Connect with us

Wararka Somali

Dalalka la isku yiraahdo G7 oo ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya

Khamiis, May, 06, 2021 (Wararka-Maanta) – Shirka Wasiirada Arimaha Dibada ee wadamada barwaaqo sooranka ah (G7) oo todobaadkan ka dhacay London, ayaa war murtiyeeed kasoo baxay waxaa qeyb kamid ah looga hadlay arrimaha siyaasadeed ee Soomaaliya.Wadamada G7 ayaa sheegay in ay ka  walaacsan yihiin jahwareerka siyaasadeed ee Soomaaliya, isku dhacyadii rabshadaha watay ee u dhexeeyey dowladda iyo mucaaradka iyo cawaaqib-xumadii bani’aadamnimo ee ka dhalatay.

G7 waxay soo dhoweyeen ansixintii Baarlamaanka ee 1dii Maajo ee ahayd dib u bilaabista wadahadallada u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo hoggaamiyeyaasha Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka oo ujeeddadiisu tahay in la dhammaystiro qaabka doorashada ee ku saleysan heshiiskii 17-kii Sebtember.

Wararka Maanta :   Taliyihii hore ee NISA oo ay Muqdisho 'ku weerareen' ciidamada dowladda - WararkaMaanta

“Waxaan ka codsaneynaa madaxda Soomaaliya inay muujiyaan is xakameyn oo ay ka waantoobaan ficil kasta oo kicin kara xiisadaha siyaasadeed. Waa muhiim in dhammaan dhinacyada ay isdajiyaan oo ay ilaaliyaan xasilloonida iyo amniga Soomaaliya. Waxaan soo dhoweyneynaa go’aanka Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ay ku magacaabeen Ergey gaar ah waxaanan diyaar u nahay inaan taageerno dadaalladaas,” ayaa lagu yiri war murtiyeedka dalalka G7.

Wasiiradda arrimaha dibadda ee G7 waxay ka codsadeen madaxda Soomaaliya in ay ilaaliyaan waajibaadka ka saaran dadka Soomaaliyeed, si deg deg ahna heshiis uga gaaraan arrimaha harsan.

Wararka Maanta :   AMISOM oo laga dalbaday inay la socoto dhaqaaqyada ciidamada DF Soomaaliya - Wararka Maanta

Waxay sheegeen haddii taa la waayo, in ay  horseedi doonto  in beesha caalamku wax ka bedesho qaabkii ay ula dhaqmi jirtay Soomaaliya.

Wararka-Maanta

Wararka Somali

Bankiga Dhexe Somaliya oo Liisanka Mobile Money guddoonsiiyay…

Bankiga Dhexe ee Somaliya ayaa maanta Shirkadda Isgaarsiinta Somtel guddoonsiyay ruqsadda adeegga lacagaha teleefanada leeskugu diro ee Mobile Money Licence.

Ruqsadan ayaa ahmiyad u leh sharciyaynta shirkadaha bixiya adeegan, xasilinta hab-maaliyadeedka dalka, ilaalinta hantida macaamiisha iyo tan shirkadaha gaarka loo lee yahay.

Adeegga lacagaha teleefanada ee Somtel bixiso (e-dahab) ayaa sanadihii ugu dambeeyay si weyn looga icticmalayay dalka.

Masuuliyiin uu ugu sareeyay Wasiirka Ganacsiga & Warshadaha Somaliya, Khaliif Cabdi Cumar ayaa ka qaybgalay munaasabadda Somtel lagu guddoonsiyay ruqsadan oo lagu qabtay Hotel Decale ee Magaalada Muqdisho.

Wararka Maanta :   Raysal wasaare Rooble iyo wafdigiisa oo goordhaw gaaray magaalada Jowhar

Wasiirka Ganacsiga oo munaasabadda ka hadlay ayaa marka hore bogaadiyay shirkadda la guddoonsiyay ruqsadan, oo buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa.

Wasiirka ayaa tilmaamay inay tani meesha ka saareyso nuglaanshaha adeegga maaliyadeed ee dalka, maalgelinta argagixisada, lacagaha la dhaqo iyo halista ku aaddan lacagaha aan nidaamsanayn.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in adeegani uu fududeeyo ganacsiyada yar yar, oo sida uu sheegay lafdhabar u ah dhaqaalaha bulshada Soomaaliyeed.

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ee Somaliya, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi ayaa Liisanka adeegga e-dahab guddoonsiiyay Maareeyaha Guud ee Dahabshiil Group, Xasan Cabdi Cawad.

