Connect with us

Wararka Somali

Dhakhaatiir reer Somaliland ah oo madaarka Muqdisho taransit ku ahaa oo…

Wararka Maanta

Arbaco, Luulyo, 14, 2021 (Wararka-Maanta) – Dhakhaatiir reer Somaliland ah, oo madaarka Muqdisho taransit ku ahaa, ayaa baasbooradi laga jeex jeexay, isla markaana la xidhay kadibna Hargaysa loo mastaafuriyay.Dhakhaatiirta oo ka hawl gala isbitaalka Adna Adan ee Hargaysa ayaa u socday waddanka Kenya iyagoo ku safrayay baasboorka Somaliland.

“Waa shaqaale caafimaad oo tababar u socday, oo ku safrayay baasboorka Somaliland, oo fiise loogu soo saaray” sida waxa tidhi Adna Aadan Ismaaciil.

D.R Adna Aadan ayaa sheegtay in dhakhaatiirta baasabooradoodi laga jeex jeexay, isla markaana la xidhay kadibna Hargaysa loosoo mastafuriyay markii ay gadheen madaarka Aadan Cadde.

Wararka Maanta :   Lafta-gareen oo furay Kaldhiga 3aad ee Baarlamaanka K/galbeed...

“Dadkii ka sokeeya meesha ay ku socdaan baasboorada lagama qaado, lagamana jeex jeexo, dhib kalena looma gaysto” ayay tidhi Adna.

“Meesha ay u socdaan ayaa hadii ay aqoonsantahay dalku gal ka, u ogolaata ama u diida” ayay hadalkeeda sii raacisay Adna.

D.R Adna Aadan ayaa sheegtay in falka shaqaalaheeda lagula kacay uu yahay sharci daro.

“Haday Soomaaliya garanayso sharciga dad taransit ah baasboorka kamay qaadeen oo kamay jeex jeexdeen, 3 maalmood qafaalasho kumay haysateen” ayay tidhi.

Wararka Maanta :   Cristiano Ronaldo Oo Gool Dhalinta Kaga Guuleysan Kara Patrick Czech Xili...

Dhakhaatiirtan ayaa markale u safri doona Kenya iyadoo baasboorada dib loogu cusboonaysiin doono waxana la filaya in ay Addisababa mari doonaan.

Abdilahi Abdi Rahman,

Wararka Maanta

Wararka Somali

Shil baabuur oo galaaftay nolosha dad rakaaba oo ka dhacay Boorama

Wararka Maanta

Jimco, Luulyo, 23, 2021 (Wararka-Maanta) – Wiil iyo gabadh dhalinyaro ah ayaa inta la ogyahay ku nafwaayay tiro kalena way ku dhaawacantay, shil baabuur oo ka dhacay meel aan ka fogayn hotelka Saw ee magaalada Boorama ee gobolka Awdal.Shilka galaaftay noloshada dhalinyaradan, ayaa ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen gaadhi nooca loo yaqaano Vitz ta ah iyo Bas-caasi rakaab ah oo ay leedahay shirkada socdaalka alaabada iyo rakaabka ee Bari iyo Galbeed.

Wararka Maanta :   DEG DEG: Beesha caalamka oo war kasoo saartay jadwalka doorashada iyo ...

Shilalka baabuurta ayaa sanadkasta nolosha kumanaan qof ku galaafta deegaanada Somaliland, iyadoo shilkii ugu danbeeyay ee dad ku dhintaan uu 21 bishan Luulyo ka dhacay degmada Xamaas oo u dhaxaysa Hargaysa iyo Berbera.

Abdilahi Abdi Rahman,

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Raysal wasaaraha Soomaaliya oo xilka qaadis ku sameeyay laba Sarkaal oo…

Wararka Maanta

Jimco, Luulyo, 23, 2021 (Wararka-Maanta) – Raysal wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka qaadis ku sameeyay Agaasimahii Shaqaalaha hay’adda Nabadsugida Cabdullaahi Kulane iyo taliyahii Nabadsugida ee garoonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sheekh Cali.

Xilka qaadista lagu sameeyay labadaan masuul ayaa jawaab u aheyd talaabadii maanta garoonka Aadan Cadde loogu diiday iney ka dhoofaan muwaadiniin Soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa guddoomiyahii hore ee gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Macalimuu.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahin Macalimuu oo goordhaw la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in muwaadiniintii maanta laga joojiyay iney duulaan ay xaq u lahayeen iney ka duulaan garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wararka Maanta :   Cristiano Ronaldo Oo Gool Dhalinta Kaga Guuleysan Kara Patrick Czech Xili...

