Connect with us

Wararka Somali

Dowladaha Soomaaliya iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay Iskaashiga labada dal

Wararka Maanta

Talaado, Juun, 8, 2021 (Wararka-Maanta) – Wafdigan ka socday wasaaradda arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudiga ee maanta soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa la kulmay wasiiru dowlaha Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya.Wasiiru dowlaha Xafiiska Raysal wasaare Rooble Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa kusoo dhaweeyay magaalada Muqdisho wafdiga ka socday wasaaradda arrimaha dibadda Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Wasiiru dowlaha Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya iyo Wafdiga Sacuudiga ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashiga wanaagsan ee ka dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.

Wararka Maanta :   Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay haweenkii ka qayb galay doorashooyinka

Kulanka ayaa intuu socday waxaa diirada lagu saaray sidii dib loogu furi lahaa Safaarada dowladda Fedaraalka Soomaaliya aay ku leedahay wadanka Sacuudi Carabiya, waxaana la sheegay in la isku afgartay dib u furista Xarunta Safaaradda Soomaaliya oo mudooyinkii dambe xirneed.

Wafdiga Boqortooyada Sacuudiga ayaa uga mahadceliyay wasiiru dowlaha Xafiiska Raysal wasaare Soomaaliya soo dhaweynta wanaagsan ee uu u sameeyay, iyagoona balan qaaday iney sii kordhin doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Wararka-Maanta

Wararka Somali

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo markale shir ku yeelanaya magaalada…

Wararka Maanta

Talaado, Juun, 22, 2021 (Wararka-Maanta) – Raysal wasaaraha Soomaaliya, madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xalay kulan kuwada yeeshay Aaladda wadahadalka khadka Zoom-ka.Kulanka xalay ku dhexmaray madaxda golaha wadatashiga qaran khadka Zoom-ka ayaa looga hadlay dardargelinta howlaha doorashoyinka dalka, waxayna isla meel dhigeen in Sabtiga soo socda isugu yimadaan magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale wararku sheegayaan in shirka aay isugu imaanayaan golaha wadatashi qaran aay hortagi doonaan guddiga farsamada arrimaha doorashooyinka dalka si aay usoo bandhigaan qorshayaasha ku saabsan doorashooyinka dalka ka dhaceyso.

Wararka Maanta :   Boqortooyada Sacuudi Carabiya war cusub kasoo saartay Xajka Sanadkan

Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya oo loo xilsaaray hirgelinta doorasho xor iyo xalaal inuu ka qabto dalka ayaa u muuqanaya mid dardargelinayo howlaha culus ee horyaala.

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo oo ‘lagu xayiray’ Muqdisho + Sababt…

Wararka Maanta

Muqdsho (Wararka Maanta) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji (Macalimu) oo war qoraal ah soo saaray ayaa shaaciyey inuu ku xayiran yahay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, isaga oo baaq u diray ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Macalimu ayaa sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda NISA ay ka dambeeyaan xayiraadiisa, isla-markaana laga hor istaagay inuu aado gobolka Gedo iyo qoyskiisa.

“Waxaa nasiib daro ah anigoo ah masuul heer Jubaland ah oo shaqo fiican lasoo qabtay dowladda, kusoo dhaweeyay gobolka ciidanka dowlada, lasoo halgamay usoo dakanoobay haykalka dowladnimo oo aan mucaarad ku ahayn nidaamka Nabad iyo Nolol in la ii ogolaan waayo in aan booqdo deegaankaygii, caruurtaydii iyo gurigii aan ku dhashay. Sababtana ma aqaan, balse kaliya waxaan  ogahay inay ka dambeeyaan foolxumadaan madaxda hayada NISA,” ayuu yiri guddoomiyihii ee maamulka gobolka Gedo.

Cismaan Nuux Xaaji ayaa xusay in tani ay muujineyso in amniga dalka aan si sax ah loogu wareejin ra’iisul wasaaraha, taasina ay beenowday, sida uu hadalka u dhigay.

Wararka Maanta :   Shiinaha oo u digay Madaxda dalalka G7 ee shiraya - Radio...

