Connect with us

Warka Caalamka

Hoyga Jacob Zuma oo ay Isku Gadaameen Tageerayaashiisa

Wararka Maanta

JOHANNESBURG(Wararka Maanta)-Taageerayaasha madaxweynihii hore ee Koofur Afrika Jacob Zuma ayaa isku gadaamay guriga mudanaha si ay isu hor istaagaan in masuulkaas xabsiga loo taxaabo.

Talaadadii aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii maxkamadda dastuuriga ah ee dalkaas ay mudane Zuma ka codsatay in uu hor yimaado iyada oo lagu soo eedeeyay arrimo musuqmaasuq. Maxkamadda ayaa markaa kaddib soo saartay waaran lagu soo xidhayo masuulkaas ugu dambeyn Axadda.

Maxkamadda ayaa sidoo kale oggolaatay in ay dhageysato mudane Zuma oo duray xukun ay soo saartay oo isaga ka dhan ah kaas oo dhigayay in muddo 15 bilood ah xabsiga la dhigo mudane Zuma.

Wararka Maanta :   Qarax lala beegsaday Ciiddamo Maraykanka ee ku sugan Siiriya - Radio...

Lama oga illaa iyo iminka sida dadweynahan gaashaanka u noqday mudane Zuma ay u baajin karaan in xabsiga loo taxaabo.

Zuma oo ku sugan hoygiisa ayaa shalay warbaahinta u sheegay in aanay jirin baahi khasbaysa in uu xabsiga galo sidoo kale waxa uu sheegay in xukun xabsi ah lagu riday iyada oo aan maxkamad la soo taagin taas oo uu ku tilmaamay in Koofur Afrika ay markale dib ugu sii simbiririxanayso maamulkii midab takoorka.

Wararka Maanta :   Dagaalka gobolka Tigray oo ku faafay gobolo kale - Wararka Maanta:...

Wararka Maanta

Warka Caalamka

Maamulka Dowlad degaanka Soomaalida oo xir xiray dad taageerayay TPLF…

Wararka Maanta

28 qof oo lagu tuhmayo inay taageeri jireen maleeshiyaadka Kooxda TPLT ayaa lagu xir xiray Magaalada jigjiga ee Xarunta Dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya.

Ciidamada Booliska degaanka ayaa dadkaasi xirxiray, kuwaas oo looga shakiyay inay taageerayeen Kooxda TPLF oo dagaalka kula jirta Ciidamada Federaalka Itoobiya.

Komishineerka booliska deegaanka soomalida Maxamed Yare ayaa Warbaahinta u sheegay xariga dadkaasi, waxaana uu sidoo kale sheegay in gacanta lagu dhigay hantidii ay lahaayeen oo la tuhunsanyahay inay ku maal galinayeen TPLF ama ay horayba uga dhaceen shacabka deegaanka xiligii taliskii TPLF.

Wararka Maanta :   Amar lagu soo rogay Shacabka dalka Uganda - Wararka Maanta: Somali News...

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa waxaa ay dagaal adag kula jirtaa Kooxda TPLF eek u sugan Gobolka tigreega ee Waqooyiga Itoobiya, waxaabna dagaalka qeyb ka ah Ciidamada dowlad deganka Soomaalida oo dhawaan ku biiray.

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

Soomaali Hanti farabadan looga boobay dalka Koonfur Afrika – Radio…

Wararka Maanta

Khasaaare nafeed iyo mid hantiyadeed oo xooggan ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool dalka Koofur Afrika kasoo gaaray rabshadihii ka dhacay meelo kamid ah dalkaas.

Meelaha ugu daran ee khasaaraha hantiyadeed uu kasoo gaaray rabshadihii ka dhacay dalka Koonfur Afrika Ganacsatada Soomaalida  ayaa waxaa kamid ah degaano ku yaal duleedka Magaalada johanispeg iyo degaano kale.

Xasan Cumar & Maxamed Suufi Axmed oo kamid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku hanta waayay boobkii ka dhacay gobolka Qowteyn ayaa sheegay in boobka uu ahaa mid an loo kala saarin Soomaalida, Ajaanibta kale iyo waliba Ganacsatada ku dhashay dalkaas.

Wararka Maanta :   Dagaalka gobolka Tigray oo ku faafay gobolo kale - Wararka Maanta:...

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in laga boobay hanti lagu qiimeeyay in ka badan 800, 000 oo Dollar, kadib markii burcad Koonfur Afrikan ah ay boobee, sidoo kalena ay jiran ganacsato kale oo hantidooda la  boobay.

