Connect with us

Wararka Somali

DF oo shaacisay inaysan jirin taliyeyaal ciidan oo la bedelayo kadib dalabkii…

Muqdisho (Wararka Maanta) – Dowladda Soomaaliya ayaa meesha ka saartay in la beddelo taliyayaasha ciidamada dowladda, taasi oo muddo aheyd dalab ay ku dheganayeen Midowga Musharaxiinta, kadib markii ay ku eedeeyeen inay bixiyeen amaro lagu weeraray qaar ka mid ah musharxiinta madaxweynaha. 

Wasiirka Amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in heshiiskii lala galay mucaaradka ee lagu soo afjaray xiisaddii Muqdisho aanu ku jirinin la bedelo taliyeyaasha ciidamadda qaranka.

“Taliyeyaal la bedelayo heshiiska kuma jiro. Taasina waa mid u taalo maamulka ra’iisul wasaaraha. Haddii ay ku timaado talo kale waa meesheeda. Qodobada aan ku heshiinay waa tobban qodob, waana cad yihiin,” ayuu yir Xundubey.

Hase yeeshee, qodobka lixaad ee heshiiska ay gaareen xukuumadda iyo mucaaradka ayaa waxa uu dhigayaa in la magacaabo guddi khubaro ciidan ah oo kala taliya Ra’iisul Wasaaraha dib u habaynta Ciidamada Qaranka, mana cadda haddii dib u habeyntaas ay qeyb ka tahay hoggaanka ciidanka

Wararka Maanta :   Dowladda Kenya oo dib u fasaxday duulimaadyadii diyaaradaha Soomaaliya iyo ...

Hadalka Xundubey ayaa meesha ka saaraya rajo laga qabay in Rooble uu beddelo qaar ka mid ah taliyayaasha kadib markii uu la wareegay amniga doorashada. Rooble oo dhowr maalmood ku maqnaa Cumrada ayaa shalay dib ugu soo laabtay Muqdisho, waxaana la filayaa inuu guda galo howlaha doorashada.

Dhinaca kale, Xundubey ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada lagu heshiiyey inay Muqdisho ka baxaan aysan ku koobneyn oo kaliya kuwa taageerayay Madasha Badbaado Qaran, balse ay sidoo kale ku jiraan ciidamada taabacsan dowladda ee xiisadda dagaal ku yimid Muqdisho.

“Waxa magaalada laga saarayo ee lagu heshiiyey waa ciidan kasta oo kusoo galay xiisaddii ka dhalatay muddo kordhinta,” ayuu yiri Xundubey. 

Si kastaba, inkasta oo ciidamada Badbaado Qaran ay magaalada uga baxeen si shaacsan, oo la wada arkay, haddana ma muuqato inay magaalada ka baxeen ciidankii uu kusoo daabulay Farmaajo. 

Wararka Maanta :   Abiy Ahmed oo Kulan La Qaatay Saraakiisha Ciidamada Milateriga Itoobiya+SAWIRRO

Wararka Maanta!

Wararka Somali

Bankiga Dhexe Somaliya oo Liisanka Mobile Money guddoonsiiyay…

Bankiga Dhexe ee Somaliya ayaa maanta Shirkadda Isgaarsiinta Somtel guddoonsiyay ruqsadda adeegga lacagaha teleefanada leeskugu diro ee Mobile Money Licence.

Ruqsadan ayaa ahmiyad u leh sharciyaynta shirkadaha bixiya adeegan, xasilinta hab-maaliyadeedka dalka, ilaalinta hantida macaamiisha iyo tan shirkadaha gaarka loo lee yahay.

Adeegga lacagaha teleefanada ee Somtel bixiso (e-dahab) ayaa sanadihii ugu dambeeyay si weyn looga icticmalayay dalka.

Masuuliyiin uu ugu sareeyay Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha Somaliya, Khaliif Cabdi Cumar ayaa ka qaybgalay munaasabadda Somtel lagu guddoonsiyay ruqsadan oo lagu qabtay Hotel Decale ee Magaalada Muqdisho.

Wararka Maanta :   R/W Rooble oo ku wajahan dalka Sacuudiga + Ujeedka - Caasimada Online

Wasiirka Ganacsiga oo munaasabadda ka hadlay ayaa marka hore bogaadiyay shirkadda la guddoonsiyay ruqsadan, oo buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa.

