Connect with us

Wararka Somali

Dagaal saacado badan qaatay kadib Al-Shabaab oo la wareegtay Deynuunay iyo…

Wararka Maanta

Daynuunay (Wararka Maanta) – Dagaal saacado badan qaatay ayaa ciidamada Itoobiya ee ka tirsan howlgalka Midowga Africa ee AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya oo dhinac ah iyo Al-Shabaab ku dhex maray Deegaanka Daynuunay oo Magaalada Baydhabo u jirta qiyaastii 26km.

Kooxda Al-Shabaab ayaa weerar qorsheysan oo seddex jiho ah kusoo qaaday saldhigga ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Daynuunay, wuxuuna dagaalka oo ahaa mid la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan soo gaaray illaa barqaddii Maanta.

Wararka Maanta :   Golaha deegaanka magaalada Buuhoodle oo mayor u doortay haweenay

Dhawaqa hubka la isku adeegsanayey dagaalka ayaa waxaa laga maqlayey meel aad uga fog fog halka uu dagaalka ka dhacay, wuxuuna geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac  oo soo gaaray ciidamadii dagaalamay iyo dad shacab ah oo ku noolaa deegaanka.

Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalka, iyadoo saraakiil ka tirsan ciidamada Koonfur Galbeed oo dagaal qeyb ka ahaa ay sheegeyn inay iska difaaceyn weerarkii qorsheysnaa ee kaga yimid dhinac Al-Shabaab.

Wararka Maanta :   Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Saldhiga ciidanka deegaanka Biyo Cadde ee...

Saraakiishaas ayaa sheegay inay jab xoog leh gaarsiiyeen xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee weerarka soo qaaday, inkastoo aysan sheegin tirada rasmiga ah.

Dhinaca kale, Al-Shabaab oo dhankooda ka hadlay dagaalka ayaa waxaa ay sheegeen inay la wareegeen Saldhigyada Ciidamada dowladda ee deegaanka Daynuunay kadib weerar culus oo ay ku qaadeen.

Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee qeybta 60-aad ayaan weli si faahfaahsan uga hadlin dagaalka, waxaana aad u yar wararka laga heli karo dagaalka kadib markii isgaarsiinta hawada laga saaray.

Wararka Maanta :   Xukuumadda Sweden oo Weyday Kalsoonida Baarlamanka

Qaar ka tirsan dadka deegaanka ayaa sheegay inuu dagaalka istaagtay, inkastoo aysan jirin cid si rasmi ah u xaqiijin karta cidda gacanta ku heyso saldhigii lasoo weeraray.

Dhinaca kale weerar culus ayaa lagu qaaday laba saldhig oo ciidamada Itoobiya ku leeyihiin degmooyinka Xudur iyo Waajid balse lama oga khasaaraha ka dhashay weeraradaasi.

Wararka Maanta!

Wararka Somali

Faahfaahino kasoo baxaya guddoomiye Waaxeed lagu dilay degmada Deyniile

Wararka Maanta

Talaado, Juun, 22, 2021 (Wararka-Maanta) – Dableey Bastoolado ku hubeysnaa ayaa xalay waxay degmada deyniile ee gobolka Banaadir ku dileen guddoomiyahii Waaxda Kurdamac ee degmada Deyniile Cabdi Cabdulle Cismaan oo loo yaqaanay Cabdi Juge.Allah u naxariiste marxuumka ayaa la sheegay in kooxda hubeysneyd aay rasaas badan kala dhaceen marxuumka qeybaha sare ee jirkiisa taaso keentay inuu isla goobta ku geeriyoodo.

Maamulka deggmada Deyniile ayaa sheegay in ciidamada amaanka degmadaasi aay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah ragii dilka u geystay guddoomiye Cabdi Juge.

Wararka Maanta :   Guddiga uu magacaabay Rooble oo ballan-qaad muhiim ah ka helay QM -...

Xalay ayay aheyd markii sidoo kale degmada Baledweyne ee xarunta gobolka

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Haweeney ka tirsaneyd maamul degmo oo lagu dilay Muqdisho – Caasimada …

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Faah faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo saaka dabley hubeysan ay ka geysatay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Dilka ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay mid ka mid ah xaafadaha degmadaasi, waxaana loo geystay haweeney magaceeda lagu soo koobay Suldaano.

