Connect with us

Wararka Somali

Dowladda Somaliya oo beenisay warbixintii Qaramada Midoobey

Wasiirka Warfaafinta Somaliya, Cismaan Abokar Dubbe ayaa si adag u beeniyay warbixintii Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaramada Midoobey, ee sheegeysay in ciidan Soomaaliyeed ka dagaalameen Gobolka Tigray.

Wasiirka ayaa sheegay in warbixinta Qaramada Midoobey aan lagu saleyn wax daliil ah, marka laga soo taggo sida uu sheegay in siyaasiyiin dano gaar ahi ka raadinaya ay arrintaas buun-buuniyaan.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa tibaaxay in Ciidanka Soomaaliyeed ee tababarka u joogga dalkaasi Eritrea aanay ka qaybgelin dagaalka Gobolka Tigray, isla-markaana aysan jirin baahi arrintaasi loo qabo.

Wararka Maanta :   Deg Deg: Mashquulka Villa Somalia, Jabka Kenya gaaray &...

Cismaan Abokar Dubbe, Wasiirka Warfaafinta Somaliya ayaa ku eedeeyay siyaasiyiinta ka hadla arrinta ciidanka lagu tababarayo Eritrea in aanay soo hadal qaadin dhibaatada Kenya ku hayso shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Gobolada Jubbooyinka.

Shalay ayay ahayd, markii Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud uu sheegay in la iibsaday dhalinyaradii Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea.

Hadalka Wasiir Dubbe ayaa ku soo aadaya saacado yar uun ka dib, markii waalidiinta ubadkooda ka maqan yihiin ay maanta bannaanbax cabasho ah ka dhigeen Caasimadda Muqdisho.

Wararka Maanta :   Dowladda Soomaaliya oo Boqorka Urdun ku taageertay Walaalkiis uu xiray - Radio...

Waalidiintan ayaa waxay dalbanayaan in dib loogu soo celiyo ubadkooda, haddii ay Dowladda Federaalka ka gaabisay inay xaaladooda la socodsiiyo.

Nagala soo xiriir Wararka Maanta

Wararka Maanta!

Wararka Somali

Gen. Biixi oo sheegay xilliga dalka lagu soo celin doono dhalinyarada …

Muqdisho (Wararka Maanta) – Taliyaha ciidanka dhulka ee militeriga Soomaaliya Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo wax laga weydiiyey arrinta dhalinyarada tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ee warkooda lala’yahay ayaa sheegay in dhalinyaradaas iyo kuwo tababar u jira dalal kale oo caalamka ah dib loo soo celin doono markii ay soo dhameystaan tababarrada u socda.

Taliyaha oo u waramay Radio Muqdisho ayaa ka meermeeray inuu si toos ah uga warbixiyo dhalinyarada la weysan yahay ee dowladdu u qaaday dalka Eritrea, balse waxa uu si adag u beeniyey in ciidan Soomaaliyeed oo tababar ku maqan ay ka dagaalameen dal kale.

Wararka Maanta :   Deg Deg: Mashquulka Villa Somalia, Jabka Kenya gaaray &...

“Xaqiiqadu waxay tahay ciidan uu dal tababar u dirsaday, wadan kale dagaal ma geli karo, boqolaal kun oo ciidan ayuu leeyahay dalka Eritrea, marka waxaba ugama baahna ciidan dal kale, cid u ogolaaneysana maba jirto, marka waa been, mana dhici karto in ciidankeenii uu dagaal galay,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Sidoo kale waxa uu sheegay Taliye Biixi in dowladdu ay soo celin doonto ciidamada tababarrada uga maqan dalka markii ay dhameystaan tababarkooda, isagoo waalidiinta Soomaaliyeed ugu baaqay inay is dejiyaan oo aysan rumeysan wararka suuqa ku jira.

Wararka Maanta :   Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay amniga, COVID-19 iyo abaaraha

Maalmihii la soo dhaafay waxaa cirka isku shareertay cabashada waalidiinta Soomaaliyeed ee carruurtooda tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kuwaas oo war iyo wacaal toona laga waayey, dowladuna ay dhagaha ka fureysatay in jawaab waafi ah ay ka bixiso nolosha ama geerida dhalinyaradaas.

Hadal heynta iyo baadigoobka dhalinyaradaas ayaa soo cusboonaatay todobaadkii hore markii hey’adda xuquuqda aadanaha u qaabilsan Qaramada Midoobey ay soo saartay warbixin sheegeysa in ciidan Soomaaliyeed oo laga keenay dalka Eritrea ay ka dagaalameen gobolka Tigray ee waqooyga dalka Itoobiya.

