Connect with us

Wararka Somali

Galmudug oo beenisay in Bacaadweyn ay dib ula wareegeen Alshabaab

Wararka Maanta

Arbaco, Luulyo, 7, 2021 (Wararka-Maanta) – Wasiirka warfaafinta Galmudug, Axmed Shire Falage, ayaa beeniyay in kooxda Alshabaab ay dib ula wareegtay degmada Bacaadweyn ee gobolka Mudug, halkaas oo maalmo ka hor ciidamadu gudaha u galeen.Wasiirka warfaafinta Galmudug, oo BBC Somali la hadlayay, ayaa sheegay in ciidamada ay ku sugan yihiin magaalada bannaankeeda, islamarkaana ujeedada laga leeyahay ay tahay in aan shacabka la argagax galin oo magaaladu aysan noqon goob ciidan.

Wasiir Falagle wuxuu sheegay in ay ciidamada u diideen in magaalada gudaha u galaan iyagoo hub sita, wuxuuna sheegay in kaliya loo ogol yahay masuuliyiinta dowladda iyo saraakiisha.

Wararka Maanta :   Maxay ahaayeen saddexda diyaaradood ee Villa Somalia ay ka dajisay Gar...

Wuxuu sheegay Galmudug in ay ka go’an tahay in magaalo kaste iyo deegaan kaste oo la xoreeyo loo sameyn doono maamul islamarkaana aysan hadda kadib dhici doonin in la dayaco magaalo la xoreeyay.

Alshabaab ayaa baahiyay maalintii shalay in ay dib ula wareegeen magaalada Bacaadweyn iyo deegaano kale, iyagoo sheegay in ay 20 askari ku dileen dagaaladii ka dhacay Bacaadwayn iyo aagga Wisil.

Wararka Maanta

Wararka Somali

Daawo: Taliska Booliska oo soo bandhigay sagaal kamid ah ragii ku daga…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta)-Taliska ciidanka booliska Soomaaliya oo war ka soo saaray dagaalkii saakay ka dhacay isgoyska Ex Control Afgooye ee magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay xogta khasaarihii ka dhashay iyo cidda ay u dhaxeysay is-rasaaseyntaas.

Ku xigeenka afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Cali Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay soo qabteen koox burcad ah oo uu tilmaamay inay is-rasaaseeyeen, kadib markii ay ku heshii waayeen lacag baad ah oo ay dadka ka aruursanayeen.

Wararka Maanta :   Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray magaalada Garbahaareey ee xarunta...

“Saakay aroortii Ex Control Afgooye waxaa ka dhacday shaqaaqo is-rasaaseyn ah dhex-martay maleeshiyaad qowleysato ah oo dhacayey dadka aaggaas ku nool, intii ay dadka dhacayeen ayey dhexdooda ka tafantay oo dhexdooda ka bilaabatay israsaaseyn sababtay in dad rayid ah ay halkaas ku dhintaan, ilaa afar qof oo shacab ah ayaa goobtaas ku geeriyootay, seddax kalena dhawacyo ayaa soo gaaray,” ayuu yiri sarkaalkaan oo caawa la hadlay warbaahinta.

Afhayeenka ayaa sheegay in xiligaas ay booliska u suurta geli weysay in ragaas la soo qabto, balse garabta ay ku guuleysteen inay weeraraan halkii ay ku dhuumaaleysanayeen ragii isku rasaaseeyey Ex Control, isla markaana ay gacanta ku soo dhigeen inta badan kooxdaas, qaar kalena weli lagu daba joogo.

Wararka Maanta :   Daawo: Xildhibaan Aamina oo xog cusub ka bixisay kiiska Ikraan Tahliil...

“Xooraan iyo daba-gal kadib, ciidanka booliska gobolka Banaadir waxay galabta weerareen goob ay ku dhuumaaleysanayeen maleeshiyaadkii saakay dhaca iyo dilka u geystay dadkii ay ku dul dagaalameen, waxayna gacanta ku soo dhigeen qaar ka mid ah ragaas iyo hubkii ay wateen, waxaana hor geyn doonaa cadaaladda,” ayuu hadalkiisa ku sii daray afhayeenkan u hadlay booliska Soomaaliya.