Rabshadihii ka dhacay magalyin ka tirsan dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu saameyn weyn ku yeeshay Soomaalida ku ganacsatada dalkaas, iyada oo ay jiraan ilaa 5 Dhalinyaro Soomaali ah oo rashadaha lagu dilay.

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

SAWIRO:-Wasiirka difaaca & Arimaha Dibadda Airland oo Muqdisho soo…

Wararka Maanta

Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho soo gaaray oo siweyn loogu soo dhaweeyay Wafdi uu hoggaminayo Wasiirka Wasaaradda Difaaca iyo Arimaha Dibadda Airland Simon Coveney iyo Xubno kale oo la Socday..

Wafdiga waxaa Garoonka diyaaradaha Aadan-Cadde ee magaaada muqdisho kusoo dhaweeyay  Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji oo uu Wehliyo Wasiirka Arimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq.

Intaasi kadib Wafdiga ka socda dowladda Airland ayaa waxaa ay kulan gaar ah la yeesheen Wasiirada Gaashaandhigga & Arrimaha dibadda Soomaaliya, iyaga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal & taageero dhinaca Amniga ah oo la siiyo Soomaaliya.

Wararka Maanta :   Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay heshiiska qaar kamida xildhibaannada UCID ...

Sidoo kale Wafdiga ka socday dowladda Airland ayaa uga mahad celiyay wasiirada Dowladda Soomaaliya sida ay u soo dhaweeyeen, iyaga oo balan qaaday in ay dowladda Soomaaliya ka garab istaagi doonaan taageero dhinaca Amniga ah.

Wafdiga  uu hoggaminayo Wasiirka Wasaaradda Difaaca iyo Arimaha Dibadda Airland Simon Coveney ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Muqdisho waxaa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda Federalka Soomaaliya.

Wararka Maanta :   Abiy Axmed oo wacad ku maray in uu iska caabin doono Kooxda TPLF -...

Wararka Maanta Wararka Maanta Wararka Maanta

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

Saxafi loo xiray Akhrin La’aanta Wareegto Madaxweyne – Wararka Maanta:…

Wararka Maanta

Weriyaha xiran oo lagu magacaabo Alferd Angasi Dominic kana mid ah War Alhriyayaasha Warbaahinta Qaranka Koonfurta Sudan ayaa waxa uu u xiran yahay Hay’adda Nabadsugida Qaranka ee Koonfurta Suudaan ee loo soo gaabiyo NSS.

Mid ka mid ah Suxufiyiinta Warbaahintaasi oo magaciisa qariyey ayaa sheegay in Alferd Angasi Dominic la xiray, kadib, markii uu Weriyaha xiran fasax qaatay hal maalin ka hor Maalintii uu War Akhrinta uu lahaa, iyadoo ay Xaaskiisa xanuunsanayd.

Wararka Maanta :   Abiy Axmed oo wacad ku maray in uu iska caabin doono Kooxda TPLF -...

Balse, qaar ka mid ah Weriyayaasha ayaa u turjumay maqnaanshihiisa inuu diidanaa inuu akhriyo Wareegto Madaxweyne Silva Kiir ka soo saaray Dib-u-dhiska Gole Ku-meel-gaar ee Dowlad-gobaleed.

Xubno la socday Hay’adda NSS ayaana la sheegay inay Saxafiga ka kaxeysteen goobtiisa shaqada, isagoo ilaa haatana ku xiran Xabsiga Hay’addaasi.

Waxaa socda dadaal lagu doonayo in lagu sii daayo Saxafiga ku eedeysan inuu shaqada uga baaqday, si uusan u akhrinin Wareegto Madaxweyne.

Mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda Warbaahinta Qaranka dalka Koonfurta Suudaan ee SSBC iyo Saraakiil ka tirsan NSS-ta ayaa bishan July 15-dii Kulan ka yeeshay Qaddiyada Saxafiga xiran.

Wararka Maanta :   Puntland iyo Daacish oo maalintii saddexaad ku dagaalamayo Gal-gala - ...

Labada dhinac ayaa la sheegay inay isla qaateen in Saxafiga la sii daayo, balse, weli waxa uu dhex yururaa Xabsiga.

Saraakiisha NSS-ta waxay sheegeen in la sugayo Sarkaalkii bixiyey Amarka lagu xiray War-Akhriye Alferd Angasi Dominic.

Sarkaalka ayaa la sheegay inuu fasax ku maqan yahay, mana kala cadda Xilliga uu shaqada ku soo laabanayo.

