

Wararka Maanta :   Taalibaan oo qabsatay magaalooyin waaweyn oo horleh - Wararka Maanta:...

“Ma habboona waqti xaadirkan in Itoobiya ay yeelato  lixdan safaaradood iyo qunsuliyado kharashaad badanina ay ku baxaan meel kasta, waa in la xiro ugu yaraan 30 safaradood danjirayaasha inoo fadhiyana ay halkan ku shaqeeyan”

Ra’iisul wasaaraha ayaa tusaale ahaan u soo qaatay daniraha Itoobiya u fadhiya Nairobi oo uu sheegay in ay tahay in uu ku shaqeeyo Addis Ababa mararka qaarna uu safri karo si uu ula kulmo masuuliyiinta dantu kala dhexeyso.

Wararka Maanta :   Wasaaradda kalluumaysiga Soomaaliya oo beenisay in ay ku lug leedahay...

Ra’iisul wasaare abiy ayaa hoosta ka xarriiqay in dib u habeyn lagu sameeyo shaqooyinka wasaaradda arrimaha dibadda ay tahay mid lagama maarmaan ah.

Wararka Maanta

Warka Caalamka

Gabar Soomaali la la’aa oo meydkeeda laga helay Magalada Minneapolis -…

Wararka Maanta

Gabadhaan oo lagu Magacaabi jiray Muniiro Axmed ayaa muddo Saddex Cisho ah ka maqneyd Qoyskeeda, hayeeshee baadi goob dheer kadib  waxaa meydkeeda laga helay webiga Mississippi ee hoos mara buundada dadka ay u damaashaad tagaan ee Magaalada Minneapolis , halkaas oo ay joogtay markii cid war ugu dambeeysay.

Ciidanka gargaarka deg-dega ah iyo booliiska magaallada Minneapolis ayaa meydka Munira ka soo saaray webiga Mississippi, waxaana ay sheegeen inay wadaan baaritaan la xiriira dadka ka dambeeyay dilkeeda ama inay iyada Webiga ku dhacday.

Wararka Maanta :   Ciraaq oo soo riday Drone iyo qasaare ka dhashay - Wararka Maanta:...

Qaar kamid ah Qoyska Alle ha u Naxariistee Muniira ayaa dhankooda sheegay inay u maleeynayaan in Gabadhooda Webiga lagu riday, hayeeehee ay jawaab deg deg ah ka sugayaan Ciidamada Booliska ka howlgalla Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka.

Dhalinyaro badan oo Soomaali ah ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxaa siyaabo kala duwan loogu dilay Magaalada Minneapolis, iyada dilkaan kii ka horeeyay loo geystay todobaadkii hore Muwaadin Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Maxamed Xuseen Xasan.

Wararka Maanta :   Guddiga hirgalinta doorashooyinka Jubbaland oo barlamaanka Jubbaland ugu...

Previous articleDHAGEYSO:- Warka Subax ee Wararka Maanta 25-07-2021

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

Arday Soomaali ah oo ka soo cararay dagaallada ka socda gobolka…

Wararka Maanta

Iyadoo ay dagaallo ka socdeen Gobolka Tigray ee Waqooyiga dalka Itoobiya, ayaa waxaa halkaasi u suurta gashay inay isaga soo baxaan qaar ka mid ah arday Soomaali ah oo Jaamacad ka dhiganayay magaalada Maqalle ee xarunta gobolka Tigreeda.

Ardayda ay u suurtagashay in ay ka soo baxsadaan colaadda halkaasi ka jirta waxaa ka mid ah Saciid Macalin Bashiir oo  jaamacad ka dhiganayay magaalada Maqalle.

Saciid waxaa uu sheegay inay tageen degaanka Amxaarada kadib markii la waayay cid bixisa dhaqaalaha ku baxaya waxbarashadooda markii Hay’adihii isaga baxsadeen

Wararka Maanta :   Somaliland ma u gali doontaa Russia booskii Sudan si uu u hirgelo qors...

Sidoo kale waxaa uu ugu baaqa Ardayda kale ee ku sugan Magaalada Maqalle in aysan naftooda haligiin, isla markaana ay isku dayaan badnaaeinta naftooda iyo helids waxbarasho lamid ah middi au baran jiteen.

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

Golaha Ammaanka oo Cambaareeyay Tallaabo uu qaaday Turkiga – Radio…

Wararka Maanta

Golaha Ammaanka ee QM ayaa Jimcihii cambaareeyay qorshaha ay dowladda Turkey iyo hoggaamiyeyaasha Turkish-ka ah ee waqooyiga Qubrus ku doonayaan in ay qeyb ahaan dib ugu furaan magaalada cidlada ah ee Varosha, wuxuuna Goluhu ku baaqay in si dhakhsa ah tallaabadaasi looga laabto.

