Connect with us

Wararka Somali

Faahfaahin kasoo baxeysa qarax miino oo Maanta ka dhacay degmada Balcad

Wararka Maanta

Isniin, Juun, 7, 2021 (Wararka-Maanta) – Wararka naga soo gaaraya degmada Balcad ee gobolka Sh/ dhexe ayaa sheegaya in barqanimadii maanta uu halkaasi ka dhacay qarax miino nooca dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago.Qaraxa miinada ayaa la sheegay inuu ka dhacay afaafka hore ee iskuulka sare ee degmada Balcad, kaasoo uu ka socday Imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsiga dhexe.

Hal askari oo ka mid ahaa askartii ilaalineysay iskuulka imtixaanka ka socday ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay qaraxa miino oo dhacay xili imtixaanka u fadhiyeen ardayda, kaaso la sheegay inuu argagax ku beeray ardayadii imtixaanka u fadhisay.

Wararka Maanta :   XOG: Isku day la doonayo in lagu soo koobo deegaan doorashada dalka oo...

Majirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka degmada Balcad oo ku saabsan qaraxa miino ee maanta ka dhacay afaafka hore ee iskuulka degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe.

Wararka-Maanta

Wararka Somali

Sawirro: Dekedda Berbera oo dib u habeyn ballaaran lagu sameeyay – Max…

Wararka Maanta

Berbera (Wararka Maanta) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta xariga ka jaray mashruuc ballaaran oo dib u dhis iyo casriyeyn loogu sameeyey marsada caalamiga ah ee Berbera, taasi oo baaxaddeedii hore loogu kordhiyey 400 (Afar boqol).

Munaasibadda xarig ka jarista marsada Berbera ayaa waxaa ka qayb-galay wafuud caalami ah oo ay kamid yihiin wafdi Imaaraatiyiin ah oo uu hoggaaminayo maamulaha guud, ahna guddoomiyaha shirkadda DP World, Wafdi ballaadhan oo ka socda dalka Itoobiya oo uu hoggaaminayo wasiirka maaliyadda oo ay wehlinayso wasiirka gaadiidka iyo madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida.

Wararka Maanta :   Wasiir ka tirsan DF oo sabab yaab leh u dalbatay baaritaan lagu sameeyo...

Sidoo kale waxaa wafdiga qeybta ka ahaa munaasibadaas kamid ahaa wafuud uu hoggaaminayo ra’iisal wasaarihii hore ee dalka Guinea Bissau, Mudane Baciro Dja, wafdi ka socda dalka Kenya, Safiirrada Somaliland u fadhiya dalalka deriska iyo Taiwan, diblumaasiyiin caalami ah.

Maxaa lagu kordhiyay;

  • Waxaana ay markiiba xammili kartaa 500 oo koonteynaro cabbirkoodu yahay TEU.
  • Waxaa lagu soo kordhiyey 8 wiish oo kuwa gashaaman ah.
  • Qorshuhu wuxuu yahay in la gaadhsiiyo illaa 2 milyan oo TEU
  • Waxaa lagaa dhigayaa goob uu ku soo hirto ganacsiga geeska Afrika.
  • Waaa lagu dhawaaqay wejigii labaad ee dekedda Berbera.
  • Deked cusub ayaa iyana diyaar ahaan doonta saddexda sano ee soo socota oo la dhisi doono.
Wararka Maanta :   Madaxweynaha Jubbaland oo magacaabay guddoomiye cusub

Heshiiska DP World ee dekedda Berbera ee ay la gashay Somaliland ayaa wuxuu soo bilaabmay 2016-kii, ayada oo golaha wakiiladda Somaliland ay ansixiyeen 9-kii bishii Agoosto ee isla sanadkaas, taasi oo is-qab-qabsi gaaray gacan ka hadal uu ka dhacay fadhigii lagu ansixinayay ee baarlamaanka Somaliland.