Wasiirka ayaa tilmaamay inay tani meesha ka saareyso nuglaanshaha adeegga maaliyadeed ee dalka, maalgelinta argagixisada, lacagaha la dhaqo iyo halista ku aaddan lacagaha aan nidaamsanayn.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in adeegani uu fududeeyo ganacsiyada yar yar, oo sida uu sheegay lafdhabar u ah dhaqaalaha bulshada Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa Liisanka adeegga e-dahab guddoonsiiyay Maareeyaha Guud ee Dahabshiil Group, Xasan Cabdi Cawad.

Wararka Maanta :   Imaaraadka iyo Israel oo ay durba ka dhex-tafatay kadib markii ay ka carroodeen qorshaha Netanyahu

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa sheegay in Somtel ay noqonayso shirkaddii labaad oo hesho aqoonsigan caalamiga ah ee hannaanka maaliyadeed ee dalka.

27-kii bishii February ee sanadkan ayay ahayd markii ugu horeysay oo Baanka Dhexe uu bixiyo ruqsadda adeegga lacagaha teleefanada ee loo yaqaano Mobile Money Licence, oo xilligaa la guddoonsiiyay Hormuud Telecom.

Nagala soo xiriir Wararka Maanta

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Militeriga Soomaaliya oo ka hor-tegay qorshe ay damacsanaayeen…

Muqdisho (Wararka Maanta)- Faahfaahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ciidanka xoogga dalka iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ku dhex-maray duleedka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaalkii maanta oo si gaar ah uga dhacay tuulooyinka Busleey iyo Buulo-Aluundi ayaa waxaa qaaday ciidamada dowladda, kadib markii ay ka war-heleen weerar abaabulan oo uga soo wajahnaa dhanka Al-Shabaab.

Saraakiishii hoggaamineysay howlgalkaas ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay Al-Shabaab uga dileen 7-dagaalame, sidoo kale ay ku dhaawaceen tiro kale.

Wararka Maanta :   Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal: Dib U Milicsashada Nolosha Aabbihii Dhidibada U...

Guutada 14-ka October militeriga Soomaaliya ayaa fulisay howgalkan lagu dilay dagalamayaasha ka tirsanaa Al-Shabaab.

Inta badan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerarro gaadmo ah ku qaada saldhigyada ay ciidamada militeriga Soomaaliya ku leeyihiin gobolka Shabeellada Hoose, waxaana aad u yar weerarrada laga hor-tago oo ay soo abaabusho kooxdu.

Hase yeeshee ciidamda dowladda ayaa la sheegay inay maanta ka war heleen weerar culus oo kooxdu ay la damacsaneed fariisimo ay militeriga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wararka Maanta :   Abiy Ahmed oo Kulan La Qaatay Saraakiisha Ciidamada Milateriga Itoobiya+SAWIRRO

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo magacaabay guddi soo baara xaaladda…

Sabti, Juun, 12, 2021 (Wararka-Maanta) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo baara cabashada waalidiin Soomaaliyeed oo sheegay in aysan war iyo wacaal ka helin carruurtoodii oo ay sheegeen in tababar loogu diray dalka Eritrea.Guddigan oo ka kooban shan xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah wasiirka gaashaandhigga, Xasan Xuseen Xaaji, waxaana xubno ka ah taliyaha ciiddanka xogga dalka iyo safiirka Ethiopia ee Soomaaliya.

Magacaacidda guddigan ayaa ka dhalatay qeylo dhaan soo laalaabatay oo ka timid waalidiin Soomaaliyeed oo ka cabanayay in carruurtooda laga qeyb galiyay dagaaladii ka dhacay Ethiopia.

Wararka Maanta :   Dowladda Kenya oo dib u fasaxday duulimaadyadii diyaaradaha Soomaaliya iyo ...

Maalintii khamiistii, maamulka Puntland ayaa soo bandhigay shan dhalinyaro ah oo sheegay in ay kasoo baxsadeen Eritrea, kuwaas oo sheegay in dhalinyaradii tababarka loo qaaday qaar la dilay.

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Ra’iisal Wasaare Rooble oo magacaabay guddi baara cabashada…

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi baara cabashada waalidiinta Soomaaliyeed ee sheegay inaanay ka war hayn ubadkoodii tababarka loogu qaaday dalka Eritrea.

Guddigan oo shan xubnood ka kooban ayaa waxaa gudoomiye looga dhigay Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji.

Nagala soo xiriir Wararka Maanta

Wararka Maanta!

Wararka Maanta :   Dowladda Kenya oo dib u fasaxday duulimaadyadii diyaaradaha Soomaaliya iyo ...
Continue Reading

Qaybaha

Advertisement

Wararka Isbuuca