Connect with us

Warka Ciyaaraha

Donny Van De Beek Oo Laga Saaray Xulka Holland Kadib Dhaawac Soo Gaaray.

Wararka Maanta

Donny van de Beek ayaa seegi doono koobka European Championship dhaawac dartiis Van de Beek ayaa holland wuxuu ciyaaray u sagaal iyo toban kulan oo caalami ah kooxda lagu naaneyso Orange Kulankiisii ugu dambeeyay wuxuu ahaa bishii Maarso ciyaar qeyb ka eheed isreebreebka Koobka Adduunka waxaana ay la ciyaareen Gibraltar waxaana ay uga badiyeen 7-0.

Xulka qaranka Orange ayaa axada dheeli doonaan kulankooda furitaanka koobka qaramada qaarada Europe euro 2020 iyagoo la ciyaari doonaan Ukraine Goolhaye Jasper Cillessen ayaa hore safka looga saaray kadib markii laga helay corona kadib De Boer wuxuu keenay goolhayaha AZ Marco Bizot isagoo bedelaya booskaas.

Wararka Maanta :   Deg Deg: Xogta Safarka Farmaajo ee Turkiga, Xilka Rooble u dhiibay Sadaq...

Netherlands ayaa ciyaari doonta kulankoodii ugu horreeyay ee ay la ciyaaraan Ukraine maalinta Axadda Juun 13 keeda sidoo kale habeenka Khamiista, Juun 17 waxa ay la balansan yihiin Austria taas ayaana ka dhigan in xidiga kooxda man united uu seegi doono kulamo badan oo koobkaas qeyb ka ah kadib dhaawaca soo gaaray.

Wararka Ciyaaraha!

Warka Ciyaaraha

Arsenal Oo Hogaamineysa Loolanka Loogu Jiro Ciyaaryahanka Khadka Dhexe Ee…

Wararka Maanta

Arsenal ayaa ugu cadcad saxiixa Franck Kessie iyadoo ciyaaryahanka khadka dhexe uu galayo sanadka ugu dambeeya ee qandaraaskiisa AC Milan , sida lagu sheegay warbixin.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Ivory Coast ayaa ku soo bilowday 36 jeer xilli ciyaareedkii Milan ee ku guuleysatay Serie A markii ugu dambeysay, isagoo qeyb weyn ka qaatay Rossoneri oo kaalinta labaad ku dhameysatay .

Si kastaba ha noqotee, kooxda reer Talyaani ayaa lagu qasbi karaa inay iska iibiso Kessie xagaagaan sababo dhaqaale awgood.

Wararka Maanta :   Manchester City Oo Soo Bandhigtay Qiimaha Ay U Qoondeesay Nuno Mendes

La Gazzetta dello Sport ayaa sheeganeysa in Milan ay kalsooni ku qabto inay weli 42 milyan oo ginni kula soo wareegi karto 24 jirkaan, inkastoo ay heystaan ​​kaliya 12 bilood oo qandaraaskiisa ah.

Arsenal ayaa la sheegayaa inay ku hogaamineyso saxiixa Kessie, labo sano ka dib markii ugu horeysay ee ay xiiseyneyso khadka dhexe.

Wararka Ciyaaraha!

Continue Reading

Warka Ciyaaraha

Arsenal Oo Dalabkeedii Labaad Ka Gudbisay Joaquin Correa

Wararka Maanta

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay la xiriirtay kooxda Lazio iyaga oo dalab fiican ka gudbiyay Joaquin Correa .

26 jirkaan ayaa la rumeysan yahay inuu dhawaan dalab 20 milyan ginni ah (17 milyan ginni) ka yimid Gunners, iyadoo kooxda reer Talyaani ay si dhaqso ah u diiday dalab uga yimid kooxda ka dhisan Waqooyiga London.

Si kastaba ha noqotee, sida laga soo xigtay Il Messaggero , Arsenal ayaa haatan dalab u dhexeeya 15m (£ 12.9m) iyo m 20m (£ 17m) ku dooneysa Correa, marka lagu daro inay u soo bandhigto Lucas Torreira kooxda ka dhisan Serie A oo qeyb ka ah heshiiska.

