Connect with us

Wararka Somali

DF oo shaacisay inay howl-gal ku dishay 15 ka tirsanaa Al-Shabaab – Ca…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ka warbixisay howl-gal qorsheysan oo ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose ee koonfurta wadanka Soomaaliya.

Howl-galka oo mid ballaaran ayaa waxaa ay ciidamadu ku bartilmaameedsadeen deegaano ay ku dhuumaaleysanayeen dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ururka 16-aad ee Danab oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaca ka qaaday inay howl-galkan ku khaarijiyeen illaa 15 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Wararka Maanta :   Rooble oo amar siiyey guddiga amniga doorashada + Sawirro - Caasimada ...

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay inay burburiyeen xarumo gaar ah oo ay xoogaga Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanada laga sameeyey howl-gallada, isla-markaana ay cagta mariyeen goobahaasi oo ay ku sheegeen in laga soo abaabuli jiray weeraro.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howl-galkan ee ay guulaha ka sheegteen ciidamada Danab ee Xoogga dalka.

Xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dadka deegaanka ay cabsi ka muujinayaan inuu dagaal ka dhaco halkaasi, maadaama haatan dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayo.

Jubbooyinka ayaa ka mid ah gobollada ay si aadka ah ugu xoogan yihiin dagaalyahanada kooxda Al-Shabaab oo weeraro kasoo abaabula halkaasi.

Wararka Maanta :   Qaxooti Soomaali ah oo dalka Uganda ugu geeriyooday Gaajo iyo COVID-19...

Si kastaba howl-galka Danab ka sameeyeen Jubbada Hoose ayaa qeyb ka ah howl-gallo saf ballaaran ah oo ciidamada huwanta ay ka wadaan koonfurta iyo bartamaha dalka.

Wararka Maanta Wararka Maanta Wararka Maanta

Wararka Maanta

Wararka Somali

Wafti Jabuuti ka socda oo soo gaadhay caasimada Somaliland ee Hargaysa

Wararka Maanta

Jimco, Luulyo, 23, 2021 (Wararka-Maanta) – Wasiirka wasaarada dhaqanka iyo dhalinyarada dalka Jamhuuriyada Jabuuti Marwo Hibo Muumin iyo wafti ay hogaaminayso, ayaa soo gaadhay caasimada Somaliland ee Hargaysa.Waftiga ka socda Jamhuuriyada Jabuuti ayaa Hargaysa u yimid in ay ka qayb galaan carwada bandhiga bugaagta ee caalamiga ah ee Hargaysa (Hargeisa International Book Fair) oo maalinta bari ee 24 bishan Luulyo ka furmi doonta Xarunta Dhaqanka ee Hargeisa.

Wafiga ayaa waxa madaarka Cigaal ee caasimada Hargaysa kusoo dhaweeyay wasiirka wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo wacyigalinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha dibadda Somaliland ahna ku simaha wasiirka Liibaan Yuusuf Cismaan.

Wararka Maanta :   Shil baabuur oo ka dhacay in u dhaxaysa Hargaysa iyo Berbera oo sababay...

Waxaa jira wufuud kale oo ka socota waddamada jaarka sida dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, oo soo gaadhaya magaalada Hargaysa si ay maalinta bari ah uga qayb galaan bandhiga bugaagta Hargeisa.

Abdilahi Abdi Rahman,

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Shil baabuur oo galaaftay nolosha dad rakaaba oo ka dhacay Boorama

Wararka Maanta

Jimco, Luulyo, 23, 2021 (Wararka-Maanta) – Wiil iyo gabadh dhalinyaro ah ayaa inta la ogyahay ku nafwaayay tiro kalena way ku dhaawacantay, shil baabuur oo ka dhacay meel aan ka fogayn hotelka Saw ee magaalada Boorama ee gobolka Awdal.Shilka galaaftay noloshada dhalinyaradan, ayaa ka dhashay kadib markii ay isku dhaceen gaadhi nooca loo yaqaano Vitz ta ah iyo Bas-caasi rakaab ah oo ay leedahay shirkada socdaalka alaabada iyo rakaabka ee Bari iyo Galbeed.

Wararka Maanta :   Barlamaanka Puntland oo isku khilaafay wax ka bedelka xeer hoosaadka golaha...

Shilalka baabuurta ayaa sanadkasta nolosha kumanaan qof ku galaafta deegaanada Somaliland, iyadoo shilkii ugu danbeeyay ee dad ku dhintaan uu 21 bishan Luulyo ka dhacay degmada Xamaas oo u dhaxaysa Hargaysa iyo Berbera.

Abdilahi Abdi Rahman,

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Raysal wasaaraha Soomaaliya oo xilka qaadis ku sameeyay laba Sarkaal oo…

Wararka Maanta

Jimco, Luulyo, 23, 2021 (Wararka-Maanta) – Raysal wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xilka qaadis ku sameeyay Agaasimahii Shaqaalaha hay’adda Nabadsugida Cabdullaahi Kulane iyo taliyahii Nabadsugida ee garoonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sheekh Cali.