Ragaan lasoo qabtay oo gaaraya sagaal nin ayaa seddax kamid ah waxaa is-rasaaseyntii saakay kasoo gaaray dhaawacyo, sida uu warbaahinta u sheegay ku xigeenka afhayeenka ciidanka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Cali Xasan.

Hoos ka daawo

Wararka Maanta :   HirShabelle oo ka hortimid hadalkii Golaha Midowga Musharraxiinta - Ca...

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Macalimuu: Gedo waxaan geynay balaayo, Kullane Jiis in la maxkamadeeyo…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Macalimuu ayaa sheegay in todobadii bilood ee lasoo dhaafay uu xabsi guri ugu jiray Agaasimihii hore ee Shaqaalaha NISA Cabdullahi Kullane, waxuuna dalbanayaa in Kullane cadaaladda la hor keeno.

Macalimuu oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ugu horeyn sheegay in dhammaan siyaasiyiintii iyo odayaashii laga hor taagnaa inay u safraan gobolka Gedo ay u mahad celinayaan Ra’iisul wasaare Rooble oo xilkii ka qaaday ninkii ay ka cabanayeen oo xabsiga ay ugu jireen.

“Sidii aad la socoteen waxaa la jebiyey amarkii Ra’iisul wasaaraha, waxaana jebiyey ninkii Taliye ku xigeenka Nabad sugidda ahaa, ninkaas waxa uu bartay in dunuubta uu galo aan lagu ciqaabin, laakiin hadda waxaa laga qaaday tallaabo, waxay ila tahay dadka dunuubta gala hadii aan sharciga la hor keenin dembiyada ayey iska sii gelayaan, Kullane dhibaatooyinkii uu Gedo ka geystay maxkamad ha lagu saaro,” ayuu yiri Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo.

Wararka Maanta :   Madaxtooyada Puntland oo jawaab ka bixisay eedaynta wasiir Jamaal u...

Cismaan Nuur Xaaji oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Intii uu Kullane dembiyada ka galay, aniga ayaa ugu dhib yaraa, anigana 7-bilood ayuu xabsi igu heystay, anigoo masuul soo shaqeeyey ah oo aan dad dhibaato u geysan, ayuu intaas i hor taagnaa, dembiyada kale ee uu geystay wax sahlan maaha, waxaan maqlaayey gabar NISA ku maqan oo gaarigiisa lagu qaaday, arrintaas ma ahan in madaxda dowlad goboleedyada iyo musharaxiintu ka aamusaan.”

Wararka Maanta :   Deg Deg: MD Farmaajo oo Dhoolatus culus soo bandhigay, Jawaata Xasan Sh &...

Sidoo kale Macalimuu ayaa sheegay badbaada Cabdullahi Kullane ay ku jirto in maanta maxkamad lasoo taago, “Hadii aan la maxkamadeyn waa la dilayaa, in la dilana waxaa ka roon, in dembiga uu leeyahay lagu qaado, hadii lagu waayana la iska daayo,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in amarro uu bixiyey Kullane dhibaatooyin xoog leh gobolka Gedo looga geystay, isagoo dadka dhibanayaasha ah u soo jeeduyey inay soo bandhigaan tacadiyada uu u geystay ninkaas, si wax looga qabto.

“Markii hore waxaan u heysanay in gobolka Gedo aan dowlad geynay, laakiin Balaayo ayaan geynay xaqiiqdii, dhibka dowlada laga tabanayo waxaa geystay Kullane Jiis, waxaana u wakiishay dadkii meesha u dirsaday,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cismaan Nuur Xaaji Macalimuu guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo.

Wararka Maanta :   Puntland iyo Daacish oo maalintii saddexaad ku dagaalamayo Gal-gala - ...