Wararka ayaa sheegaya in haweeneydaasi ay la shaqeyneysay maamulka degmada Karaan, isla-markaana ay ka tirsaneyd guddiga xalinta khilaafaadka maxkamadda degmadaasi.

Wararka Maanta :   Somaliland oo amar culus dul-dhigtay musharraxiintii guuleystay + sababta -...

Kooxihii ka dambeeyey toogashada marxuumadda ayaa goobta isaga baxsaday, kadib dhacdadaasi, sida ay goobjoogayaal u sheegeen Shabakadda Wararka Maanta.

Sidoo kale waxaa meesha uu dilku ka dhacay daqiiqado, kadib gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya oo baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Ma jiro sidoo kale weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Kaaraan oo ku aadan falkaasi dilka ah.

Waa dilkii labaad ee saacado gudahood ka dhacaya Muqdisho, waxaana xalay degmada Dayniile kooxo hubeysan ay ku dileen guddoomiye waaxeed ka tirsanaa degmadaasi.

Wararka Maanta :   Waa Kuma Xidiga Uu Jurgen Klopp Ka Dhigi Doono Kabtanka Afaraad Ee Reds.

Si kastaba maalmihii lasoo dhaafay ayaa waxaa gudaha caasimada ka dhacayey falal liddi ku ah amniga, sida dilal qorsheysan iyo qaraxyo geystay khasaare kala duwan.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran oo markale shir ku yeelanaya magaalada…

Wararka Maanta

Talaado, Juun, 22, 2021 (Wararka-Maanta) – Raysal wasaaraha Soomaaliya, madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xalay kulan kuwada yeeshay Aaladda wadahadalka khadka Zoom-ka.Kulanka xalay ku dhexmaray madaxda golaha wadatashiga qaran khadka Zoom-ka ayaa looga hadlay dardargelinta howlaha doorashoyinka dalka, waxayna isla meel dhigeen in Sabtiga soo socda isugu yimadaan magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale wararku sheegayaan in shirka aay isugu imaanayaan golaha wadatashi qaran aay hortagi doonaan guddiga farsamada arrimaha doorashooyinka dalka si aay usoo bandhigaan qorshayaasha ku saabsan doorashooyinka dalka ka dhaceyso.

Wararka Maanta :   Dalalka Khaliijka 'oo soo jeediyey' dalab cusub oo la xiriira wada-had...

Xafiiska Raysal wasaaraha Soomaaliya oo loo xilsaaray hirgelinta doorasho xor iyo xalaal inuu ka qabto dalka ayaa u muuqanaya mid dardargelinayo howlaha culus ee horyaala.

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Guddoomiyihii hore ee gobolka Gedo oo ‘lagu xayiray’ Muqdisho + Sababt…

Wararka Maanta

Muqdsho (Wararka Maanta) – Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Gedo Cismaan Nuux Xaaji (Macalimu) oo war qoraal ah soo saaray ayaa shaaciyey inuu ku xayiran yahay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, isaga oo baaq u diray ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Macalimu ayaa sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan hay’adda NISA ay ka dambeeyaan xayiraadiisa, isla-markaana laga hor istaagay inuu aado gobolka Gedo iyo qoyskiisa.

“Waxaa nasiib daro ah anigoo ah masuul heer Jubaland ah oo shaqo fiican lasoo qabtay dowladda, kusoo dhaweeyay gobolka ciidanka dowlada, lasoo halgamay usoo dakanoobay haykalka dowladnimo oo aan mucaarad ku ahayn nidaamka Nabad iyo Nolol in la ii ogolaan waayo in aan booqdo deegaankaygii, caruurtaydii iyo gurigii aan ku dhashay. Sababtana ma aqaan, balse kaliya waxaan  ogahay inay ka dambeeyaan foolxumadaan madaxda hayada NISA,” ayuu yiri guddoomiyihii ee maamulka gobolka Gedo.

Cismaan Nuux Xaaji ayaa xusay in tani ay muujineyso in amniga dalka aan si sax ah loogu wareejin ra’iisul wasaaraha, taasina ay beenowday, sida uu hadalka u dhigay.

Wararka Maanta :   Xubnaha cabashada laga gudbiyey ee guddiyada doorashada oo saacadaha soo...