Wararka Maanta :   Kylian Mbappe Oo Ka Hadlay Sababtii Ka Dambeysay Inuu Diido Ku Biirista...

Warbixinta ayaa sheeganeysa in Lazio ay diyaar u tahay inay aqbasho soo jeedinta haatan, Correa ayaa ku rajo weyn u wareegista Emirates Stadium mustaqbalka dhow.

Ciyaaryahanka reer Argentina ayaa dhawaan lala xiriiriyay iyadoo Liverpool , u dhaliyay 11 gool iyo lix caawin 38 kulan oo uu saftay heer kooxda xilli ciyaareedkii 2020-21.

Dhanka kale, weeraryahanku wuxuu dhaliyay 30 gool wuxuuna caawiyay 18 caawin 117 kulan oo uu u ciyaaray Lazio tan iyo markii uu kaga soo biiray White iyo Sky Blues kooxda Sevilla ee 2018.

Wararka Maanta :   Mucaaradka oo sheegay sida ay u arkaan liiska guddiyada ee uu shaaciye...

Wararka Ciyaaraha!

Continue Reading

Warka Ciyaaraha

Hordhac: Kulanka Finland Vs Belgium Ee Euro 2020 Guruubka B, Shaxda Iyo…

Wararka Maanta

Xulka Belgium-ka ayaa booqasho ugu tagaya Xulka Finland oo booska 3aad kaga jira Guruubka B kulan ka dhicidoona Garoonka Saint Petersburg Stadium, Belgiumka oo badiyay labadiisa kulan ee ugu danbeeyay ayaa kaalinta 1aad kaga jira guruubkan.

Finland Vs Belgium

Tartanka 2020

Saacada 22 Pm Waqtiga Somaliga

Garoonka Saint Petersburg Stadium

Finland

Iyadoo aysan jirin wax dhaawacyo ah ama walwal ah oo laga qabo ganaaxa xulka Finland, tababaraha kooxda Markku Kanerva wuxuu heystaa koox buuxda oo awood u leh.

Wararka Maanta :   Deg Deg: Xogta Kulankii RW Roooble & B/Caalamka, Qorshaha MD Farmaajo &...

Belgium-ka

Belgium waxaa ka maqnaan doona daafaca dambeedka midig ee kooxda Leicester City Timothy Castagne, kaasoo dhaawac madaxa ka soo gaaray ciyaartii furitaanka ee Russia.

Dhaawac: Timothy Castagne

Shaxda Macquulka ee Kulankan

Finland (5-3-2): Lukas Hradecky; Jukka Raital, Daniel O’Shaughnessy, Paulus Arajuuri, Jeona Toivio, Jere Uronen; Glen Kamara, Robin Lod, Leo Vaisanen; Joel Pohjanpalo, Teemu Pukki

BelgiumXI (3-4-3): Thibaut Courtois; Toby Alderweireld, Dedryck Boyata, Jason Denayer; Thomas Meunier, Leander Dendoncker, Youri Tielemans, Thorgan Hazard; Kevin De Bruyne, Romelu Lukaku, Eden Hazard.

Wararka Maanta :   Manchester United Iyo Manchester City Oo Diyaar U Ah Inay Lasoo Wareegaan...

Xaqiiqooyinka Labada Xul

Belgium ayaa ku guuldareysatay inay garaacdo Finland toddobadii kulan ee ugu dambeysay (D3 L4), guushoodii ugu dambeysay ee Finns waxay ka bilaabatay Oktoobar 1968, isreebreebka Koobka Adduunka (6-1).

Midkoodna shantii kulan ee ugu dambeysay ee dhexmara Finland iyo Belgium ma dhalin wax ka badan labo gool.