Xilka qaadista lagu sameeyay labadaan masuul ayaa jawaab u aheyd talaabadii maanta garoonka Aadan Cadde loogu diiday iney ka dhoofaan muwaadiniin Soomaaliyeed oo uu ka mid ahaa guddoomiyahii hore ee gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji Macalimuu.

Afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahin Macalimuu oo goordhaw la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in muwaadiniintii maanta laga joojiyay iney duulaan ay xaq u lahayeen iney ka duulaan garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wararka Maanta :   Deg Deg: RW Rooble oo kala furay Qorshihii Villa Somalia, J/Land oo...

Dhawaan ayay aheyd markii Raysal wasaaraha Soomaaliya uu amar ku bixiyay inaanan garoonka Aadan Cadde laga celin karin muwaadin Soomaaliyeed oo doonaya inuu ka duulo garoonka, waxaana xilka qaadista labadan sarkaal ay imaaneysa xili maanta guddoomiyahii hore ee gobolka Gedo uu Raysal wasaare Rooble ka codsaday inuu xilka qaadis ku sameeyo Cabdulaahi Kulane oo ugu dambeyn xilka qaadis lagu sameeyay saacado kadib.

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

DEG DEG: Rooble oo xilalkii ka qaaday madax sare oo ka tirsan NISA + S…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhoweyd xilalkii ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Taliyihii Nabad-sugidda ee groonka Aadan Cadde.

Afhayeenka xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Ibraahim Macalimu ayaa sheegay in Cabdullaahi Kullane iyo Cabdiwaab Sheekh Cali xilkii looga qaaday kadib markii ay ka hor-imaadeen amarkii Ra’iisal wasaaraha ee dhigayey in qofna lagu celin karin garoomada dalka.

“Ra’iisal wasaare Rooble asaga oo ka jawaabaya muwaadiniin Soomaaliyeed oo si sharci darro-da ah maanta looga hor istaagay inay ka dhoofan garoonka Aadan Cadde, waxa uu xilka ka qaaday Cabdullaahi Kullane, Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Cabdiwahaab Sheekh Cali, Taliyihii Nabad-sugidda ee groonka Aadan Cadde,” ayuu yiri Afhayeenka xukuumadda.

Wararka Maanta :   Wasiir Saajin "30 kii sano ee Soomaaliya jirtay Awdal baa ugu liidatay"

Sidoo kale waxa uu afhayeenka sii xoojiyey in marnaba loo dulqaadan karin in qof muwaadin ah lagu celiyo garoomada dalka, xili la filayo in dalka ka qabsoomto doorashooyinkii lagu heshiiyey 27-kii May.

Xil ka qaadista uu goordhoweyd sameeyay Ra’iisal wasaaraha ayaa daba socota dhacdo saaka garoonka Muqdisho loogu xanibay guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo, Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu).

Cismaan Macalimuu oo saaka warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay tahay markii Afaraad ee laga celiyo garoonka, islamarkaana la is-hortaago in uu u safro Garbahaarey, taasi oo uu sheegay inay ka dambeeyan Farmaajo iyo Cabdullaahi Kulane.

Wararka Maanta :   Guddigii dib u heshiisiinta gobolka Gedo oo ku guulaystay in xal laga gaaro...

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Guddoomiyihii hore gobolka Gedo oo sheegay in mar kale laga celiyay…

Wararka Maanta

Jimco, Luulyo, 23, 2021 (Wararka-Maanta) – Gudoomiyahii hore ee Gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalimuu), ayaa sheegay in hay’ada nabad sugida ay saaka mar kale ka celisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde isaga iyo wafdi la socday.Guddoomiyihii hore ee Gedo wuxuu sheegay amarka lagu celiyay inuu bixiyay taliye ku xigeenka hay’adda nabad sugida, Cabdullaahi Kulane.

“Saakay aniga iyo tiimkayga waxaan tagnay garoonka, anigoo qabay dareen ah in nala celin doono, balse ku kalsoon hadalkii raysal wasaaraha. Markii aan tagnay garoonka, qolyihii duulimaadka waxay noo sheegeen in aanan bixi Karin, ayuu yiri Cismaan Nuur.”

Wararka Maanta :   TPLF oo Sheegtay In ay La Wareegeen Magaalada Korem

Macalimoow wuxuu sheegay xanibaada lagu sameeyay in ay xadgudub ku tahay go’aankii R/Wasaare Rooble ee ahaa  in aan qofna laga celin karin garoomada diyaaradaha ee dalka.

“Waxaa ceeb ah in maanta raysal wasaarihii u sareeyay dalka, amarkiisa ciddii diiday, waxaan u maleynayaa in meel kale laga xukumo… Waxaan jawaab ka sugaynaa raysal wasaarha, waxaana ku qanci karnaa inuu kulane Jiis awoodda uu ku faanayo ka qaado,”ayuu yiri guddoomiyihii hor ee Gedo.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa maalmo ka hor faray laamaha socdaalka JFS in aan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee u kala safraya dalka loo xannibi Karin sababo siyaasadeed.