“Dalku wuxuu galay jawi doorasho, waxaana Madaxwayne Farmaajo uu masuuliyadii nabadgalyada iyo doorashada gacanta u galiyay Raysalwasaare Rooble, balse waxaa muuqata in taasi ay beenowday oo amni la wareejiyay aysan jirin. Sababtoo ah waxaa jira dhibaato xoogan oo hayada NISA ku hayso masuuliyiintii kasoo jeeday Gobolka Gedo,”.

Ugu dambeyn wuxuu baaq u diray Ra’iisul wasaare Rooble, isaga oo ka dalbaday inuu guddi gaar ah u xil-saaro dhibaato uu sheegay inay ka jirto garoonka Aadan Cadde, taas oo lagu hayo mas’uuliyiinta Gedo, xildhibaanada iyo sidoo kale Senatorada kasoo jeeda gobolkaasi.

Halkan hoose ka aqriso:-

FARIIN KU SOCOTO XAFIISKA RW ROOBLE

Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogan gaar ahaan shacabka Jubaland waxaan u rajaynayaa guul barwaaqo, nabad midnimo iyo dooraaho xor ah.

Wararka Maanta :   Deg Deg: Dhoolatuska RW Rooble, Mucaaradka oo is dhiibay & Xogta Dacwad...

Waxaan ka tacsiyaynayaa dhibaatada ciidanka Kenya ay ku hayaan shacabka Gedo iyo Soomaalida ku sugan Nayroobi oo ay u dambaysay dilal qorshaysan iyo qafaalashada dad shacab u badan, kenya ha ogaato in Soomaali tashan doonto oo iska caabin doonto gardaradooda haddii aysan joojin. Looma dulqaadan karo xasuuqooda, aduunkiina waa ka aamusay.

Dalku wuxuu galay jawi doorasho, waxaana Madaxwayne Farmaajo uu masuuliyadii nabadgalyada iyo doorashada gacanta u galiyay Raysalwasaare Rooble, balse waxaa muuqata in taasi ay beenowday oo amni la wareejiyay aysan jirin. Sababtoo ah waxaa jira dhibaato xoogan oo hayada NISA ku hayso masuuliyiintii kasoo jeeday Gobolka Gedo, sida Xildhibaanada, Saraakiisha, Wariyaasha, Odoyaasha dhaqanka iyo cid kasta oo rabta inay ka dhoofto garoonka aadan cade oo u socota gobolka gedo.

Waxaa nasiib daro ah anigoo ah masuul heer jubaland ah oo shaqo fiican lasoo qabtay dowladda, kusoo dhaweeyay gobolka ciidanka dowlada, lasoo halgamay usoo dakanoobay haykalka dowladnimo oo aan mucaarad ku ahayn nidaamka Nabad iyo Nolol in la ii ogolaan waayo in aan booqdo deegaankaygii, caruurtaydii iyo gurigii aan ku dhashay. Sababtana ma aqaan, balse kaliya waxaan  ogahay inay ka dambeeyaan foolxumadaan madaxda hayada NISA.

Wararka Maanta :   Deg Deg: Turkiga oo ka farxiyey Militeriga Somaliya, Qorshaha Cusub ee MD...

BAAQ = RW ROOBLE waxaan ugu baaqayaa in uu guddi baara u saaro dhibaatada garoonka Aadan Cade ay ka wado hayada NISA ee lagu dhibaataynayo waxgaradka iyo siyaasiyiinta jubaland ee gobolka Gedo kasoo jeeda.

Sidee garbahaaray doorasho uga dhici kartaa iyadoo aan laga dhoofi karin garoonka aadan cade ? Yaa masuul ka ah amniga dalka ? Gedo soo dalka la wareejiyay amnigiisa kama mid ahan ? Ma Raysalwasaare Rooble baa amniga dalka masuul ka ah ? Mise Cabdulahi Kulane ?

Jawaab baan ka rabaa xafiiska pm Rooble. Waxaana bixin doonaa waraysiyo dheeraad ah iyo macluumaad dherraad ah oo aan saxaafada la wadaagi doono maalmaha soo socda insha allah.

