Connect with us

Warka Caalamka

Ghana oo Qeybinta Tallaalka Covid-19 U Adeegsaneysa Diyaaradaha aan…

Wararka Maanta

ACCRA(Wararka Maanta)-Dowladda Ghana ayaa diyaaradaha aan duuliyaha lahayn u adeegsanaysa in tallaalka Covid-19 uu gaaro dhammaan dacallada dalkaas.

Wasaaradda caafimaadka Ghana ayaa fududeynta howshan waxa ay iskaashi kala samaysay shirkadda Zipline eel aga leeyahay dalka Mareykanka taas oo ka shaqeysa kala tallaabinta dawooyinka. Waxay shirkaddani tallaalka Covid-19 si sahlan ku gaarsiin doontaa deegaannada dhaca miyiga fog ee Ghana.

Diyaaraha aan duuliyaha lahayn ee Zipline ayaa awood u leh in halkii marba ay socdaal ku marto 160 km oo sii socod iyo soo socod ah iyada oo duullimaad walbana uu qaadanayo ugu badnaan 55 daqiiqo.

Wararka Maanta :   Digniin laga soo saaray xaalada ka taagan Gobolka Tigreega - Wararka Maanta:...

Shirkaddan ayaa kala tallaabisay 25,000 oo dhicood oo tallaalka Covid-19 ah oo ay gaadhsiisay 800 oo xarumood kuwaas oo ku yaalla deegaannada fog ee dalka Ghana.

Wasaaradda caafimaadka Ghana ayaa shegtay in adeegga diyaaradahan ay uga baaqsadeen culeysyadii ay kala kulmi jireen markii ay adeegsan jireen gadiidka dhulka waxa ayna tilmaantay in si xirfad iyo farsamo hufani ku dheehantahay ay adeegyada caafimaad u gaaraan halkii loogu talagalay.

Shirkadda bixisa adeegga duullimaadyada ee Zipline ayaa sheegtay in ay haatan qorsheynayso in ay dhawaan ka howlgasho dalka Nayjeeriya.

Wararka Maanta :   Sacuudiga iyo Imaaraadka oo wada-hadallo la furaya Iiraan - Wararka Maanta:...

Ghana ayaa heshay 1.23 milyan oo dhibcood oo tallaaka Covid-19 ah iyada oo tallaashay dad tiradooda lagu sheegay 376.000 oo qof.

 

 

Wararka Maanta!

Warka Caalamka

Toogashada Mareykanka oo faraha kasii baxeysa – Wararka Maanta: Somali…

Wararka Maanta

Ugu yaraan 7 qof ayaa lagu dilay 44 kalena waa lagu dhaawacay, kadib markii toogasho wadareedyo toddobaadkan ay ka dhaceen guud ahaan Mareykanka, sida lagu sheegay xog ay sii daayeen gudiga kormeerka xaquuqda aadanaha ee Mareykanka.

Diiwaanka Rabshadaha ayaa waxaa lagu sheegay in toogashadaan ay ka qayb ahaayeen dadka macangaga ah ee Qoryaha kuwata dalkaasi, waxaana  taasi wehliyay  in 10 toogasho wadareed ay  ka dhaceen  sagaal gobol, oo ay ku jiraan New Jersey, Virginia, California, iyo Alaska.

Wararka Maanta :   Dowladda Kenya oo dib u fasaxday duulimaadyadii diyaaradaha Soomaaliya iyo ...

Ugu yaraan hal cunug iyo tiro dhalinyaro ahaa ayaa ka mid noqday dhaawacyada, sida ku xusan diwaanka warbixinta, taas oo inta badan ku saleysan natiijooyinka warbixinnada.