“Dalku wuxuu galay jawi doorasho, waxaana Madaxwayne Farmaajo uu masuuliyadii nabadgalyada iyo doorashada gacanta u galiyay Raysalwasaare Rooble, balse waxaa muuqata in taasi ay beenowday oo amni la wareejiyay aysan jirin. Sababtoo ah waxaa jira dhibaato xoogan oo hayada NISA ku hayso masuuliyiintii kasoo jeeday Gobolka Gedo,”.

Ugu dambeyn wuxuu baaq u diray Ra’iisul wasaare Rooble, isaga oo ka dalbaday inuu guddi gaar ah u xil-saaro dhibaato uu sheegay inay ka jirto garoonka Aadan Cadde, taas oo lagu hayo mas’uuliyiinta Gedo, xildhibaanada iyo sidoo kale Senatorada kasoo jeeda gobolkaasi.

Halkan hoose ka aqriso:-

FARIIN KU SOCOTO XAFIISKA RW ROOBLE

Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan gaar ahaan shacabka Jubaland waxaan u rajaynayaa guul barwaaqo, nabad midnimo iyo dooraaho xor ah.

Wararka Maanta :   Gabar 14 jir ah oo kufsi wadareed loogu geystay deegaanka Ceelasha Biyaha

Waxaan ka tacsiyaynayaa dhibaatada ciidanka Kenya ay ku hayaan shacabka Gedo iyo Soomaalida ku sugan Nayroobi oo ay u dambaysay dilal qorshaysan iyo qafaalashada dad shacab u badan, kenya ha ogaato in Soomaali tashan doonto oo iska caabin doonto gardaradooda haddii aysan joojin. Looma dulqaadan karo xasuuqooda, aduunkiina waa ka aamusay.

Dalku wuxuu galay jawi doorasho, waxaana Madaxwayne Farmaajo uu masuuliyadii nabadgalyada iyo doorashada gacanta u galiyay Raysalwasaare Rooble, balse waxaa muuqata in taasi ay beenowday oo amni la wareejiyay aysan jirin. Sababtoo ah waxaa jira dhibaato xoogan oo hayada NISA ku hayso masuuliyiintii kasoo jeeday Gobolka Gedo, sida Xildhibaanada, Saraakiisha, Wariyaasha, Odoyaasha dhaqanka iyo cid kasta oo rabta inay ka dhoofto garoonka aadan cade oo u socota gobolka gedo.

Waxaa nasiib daro ah anigoo ah masuul heer jubaland ah oo shaqo fiican lasoo qabtay dowladda, kusoo dhaweeyay gobolka ciidanka dowlada, lasoo halgamay usoo dakanoobay haykalka dowladnimo oo aan mucaarad ku ahayn nidaamka Nabad iyo Nolol in la ii ogolaan waayo in aan booqdo deegaankaygii, caruurtaydii iyo gurigii aan ku dhashay. Sababtana ma aqaan, balse kaliya waxaan  ogahay inay ka dambeeyaan foolxumadaan madaxda hayada NISA.

Wararka Maanta :   Qaramada Midoobay oo sheegtay in daadadkii ku dhuftay gobolada Shabeeladda ...

BAAQ = RW ROOBLE waxaan ugu baaqayaa in uu guddi baara u saaro dhibaatada garoonka Aadan Cade ay ka wado hayada NISA ee lagu dhibaataynayo waxgaradka iyo siyaasiyiinta jubaland ee gobolka Gedo kasoo jeeda.

Sidee garbahaaray doorasho uga dhici kartaa iyadoo aan laga dhoofi karin garoonka aadan cade ? Yaa masuul ka ah amniga dalka ? Gedo soo dalka la wareejiyay amnigiisa kama mid ahan ? Ma Raysalwasaare Rooble baa amniga dalka masuul ka ah ? Mise Cabdulahi Kulane ?

Jawaab baan ka rabaa xafiiska pm Rooble. Waxaana bixin doonaa waraysiyo dheeraad ah iyo macluumaad dherraad ah oo aan saxaafada la wadaagi doono maalmaha soo socda insha allah.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Guddiga la dagaalanka musuq maasuqa oo sheegay inuu la dagaalamidoono musuq…

Wararka Maanta

Talaado, Juun, 22, 2021 (Wararka-Maanta) – Guddiga madaxa-bannaan ee la-dagaalanka musuq maasuqa ayaa soo saaray war-saxaafadeed digniin ah oo uu ku caddeynayo awoodiisa iyo kaalinta uga aadan hanaanka loo qabanayo doorashoyinka dalka.Guddiga ayaa balan qaaday inuu adkeyn doono kaalintiisa ku aadan xaqiijinta inay dalka ka dhacdo doorasho daahfuran, caddaalad ah oo dimuqraadiyad ku saleysan iyo inuu kormeero maalgalinta iyo kharashaadka siyaasadeed, kana hortago ku tagri falka hantida qaranka xilliga doorashooyinka.