Maamulka Turkish-ka ee Qubrus oo ay Ankara taageerto ayaa Talaadadii sheegay in qeyb ka mid ah magaalada Varosha oo ah aag militari iyo qeyb la sheegay in dib loogu celiyo Qubrus-ta Giriigga ah ay hoos geyn doonaan maamul rayid ah, islamarkaana ay u furi karaan dib u dejin.

Wararka Maanta :   Soomaali ku xirneyd Jasiiradda Seychelles oo la sii daayey - Radio...

“Golaha Ammaanku waxa uu si degdeg ah ugu baaqayaa in dib looga laabto tallaabadan iyo dhammaan tallaabooyinka ku saabsan Varosha ee la qaaday ilaa bishii October ee 2020-kii,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay golahan ka kooban 15-ka dal.

Tallaabada ay qaadeen Qubrus-ta Turkiga ah ayaa sababtay fal-celin caro leh oo ka timid dowladda caalamku aqqoonsan yahay ee Qubrus-ta Giriigga ah, waxaana sidoo kale diidmo kala horyimid quwadaha reer galbeedka, oo uu ugu horreeyo Mareykanka oo ku tilmaamay tallaabadan “mid aan la aqbali karin.” Turkiga ayaa dhegaha ka fureystay dhaliilaha loo jeedinayo.

Wararka Maanta :   Dowladda Maraykanka oo ka hadashay duqayn jimcihii shalay lagu garaacay...

“Golaha Ammaanku waxa uu hoosta ka xarriiqayaa baahida loo qabo in laga fogaado ficil kasta oo hal dhinac ah oo aan waafaqsanayn go’aannadii Golaha, taasi oo xiisad ka abuureysa jasiiradda islamarkaana waxyeellaynaysa rajada laga qabo in heshiis la gaaro,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay Golaha Ammaanka.

Qybrus ayaa Arbacadii codsi ka dhan ah go’aanka uu qaaday maamulka Qubrus-ta Turkish-ka ah u gudbisay Golaha Ammaanka.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkey ayaa diiday baaqa ka soo baxay Golaha Ammaanka iyo dalal kale oo dhowr ah, waxayna sheegtay in ay yihiin sheegashooyin aan sal laheyn, islamarkaana aan waafaqsaneyn xaqiiqoyinka ka jira Qubrus.

Wararka Maanta :   Wasaaradda kalluumaysiga Soomaaliya oo beenisay in ay ku lug leedahay...

“Bayaannadani waxa ay ku saleysan yihiin dacaayadda Qubrus-ta Giriigga ah, iyo sheegasho aan sal laheyn,” ayaa lagu yiri bayaanka ka soo baxay Turkey.

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

In kabadan 100 Ruux oo ku geeriyooday Roobab ka da’ay dalka Hindiya -…

Wararka Maanta

Ugu yaraan 110 ruux ayaa ku geeriyooday daadad ka dhashay roobab xooggan oo ka da’ay gobalka Maharashtra ee dhaca galbeedka wadanka hindiya.

Daadii ka dhashay Roobabka ayaa waxaa ay ku dhufteen boqolaal tuulo kuwaasoo burburiyay guryo badan oo ku yaalay gobolkaasi, waxaana socda gurmad culus oo lagu samata bixinayo dadka ay mashaqada ku dhacday.

Malatariga dalka hindiya ayaa si weyn ugu qeyb qaadanaya howlaha lagu badbaadinayo dadka ku waxyelloobay gobolkan sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Milatariga Dowladda Hindiya.

Wararka Maanta :   Khilaafka Masar iyo Itoobiya ee biyo-xireenka Nile oo xoogeystay -...

Muddo tobonaan sanno ah ayaa waxaa wayeello kala kulmayeen gobaladda ku yaala galbeedka wadanka Hindiya Roobab culus oo inta badan halkaasi ka da’a bisha july ee sannadka kasta.

Quburo ku xeel dheer arrimaha deegaanka ayaa sheegay in sababaha ugu waa weyn ee keenay Roobabka halkaasi ka da’a ayay ku micneyeen cimilada dunida ee sii kululaaneysa.

Saraakiil ka tirsan hay’adda gurmadka deg deg ah ayaa xusay in dhibaatada ugu badan ay ka dhalatay waxyeeladii daadadka ee ka soo bilawday labo degmo oo ka tirsan gobalka.

Wararka Maanta :   Golaha Ammaanka oo Cambaareeyay Tallaabo uu qaaday Turkiga - Radio...