Sannadkan waxaa Mareykanka ka dhacay toogasho wadareedyo gaaraysa 294, sida ku cad diwaanka dhacdooyinka Dalka Mareykanka, iyada oo intaas sii raacisay in 20,694 qof lagu dilay rabshadaha qoryaha fudud. In ka badan 11,352 oo ruux  ayaa iyagu si iskood isku dilay.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Warka Caalamka

Itoobiya oo Doorasho Looga Dareeray

Wararka Maanta

ADDIS ABABA(Wararka Maanta)-Dadweynaha Itoobiya ayaa saaka u dareeray goobaha codbixinta, iyagoo dooran doona 547 xildhibaan.

Xildhibaanada lasoo dooranayo waxay ku biiri doonaan baarlamaanka federaalka dalkaasi, xisbigii ugu cod bataana wuxuu iska soo dhex xuli doonaa ra’iisul wasaaraha.

547 goobood ayaa loo asteeyay in ay noqdaan deegaan doorashada baarlamaanka iyada oo 102 goobood oo kuwaasi kamid ah aanay furmin sababo amni darro awgood.

38 deegaan doorasho oo ku yaalla deegaanka Oromada ayaa lagu soo warramayaa in aanay ka dhacayn wax doorasho ah colaado ka jira awgood.

Wararka Maanta :   Digniin laga soo saaray xaalada ka taagan Gobolka Tigreega - Wararka Maanta:...

Sidoo kale, deegaanada Soomaalida iyo Hararida ayaaney doorasho ka dhaceyn, iyadoo la qorsheeyey iney halkaasi doorasho ka qabsoonto bisha September ee inagu soo fool leh.

Doorashadan waa tii uggu horeysay tan iyo intii uu xukunka qabtey ra’iisal wasaare Abiy Axmed sanadkii 2018-kii.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Warka Caalamka

Murashaxiin Soomaali ah oo ka tartamaya magaalooyinka waa weyn ee…

Wararka Maanta

Saxarla Cabdullaahi, waxay ka sharaxan tahay magaalada Addis Ababa, waxeyna u tartameysaa baarlamaanka federaalka Itoobiya, waana gabadha keli ah ee Soomaali ah ee Addis ababa ugga tartameysa baarlamaanka federaalka.

Fa’isa Maxamed Cumar, iyaduna waxay ka sharaxan tahay Addis Ababa, waxay u tartameysaa Golaha Maamulka magaalada Addis Ababa, iyadoo ah gabadhii uggu horeysay oo Soomaali ah oo baarlamaanka magaalada Addis Ababa isu soo sharaxday.

Labadan habloodna waxay matalayaan xisbiga talada haya ee PP ama Barwaaqo. Soomaalida kuma badna iney inta badan iska sharaxaan magaalooyinka waa weyn ee dalka Itoobiya.

Wararka Maanta :   Tirada kiisaska xanuunka COVID-19 ee UK oo korortay - Wararka Maanta: Somali...

Wararka Maanta

Wararka Maanta!

Continue Reading

Warka Caalamka

Weerar dad lagu dilay oo ka dhacay Itoobiya – Wararka Maanta: Somali…

Wararka Maanta

Madaxda Itoobiya ayaa ku eedeeyey dagaal yahanada la mamnuucay ee OLA weerarka lagu diley sagaal qof daafaha magaalada caasimadda ee Addis Ababa.

Dadka la diley ayaa waxaa kamid ahaa shaqaalaha dhismaha buundada degmada Metta Wolkitte, oo 100km u jirta caasimadda, sida uu u sheegay BBC-da madaxa degmada Dirirsa Wakuma.

Wuxuu intaa ku darey mas’uulkani in dadka la diley uu kamid ahaa ruux cabitaanka bunka ah ku iibinayey wadada hareeraheedda.

Dagaal yahanada ayaa u sheegay shaqaalaha dhismaha buundada iney joojiyaan, laakiin way sii wadeen shaqada, maadaama uu ka baqayey inuu waayo shaqadiisa, sidaasi waxaa sheegay mid kamid ah qaraabada dhibanayaasha.

