Connect with us

Wararka Somali

Hargaysa: Siyaasi Cali Waran Cadde oo ka warbixiyay libaaxyo ka baxsaday beertiisa…

Jimco, April, 30, 2021 (Wararka-Maanta) – Siiyaasi Cali Waran Cadde, oo isagu leh libaaxyada xalay ku dhex baxsaday Hargaysa, ayaa sheegay in la qabtay midkamida labadii libaax ee baxsaday halka ka kalena wali uu baxsad yahay.Waran Cadde ayaa sheegay in libaaxa baxsad ka ah oo xalay fiid kii haweenay Itoobiyaan ah dhawac xun ugu gaystay xaafada New Hargaysa uu dhawac yahay.

“Roob baa da’ayay, libaaxuna markuu roobku da’ayo wuxu jecelyahay in uu ciyaaro, markaa inankii hilibka siinayay ayaa u galay, kadibna labadii ugu horeeyay ee uu u galo ayaa soo jiidhay”.

Wararka Maanta :   Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Siciid Deni iyo safiirka Sweden?

“Inan aan dhalay iyo mid kale ayaa joogay, kadibna midna way qabteen kii kalena iyagoo eryanaya ayuu gabadh qabtay kadibna inan kaygii ayaa laba xabadood ku dhuftay oo ka gooyay. Ayuu yidhi Waran Cadde.

Waran Cadde ayaa sheegay in kadib markii libaaxu uu gabadha dhaawacay uu galay meel kayna oo ku dhaw isla markaana ay ciidamada amaanku baadhitaan ku hayan.

Libaaxa oo xalay fiidkii ka baxsaday xeradiisa, ayaa dadwaynaha ku dhaqan caasimada Hargaysa ku qasbay in ay fiid guryahooda u kala badiyaan.

Wararka Maanta :   Sacuudiga oo si adag uga hadlay duqeymaha Israa'iil ka wado Qaza

Cabdilaahi Cabdiraxmaan Maxamed,

Wararka-Maanta

Wararka Somali

Bankiga Dhexe Somaliya oo Liisanka Mobile Money guddoonsiiyay…

Bankiga Dhexe ee Somaliya ayaa maanta Shirkadda Isgaarsiinta Somtel guddoonsiyay ruqsadda adeegga lacagaha teleefanada leeskugu diro ee Mobile Money Licence.

Ruqsadan ayaa ahmiyad u leh sharciyaynta shirkadaha bixiya adeegan, xasilinta hab-maaliyadeedka dalka, ilaalinta hantida macaamiisha iyo tan shirkadaha gaarka loo lee yahay.

Adeegga lacagaha teleefanada ee Somtel bixiso (e-dahab) ayaa sanadihii ugu dambeeyay si weyn looga icticmalayay dalka.

Masuuliyiin uu ugu sareeyay Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha Somaliya, Khaliif Cabdi Cumar ayaa ka qaybgalay munaasabadda Somtel lagu guddoonsiyay ruqsadan oo lagu qabtay Hotel Decale ee Magaalada Muqdisho.

Wararka Maanta :   Qarax aad u xoogan oo goordhaw ka dhacay magaalada Baydhabo

Wasiirka Ganacsiga oo munaasabadda ka hadlay ayaa marka hore bogaadiyay shirkadda la guddoonsiyay ruqsadan, oo buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa.

Wasiirka ayaa tilmaamay inay tani meesha ka saareyso nuglaanshaha adeegga maaliyadeed ee dalka, maalgelinta argagixisada, lacagaha la dhaqo iyo halista ku aaddan lacagaha aan nidaamsanayn.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in adeegani uu fududeeyo ganacsiyada yar yar, oo sida uu sheegay lafdhabar u ah dhaqaalaha bulshada Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa Liisanka adeegga e-dahab guddoonsiiyay Maareeyaha Guud ee Dahabshiil Group, Xasan Cabdi Cawad.

Wararka Maanta :   Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Uganda oo lagu weeraray Kampala +...