Dhawaan ayay aheyd markii Raysal wasaaraha Soomaaliya uu amar ku bixiyay inaanan garoonka Aadan Cadde laga celin karin muwaadin Soomaaliyeed oo doonaya inuu ka duulo garoonka, waxaana xilka qaadista labadan sarkaal ay imaaneysa xili maanta guddoomiyahii hore ee gobolka Gedo uu Raysal wasaare Rooble ka codsaday inuu xilka qaadis ku sameeyo Cabdulaahi Kulane oo ugu dambeyn xilka qaadis lagu sameeyay saacado kadib.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

DEG DEG: Rooble oo xilalkii ka qaaday madax sare oo ka tirsan NISA + S…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhoweyd xilalkii ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Taliyihii Nabad-sugidda ee groonka Aadan Cadde.

Afhayeenka xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa sheegay in Cabdullaahi Kullane iyo Cabdiwaab Sheekh Cali xilkii looga qaaday kadib markii ay ka hor-imaadeen amarkii Ra’iisal wasaaraha ee dhigayey in qofna lagu celin karin garoomada dalka.

“Ra’iisal wasaare Rooble asaga oo ka jawaabaya muwaadiniin Soomaaliyeed oo si sharci darro-da ah maanta looga hor istaagay inay ka dhoofan garoonka Aadan Cadde, waxa uu xilka ka qaaday Cabdullaahi Kullane, Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Cabdiwahaab Sheekh Cali, Taliyihii Nabad-sugidda ee groonka Aadan Cadde,” ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda.

Wararka Maanta :   Maxaa looga hadlay kulanka uu maanta Rooble la qaatay wakiilada beesha...

Sidoo kale waxa uu afhayeenka sii xoojiyey in marnaba loo dulqaadan karin in qof muwaadin ah lagu celiyo garoomada dalka, xili la filayo in dalka ka qabsoomto doorashooyinkii lagu heshiiyey 27-kii May.

Xil ka qaadista uu goordhoweyd sameeyay Ra’iisal wasaaraha ayaa daba socota dhacdo saaka garoonka Muqdisho loogu xanibay guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu).

Cismaan Macalimuu oo saaka warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay tahay markii Afaraad ee laga celiyo garoonka, islamarkaana la is-hortaago in uu u safro Garbahaarey, taasi oo uu sheegay inay ka dambeeyan Farmaajo iyo Cabdullaahi Kulane.

Wararka Maanta :   Puntland oo sheegtay in ay kooxda Daacish ka saartay farriisin ay ku...

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Guddoomiyihii hore gobolka Gedo oo sheegay in mar kale laga celiyay…

Wararka Maanta

Jimco, Luulyo, 23, 2021 (Wararka-Maanta) – Gudoomiyahii hore ee Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu), ayaa sheegay in hay’ada nabad sugida ay saaka mar kale ka celisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde isaga iyo wafdi la socday.Guddoomiyihii hore ee Gedo wuxuu sheegay amarka lagu celiyay inuu bixiyay taliye ku xigeenka hay’adda nabad sugida, Cabdullaahi Kulane.

“Saakay aniga iyo tiimkayga waxaan tagnay garoonka, anigoo qabay dareen ah in nala celin doono, balse ku kalsoon hadalkii raysal wasaaraha. Markii aan tagnay garoonka, qolyihii duulimaadka waxay noo sheegeen in aanan bixi Karin, ayuu yiri Cismaan Nuur.”

Wararka Maanta :   Maxaa looga hadlay kulanka uu maanta Rooble la qaatay wakiilada beesha...

Macalimoow wuxuu sheegay xanibaada lagu sameeyay in ay xadgudub ku tahay go’aankii R/Wasaare Rooble ee ahaa  in aan qofna laga celin karin garoomada diyaaradaha ee dalka.

“Waxaa ceeb ah in maanta raysal wasaarihii u sareeyay dalka, amarkiisa ciddii diiday, waxaan u maleynayaa in meel kale laga xukumo… Waxaan jawaab ka sugaynaa raysal wasaarha, waxaana ku qanci karnaa inuu kulane Jiis awoodda uu ku faanayo ka qaado,”ayuu yiri guddoomiyihii hor ee Gedo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maalmo ka hor faray laamaha socdaalka JFS in aan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u kala safraya dalka loo xannibi Karin sababo siyaasadeed.

Wararka Maanta :   Diyaarad siday dad badan oo rikaab ahaa oo ku dhacday gobolka Gedo

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Maxay tahay ujeeddada ay ISRAEL ka leedahay ku biiritaanka Midowga Afr…

Wararka Maanta

Jerusalem (Wararka Maanta) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Israel ay dib ugu biirayso Midowga Afrika, iyadoo noqonaysa waddan kor jooge ah.

Tallaabadan ayaa sida uu qoray wargeys kasoo baxa Israel waxay timid ku dhawaad 20 sano kaddib markii Israel ay waysay xubinnimada ururkan wixii ka dambeeyay markii laga beddalay magaca ee la sameeyay Midowga Afrika.

Waxaa lagu soo warramay in safiirka u jooga Israel magaalada Addis Ababa uu warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mousa Faki Mahamat, si uu xubin kormeere ah uga noqdo ururka. Kulankaas ayaa ka dhacay xarunta AU ee caasimadda dalka Itoobiya.