Finland waxay uruurisay labo shuut oo bartilmaameed ah labadii kulan ee ay ciyaareen EURO 2020 ilaa iyo haatan. Laga soo bilaabo 1980, kooxna waligeed ma dhicin wax ka yar afar darbo oo bartilmaameed ah seddexdii kulan ee ay ciyaareen heerka guruubyada ee Koobka Qaramada Yurub.

Belguim ayaa badisay kulankoodii ugu dambeeyay ee wareega Group-yada mid kasta oo ka mid ah afartii kulan ee ugu dambeysay tartamada waaweyn (EUROs iyo World Cup), tan iyo guuldaradii 2-0 ee ka soo gaartay Turkey ee EURO 2000.

Wararka Ciyaaraha!

Continue Reading

Warka Ciyaaraha

Natiijo: Xulalka Italy Iyo Switzerland Oo Gaaray Guulo Guruubka A Euro…

Wararka Maanta

Xulka Switzerland oo garoonka  Baku Olimpiya Stadionu kula ciyaaray Turkiga ayaa ka gaaray guul 3-1 kulan ka tirsan Guruubka A Euro 2020.

Sharaxaada Ciyaarta

Switzerland ayaa goolasha kulankan uga mahadcelineysa xidigaha Haris Seferovic iyo Xherdan Shaqiri iyadoo goolka kaliya ee turkiga uu u saxiixay Irfan Kahveci.

6 Daqiiqo ayay ku qaadatay Switzerland inay hogaanka ciyaarta qabato Haris Seferovic ayaa shabaqa ku hubsaday kubad caawin uu ka helay Steven Zuber.

Xherdan Shaqiri ayaa hogaanka u dheereeyay xulkiisa daqiiqadii 26aad isagoo caawin ka helay Steven Zuber oo ku kalankan ka haaa xidigaha ciyaarta madama uu caawiyay guud ahaan goolashada xulka Switzerland qeybta hore ayaa lagu kala nastay 2-0.

Qeybta danbe Turkiga ayaa soo bandhigay ciyaar wanaagsan taasi oo keentay in ay helaan gool muhiim ah Irfan Kahveci ayaa dhaliyay kubad uu ka halay Hakan Calhanoglu.

Wararka Maanta :   Liverpool Oo Booska Wijnaldum U Keensaneyso Lorenzo Pellegrini.

Turkiga oo helay rajo in ciyaarta ay ka dhigaan bar-baro ayaa gool sadexaad loogu shubay Xherdan Shaqiri ayaa dhaliyay goolkiisa labaad isagoo caawin ka helay Steven Zuber Guud ahaan ciyaarta ayaa ku soo dhamaaatay 3-1.

Turkiga ayaa laga badiyay guud ahaan sadexdii kulan ee ugu danbeeyay.

Line-up-ka Saddexda ee kulankan

XI: Switzerland XI: Sommer, Zuber, H. Seferović, Shaqiri, Rodriguez, Xhaka, Freuler, S.Widmer, Elvedi, Embolo, Akanji

Kaydka: Mehmedi, M. Gavranović, Schar, L. Benito, Mvogo, Mbabu, Sow, G. Kobel, E. Cömert, Zakaria, C. Fassnacht, R. Vargas

Turkey XI: B. Yılmaz, Calhanoglu, K. Ayhan, İ. Kahveci, O. Tufan, M. Çelik, Soyuncu, Demiral, Under, U. ıakır, M. Müldür

Kaydka: M. Günok, Yokuslu, Antalyalı, Karaman, E.Ünal, A. Bayındır, D. Toköz, Y. Yazıcı, O. Kabak, H. Dervişoğlu, R. Yılmaz, O. Kökçü

dhanka kale italy ayaa guul 1 iyo 0 ka gaartay wales waxana Azzuri u suura gashay in ay badiyaan guud ahaan saddexdii kulan ee ugu danbeesay.

Wararka Maanta :   Belgium Oo Guul Ka Gaaray Denmark Iska Xaadiriyay Wareega 16-ka Ee Euro...

kala sareynta Guruubka A

Group A

# Team name P W D L F A GD PTS
1 Italy 3 3 7 7 9
2 Wales 3 1 1 1 3 2 1 4
3 Switzerland 3 1 1 1 4 5 -1 4
4 Turkey 3 3 1 8 -7

 

Wararka Ciyaaraha!