Nidaamka Hay’adda NSS-ta dalkaasi u degaan ayaa ah inaan qofka la sii Dayn Karin ilaa uu Sarkaalkii soo xiray uu bixiyo Amarka Eedeysanaba lagu sii dayn doono.

Wararka Maanta :   SAWIRO:-Wasiirka difaaca & Arimaha Dibadda Airland oo Muqdisho soo...

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

Uhuru Kenyatta oo jeediyay hadal lagu tilmaamay inuu ka dhan yahay…

Wararka Maanta

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa carabka ku adkeeyay sida ay dalkiisa uga go’an tahay in xuduudihiisa uu uga difaaco shisheeye kasta oo soo faro-galiya.

Waxaa uu digniin u jeediyay xoogag uusan magacaabin oo uu sheegay in aysan xushmeynayn madaxbanaanida dhuleed ee Kenya.

Hadalkan oo uu jeediyay mar uu booqanayay keynta Boni ee ku taaalla deegaanka Lamu una dhaw xuduudda Kenya iyo Soomaaliya ayaa waxa uu ku nuux-nuuxsaday in dalkiisa uusan marnaba aqbali doonin cid kasta oo sheegata qeyb ka mid ah dhulkiisa.

Wararka Maanta :   SAWIRO:-Wasiirka difaaca & Arimaha Dibadda Airland oo Muqdisho soo...

“Cidna kama aqbaleyno in ay sheegato lahaanshiyaha qeyb ka mid ah dhulkeena, sida aan u xushmeyno xuduuddaha dalalka kale ayaan sidoo kale ka filaynaa in xuduuddaheen dhuleed iyo badeed loo xushmeeyo,” ayu yiri madaxweyne Kenyatta.

Hadalkiisa ayaa loo fasiray in uu yahay farriin uu u dirayo Soomaaliya oo uu muran dhanka badda ah kala dhaxeeyo Kenya.

Dhanka kale, keynta Boni oo ku taalla xuduudda Soomaaliya ayaa ah mid ay gabbaad ka dhigteen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab, halkaasi oo ay ka soo qaadaan weerarada ay ka fuliyaam deegaannada Lamu, Garissa iyo Tana River.

Wararka Maanta :   Faratoon oo balanqaad u sameeyay xubnaha golaha wakiilada Somaliland ee...

Wararka Maanta

Continue Reading

Warka Caalamka

Nin ku safrayey Aqoonsiga Xaaskiisa oo la qabtay – Wararka Maanta:…

Wararka Maanta

Booliska dalka Indonesia waxay gacanta ku dhigeen Nin iska dhigayey Haweeney oo ku safrayey Dukumentiyada Aqoonsiga Xaaskiisa iyo Caddeynteeda Baaritaanka inaan iyada laga helin COVID 19.

Ninkaasi oo magaciisa loo soo gaabiyey DW oo horey looga helay COVID-19 waxa uu raacay Diyaaradda Shirkada Citilink ee qiimo jaban oo isaga kala gooshaysay caasimada dalkaasi ee Jakarta iyo magaalladda Ternate oo ku taalla W/Bari ee dalkaasi.

Ninkaasi oo Niqaabka ku qariyey jirkiisa ilaa lugihiisa ayey u suurto-gashay inuu Diyaaradda raaco, iyadoo aan laga shakanin Muuqiisa iyo Aqoonsiga uu ku dhoofayey.

Wararka Maanta :   Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay heshiiska qaar kamida xildhibaannada UCID ...

Balse, xaallada waxay kashifantay, xilli ay Diyaaradda Hawada ku jirtay, kadib, markii mid ka mid ah Shaqaalaha Diyaaradda uu arkay Ninkii ku labisnaa Labiska Dumarka oo sii galaya Suuliga Diyaarada, kadibna soo baxay isagoo soo xiray dharka u gaarka ah Ragga.

Ninkii Shaqaalaha waxa uu arrinkii ku wargeliyey Duuliyihii, kadibna waxay la sii wadaageen Madaxda Ammaanka ee Garoonka magaalladda Ternate.

Markii ay Diyaaradii caga-dhigatay Garoonka waxay Saraakiisha Garoonka gacanta ku dhigeen Ninkii ku safrayey Dukumentiyadii Xaaskiisa, waxayna ku Karantiileen gurigiisa.

Wararka Maanta :   Deg Deg: Sir Layaableh oo laga helay Qaarijintii Ikraan & Kenya oo Dagaal...

Wararka waxay sheegayaan in Ninkaasi loo gudbin doono Maxkamadda marka uu dhamaysto Karantiilka, Donna looga baaro COVID-19.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Isbuuca