Wararka Maanta Wararka Maanta Wararka Maanta Wararka Maanta Wararka MaantaWararka Maanta

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Ethiopia oo war kasoo saartay ‘in duqeyn cirka ah ku dishay’ 43 qof oo…

Wararka Maanta

Addis Ababa (Wararka Maanta) – Millateriga Ethiopia ayaa iska fogeeyay inay duqeyn cirka ah ku dileen dad shacab ah oo ku sugnaa suuq ku yaala gobolka Tigray, kuwaasi oo ay ku sheegeen inay ahaayeen dagaalyahano mucaarid ah oo lagu raad-joogay.

Afhayeenka ciidamada difaaca Qaranka Ethiopia, Colonel Getnet Adane oo la hadlay wakaalada Reuters ayaa sheegay “inaysan waxba ka jirin in dad gaaraya afartameeyo qof oo shacab ah ay duqeyn ku dileen,” balse ay ahaayeen dagaalyahano xirnaa dhar shacab.

Wararka Maanta :   Soomaaliya oo Gelaysa Doorashada Mabaadi & Qabiil Ah Hab Casri Ah | maxaa...

Duqeynta ay fuliyeen ciidamada Ethiopia oo lagu dilay ugu yaraan 43 qof, ayaa waxa uu hogaanka Millateriga Ethiopia ku doodayaa in duqeyntaas lala beegsaday xoogaga kasoo horjeeda xukuumadda, kuwaasi oo xiligaas ku sugnaa suuq mashquul abdan oo ku yaala magaalada galbeedka ku taal ee Mekelle.

Afhayeenka milatariga wuxuu sheegay in dagaalyahannadu aysan ku sugnayn gudaha suuqa, laakiin ay isugu yimaadeen magaalada si ay u xusaan sanad-guuradii ka soo wareegtay markii la qarxiyay magaalo kale oo ka tirsan Tigray, Hawzen, 1988, kaasi oo ay geysteen hoggaamiyeyaasha shuuciga ee xilligaas xukumayay Ethiopia, waxaa ku dhintay boqolaal dad ah waxaana si weyn looga xusaa Tigray

Wararka Maanta :   Madaxweynaha Jubbaland oo magacaabay guddoomiye cusub

Sidoo kale Afhayeenka ciidamada difaaca Qaranka ayaa ku tilmaamay dacaayado been abuur ah oo ay baahisay TPLF in caruur ku dhaawacantay weerarka ay fuliyeen ciidamadooda, hase yeeshe waxaa la rumeysan yahay in weerarkaas ay waxyeelo kasoo gaartay dad shacab ah iyo caruur, maadama ay saxmad badan ka jirtay suuqa uu ka dhacay.

Weerarada Ethiopia ee aan kala sooca laheyn ayaa waxaa si weyn u cambaareeyey dalalka Mareykanka iyo Midowga Yurub, halka ay Qaramada Midoobay walaac ka muujisay weeraradaas.

Wararka Maanta :   Lafta Gareen oo abaabul iyo qorshe cusub ka bilaabay Waajid + Ujeedka ...

Millateriga Ethiopia ayaa tan iyo bishii November la dagaalamayay xoogag daacada u ah xisbiga Tigray ee People’s Liberation Front (TPLF), oo ahaa xisbigii hore u xukumi jiray gobolka, kuwaasi oo sababay barakaca dad ka badan labo milyan oo qof, ayada oo ay ku la’deen tiro kale oo dad ah.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Taliyaha Booliiska Soomaaliya oo Muqdisho ku qaabilay Wafdi ka socday…

Wararka Maanta

Khamiis, Juun, 24, 2021 (Wararka-Maanta) – Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa maanta Xafiiskiisa magaalada Muqdisho ku qaabilay wafdi ka socday Booliiska Caalamiga ah ee INTERPOL.Kulanka dhexmaray Taliyaha Booliiska Soomaaliyeed iyo xubnaha ka socday Booliiska Caalamiga ah ayaa looga hadlay sidii aay isaga kaashan lahayeen howlaha horumarinta Booliiska iyo kor u qaadista tababarada ciidamada Booliiska Soomaaliya.