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Somali

Guddiga la dagaalanka musuq maasuqa oo sheegay inuu la dagaalamidoono musuq…

Wararka Maanta

Talaado, Juun, 22, 2021 (Wararka-Maanta) – Guddiga madaxa-bannaan ee la-dagaalanka musuq maasuqa ayaa soo saaray war-saxaafadeed digniin ah oo uu ku caddeynayo awoodiisa iyo kaalinta uga aadan hanaanka loo qabanayo doorashoyinka dalka.Guddiga ayaa balan qaaday inuu adkeyn doono kaalintiisa ku aadan xaqiijinta inay dalka ka dhacdo doorasho daahfuran, caddaalad ah oo dimuqraadiyad ku saleysan iyo inuu kormeero maalgalinta iyo kharashaadka siyaasadeed, kana hortago ku tagri falka hantida qaranka xilliga doorashooyinka.

Wararka Maanta :   Taliska Xoogga dalka oo sheegay iney dileen 70 dagaalyahano ka tirsan...

Guddiga ayaa intaas ku sii daray inuu si dhow ula socon doono ficillada Guddiyada Doorashooyinka, ergooyinka iyo musharrixiinta si looga hortago nooc kasta oo khaladaad doorasho ah.

Wararka-Maanta

Continue Reading

Wararka Somali

Dhaawaca Saneey Cabdulle oo dibadda loo qaaday – Xog – Wararka Maanta…

Wararka Maanta

Muqdisho (Wararka Maanta) – Xubno kamid ah ehellada Korneel Saneey Cabdulle oo kamid ah saraakiishii ku dhaawacantay qaraxii Jimcihii ka dhacay degaanka Biya-cadde ayaa noo xaqiijiyay in Korneel loo qaaday dalka dibadiisa. 

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Korneelka galabkii Axadda loo qaaday dalka Turkiga, waxaana qaaditaankiisa iska kaashaday xubno kamid ah ehelkiisa, saraakiil iyo mas’uuliyiin ay xigto dhow yihiin oo ku jira dowladda Soomaaliya. 

Wararka ayaa intaas ku daraya in Korneelka oo dhaawiciisa loo arkay in uu fududyahay uu wajiga ka bararay 48-kii saac ee ugu dambeeyay, waxaana la sheegay in la isku raacay in dibadda loo qaado. 

Tan iyo markii uu dhaawacmay waxaa jiray dedaalo xoog leh oo ay wadeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda oo ay ku dalbanayeen in la geeyo Isbitaallada Muqdisho midkood, halka ehelladana ay diidanaayeen, waxaana la tacaalayay dhaqaatiir loogu keenay gurigiisa oo ku yaalla degmada Kaaraan ee Muqdisho. 

Wararka Maanta :   Guddiga uu magacaabay Rooble oo ballan-qaad muhiim ah ka helay QM -...

Dhaawaca Korneel Saneey Cabdulle ayaa uur ku taallo ku noqday xubnaha Mucaaradka oo u arkayay awoodda ugu weyn oo ay heestaan markii loo eego dagaalladii ay la galeen Farmaajo bishii April ee sanadkan, ee lagu diiday muddo kororsigiisa.

Waxaa ilaa hadda jira su’aalo badan oo ku geedaaman weerarkii lagu qaaday xeradii uu ku sugnaa ee degaanka Biya-Cadde, ayada oo farta lagu fiiqay ciidanka Gor Gor ee ka amar qaata Farmaajo.

“Qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee nagula soo weeraray waxaa lala soo dhaafay xero kale oo ay daganyihiin ciidamada Gor Gor iyagana gaariga ma qaban, ma rasaaseynin, gaarigana iyaga kuma leexan waana aagg aysan gaadiidku marin arrintaas shaki weyn ayey nagu abuurtay,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidankii gadoodka sameeyay ee ka tirsanaa 27-aad ee milateriga Soomaaliya. 

“Gor Gor dhamaantood waxay diideen in ay xero kula noolaadaan ciidankeena, wax nala cunaan, nala dagaal galaan, arrintaas shaki ayaa ka qabnay haddana gaariga waa soo dhaafyay waxay arrintaan u baahan tahay in la hubiyo,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaal ka tirsan qeybta 27-aad ee xoogga dalka, oo ahaa ciidankii gadoodka sameeyay ee ka hor-yimid muddo kororsiga Farmaajo.

Wararka Maanta :   Deg Deg: Dhoolatuska RW Rooble, Mucaaradka oo is dhiibay & Xogta Dacwad...

Wararka Maanta!

Continue Reading

Wararka Isbuuca