Continue Reading

Warka Ciyaaraha

Kooxda Bayern Munich Oo Ku Raad Joogto Daafac Wacdaro Ka Dhigayo Xulka…

Wararka Maanta

Kooxda bayer munich ayaa si aad ah loola xariirinayaa ciyaaryahanka Denzel Dumfries oo ah daafac dambeedka midig kaga dheelo kooxda PSV iyo xulka Netherlands waxaana kooxda reer Jarmal soo bandhigtay xiisaha ay u qabto difaacaan sida laga soo xigtay Sky Germany.

Kooxda ka ciyaarta Bundesliga ayaa culeys ku saareysa inay u dhaqaaqdo ciyaaryahankan suuqa xagaaga Laakiin 25 sano jirkaan bayer ma doonayso inay bixiyaan 15 milyan oo euro taas oo ah lacagta lagu burburin karo qandaraaskiisa.

Wararka Maanta :   Belgium Oo Guul Ka Gaaray Denmark Iska Xaadiriyay Wareega 16-ka Ee Euro...

Dumfries ayaa dhaliyay goolkii xulka Netherlands 3-2 guusha ay kaga gaareen Ukraine ciyaar qeyb ka eheed Euro 2020 ka hor inta uusan dhalin goolkiisa Labaad kulankii ay 2-0 kaga badiyeen Austria, iyadoo kooxda Frank de Boer ay haatan u gudubtay wareega wareega 16ka.

Wararka Ciyaaraha!

Continue Reading

Warka Ciyaaraha

Juventus Iyo Chelsea Oo Xiiseynayaan Qadka Dhexe Barcelona Pjanic.

Wararka Maanta

Juventus iyo Chelsea ayaa lagu soo waramayaa inay u dagaallamayaan saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Miralem Pjanic xagaagan Xiddiga reer Bosnian ayaa ku dhibtooday inuu boos ka helo kooxda Barcelona tan iyo markii uu ku biiray kooxda reer Catalans xagaagii hore.

Sida laga soo xigtay Calciomercato, Juventus waxay xiiseyneysaa inay dib ula soo saxiixdo Miralem Pjanic Kooxda reer Talyaani ayaa qadka dhexe ka iibisay kooxda Barcelona taasoo qeyb ka aheed heshiis is bedel ah oo iyaga qaateen ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Brazil Arthur oo ka yimid Barcelona.

Wararka Maanta :   Maxay Tahay Qorshaha Carlo Ancelotti Ee Ku Aadan Sergio Ramos

Chelsea ayaa sidoo kale isha ku haysa xaalada Miralem Pjanic ee Barcelona Kooxda Blues ayaa laga yaabaa inay naftooda u huraan bixitaanka suurtagalka ah ee Jorginho si uu bedel ugu noqdo kaasoo sii wada xiriirka uu la leeyahay u dhaqaaqista Inter Milan iyo Juventus.

Miralem Pjanic ayaa la filayay inuu ku guuleysto Barcelona sababtoo ah awoodiisa, booskiisa, iyo aragtidiisa. 31 jirka, si kastaba ha ahaatee, wuxuu u saftay kaliya 19 kulan oo La Liga ah xilli ciyaareedkan Barcelona, oo intooda badan bedel ku soo galay.

Wararka Maanta :   Dhalinyaradii hoggaamineysay banaanbixii maanta oo xabsiga la dhigay -...

Pjanic wuxuu inta badan muujiyay sida uu uga xun yahay maqnaanshaha waqtiga ciyaarta ee uu helayay, waxaana lagu soo waramayaa inuu doonayo inuu isaga baxo kooxda barcelona isla mar ahaantaana mid uu ku biiro juventus ama chelsea.

 

Wararka Ciyaaraha!

Continue Reading

Wararka Isbuuca