Connect with us

Wararka Somali

Fursaddii ugu dambeysay oo hortaalla R/W Rooble – Wararka Maanta

Kaalinta uu Ra’iisul Wasaare Rooble ka qaadan karo xallinta xiisadaha dalka ka taagan ayaa loo arkaa rajada keliya ee laga leeyahay in dalka laga badbaadiyo colaad. Waxaana Rooble ku soo jeeda indhaha shacabka, siyaasiyiinta iyo Beesha Caalamka oo dhammaantood isaga u arka furaha guusha nabadda iyo xasilloonida.

Dadka siyaasadda odorosa ayaa aaminsan in tan ay ka dhigan tahay fursaddii ugu dambeysay oo gebagebo u ah fursado xiriir ah oo uu Rooble hore u soo dayacay. Waa fursad uu si la mid ah sidii fududeyd ee uu siyaasadda ku soo galay ugaga mid noqon karo dadka faro-ku-tiriska ah ee raadadka taariikheed ee wanaagga ku suntan ka taga. Waase haddii uu garto awooddiisa siyaasadeed, kuna baraarugo filashada ballaaran ee shacabka rajobeelka ku dhaw ay xaggiisa ka qabaan. 

Waxa ugu muhiimsan ee uu Ra’iisul Wasaare Rooble maanta ku maalgashan karo dhaxal siyaasadeedkiisa wax-ku-oolka ah waa in uu la yimaadaa ka-go’naan iyo dhiirrasho aan labalabays lahayn oo uu ku qaato kaalin hoggaamineed oo siyaasadda iyo amniga dalka ah, si loo dhiso kalsoonidii ku burburtay damacii muddo-kororsiga ee ay madaxtooyadu ku dhaqaaqday. 

Isku-soo-dhawaashaha hadda kala dhexeeya musharraxiinta iyo qaybaha bulshada oo yididdiilo nabadeed abuuray wuxuu ku sii jiri karaa in uu Ra’iisul Wasaaruhu isku muujiyo hoggaamiye u taagan xasilloonida, diyaarna u ah inuu qaato xuquuq walba oo uu dastuurku u siinayo samatabixinta dalka.

Wararka Maanta :   DFS oo sagootisay Safiir muddo xileedkiisa shaqo ay dhammaatay - Wararka Maanta:...

W/Q: Abdiaziz Golfyare 

Wararka Maanta!

Wararka Somali

Bankiga Dhexe Somaliya oo Liisanka Mobile Money guddoonsiiyay…

Bankiga Dhexe ee Somaliya ayaa maanta Shirkadda Isgaarsiinta Somtel guddoonsiyay ruqsadda adeegga lacagaha teleefanada leeskugu diro ee Mobile Money Licence.

Ruqsadan ayaa ahmiyad u leh sharciyaynta shirkadaha bixiya adeegan, xasilinta hab-maaliyadeedka dalka, ilaalinta hantida macaamiisha iyo tan shirkadaha gaarka loo lee yahay.

Adeegga lacagaha teleefanada ee Somtel bixiso (e-dahab) ayaa sanadihii ugu dambeeyay si weyn looga icticmalayay dalka.

Masuuliyiin uu ugu sareeyay Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha Somaliya, Khaliif Cabdi Cumar ayaa ka qaybgalay munaasabadda Somtel lagu guddoonsiyay ruqsadan oo lagu qabtay Hotel Decale ee Magaalada Muqdisho.

Wararka Maanta :   Deg Deg: Kumaandooska DF oo lagu wareejiyey Gaadiid dagaal & RW Rooble oo go'aan...

Wasiirka Ganacsiga oo munaasabadda ka hadlay ayaa marka hore bogaadiyay shirkadda la guddoonsiyay ruqsadan, oo buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa.

Wasiirka ayaa tilmaamay inay tani meesha ka saareyso nuglaanshaha adeegga maaliyadeed ee dalka, maalgelinta argagixisada, lacagaha la dhaqo iyo halista ku aaddan lacagaha aan nidaamsanayn.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in adeegani uu fududeeyo ganacsiyada yar yar, oo sida uu sheegay lafdhabar u ah dhaqaalaha bulshada Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa Liisanka adeegga e-dahab guddoonsiiyay Maareeyaha Guud ee Dahabshiil Group, Xasan Cabdi Cawad.