Wararka Maanta :   Wasaaradda kalluumaysiga Soomaaliya oo beenisay in ay ku lug leedahay...

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Maxay tahay ujeeddada ay ISRAEL ka leedahay ku biiritaanka Midowga Afr…

Wararka Maanta

Jerusalem (Wararka Maanta) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israel ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in Israel ay dib ugu biirayso Midowga Afrika, iyadoo noqonaysa waddan kor jooge ah.

Tallaabadan ayaa sida uu qoray wargeys kasoo baxa Israel waxay timid ku dhawaad 20 sano kaddib markii Israel ay waysay xubinnimada ururkan wixii ka dambeeyay markii laga beddalay magaca ee la sameeyay Midowga Afrika.

Waxaa lagu soo warramay in safiirka u jooga Israel magaalada Addis Ababa uu warqadihiisa aqoonsiga u gudbiyay Guddoomiyaha Midowga Afrika, Mousa Faki Mahamat, si uu xubin kormeere ah uga noqdo ururka. Kulankaas ayaa ka dhacay xarunta AU ee caasimadda dalka Itoobiya.

Warbaahinta Israel ayaa soo xigatay Wasiirka Arrimaha Dibadda, Yair Lapid oo sheegay, “Maanta waxay dabbaal-dag u tahay xiriirka Israel iyo Afrika.”

Wararka Maanta :   Wasaaradda kalluumaysiga Soomaaliya oo beenisay in ay ku lug leedahay...

Wuxuu intaas ku daray: “Horumarkan dhinaca diblomaasiyadda ah waa natiijada dadaalkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda, laanteeda Afrika iyo safaaradaha Israel ee qaaradda Afrika.”

Wuxuu sidoo kale yidhi: “Tani waxay saxaysaa khaladaadkii jiray ku dhawaad labaatan sano, waana qayb muhiim ah oo ka mid ah xoojinta xiriirka dhinaca dibadda ee Israel.”

Lapid ayaa sheegay in Israel ay hadda xiriir fiican la leedahay 46 waddan oo ka tirsan Qaaradda Afrika.

Maamulka Falastiiniyiinta ayaa horayba door noocan oo kale ah ugu lahaa ururka Midowga Afrika.

Israel ayaa isku dayaysa in ay adkayso cilaaqaadka kala dhaxeeya 55-ta waddan ee xubnaha ka ah Midowga Afrika, sida ay tabiyeen warbaahinta dalkaas.

Arrimaha kale ee sababta u ah ku biirista AU waxaa ka mid ah in Israel ay doonayso sidii ay u badin lahayd waddamada ugu codeeya arrimaha ay ka doonayso hay’adaha caalamiga ah, sida Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

Wararka Maanta :   Xildhibaan Fiqi oo war kasoo saaray dagaalladii maanta - Caasimada Onl...

Waxaa kale oo ay Israel doonaysaa inay kala shaqeyso arrimo ay ka mid yihiin la dagaallanka argagixisada, xakamaynta Covid-19 iyo kobcinta ganacsiga beeraha.

Qaar ka mid ah bogagga internet-ka wax ku qora ee Israel ayaa shaaciyay in dowladda dalkaas ay dhawaan xiriirkii diblomaasiyadeed dib ula billowday dalalka Chad iyo Guinea, kuwaasoo ay horay xiriirka ugu jartay.

Sanadkii 2020-kii, Israel ayaa sidoo kale heshiisyo la saxiixatay Suudaan iyo Morocco.

Bishii May ee lasoo dhaafay, madaxa Midowga Afrika Mousa Faki Mahamat ayaa cambaareeyay duqaymihii ay Israel ka fulisay Marinka Qasa iyo weerarradii ay ciidamada Israel ka geysteen Masjidka Al-Aqsa.

Wararka Maanta :   Guddigii uu magacaabay Rooble oo ay ka maqan tahay Jubaland oo gaaray ...

Wuxuu xilligaas sheegay in militariga Israel ay sameynayeen “ficillo gurracan oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah”.

Faki ayaa sidoo kale shir Midowga Afrika ka dhacay sanadkii 2020-kii ku sheegay inuu kasoo horjeedo sida uu maamulkii Donald Trump u wajahayay qorshaha nabadeynta Bariga Dhexe. Sacab badan oo ay u sameeyeen ka qayb galeyaashii shirka ayuu ku kasbaday markii uu sheegay in “Trump ficilladiisa ay hagar daaminayeen xuquuqda dadka Falastiiniyiinta”.

Bayaan uu Faki soo saaray Khamiistii ayuu ku sheegay in Midowga Afrika uu “caddeeyay mowqifkiisa ku aaddan in labo dowladood oo iska barbar dhisan lagu xalliyo arrinta Falastiiniyiinta iyo Israel, taasina ay muhiim u tahay nabadda gobolka.”

 

Wararka Maanta

Continue Reading

Wararka Isbuuca