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa sheegay in Somtel ay noqonayso shirkaddii labaad oo hesho aqoonsigan caalamiga ah ee hannaanka maaliyadeed ee dalka.

27-kii bishii February ee sanadkan ayay ahayd markii ugu horeysay oo Baanka Dhexe uu bixiyo ruqsadda adeegga lacagaha teleefanada ee loo yaqaano Mobile Money Licence, oo xilligaa la guddoonsiiyay Hormuud Telecom.

Nagala soo xiriir Wararka Maanta

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Militeriga Soomaaliya oo ka hor-tegay qorshe ay damacsanaayeen…

Muqdisho (Wararka Maanta)- Faahfaahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ciidanka xoogga dalka iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ku dhex-maray duleedka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaalkii maanta oo si gaar ah uga dhacay tuulooyinka Busleey iyo Buulo-Aluundi ayaa waxaa qaaday ciidamada dowladda, kadib markii ay ka war-heleen weerar abaabulan oo uga soo wajahnaa dhanka Al-Shabaab.

Saraakiishii hoggaamineysay howlgalkaas ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay Al-Shabaab uga dileen 7-dagaalame, sidoo kale ay ku dhaawaceen tiro kale.

Wararka Maanta :   Deg Deg: RW Rooble oo Seefta gasha kala baxaya, Qorshaha MD Farmaajo & Digniinta...

Guutada 14-ka October militeriga Soomaaliya ayaa fulisay howgalkan lagu dilay dagalamayaasha ka tirsanaa Al-Shabaab.

Inta badan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerarro gaadmo ah ku qaada saldhigyada ay ciidamada militeriga Soomaaliya ku leeyihiin gobolka Shabeellada Hoose, waxaana aad u yar weerarrada laga hor-tago oo ay soo abaabusho kooxdu.

Hase yeeshee ciidamda dowladda ayaa la sheegay inay maanta ka war heleen weerar culus oo kooxdu ay la damacsaneed fariisimo ay militeriga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wararka Maanta :   Wasiir Dubbe: Beesha caalamka awood uma lahayn in ay sharci darro ku tilmaamto...

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo magacaabay guddi soo baara xaaladda…

Sabti, Juun, 12, 2021 (Wararka-Maanta) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo baara cabashada waalidiin Soomaaliyeed oo sheegay in aysan war iyo wacaal ka helin carruurtoodii oo ay sheegeen in tababar loogu diray dalka Eritrea.Guddigan oo ka kooban shan xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah wasiirka gaashaandhigga, Xasan Xuseen Xaaji, waxaana xubno ka ah taliyaha ciiddanka xogga dalka iyo safiirka Ethiopia ee Soomaaliya.

Magacaacidda guddigan ayaa ka dhalatay qeylo dhaan soo laalaabatay oo ka timid waalidiin Soomaaliyeed oo ka cabanayay in carruurtooda laga qeyb galiyay dagaaladii ka dhacay Ethiopia.

Wararka Maanta :   Hargaysa: Tartanka Ciyaaraha Kubbadda Cagta Kooxaha Heerka...

Maalintii khamiistii, maamulka Puntland ayaa soo bandhigay shan dhalinyaro ah oo sheegay in ay kasoo baxsadeen Eritrea, kuwaas oo sheegay in dhalinyaradii tababarka loo qaaday qaar la dilay.

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Ra’iisal Wasaare Rooble oo magacaabay guddi baara cabashada…

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi baara cabashada waalidiinta Soomaaliyeed ee sheegay inaanay ka war hayn ubadkoodii tababarka loogu qaaday dalka Eritrea.

Guddigan oo shan xubnood ka kooban ayaa waxaa gudoomiye looga dhigay Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji.

Nagala soo xiriir Wararka Maanta

Wararka Maanta!

Wararka Maanta :   Liiska: Magacyada Sagaal Ciyaartooy Oo Liverpool Iibineyso Xagaagan Suuqa...
Continue Reading

Wararka Isbuuca