Wararka Maanta :   Madaxweyne Deni: Doorashooyinkii ururada siyaasada iyadoo aan la gaarin...

Dhacdooyinkan oo kale maaha kuwo ku cusub ciidamada dowladda federaalka Itoobiya, maadaama uu wali socdo dagaalka ay kula jiraan kooxaha ka dagaalamaya galbeedka iyo koonfurta gobolka Oromada.

Saraakiisha ayaa sheegay in kastoo ay jiraan walaac la qabo oo ku saabsan ammaanka, haddana inaaney saameyneyn doorashada guud ee dhaceysa maanta oo Isniin ah.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Warka Caalamka

Booliska Nigeria oo dilay 14 Nin oo hubeysnaa – Wararka Maanta: Somali…

Wararka Maanta

Booliska Nigeria ayaa dilay 14 dabley ah kadib markii ay weerar hubeysan kusoo qaadeen  saldhig boolis oo kuyaala bartamaha gobolka Benue ee dalka Nigeria, sida ay baahisay Warbaahinta dalkaas.

Afhayeen u hadlay booliska Benue, Catherine Anene, ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in koox dabley ah oo tiradooda lagu qiyaasay 50 ay weerar ku soo qaadeen saldhig boolis oo ku yaal magaalada Katsina-Ala ee gobolka, si ay u sii daayaan qaar ka mid ah  Kooxo burcad ah.

Wararka Maanta :   Dowladda Kenya oo dib u fasaxday duulimaadyadii diyaaradaha Soomaaliya iyo ...

“Hawl-wadeennada qaybta bilayska, oo markii horeba heegan ahaa, ayaa dagaalyahannada la galay dagaal culus,” ayay tiri Anene, iyada oo intaa ku dartay in 14 ka mid ah dableydii la halka kuwa kalena ay la baxsadeen, iyaga oo dhaawac ah.

Waxay sheegtay in Saraakiisha  booliska ay ku raad joogaan dableydii baxsatay, waxayna ku boorisay dadka deegaanka inay booliska ka caawiyaan macluumaadka kooxahaas.

Dalka Nigeria ayaa waxaa ka dhacay weeraro xiriir ah oo ay soo qaadeen kooxo hubeysan bilihii la soo dhaafay. Waxa kale oo ka dhacay dhacdooyin soo noqnoqday oo ah dhaca xoolaha iyo burcadnimada hubeysan.

Wararka Maanta :   Tirada kiisaska xanuunka COVID-19 ee UK oo korortay - Wararka Maanta: Somali...

Wararka Maanta!

Continue Reading

Warka Caalamka

Qaxooti horleh oo soo gaaray degaannada Puntland – Wararka Maanta:…

Wararka Maanta

Waxaa xalay magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari soo gaaray oo lagu soo dhaweeyay Qaxooti Yemeniyiin ah, oo ay weheliyaan dad Soomaaliyeed, kuwaas oo ka soo cararay colaadda ka aloosan dalka Yemen.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland oo soo dhaweeysay Qaxootiga ayaa War kasoo baxay waxaa lagu sheegay in Qaxootgaan badankood ay yihiin Yemeniyiin, balse ay la socdaan dad Soomaali ah.

Sidoo kale Wasaaradda waxaa ay sheegtay in Qaxootigan ay gaarayaan ilaa 80 Qoys, kuwaas oo u badan Carruur iyo Haween,isla markaana Markab kasoo qaaday dalka Yemen lagu keenay dekadda magaalada  Boosaaso ee Gobolka Bari.

Wararka Maanta :   Digniin laga soo saaray xaalada ka taagan Gobolka Tigreega - Wararka Maanta:...

Dhowr jeer ayaa magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari waxaa kasoo degay Qaxooti Yemeniyiin ah, kuwaas oo kasoo cararay colaada ka aloosan Magaaloyin ka tirsan dalkaas.

Previous articleDoorashada Guud ee Itoobiya oo saaka bilaabatay

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Isbuuca