Hoos ka Daawo

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Daawo: Qisada cajiibka ah ee Maxamed Cali Cabdiraxman – Wiilka galay k…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Maxamed Cali Cabdiraxmaan waa ardaygii sanadkaan kaalinta labaad ka galay imtixaankii dugsiyada sare ee dowladda, waa 18-sano jir ay hooyadiis ku soo korisay agoonimo, waxna ku soo bartay duruufo adag, wareysi lala yeeshay waxa uu uga warbixiyey marxaladihiisii waxbarasho.

Sidoo kale Maxamed waxa uu ahaa ardaygii ugu dhibcaha sareeyey sanadkaan ardaydii wax ku baratay gobolka Banaadir, waxuuna ka sheekeeyey sidii uu u maareyn jiray waqtigiisa, intii uu ku guda jiray hayaankiisii waxbarashada.

Ardaygaan oo wareysi siiyey warbaahinta dowladda, waxa uu sheegay inuu halkaan ku soo gaaray ducada iyo dadaalka hooyadiis, waqtiga oo aad uu uga faa’iideysan jiray iyo isticmaalka taleefoonka oo uu iska xakameeyey.

Wararka Maanta :   Rooble oo amar siiyey guddiga amniga doorashada + Sawirro - Caasimada ...

Sidoo kale wiilkaan waa xaafid ilaa lix jeer dhameeyey Qur’aanka Kariimka, isla markaana ku guuleystay tartamo Qur’aan akhris ahaa oo uu horay uga qeyb galay, sida uu ku sheegay wareysigaan.

“Marar badan waxaan ka qeyb galay tartamada Qur’aan akhriska ee la qabto bisha barakeysan ee Ramadaan, dhowr mar ayaan ku guuleystay oo hadiyado la I gudoonsiiyey,” ayuu yiri Maxamed Cali.

Hooyada dhashay Maxamed oo la yiraahdo Bishaar Daahir waxay Shaah ku iibisaa Suuq ku yaalla xaafadda Ceel-dheere ee degmada Dharkeenley waxay sheegtay in wiilkeeda galay kaalinta labaad ee Imtixaanka dowladda ay ku soo korisay duruufo adag.

“Xaalado aad iyo aad u adag ayaan Maxamed ku soo koriyey, isaga oo agoon ah, xataa waxaan awoodi weyn jiray inaan u iibiyo buuga iyo qalinka, sidoo kalena aan ka bixiyo kharashaadka yar ee waqtiga bareega, wiilkeyga kama mid aheyn carruunta bareega la siiyo, waxuu I dhihi jiray Hooyo iska dhaaf ha is dhibine, kharashaadka kale ee waxbarashadeyda ayaadba la daalaa dhaceysaahe, nin raga ayuu Alle ka dhigay oo meeshii aan ka filaayey ayuu iiga soo baxay wiilkeyga. Waa Ilaahey mahadiis,” ayey yiri Hooyo Bishaaro Daahir.ooyHpp

Wararka Maanta :   HirShabelle oo ka hortimid hadalkii Golaha Midowga Musharraxiinta - Ca...

Sidoo kale Hooyo Bishaaro oo sheegtay in sanadkaan caruurta u qalin jebisay ay labo yihiin ayaa dowladda Soomaaliya iyo maamulka gobolka Banaadir ka codsatay in kaalinta uu wiilkeedu ka soo dhalaalay ay ku gacan siiyaan, maadaama aysan hadda awoodin inay ka bixiso kharashka lagu dhigto Jaamacadda.

Hoos ka daawo warbixinta

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Xildhibaan Maydhane ” Caddaalad darada Muuse ayaanu ka tagnay”

Wararka Maanta

Sabti, Luulyo, 24, 2021 (Wararka-Maanta) – Xildhibaan Maxammed Xuseen Maydhane oo xisbiga Kulmiye uga soo baxay gobolka Awdal, ayaa ku dhawaaqay in uu taageerayo isbahaysiga xisbiyada mucaarad ka, kadib markii xildhibaanada gobolka Awdal ay iska dhex arki waayeen xubnaha Kulmiye u sharaxay shirgudoonka wakiilada.Xildhibaan Maydhane ayaa sheegay in madaxweynuhu uu caddaalad daro kula kacay xildhibaanada gobolka Awdal ee xisbiga Kulmiye, isla markaana uu u sheegay in aanu waxba xildhibaanada gobolka Awdal  ka siinayn shirgudoonka wakiilada.

