Connect with us

Warka Caalamka

Hoggaamiyihii Kooxda Boko Xaraam oo la sheegay in uu geeriyooday – Radio…

Sida laga soo xigtay cod ay soo duubeen maleeshiyaad Islaami ah oo uu dagaal kala dhexeeyo  Kooxda Boko Xaraam Hoggaamiyihii kooxda maleeshiyaadka ee Boko Xaraam, Abuubakar Shekau ayaa is dilay.

Cod ay heleen wakaaladaha wararka, kooxda isku magacaawday dowladda Islaamka ee galbeedka Afrika ayaa sheegay in Abuubakar Shekau uu ku dhintay qarax ismaadin ah oo isagu isku xiray kadib dagaal dhex maray labada kooxood.

Bishii hore ayaa la sheegay in Abuubakar Shekau uu dhintay halka marar badan oo hore la sheegay in uu geeriyooday.

Wararka Maanta :   Koox Dabley ah oo Arday Ka Afduubatay Iskuul Ku Yaalla Nayjeeriya

Dowladda Nigeria iyo Boko Xaram toona ma aysan xaqiijin geerida hoggaamiyihii kooxdaas.

Wararka Maanta!

Warka Caalamka

Coca-Cola oo Balaayiin Doollar Ku Weyday Fal uu Cristiano Ronaldo Sameeyay Awgii

LONDON(Wararka Maanta)-Xidigga kubadda cagta Cristiano Ronaldo ayaa shirkadda Coca-Cola u horseeday khasaare dhan 4 bilyan oo dollar kaddib markii uu iska hor qaaday laba quraaradood oo uu ku jiray sharaabka ay soo saarto shirkaddaasi kaas oo saarna miis uu doonayay in uu warbaahinta kula hadlo.

cayaaryahanka ayaa si cadho ku jirto isaga hor leexiyay quraaradaha sharaabka Coca-Cola isaga oo taa beddelkeedana sare u qaaday caagad biyo ah oo hortiisa taallay taas oo u muuqatay in uu ka digayay cabitaannadda aashitada leh kuna amaanayay biyaha caadiga ah.

Wararka Maanta :   RW Suudaan oo Ka Digay In Dalkiisu Lugaha La Galo Dagaal Sokeeye

Muuqalkaas ayaa si weyn ugu baahay baraha bulshada waxa uuna si gaar ah boog ugu noqday in badan oo ka mid ah ganacsiga dunida.

Falkan uu sameeyey Cristiano Ronaldo ayaa saamayn weyn ku yeeshay iibsiga sharaabka Coca-Cola ee suuqyada dunida, waxaana hoos u dhacay qiimaha ay shirkaddani ka taagan tahay suuqyada saamiyada, iyadoo halkii saami lagu kala iibsanayey 55.2 doollar, halkii uu maalintii ka horreysay ahaa 56.1 doollar.

Coca-Cola oo ah ka mid ah shirkadaha maalgeliya tartanka horyaalka kubadda cagta ee qaaradda Yurub ayaa dhibbane u noqotay hab dhaqanka Ronaldo kaas oo ay ku weyday balaayiin dollar oo horay jeebkeeda ugu soo dhici jirtay.

Wararka Maanta :   Wada-hadalladii Masar, Sudan iyo Itoobiya oo natiijo la’aan ku dhamaaday - Radio...

Ma aha markii ugu horreysay uu uu Cristiano u uku kaco fal ceynkan ah.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Warka Caalamka

Mareykanka oo diyaarinaya qorshe Ciidamada ugu soo celinayo Soomaaliya…

Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa gacanta ku heysa qorshe ay dooneyso inay dib ugu dirto Soomaaliya tiro ka mid ah ciidamada gaarka ah ee Mareykanka, si ay gacan uga siiyaan ciidamada Soomaaliya la dagaalanka Maleeshiyada ururka Al-Shabaab.

Qorshahan ayaa haddii uu hirgalo, qeyb ahaan dib uga noqonaya go’aankii sida deg deg ah uu ciidamada Mareykanka uga soo saaray Soomaaliya, madaxweynihii hore Donald Trump bishii January ee sanadkan.

Trump ayaa Soomaaliya kala baxay inta badan ciidamada Mareykanka oo gaarayey 700 oo askari, wuxuuna ku reebay illaa 100 kaliya, kuwaas oo dhinaca tababarada ka caawinaya Ciidamada dowladda Soomaliya.

Wararka Maanta :   Kooxda RP Leizpig oo xaqiijisay in macalinkooda xiga uu yahay Jesse Marsch.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Warka Caalamka

RW Suudaan oo Ka Digay In Dalkiisu Lugaha La Galo Dagaal Sokeeye

KHARTOUM(Wararka Maanta)-Ra’iisul wasaaraha Suudaan Cabdalla Xamduuk ayaa ka digay in dalkiisa uu lugta la galo dagaal sokeeye oo ay horkacayaan taageerayaasha maamulkii al-Bashiir.

Hadal uu jeediyay Talaadadii ayuu ra’iisul wasaaruhu sheegay in dhallinyaro ka gadoodsan joojintii xukuumadda ee kabka shidaalka ay waddooyinka caasimadda ku gooyeen biro, ulo iyo dhagaxaan.

Waxa uu sheegay in xukuumadda aanay fududeysan doonin soo afjaridda dhinacyada doonaya in ay majaxaabiyaan kalsoonida kacdoonkii dalkaas ka dhacay doonayana in ay dalka u horseedaan burbur iyo Khalkhal amni.

Wararka Maanta :   Koox Hubeysan oo132 Qof Ku Dishay Burkina Faso

Mudane Xamduuk ayaa sheegay in dalku qarka u saaranyahay xaalad kala qeybsanaan iyo amni darro taas oo u sababeeyay habacsanaanta ku timid kacdoonkii dadweyne ee dalkaas ka dhacay sidaasina ay fursad ku heleen kooxo gacansaar la leh maamulkii gabbalkiisu dhacay ee al-Bashiir.

Xaaladda nololeed ee dalka Suudaan ayaa haadaan ka sii dhacaysa iyada oo sicir bararku uu gaaray 397% bishii May, korontada iyo biyaha ayaa iyagu ah baahida ugu badan ee ay qabaan dadweynaha dalkaas.

Wararka Maanta :   Caruur ku dhimatay weerar ka dhacay Waqooyiga Suuriya - Wararka Maanta: Somali...

Xukuumadda uu hoggaamiyo Xamduuk ayaa ku shaqeysa heshiis ay awoodda ku qeybsadeen milatariga iyo rayidka kaddib kacdoonkii xilka lagaga tuuray al-Bashiir 2019.

Xukuumaddan oo ah mid ku meel gaar ah ayaa dalka Suudaan sii daadihin doonta ilaa dabayaaqada sanadka 2023-ka xilligaas oo la filayo in dalka ay gaarsiiso doorashooyin guud.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Isbuuca