Waxaa sidoo kale waxyaabaha kulanka looga hadlay ka mid ahaa wada shaqeyn heer caalami ah oo dhexmarta Booliiska Soomaaliya iyo Booliiska INTERPOL.

Wararka Maanta :   Pentagon-ka Mareykanka oo diyaarinaya hindise cusub oo ku saabsan Soom...

Kulanka waxaa qeyb ka ahaa Agaasimaha guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo bah wadaag la ah ciidanka Booliiska, G/sare Maxamed Aadan Koofi waxaana labada dhinac aay isla meel dhigeen iney dhexmarto wada shaqeyn buuxda.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Bangiga dhexe ee Soomaaliya oo go’aan kasoo saaray lacagta kontonka dollar …

Wararka Maanta

Khamiis, Juun, 24, 2021 (Wararka-Maanta) – Bangiga dhexe ee Soomaaliya ayaa maanta shaaciyay in la qaadan karo lacagta kontonka dollarka, taasoo bilihii ugu dambeeyay laga diidanaa suuqyada sarifka iyo bangiyada kuyaala Soomaaliya.Masuuliyiinta bangiga oo shir la qaatay madaxda bangiyada gaarka loo leeyahay, xawaaladaha iyo shirkaddaha bixiya adeegga lacagaha moobaylka ayaa sheegay diidmada lacagtaas, in ay ka dhalatay been abuur ku saabsan in suuqyada lasoo galiyay lacago faaliso oo ah konton dollar.

Wararka Maanta :   Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday ganacsato Al-Shabaab ka...

Bangiga iyo masuuliyiinta kale waxay isku afgarteen in dib loo bilaabo socodsiinta lacagta kontonka dollar ee muddada hakadka ku jirtay islamarkaana aysan jirin lacag been abuur ah oo suuqa lasoo galiyay. 

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Dekeda Berbera oo maanta si rasmi ah loo furay

Wararka Maanta

Khamiis, Juun, 24, 2021 (Wararka-Maanta) – Wajiga koobaad ee dhismaha dekeda Berbera, oo ay hirgalisay shirkada DP World, ayaa maanta si rasmi ah loo furay.Dhismaha wajiga koobaad  ee dekeda Berbera, ayaa ka kooban 400M oo isku wareeg ah, waxana hada uu qaadi karaa 1 milyan oo koontinar sanadkii.

“Sanad kii dekedu waxay qaadi kartaa 1 milyan oo koontiner hada kadib” waxa sida yidhi Siciid Xasan Cabdilahi, mareeyaha dekeda Berbera.

“Waxanu rajaynaynaa in maraakiibta waa wayni ay hada kuso xidhan karaan” ayuu hadalkiisa ku daray.
Wasiirka wasaarada maaliyada Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa mashruuca dekeda ku tilmamay in ay Somaliland ka dhigi karto xarun ganacsi.

Wararka Maanta :   Maxkamadda Ciidamada oo xukun ku riday ganacsato Al-Shabaab ka...

“Maanta waa cusub ayaa baryay Somaliland, iyo geeska Afrikaba, riyadeenu waa in aynu abuurno Singapore ta Afrika” ayuu yidhi wasiir Sacad.

Wasiirka gaadiidka ee dalka Itoobiya Degmawit Moges, ayaa aaminsan in dhismaha dekeda Berbera uu abuuri doono is dhexgal ganacsi.

“Waxay kor u qaadi doonta isdhex galka ganacsiga ee gobolka, waxana loobahanyahay mashaariic badan oo noocan oo kale ah” ayay tidhi.

Wasiirka maaliyada ee Itoobiya Axmed Shide ayaa sheegay in dhismaha dekedu doorwayn ka ciyaari doono horumarka Somaliland.