Wararka Maanta :   Golaha Hoggaaminta beesha Habargidir oo war kasoo saaray xaaladda dalka - Wararka Maanta

Gudoomiyaha Bankiga Dhexe ayaa sheegay in Somtel ay noqonayso shirkaddii labaad oo hesho aqoonsigan caalamiga ah ee hannaanka maaliyadeed ee dalka.

27-kii bishii February ee sanadkan ayay ahayd markii ugu horeysay oo Baanka Dhexe uu bixiyo ruqsadda adeegga lacagaha teleefanada ee loo yaqaano Mobile Money Licence, oo xilligaa la guddoonsiiyay Hormuud Telecom.

Nagala soo xiriir Wararka Maanta

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Militeriga Soomaaliya oo ka hor-tegay qorshe ay damacsanaayeen…

Muqdisho (Wararka Maanta)- Faahfaahino ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal maanta ciidanka xoogga dalka iyo dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ku dhex-maray duleedka deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dagaalkii maanta oo si gaar ah uga dhacay tuulooyinka Busleey iyo Buulo-Aluundi ayaa waxaa qaaday ciidamada dowladda, kadib markii ay ka war-heleen weerar abaabulan oo uga soo wajahnaa dhanka Al-Shabaab.

Saraakiishii hoggaamineysay howlgalkaas ayaa sheegay in dagaalkii maanta ay Al-Shabaab uga dileen 7-dagaalame, sidoo kale ay ku dhaawaceen tiro kale.

Wararka Maanta :   Ciidamada Booliiska Somaliland oo Xabsiga Dhigay Wariye Aadan Cabdi Ciidle

Guutada 14-ka October militeriga Soomaaliya ayaa fulisay howgalkan lagu dilay dagalamayaasha ka tirsanaa Al-Shabaab.

Inta badan dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa weerarro gaadmo ah ku qaada saldhigyada ay ciidamada militeriga Soomaaliya ku leeyihiin gobolka Shabeellada Hoose, waxaana aad u yar weerarrada laga hor-tago oo ay soo abaabusho kooxdu.

Hase yeeshee ciidamda dowladda ayaa la sheegay inay maanta ka war heleen weerar culus oo kooxdu ay la damacsaneed fariisimo ay militeriga Soomaaliya ku leeyihiin deegaanka Janaale ee gobolka Shabeellada Hoose.

Wararka Maanta :   Madaxweynaha JSL oo Daah-furay Ololaha qaran ee tallaalka Xanuunka Covid-19 iyo madaxda qaranka ugu...

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Raysal Wasaaraha Soomaaliya oo magacaabay guddi soo baara xaaladda…

Sabti, Juun, 12, 2021 (Wararka-Maanta) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi soo baara cabashada waalidiin Soomaaliyeed oo sheegay in aysan war iyo wacaal ka helin carruurtoodii oo ay sheegeen in tababar loogu diray dalka Eritrea.Guddigan oo ka kooban shan xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah wasiirka gaashaandhigga, Xasan Xuseen Xaaji, waxaana xubno ka ah taliyaha ciiddanka xogga dalka iyo safiirka Ethiopia ee Soomaaliya.

Magacaacidda guddigan ayaa ka dhalatay qeylo dhaan soo laalaabatay oo ka timid waalidiin Soomaaliyeed oo ka cabanayay in carruurtooda laga qeyb galiyay dagaaladii ka dhacay Ethiopia.

Wararka Maanta :   Taliyihii hore ee NISA oo ay Muqdisho 'ku weerareen' ciidamada dowladda - WararkaMaanta

Maalintii khamiistii, maamulka Puntland ayaa soo bandhigay shan dhalinyaro ah oo sheegay in ay kasoo baxsadeen Eritrea, kuwaas oo sheegay in dhalinyaradii tababarka loo qaaday qaar la dilay.

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Ra’iisal Wasaare Rooble oo magacaabay guddi baara cabashada…

Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi baara cabashada waalidiinta Soomaaliyeed ee sheegay inaanay ka war hayn ubadkoodii tababarka loogu qaaday dalka Eritrea.

Guddigan oo shan xubnood ka kooban ayaa waxaa gudoomiye looga dhigay Wasiirka Gaashaandhigga Somaliya, Xasan Xuseen Xaaji.

Nagala soo xiriir Wararka Maanta

Wararka Maanta!

Wararka Maanta :   Raysal wasaare Rooble iyo wafdigiisa oo goordhaw gaaray magaalada Jowhar
Continue Reading

Qaybaha

Advertisement

Wararka Isbuuca