Wararka Maanta :   Guddoomiyihii hore gobolka Gedo oo sheegay in mar kale laga celiyay...

“Waxaanu ka tagnay caddaalad daradiisa, kadib markii shirgudoonkii beelo kale la siiyay, markaanu marlabaad ku noqonay ee aanu ku nidhi siday ku dhacday, xaqii gobolkaygu mee, umad baan matalaa, gobol baanu kasoo jeednaa, intaaso xubnood baanu nahay, jawaab nalama siin” ayuu yidhi.

“Madaxweyne Somaliland  ayaanu doonaynee haduu madaxweyne Isaaq noqday sidaasaanu kaga tagnay, taasaanu walalahayaga caddaalad doonka ahna ugu biirnay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Tan iyo markii uu bilaabmay loolanka doorashada shirgudoonka golaha wakiilada ayaa sidookale waxa bilaabmay in xildhibaanada xisbiyada mucaaradka iyo muxaafadku ay kala taageeraan xubnaha shirgudoonka ay u kala sharaxeen xisbiyada mucaaradka iyo muxaafadku.

Wararka Maanta :   Shil baabuur oo ka dhacay in u dhaxaysa Hargaysa iyo Berbera oo sababay...

Abdilahi Abdi Rahman,

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Xog: Beel Cali Guudlaawe ka hor-istaagtay shir lagu qabtay magaalada C…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Madaxweynaha Maamulka HirShabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa ku guul dareestay in uu ka qeybgalo shir u dhaxeeyay qaar ka mid ah odoyaasha dhaqanka degmada Cadale iyo madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud. 

Odayaasha dhaqanka ee Beesha Celi kana tirsan beel weynta Galmaax Yoonis ayaa diiday in uu kulankaas oo habeen hore ka dhacay degmada Cadale uu ka qeybgalo Cali Guudlaawe, waxayna sababta ku sheegeen in ay isaga dacwo ka yihiin, islamarkaana uusan u cadaalad falin bulshada gobalka Shabeellada Dhexe.

Wararka Maanta :   Golaha Ammaanka oo Cambaareeyay Tallaabo uu qaaday Turkiga - Radio...

Shirkan u dhaxeeyay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif iyo odayaasha dhaqanka, ayaa looga hadlayay dagaallo qaraar oo sanadkii 2019-kii ka dhacay degaanada Burdheere iyo Koogaar oo ka tirsan degmada Cadale, dagaalladaas oo u dhaxeeyay laba beelood oo wada Cadale. 

Dagaaladaas waxaa ku dhintay tobaneeyo dad ah iyadoo ay sidoo kale ku barakaceen boqolaal qoys, waxaana sidoo kale lagu gubay guryo iyo dhul beereed ballaaran. Wali gobalka Shabeellada Dhexe waxaa ka jira saan-saanta colaadeed ee dagaalkaas oo aan xal waara laga gaarin. 

Wararka Maanta :   Guddoomiyihii hore gobolka Gedo oo sheegay in mar kale laga celiyay...

Madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa dadaal dheer uu sameeyay ku guul darreystay in uu ka qeybgalo shirka iyadoo ugu dambeyn uu ka samray. Arrintaas ayaa noqotay la yaab iyo hadal heyn weyn oo wali ka taagan degmada Cadale iyo safarkii madaxdii hore ee dalka ay ku tageen degmada Cadale ee gobalka Shabeellada Dhexe. 

Sidoo kale, kulankaas waxaa loo diiday dhammaan mas’uuliyiinta maamulka HirShabelle ee heerarka kala duwan, waxaana dadka loo diiday qeyb ka ahaa guddoomiyaha Gobalka Shabeellada Dhexe, basle waxaa ku jiray xildhibaanka beeshaas ku matala baarlamaanka HirShabelle. 