“Waxan idinleeyahay hambalyo waa maalgashi taariikhi ah, mashruucani horumarka Somaliland wayn ayuu ka qaadanayaa” ayuu yidhi wasiir Shide.

Wararka Maanta :   XOG: Isku day la doonayo in lagu soo koobo deegaan doorashada dalka oo...

Maamulaha shirkada DP World Sultan Ahmed Binu Sulayman, ayaa sheegay in mar hadii dekedi la dhisay uu ganacsiguna iska bilaabmi doono.

“Mar hadi dekedi la dhisay ganacsiguna wuu imanayaa, halku dhagayagu waxa weeyi dhis dadkuna way imane” ayuu yidhi.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, ayaa sheegay in dhismaha marsada Berbera ay wax wayn u soo kordhindoonto deegaankiisa.

“Ka deegaanka Soomaali ahaan, waa wax usoo kordhay, waxad muujiseen in Soomaalidu tahay dad xadaarad leh oo is maamuli kara” ayuu yidhi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in dhismaha dekedu, Somaliland u horseedi karo in ay hogaamiso ganacsiga.

Wararka Maanta :   Banaanbax Maalintii labaad Muqdisho ka dhigayaan Waalidiinta Caruurtooda ka...

“Maanta waa maalin taariikh u ah Somaliland iyo geeska Afrikaba, furitaankani waxay Somaliland ka dhigaysa dal hogaamiya ganacsiga” ayuu yidhi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dhismaha dekedu usoo kordhiyay masuuliyad ganacsi oo horleh.

“Waxa inoo farxad ah in anynu furnay dekeda, laakiin waxa ina fuulay masuuliyad wayn oo ah in aynu u adeegno ugu horayn dowlad deegaanka Somalida, Itoobiya iyo geeskaba” ayuu yidhi.

Madaxweynaha iyo wufuudi caalamiga ahayd ee xaflada furitaanka kasoo qayb gashay ayaa siwada jir ah u yeedhiyay firimbiga furitaanka dekeda.

Dekeda ayaa laga dajiyay koontinarkii ugu horeeyay oo loo qaaday Addis ababa.

Abdilahi Abdi Rahman,

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Al-shabaab oo sheegtay iney la wareegeen deegaano ku yaala gobolka Sh/dhexe…

Wararka Maanta

Khamiis, Juun, 24, 2021 (Wararka-Maanta) – Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sheegtay iney la wareegeen deegaano badan oo ku yaala gobolka Sh/dhexe oo aay isaga baxeen ciidamada dowladda Soomaaliya.Al-shabaab ayaa barta aay ku leeyihiin Internet-ka ku daabacay qoraalo aay ku sheeganayaan iney la wareegeen deegaano badan oo hoos yimaada degmooyinka Jowhar, Mahadaay iyo Raage Ceelle oo dhamaantood ka tirsan gobolka sh/dhexe, halkaaso oo mudooyinkii dambe dagaalo xoogan ku dhexmarayeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Al-shabaab.

Wararka Maanta :   Dowladda Kenya oo dib u fasaxday duulimaadyadii diyaaradaha Soomaaliya iyo ...

Deegaanada Al-shabaab aay sheegteen iney la wareegeen waxaa ka mid ah Warciise, Qoordheere, iyo deegaano kale halkaas oo aay sheegeen iney isaga baxeen ciidamadii dowladda ee ku sugnaa muddooyinkii dambe.

Deegaanadan aay Al-shabaab dib ula wareegeen waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay dagaalo aad u qaraaraa oo dhexmaray Shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya.

Majirto wax war ah oo wali kasoo baxay taliska ciidanka Xoogga dalka oo ku saabsan ka bixitaanka deegaanadii aay horay ugu sugnayeen, waxaana la sheegay in ciidankii deegaanadaasi baneeyay oo uu hoggaaminayay taliyaha ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf Raagge inay gaareen degmada Raage Ceelle ee gobolka Sh/dhexe.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Isbuuca