Warbaahinta Israel ayaa soo xigatay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Yair Lapid oo sheegay, “Maanta waxay dabbaal-dag u tahay xiriirka Israel iyo Afrika.”

Wararka Maanta :   Amxaarada oo DAGAAL ku dhowaaqday iyo xaaladda Ethiopia oo faraha ka b...

Wuxuu intaas ku daray: “Horumarkan dhinaca diblomaasiyadda ah waa natiijada dadaalkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda, laanteeda Afrika iyo safaaradaha Israel ee qaaradda Afrika.”

Wuxuu sidoo kale yidhi: “Tani waxay saxaysaa khaladaadkii jiray ku dhawaad labaatan sano, waana qayb muhiim ah oo ka mid ah xoojinta xiriirka dhinaca dibadda ee Israel.”

Lapid ayaa sheegay in Israel ay hadda xiriir fiican la leedahay 46 waddan oo ka tirsan Qaaradda Afrika.

Maamulka Falastiiniyiinta ayaa horayba door noocan oo kale ah ugu lahaa ururka Midowga Afrika.

Israel ayaa isku dayaysa in ay adkayso cilaaqaadka kala dhaxeeya 55-ta waddan ee xubnaha ka ah Midowga Afrika, sida ay tabiyeen warbaahinta dalkaas.

Arrimaha kale ee sababta u ah ku biirista AU waxaa ka mid ah in Israel ay doonayso sidii ay u badin lahayd waddamada ugu codeeya arrimaha ay ka doonayso hay’adaha caalamiga ah, sida Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Wararka Maanta :   Xildhibaan Fiqi oo war kasoo saaray dagaalladii maanta - Caasimada Onl...

Waxaa kale oo ay Israel doonaysaa inay kala shaqeyso arrimo ay ka mid yihiin la dagaallanka argagixisada, xakamaynta Covid-19 iyo kobcinta ganacsiga beeraha.

Qaar ka mid ah bogagga internet-ka wax ku qora ee Israel ayaa shaaciyay in dowladda dalkaas ay dhawaan xiriirkii diblomaasiyadeed dib ula billowday dalalka Chad iyo Guinea, kuwaasoo ay horay xiriirka ugu jartay.

Sanadkii 2020-kii, Israel ayaa sidoo kale heshiisyo la saxiixatay Suudaan iyo Morocco.

Bishii May ee lasoo dhaafay, madaxa Midowga Afrika Mousa Faki Mahamat ayaa cambaareeyay duqaymihii ay Israel ka fulisay Marinka Qasa iyo weerarradii ay ciidamada Israel ka geysteen Masjidka Al-Aqsa.

Wararka Maanta :   Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay banaanbaxyada rabshadaha iyo boobka wata...

Wuxuu xilligaas sheegay in militariga Israel ay sameynayeen “ficillo gurracan oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah”.

Faki ayaa sidoo kale shir Midowga Afrika ka dhacay sanadkii 2020-kii ku sheegay inuu kasoo horjeedo sida uu maamulkii Donald Trump u wajahayay qorshaha nabadeynta Bariga Dhexe. Sacab badan oo ay u sameeyeen ka qayb galeyaashii shirka ayuu ku kasbaday markii uu sheegay in “Trump ficilladiisa ay hagar daaminayeen xuquuqda dadka Falastiiniyiinta”.

Bayaan uu Faki soo saaray Khamiistii ayuu ku sheegay in Midowga Afrika uu “caddeeyay mowqifkiisa ku aaddan in labo dowladood oo iska barbar dhisan lagu xalliyo arrinta Falastiiniyiinta iyo Israel, taasina ay muhiim u tahay nabadda gobolka.”

 

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay duqayn maanta lagu garaacay saldhigyo…

Wararka Maanta

Jimco, Luulyo, 23, 2021 (Wararka-Maanta) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Al-Shabaab ay la kulantay khasaare kale oo weyn, kaddib markii duqeyn xagga cirka ah ay ku garaacday dagaalamayaal ku sugnaa inta u dhexeeysa Qaycad iyo Xarardheere ee gobolka Mudug.War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee dowladda ayaa lagu sheegay in weerarka duqaynta lagu dilay dhowr dagaalyahanno, sidoo kalena lagu burburiyay hub.

Lama sheegin tirada dhimasho ah, inkastoo bayaanka lagu xusay in la qiimeeynayo waxyeelada weerarka.

Wararka Maanta :   Dumar Muslimiin ah oo iyaga oo aan ogeyn la xaraashay - Caasimada Onli...

Dowladdu ma sheegin cidda ka caawisay weerarka cirka ah, mana jirin wax xaqiijin ah oo ka soo baxay Taliska Mareykanka ee Afrika ama AMISOM.

Horraantii toddobaadkan, Mareykanku ayaa qaaday duqeyntiisii ugu horreysay tan iyo markii maamulka Biden la wareegay talada dalkaas.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Isbuuca