Dowladda ayaa sheegtay in dadka nugul laga daadad gureeyay deegaanada ugu daran ee ay dhibaatada ka jirto.

Ra’iisul wasaaraha wadanka hindiya narendra modi, ayaa sheegay in  uu si weyn ugu xun yahay dadka ku dhintay Roobabka iyo daadadka, isagoo intaasi ku daray in ay gargaar la gaarsiin doono gobalka.

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

Mareykanka oo sheegay inay duqeymo horleh ka fuliyeen Soomaaliya -…

Wararka Maanta

Waaxda gaanshaandhiga Maraykanka ee Pentagon ayaa xaqiijisay in duqaymo ka dhan ah Alshabaab ay Jimcihii ka fulisay Soomaalia – hawgalka oo ka dhacay dowlad goboleedka Galmudug ayaa ahaa kii labaad ee toddobaad gudihiis lagu bartilmaameedsanayo kAl-Shabaab.

Duqaymahaas ayaa ah kuwii ugu horreeyey ee Soomaaliya ka dhaca tan iyo markii uu maamulka la wareegay madaxweyne Biden waxayna arrintaasi wax xoogaa buuq ah ka dhalisay Washington.

Khamiistii, seddex senetar oo ka tirsan xisbiga Dimuqraadiga ayaa ku dhaleeceeyay maamulka Biden in uu ku guuldareystay inuu raadsado ogolaansho duqeyntii ugu horeysay ee diyaaradaha aan duuliyaha laheyn, waxayna sheegeen in loo baahan yahay isla xisaabtan ku aaddan ammaanka qaranka.

Wararka Maanta :   Dowladda Maraykanka oo ka hadashay duqayn jimcihii shalay lagu garaacay...

Deegaannada Gobolka Mudug ee uu duqeymaha ka fuliyay Mareykanka ayaa waxaa xilligan ka socda howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay fulinayaan Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Daraawiishta Dowlad Goboleedka Galmudug.

Previous articleSAWIRO:-Ciidamo ka tirsan NISA oo howlgal gaar ah fuliyay

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

Ilhaan Cumar oo madaxweyne Biden ka codsatay arrin ku saabsan…

Wararka Maanta

Ilhaan Cumar, oo gobolka Minnesota u matasha Aqalka Wakiillada Mareykanka (Congress), ayaa hoggaaminaysa koox u ololeyneysa in maamulka Joe Biden uu abuuro gole qaabilsan la dagaallanka Islaam-naceybka.

Gabadhan ka tirsan xisbiga talada haya ee Dimiqraaddiga, ayaa arrintan la kaashanaysa xildhibaanno kale oo ay isku xisbi yihiin.

Ilhan iyo kooxdeeda ayaa ugu baaqay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Antony Blinken inuu yagleelo xafiis gaar ah oo ka shaqeeya howshaas, xilli dembiyada la xiriira Islaam naceybka ay kusii fidayaan caalamka.

Wararka Maanta :   Maamul Axmed Madoobe kasoo horjeeda oo August 'laga dhisayo' JUBALAND ...

Farriin ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay Ilhaan Cumar ku tiri: “Waa in aan ku baraarugnaa Islaam naceybka, waana in aan sameyno wixii karaankeenna ah si aan u cirib-tirno.”

Warqadda loo diray Blinken ayay Ilhaan Cumar iyo 23 xildhibaan oo kale oo ka tirsan xisbiga Dimuqrdaaddiga ku codsadeen in Wasaaradda Arrimaha Dibadda ay ku sameyso Hay’ad la mid ah midda ka shaqeysa la dagaallanka Yuhuud naceybka, sida uu shaaciyay wargayska Daily Mail.

Wararka Maanta :   Maamulka G/Banaadir oo Safiirka Qatar kala hadlay fulinta mashaariic -...

“Waa la soo dhaafay waqtigii uu Mareykanka si adag ugu istaagi jiray taageerada xorriyadda diimaha kala duwan ee dhammaan dadka iyo in uu mudnaanta ay u qalanto uu siiyo dhibaatooyinka Islaam naceybka ah ee ka jira dunida,” ayaa ka mid ah qoraallada ku jira warqadda oo uu helay telefishinka CNN.

Sarkaal ka tirsan Aqalka Cad ayaa Talaadadii ku dhawaaqay in madaxweyne Biden uu dhawaan magacaabi doono qof ay shaqadiisu tahay inuu noqdo danjire si gaar ah ula socda islamarkaana la dagaallama arrimaha la xiriira Yuhuud naceybka.

Wararka Maanta :   Soomaali ku xirneyd Jasiiradda Seychelles oo la sii daayey - Radio...

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Isbuuca