Wararka Maanta :   Soomaali Hanti farabadan looga boobay dalka Koonfur Afrika - Radio...

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Bandhiga caalamiga ah ee bugaagta Hargaysa oo maanta Hargaysa ka furmay

Wararka Maanta

Sabti, Luulyo, 24, 2021 (Wararka-Maanta) – Bandhigii 14aad ee Bandhiga Caalamiga ah ee Bugaagta Hargaysa, ayaa maanta si rasmi ah uga furmay Xarunta Dhaqanka ee Hargaysa, sanadkan waxa bandhiga marti ku ah dalka Itoobiya, halku dhaga sanadkuna waxa weeyaan “jaarnimo”.Agaasimaha Xarunta Dhaqanka ee Hargaysa oo sidookale ah agaasimaha Bandhiga Caalamiga ah ee Bugaagta Hargaysa Jaamac Muuse Jaamac, ayaa soo dhaweeyay dhamaan qoraayada iyo martida kala duwan ee ka qayb galaysa bandhiga.

Wakiilka Itoobiya Somaliland u jooga Siciid Maxammed Jibriil, ayaa sheegay in Somaliland iyo Itoobiya leeyihiin xidhiidh aad u dheer oo dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo dhaqanka ah.

Wararka Maanta :   Maxaa u qabsoomay guddiga loo xil-saaray arrinta GEDO? - Caasimada Onl...

“Somaliland iyo Itoobiya waxay leeyihiin xidhiidh dheer oo dhaqaale, amni, bulsheed iyo dhaqan, bandhigyadan oo kale waxay sii xoojinayaan xidhiidhka labada bulsho, waxayna furayaan gole wax lagu falan qeeyo” ayuu yidhi.

Wasiirka warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa sheegay in wax qiimo leh ay tahay in dadkeenu bilaabeen in ay  wax qoraan.

“Waxa sharaf inoo ah in dadku bilaabeen in ay wax qoraan, oo bugaag la qoray, taasi oo ah horumar aynu ku talaabsanay, waxa kale oo sharaf inoo ah in aynu buugaagta laftooda saxno, oo aynu eegno in ay yihiin kuwo bulshada isku soo dhawaynaya oo wax usoo kordhinaya” ayuu yidhi.

Wararka Maanta :   Shil baabuur oo ka dhacay in u dhaxaysa Hargaysa iyo Berbera oo sababay...

Gudoomiyaha xisbiga mucaadaradka ah ee Waddani, Cabdiraxmaan Maxammed Cabdillaahi Cirro, ayaa bandhigan ku tilmaamay mid ka turjumaya horumarka Somaliland isla markaana suuqayn u ah Somaliland oo indhaha caalamka kusoo jeedinaya.

Madaxweyne kuxigeenka Somaliland Cabdiraxman Cabdillaahi Ismaaciil Saylici, ayaa sheegay in bandhigani keenayo is dhexgal bulsho, waxaanu sheegay in “jaarnimo” oo ah halku dhaga sanadka uu yahay wax Islaamku qiimeeyo.

“Jaarnimadu guriga kugu xiga ayay ka bilaabanta, sidaa ayay u socotaa ilaa waddanka aad jaarka tihiin, waana wax Islaamku dhiirigaliyay, waxaynu u soconaa in isdhexgalka la xoojiyo oo laga bilaabo dalba dalka uu ku xigo” ayuu yidhi.

Wararka Maanta :   Wararkii ugu Danbeeyey Koonfur Afrika Boobka & Dhaca Soomaalida Kusocda...

Bandhiga Caalamiga ah ee Bugaagta Hargaysa, ayaa markii 14aad ka qabsoomaya magaalada Hargaysa, waxana lagu tilmaamaa bandhiga bugaagta ee ugu wayn Bariga Afrika, iyadoo marti aad u badani sanadkasta kasoo qayb gasho.

Abdilahi Abdi Rahman,

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Isbuuca