Wararka Maanta :   Madaxweyne FARMAAJO: "Xukunka anigaa sii haynaya illaa ay doorasho ka dhacdo" -...

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa sheegay in Somtel ay noqonayso shirkaddii labaad oo hesho aqoonsigan caalamiga ah ee hannaanka maaliyadeed ee dalka.

27-kii bishii February ee sanadkan ayay ahayd markii ugu horeysay oo Baanka Dhexe uu bixiyo ruqsadda adeegga lacagaha teleefanada ee loo yaqaano Mobile Money Licence, oo xilligaa la guddoonsiiyay Hormuud Telecom.

Nagala soo xiriir Wararka Maanta

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Militeriga Soomaaliya oo ka hor-tegay qorshe ay damacsanaayeen…

Muqdisho (Wararka Maanta)- Faahfaahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ciidanka xoogga dalka iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ku dhex-maray duleedka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaalkii maanta oo si gaar ah uga dhacay tuulooyinka Busleey iyo Buulo-Aluundi ayaa waxaa qaaday ciidamada dowladda, kadib markii ay ka war-heleen weerar abaabulan oo uga soo wajahnaa dhanka Al-Shabaab.

Saraakiishii hoggaamineysay howlgalkaas ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay Al-Shabaab uga dileen 7-dagaalame, sidoo kale ay ku dhaawaceen tiro kale.

Wararka Maanta :   DF oo si adag uga jawaabtay canaantii Beesha Caalamka ee ka dhalatay mudo kororsiga - Caasimada...

Guutada 14-ka October militeriga Soomaaliya ayaa fulisay howgalkan lagu dilay dagalamayaasha ka tirsanaa Al-Shabaab.

Inta badan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerarro gaadmo ah ku qaada saldhigyada ay ciidamada militeriga Soomaaliya ku leeyihiin gobolka Shabeellada Hoose, waxaana aad u yar weerarrada laga hor-tago oo ay soo abaabusho kooxdu.

Hase yeeshee ciidamda dowladda ayaa la sheegay inay maanta ka war heleen weerar culus oo kooxdu ay la damacsaneed fariisimo ay militeriga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wararka Maanta :   Daawo: Maxay caawa ka wada-hadleen Rooble iyo Sheekh Shariif? - Caasimada Online

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo magacaabay guddi soo baara xaaladda…

Sabti, Juun, 12, 2021 (Wararka-Maanta) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo baara cabashada waalidiin Soomaaliyeed oo sheegay in aysan war iyo wacaal ka helin carruurtoodii oo ay sheegeen in tababar loogu diray dalka Eritrea.Guddigan oo ka kooban shan xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah wasiirka gaashaandhigga, Xasan Xuseen Xaaji, waxaana xubno ka ah taliyaha ciiddanka xogga dalka iyo safiirka Ethiopia ee Soomaaliya.

Magacaacidda guddigan ayaa ka dhalatay qeylo dhaan soo laalaabatay oo ka timid waalidiin Soomaaliyeed oo ka cabanayay in carruurtooda laga qeyb galiyay dagaaladii ka dhacay Ethiopia.

Wararka Maanta :   Midowga Afrika oo ergay cusub u soo magacaabay arrimaha doorashooyinka Soomaaliya

Maalintii khamiistii, maamulka Puntland ayaa soo bandhigay shan dhalinyaro ah oo sheegay in ay kasoo baxsadeen Eritrea, kuwaas oo sheegay in dhalinyaradii tababarka loo qaaday qaar la dilay.

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Ra’iisal Wasaare Rooble oo magacaabay guddi baara cabashada…

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi baara cabashada waalidiinta Soomaaliyeed ee sheegay inaanay ka war hayn ubadkoodii tababarka loogu qaaday dalka Eritrea.

Guddigan oo shan xubnood ka kooban ayaa waxaa gudoomiye looga dhigay Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji.

Nagala soo xiriir Wararka Maanta

Wararka Maanta!

Wararka Maanta :   Daawo: Jabriil oo shaaciyey in BEESHA CAALAMKA ay la wareegi karto doorashada
Continue Reading

Wararka Isbuuca