Wararka Maanta :   DEG DEG: Rooble oo shaaciyey liisaska dhammaan guddiyada doorashada da...

Guddiga ayaa intaas ku sii daray inuu si dhow ula socon doono ficillada Guddiyada Doorashooyinka, ergooyinka iyo musharrixiinta si looga hortago nooc kasta oo khaladaad doorasho ah.

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Dhaawaca Saneey Cabdulle oo dibadda loo qaaday – Xog – Wararka Maanta…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xubno kamid ah ehellada Korneel Saneey Cabdulle oo kamid ah saraakiishii ku dhaawacantay qaraxii Jimcihii ka dhacay degaanka Biya-cadde ayaa noo xaqiijiyay in Korneel loo qaaday dalka dibadiisa. 

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Korneelka galabkii Axadda loo qaaday dalka Turkiga, waxaana qaaditaankiisa iska kaashaday xubno kamid ah ehelkiisa, saraakiil iyo mas’uuliyiin ay xigto dhow yihiin oo ku jira dowladda Soomaaliya. 

Wararka ayaa intaas ku daraya in Korneelka oo dhaawiciisa loo arkay in uu fududyahay uu wajiga ka bararay 48-kii saac ee ugu dambeeyay, waxaana la sheegay in la isku raacay in dibadda loo qaado. 

Tan iyo markii uu dhaawacmay waxaa jiray dedaalo xoog leh oo ay wadeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ay ku dalbanayeen in la geeyo Isbitaallada Muqdisho midkood, halka ehelladana ay diidanaayeen, waxaana la tacaalayay dhaqaatiir loogu keenay gurigiisa oo ku yaalla degmada Kaaraan ee Muqdisho. 

Wararka Maanta :   Ciidamada Xoogga dalka oo dagaal culus kadib la wareegay deegaanka Orshe ee...

Dhaawaca Korneel Saneey Cabdulle ayaa uur ku taallo ku noqday xubnaha Mucaaradka oo u arkayay awoodda ugu weyn oo ay heestaan markii loo eego dagaalladii ay la galeen Farmaajo bishii April ee sanadkan, ee lagu diiday muddo kororsigiisa.

Waxaa ilaa hadda jira su’aalo badan oo ku geedaaman weerarkii lagu qaaday xeradii uu ku sugnaa ee degaanka Biya-Cadde, ayada oo farta lagu fiiqay ciidanka Gor Gor ee ka amar qaata Farmaajo.

“Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee nagula soo weeraray waxaa lala soo dhaafay xero kale oo ay daganyihiin ciidamada Gor Gor iyagana gaariga ma qaban, ma rasaaseynin, gaarigana iyaga kuma leexan waana aagg aysan gaadiidku marin arrintaas shaki weyn ayey nagu abuurtay,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidankii gadoodka sameeyay ee ka tirsanaa 27-aad ee milateriga Soomaaliya. 

“Gor Gor dhamaantood waxay diideen in ay xero kula noolaadaan ciidankeena, wax nala cunaan, nala dagaal galaan, arrintaas shaki ayaa ka qabnay haddana gaariga waa soo dhaafyay waxay arrintaan u baahan tahay in la hubiyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaal ka tirsan qeybta 27-aad ee xoogga dalka, oo ahaa ciidankii gadoodka sameeyay ee ka hor-yimid muddo kororsiga Farmaajo.

Wararka Maanta :   Sacuudiga iyo Imaaraadka oo wada-hadallo la furaya Iiraan - Wararka Maanta:...

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Wasiirka Arrimaha Dibedda oo ballan-qaaday runta kiiska dhallinyarada …

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Wasiirka Arrimaha Debadda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa ka hadlay askarta Soomaaliyeed ee tababarka loogu qaaday dalka Eritrea iyo waxa ka jira in ciidamadaas ay ka qeyb galeyn dagaalkii ay Dowladda Itoobiya ku qaaday Gobolka Tigreyga.