Wararka Maanta :   “Tiradda dhimashadda Covid-19 waa 258 qof”… wasiirka caafimaadka

Hoos ka dhageyso wareysiga


Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Somaliland iyo Taiwan oo kala saxeexday heshiis caafimaad

Arbaco, Juun, 16, 2021 (Wararka-Maanta)- Somaliland iyo Taiwan ayaa kala sexeexday heshiis caafimaad oo dib loogu casriyaynayo isbitaalka guud ee  Hargeysa, isla markana lagu keenayo dhakhatiir Taiwanese ah.Warbixin laga soo saaray heshiiska ayaa lagu yidhi” Heshiiskan waxa si weyn loogu casriyeyn doonaa Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa, Sidoo kale waxa Cisbitaalka ka hawl-gali doona dhakhaatiir waaweyn oo dalka Taiwan ka socda oo si rasmi ah uga shaqayn doona Cisbitaalka”.

Labada dhinac ayaa sidookale kala sexeexday in Taiwan ay tababarto boqolaal howl wadeeno caafimaad ah isla markaana maal galiso dhismayaal cusub oo lagu kordhindoono isbitaalka wayn.

Wararka Maanta :   Gudoomiyaha Aqalka Sare oo la kulmay Madaxweynaha Puntland (SAWIRRO)

Waxa kale oo lagu heshiiyay in Taiwan ay ka shaqayso horumarinta caafimaadka guud ee Somaliland.

Wajiga koobaad ee heshiiska ayaa socon doona mudo 5 sano ah kadibna dib u cusboonaysiin ayaa lagu samayn doona.

Dhinaca Somaliland waxa heshiiska u saxeexay wasiir ku xigeenka Arrimaha dibada Libaan Yusuf Cisman dhinaca Taiwan na wasiirka arrimaha dibada Joseph Wu.

Abdilahi Abdi Rahman,

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Turkiga oo farriin usoo direy dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed – Caa…

Ankara (Wararka Maanta) – Dowladda Turkiga ayaa si adag u cambaareeysay qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu weeraray Xerada Tababarka Janeral dhega-badan ee magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ka dhasheen dhimasho iyo dhaawac badan.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa lagu sheegay inay aad uga xun tahay dowladda qaraxaas, oo ay ku naf waayeen ku dhawaad 20 ruux oo u badna dhalinyaro.

“Waxaan si adag u cambaareyneynaa weerarkii foosha xumaa ee argagixiso ee lagu bartilmaameedsaday ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed, waxaana tacsi tacsi tiiraanyo leh u direeynaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaan u rajeynaynaa in  Alle u naxariisto kuwii ku naf waayey weerarka,” ayaa lagu yiri qoraalkaas.

Wararka Maanta :   Deg Deg: RW Rooble & Mucaaradka oo 3 Qodob ku heshiiyay,...

Qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda Turkiga ayaa sidoo kale waxa lagu sheegay inay dowladdooda sii wadi doonto garab istaagooda ku aadan dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee dagaalka qaraar kula jira argagixisada Al-Shabaab.

Qaraxa oo ahaa nooca is-miidaaminta oo shalay ka dhacay xerada ciidamada General Dhaga Badan oo ku taalla Ex Warshaddii hore ee Nac-Naca ee degmada Wadajir.

Qaraxa ayaa waxaa fuliyey qof isku soo xiray walxaha qarxa, kaas oo beegsaday dhalinyaro loo qorayey ciidanimo, si loogu tababaro gudaha xeradaasi.

Wararka Maanta :   Maxaa laga fahmay waraaqdii ay DF u dirtay Qaramada Midoobay? - WararkaMaanta

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay afaafka hore ee xerada, xilli ay saf ku jireen askarta cusub oo loo diyaarinayey ka mid noqoashada ciidamada Gorgor.

Sidoo kale qofka is qarxiyey ayaa la sheegay inuu iska soo dhigay dhalinyarada dooneysa inay qortaan ciidanimada, isla-markaana uu is qarxiyey, marka uu soo galay safka.

Dadka ay qaraxa shalay waxyeeladu kasoo gaartay ayaa ahaa dhalinyaro safaf ugu jiray inay qortaan ciidanimada oo ku sugnaa gudaha xeradaas.

Wararka Maanta :   Midowga Yurub oo mashaariic ay malayiin yuuro ku baxayso ka hirgalinaya magaalada ...

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Isbuuca