Wasiirka oo ka qeybgalayey barnaamijka One-on-One ee telefishinka Turkiga ee TRT World ayaa beeniyey in ciidamada Soomaaliya ay ka dagaalameen waqooyiga Itoobiya.

Wasiir Cabdirisaaq ayaa sheegay in natiijada saxda ah ee ciidamada tababarka ugu maqan dalka Eritrea laga sugayo guddiga uu dhawaan magacaabay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Wararka Maanta :   Golaha deegaanka magaalada Buuhoodle oo mayor u doortay haweenay

“Marin-habaabino badan way jiraan. Qaddiyadaan waanu kaga hadalnay madalo kala duwan. Si loo xaqiijiyo tani, ra’iisul wasaaraha wuxuu magacaabay guddi ka kooban milatari iyo diblumaasiyiin si ay u eegaan dhacdadan ayna runta u soo bandhigaan shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Cabdirisaaq.

Walaaca laga qabo askarta dalka Eritrea loogu qaaday tababarka ciidan ayaa cirka isku sii shareeray markii guddiga u qaabilsan Qaramada Midoobay dhanka Xuquuqul insaanka ay sheegeyn in ciidamada Soomaalida ah ay ka qeyb galeyn dagaalkii ay Dowladda Itoobiya ku qaaday Gobolka Tigrayga.

Wararka Maanta :   DANAB oo Shabaab badan ku dishay weerar ka dhacay Sh/Dhexe - Caasimada...

Waalidiinta ilmaha maqan ayaa dhowr jeer dibad baxyo waaweyn ka dhigay jidadka Magaalada Muqdisho, waxayna madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka codsadeen inuu ilmahooda usoo celiyo, inkastoo madaxweyne Farmaajo uusan codsiga iyo illinta waalidiinta marnaba u damqan.

Dhanka kale, intii wareysiga uu socday, Cabdirisaaq oo wax laga waydiiyey xiriirka xumaadey Soomaaliya kala dhaxeeya Kenya ayaa tibaaxay in isu-soo-dhowaanshiyihii u dambeeyay ay astaan u tahay in hogaanka labada dal ay bog cusub furayaan.

Wararka Maanta :   Sacuudiga iyo Imaaraadka oo wada-hadallo la furaya Iiraan - Wararka Maanta:...

“Waxa aan hadda rajeynayno waa in aan sii wanaajiyo xiriirkeena kana wadahadalno amniga, ganacsiga, isu-socodka labada shacab; labadan dal waa kuwa waligood sii ahaan doona deris mana sii yeelan karno xiriir aan shaqaynayn. Qadiyadaha aan rabno in aan kawada hadalno waa in aan u wajahnaa si dhab ah,” ayuu yiri.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Hay’ada caafimaadka aduunka oo qalab caafimaad ku wareejisay Somaliland

Wararka Maanta

Isniin, Juun, 21, 2021 (Wararka-Maanta)- Hay’ada caafimaadka aduunka ee WHO, ayaa dawooyinka lagaga hortago iyo kuwa lagu daweeyo xanuunka Shubanka ku wareejiyay Somaliland.Qalabkan ayaa ka loogu talo galay in lagulan tacaalo xanuunka Shubanka oo ka dilaacay qaybo kamida Somaliland.

“Sidad wada ogsoontihiin waxa soo kordhayay xaalado dhinaca shuban ka ah, oo gobolada oodhan laga soo sheegayo” sida waxa yidhi agaasimaha caafimadka Somaliland Maxamed Cabdi Xergeeye.

“Waxanu hada la wareegayna 910 kartoon, oo midkasta 10 litir ku jiraan” ayuu hadalkiisa ku daray agaasime Xergeeye.

Wararka Maanta :   DEG DEG: Rooble oo shaaciyey liisaska dhammaan guddiyada doorashada da...

Qalabkan caafimaad ayaa ka kooban dawooyinka lagaga hortago in bukaanku fuuq baxo xiliga shubanka iyo kuwa lagu daweeyo shubanka kadib.

Abdilahi Abdi Rahman,

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Isbuuca